In kasta oo aan noqday siyaasi da’yar oo soo koraya, magaciisa iyo muuqiisana la yaqaanno codkiisana lagu xisaabtamo, haddana weli dalcaddii Kulmiye way igu dheerayd xilligaa oo waxaa weli dhoobnaa qamaamuur iyo qoor-weyn siyaasiyiin ah oo safka sii taagan, taas oo ay adag tahay in beryahan iyo beryahan wax fursad ah laga helo ayaan dareen kayga ka helayay. Fursadaha aad ka heli karto saaxadda siyaasaddu waa kuwo sidoodaba aad u kooban, haddana waxa dhici karta in fursaduhu kaaga soo baxaan meel aanad kaba filaynba. Sidaa darteed, waxaa lagama maarmaan ah inaad si quman uga faa’iidaysato fursadaha kula soo gudboonaada.

Qiyaastii waxay ahayd markii koowaad ee doorashadii madaxweynennimo dib loo dhigay ee ay golaha Guurtidu u kordhiyeen muddo-xileedkii xukuumaddii madaxweyne Daahir Riyaale. Doorashadaa dib loo dhigay waxay xisbiyadii mucaaridka ku keentay cunfi iyo cadho waxaana ka yimi culays badan oo siyaasi ah. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa raxan ka mid ah hal-doorkii xisbiga Kulmiye waxay ku shireen guri ku yaalla magaalada Hargeysa, waxaana isugu yimi rag siyaasiyiin ah oo miisaan weyn ku leh Xisbiga Kulmiye iyo dalkaba.

Kulankaa waxaa lagaga arrinsanayey sidii loo waajihi lahaa iyo wixii laga yeeli lahaa doorashadii dib loo dhigay, shirkana waxaa horjooge ka ahaa guddoomiyahii xisbiga ee xilligaa mudane Axmed Silanyo. Kaddib waxaa la galay dood adag oo aan waxba la isula hadhin, rag badan oo miisaan leh ayaa madashii aragtidooda iyo aaraahdooda ku soo ban dhigay.

Ninka uu yoolku saaran yahay ee warmaha lagu boobayaana waa Axmed Silanyo, waxaana daran doori ugu dhacaya hadallo iyo dood kulul. Guddoomiyaha waxaa lagula dul dhacay caadifad iyo cadho ka dhalatay doorashadii dib loo dhigay, waxaana lagu leeyahay maxaad taa.. iyo taa.. u samayn weyday, ama xisbi ahaan maynu sidan.. iyo sidaa.. yeelno!!

Kaddib, kulankii la isugu yimi qof ahaan waxaan ka dhiibtay dood mug iyo miisaanba leh waxaanan ka hadlay sidii aan wax u arkayey iyo halkii uu xalku iila muuqday. Arrintu si kastaba ha ahaatee, markii ay dooddii soo geba-gabowday ayaa guddoomiyihii uu gacanta ii taagay oo uu iigu yeedhay in aan agtiisa soo fadhiisto.

Dabadeedna guddoomiyiha agtiisa ayaan soo fadhiistay, kadibna wuxuu igu yidhi: “Adeer, aad baan ula dhacay habka iyo qaabka aad u dhiibatay dooddaada, gaar ahaan waxaan aad u jeclaystay odhaahdii ama weedhii aad halkaa ka tidhi, waxaanan jecelahay inaan qoro ee adeer bal ku soo celi!!” Markii uu guddoomiyuhu intaa yidhi, laba shay baa i haleelay, midina way ii xaqiiqowday!!

Labada shay ee i haleelay; ta koowaad waxay ahayd: hadalkii aan madasha ka idhi ee uu guddoomiyuhu iga codsaday inaan ugu soo celiyo si uu u qorto, markaan qalbigayga is idhi hadalkii ku celi oo sidiisii u dheh, waan iska baadhay laakiin waan odhan kari waayey!!! Markii aan doodda ku jiray hadalkaygu wuu ii sallaxnaa oo waxaan ahaa nin dariiq cad jeexday, laakiin markii dambe dareenkii iyo dhadhankii hadalku siduu ahaa baan waayey!! Dhinaca kale, qofka wax kaa dhegaysanaya ama wax kaa saxaya, wejigiisaad ka dareemi kartaa markuu kula dhacsan yahay iyo marka aannu kula dhacsanayn. Waxaan dareemay in guddoomiyaha laftiisu aannu ka helin ama aannu la dhicin sidii aan markii dambe hadalkayga u idhi. Mar, laba iyo saddexba waxaan is idhi hadalka sidii aan markii hore u idhi u dheh, balse waan isla heli waayey!! Dabadeedna guddoomiyihii waxaan ku idhi: adeer, waan godlanaa markii aan doodayey, laakiin imika kelmadihii aan idhi sidii isula heli maayo! Kaddib guddoomiyihii intuu aad u qoslay ayuu igu yidhi: Adeer waa sax, xaqiiqo jirta weeye, raggu marbuu godlan yahay, wax dhib ah ma lahee, caawa markaad gurigaaga tagto ee aad dib u soo xasuusato soo qor oo berri ii keen. Axmed Silanyo waa nin waayo arag ah oo soo maray hoggaamiyennimo oo garan kara marka ninku godlan yahay ee uu xubinta hadalka heli karo ama uu ereyadiisa bislayn karo.

Shayga labaad ee i haleelay wuxuu ahaa: Hadalkii uu guddoomiyuhu igu yidhi iyo xiisihii uu ii muujiyey waxay igu dhaliyeen dareen guubaabo oo toolmaan oo aniga si weyn ii dhiirri-geliyey. Axmed Silanyo oo aan garanayo raad-raaca taariikhdiisa, haybaddiisa, hoggaamintiisa iyo aftahamadiisa inuu aniga wax i moodo oo uu la dhaco hadalkii aan shirka ka idhi iyo aragtidayda siyaasiga ah oo uu weliba ku dhiirrado inuu fikirkayga si cad bulshada ugala soo dhex baxo; waxay aniga ii ahayd guul weyn iyo maamuus qaaya leh, taas oo kor u sii qaaday firfircoonidii, hankii iyo higsigii aan ka lahaa saaxadda siyaasadda isla markaana waxay ii xaqiijisay inaan wax noqon karo, waxaanay iga hor qaadday caqabad weyn.

Arrinta saddexaad ee ii xaqiiqowday waxay ahayd: In Axmed Silanyo uu yahay nin hoggaamiye soo saari kara mustaqbalka! Waxaa ii caddaatay inuu yahay hoggaamiye i gacan qaban kara. Waxaa ii xaqiiqowday in Axmed Silanyo uu yahay hoggaamiye aan eegayn hebellada ay bulshadu magacooda iyo muuqoodaba taqaano, balse eegaya oo ku xulanaya tayada, kartida, aragtida iyo afkaarta uu qofku la yimaaddo, da’da uu doonaba ha ahaadee! Taasina waxay ii sii bayaamisay aragtida toolmoom iyo tayada hoggaamiyennimo ee Axmed Silanyo leeyahay.

Waxa aannu Silanyo caan ku ahaa inuu dhegaysto hadalka oo aad u dhugto kalana soo baxo midhka iyo murtida, runtii waxaan sii aaminay hoggaamintiisa oo ay niyad sami badani iiga sii korodhay xilligaa waana sida lagu yaqaan hoggaamiye wanaagsan, wuxuu yidhi qoraaga caanka ah ee John C. Maxwell “when people respect someone as a person, they admire him/her, when they admire him/her as a friend, they love him/her, when they love as a leader, they follow him/her”.

Haseyeeshee, qofka dhallinyarada ahi inta aannu siyaasadda gelin, waxa muhiim ah inuu sahan isku sameeyo, isla markaana uu ogaado waxa uu ku wanaagsan yahay, inuu ganacsi ku wanaagsan yahay, inuu siyaasadda ku wanaagsan yahay, inuu Diinta ku wanaagsan yahay, weliba doorashadana uu ku xidhayo hadba waxa uu isagu jecel yahay inuu ka shaqeeyo, taasi ayaad dulqaad ugu yeelanaysaa ka midho dhalinta mihnada aad dooratay, waxaana markaaba kula gudboon suurto galkeeda iyo barashada caqabadaha kaaga gudban, waxaad yeelan kartaa doorasho kale oo aad ku qiimayso dadka aad kaga dayan karto mihnadda iyo tilmaanta aad ka heli karto dadka saxda ah.

Ma Qalloocshe wuxuu yidhi:

“Baali ma laha taariikhda iyo baalka sharafeed,

Danta guudba nimanbaw u banbaxa, oo tooda baal mara.

Bakhayladu mar bay haybsadaan baabka deeqsiga’e,

 

Nin bakhaar ku fiicnaa, haddii baanka loo tiriyo,

Bagaashlaydu kuma soo baxaan booska madaxeed’e

Baylah baa ninkeedii heshiyo, wiil badbaadshe ah”

Dhallinyarada xiisaysa siyaasadda waddo dheer ayaa ka horraysa, iyadoo marka horeba siyaasaddu tahay nolol ciil qab badan, qofku maalinba waxa uu ku ciilqabaa kursi ama derejo uu gaadho, maalin uu awood u ciil qabo iyo maalin uu ku ciil qabo cidda ka soo horjeedda sidii uu uga adkaan lahaa iwm. Iyadoo dhaqan siyaasadeed aannu ku soo dhawaynayn oo xataa haddii xilka aad si uun ku timaaddo aanad weli haysan qubuulka bulshada oo werwer laga qabo masuuliyaddaada. Waxaa iyadadu mushkilad kale ah tusaalayaasha xunxun ee kaa horreeya oo dhallinyaradii saaxadda siyaasadda ku soo biirtay in badan oo ka mid ahi ay fashilmeen ama raad xun ka tageen.

Fikirkaada Waa Muhiim