Komishankii Doorashooyinka Qaranka waxaan ka mid noqday bishii April 2007. Ujeeddada ugu muhiimsan ee aan u galay Komishanka Qaranka waxay ahayd, waxaan aad u xiisaynayey inaan beddelo jihadii iyo qaabkii ay noloshaydu u habaysnayd. Waxaan go’aansaday inaan ka wareego nidaamkii aan ilaa wakhtigaa u shaqaynayey ee shirkadaha khaaska ah iyo inaan anigu is dhiso, wax-barto, shaqaysto isla markaana aan ku koobnaado horumarrinta naftayda iyo ta qoyskayga oo keliya.

Waxaan u xadhko xidhay inaan u wareego xagga maamulka hay’adaha dawladda aniga oo aaminsanaa in aan dadkayga iyo dalkaygaba wax ku tari karo, isla markaana aan ku soo bandhigi karo kartidayda, aqoontayda iyo awoodaydaba.

Dabcan, marnaba igamay madhnayn damaca, himilada iyo hanka ah inaan wax noqdo ama aan higsado meel qalbigayga ku jirta oo aan doonayo inaan maalin maalmaha ka mid ah gaadho! Hal ku dhigyada aan aadka u jecelahay ee ku celceliyo ayay ahaan jirtay tuducyadan Hadraawi: (Marka aad nin himilada, hilin toosan mariyoo, hir markii la gaadhaba, mid labaad hilaadshoo, haga maatidiisoo, la higsado dhashaa baa, Hooyo lagu xasuustaa).

Komishinka waxaa iiga soo bidhaantay fursad aan Sallaanka Siyaasadda ka kori karo, isla markaana aan cagta ku saari lahaa hilinkii maamulka hay’adaha dawladda oo aan uga sii gudbo hoggaaminta iyo siyaasadda. Markii ay igu dhalatay inaan ka mid noqdo Komishanka Doorashooyinka Qaranka, sidii aan u xaqiijin lahaa ee aan fikirkaygii ugu beddeli lahaa ficil, waxaan fikraddii ula tagay oo aan ka talo-galiyey rag aannu ahayn saaxiibbo aad isugu dhow oo talo-wadaag aannu lahayn.

Go’aankii aan qaatay iyo dareenkii igu jiray xagga siyaasadda wuxuu ku soo beegmay xaalad kala guur ah oo xilligaa curatay. Waxay ahayd markii madaxweynihii hore Mudane Daahir Riyaale Kaahin uu kala diray Komishankii ugu horreeyey ee Doorashooyinka Qaranka. Marxaladdaa cusub ee la galay, waxay sii kobcisay oo ay igu dhiirri-gelisay dareenkii iyo damacii igu jiray ee ahaa inaan ku biiro Komishankii Doorashooyinka Qaranka, madaama ay dufcaddii hore ee Komishanku meesha ka baxeen, aniga oo fursaddaa ka faa’iidaysanaya waxaan markiiba abbaaray xisbiga KULMIYE oo aan taageeri jirey siyaasaddiisa. Ka dibna waxaan abaabulay koox saaxiibbaday ah, waxaanan u soo bandhigay fikirkaygii, waxaanan ku idhi. Nimanyohow waxaan doonayaa inaan galo Komishanka Doorashooyinka Qaranka oo aan qabto Xubinta. Xisbiga Kulmiye ku yeelan doono Komishanka. Aqoontii iyo kartidii aan xilkaa ku gudan lahaana waan leeyahay, sidaa darteed waxaan saaxiibbayaal idinka codsanayaa inaad himiladaydaa igu taageertaan. Raggii aannu saaxiibada ahayn badankoodu si mug iyo miisaanba leh ayay fikirkayga u soo dhoweeyeen waxayna balanqaadeen inay ila ololeeyaan. Maalintii dambe, saaxiibbaday ayaannu israacnay annaga oo gurigiisa ku booqanay guddoomiyihii xisbiga Kulmiye ee berigaa mudane Axmed Silanyo oo aannu aqoon horena isku lahayn, ka dibna waxa aannu u soo ban-dhignay fikirkii aannu ku wada soconnay.

In kasta oo uu fikirkii la dhacay, haddana habeenkaa aannu booqashadu ugu tagnay nama aqbalin waxanan dareensanaa inuu waxoogaa naga gaws-qabsaday, Waqtigaa waxaa ka muuqatay in uu doonayo in uu ka dhigo xubinta Haweenay. Dabadeedna waxaan bilaabay inaan galo olole culus, waxaanan fadhiga ka soo kiciyey rag badan oo haldoor ah, xagga odaygana miisaan ku leh si ay arrinta iila riixaan.

Arrintu si kastaba ha ahaatee, ugu dambayntii waxaan ku guulaystay in guddoomiyihii xisbigu uu ku qanco in aniga la ii magacaabo xubintii Komishanka ee Xisbiga Kulmiye. Run ahaantii waxaanan marnaba illaawi karayn taageeradii ay i siiyeen saaxiibbaday oo rag badan ahaa, gaar ahaan kaalintii uu ku lahaa in aan xilkaa helo nin la yidhaa Jaamac Oday (ninkaas oo markii dambe aannu siyaasadda ku kala leexannay).

Sidoo kale, waxa iyaguna jiray rag badan oo siyaasiin ah oo hal-door ah iyo dhallinyaro badan oo fikirkayga taageeray aadna iila riixay sidii aan xilkaa u heli lahaa, kuwaasoo magacyadooda aanan halkan ku soo koobi karayn, isla markaana aan jecelahay inaan halkan uga mahad-naqo. Waxa kale oo aan jecelahay inaan si gaar ah u xuso nin dhallinyaro ah oo la yidhaahdo Cali-Bikolo oo isaguna tartan ugu jiray jagada Komishanka kaas oo dabaday guddoomiyaha u tagay, laakiin uu Axmed Silanyo dhallinyaradii ku yidhi “anigu Xirsi baan ku qancay, laakiinse bal idinku labadaa nin soo kala reeba”.

Kaddibna aniga iyo saaxiibbaday ayaa Cali-Bikolo si gaar ula kulanay, waxa aannu u soo jeedinnay inuu xilkaa Komishanka iiga hadho, Nasiib wanaag wuu naga aqbalay inuu iiga tanaasulo, dabadeedna labadayadii oo wada soconna oo isu waafaqsan ayaa guddoomiyihii Xisbiga Kulmiye u wada tagnay, sidii buu guddoomiyuhu xilkii iigu magacaabay.

Komishanka Doorashooyinka Qaranku (KDQ) waa hay’ad Dawladeed oo distoori ah oo hawlaheeda ugu muhiimsani ay yihiin inay maamusho, isu-dubbariddo, dhexdhexaadiso, ka garsoorto, isla markaana ay ku dhawaaqdo natiijooyinka ka soo baxa doorashooyinka. Haddaba, sababaha ugu muhiimsan ee aan u cugtay inaan ka mid noqdo KDQ iyo ujeeddooyinka aan ka lahaa waxay ahaayeen:

ü  In aan dalkayga iyo dadkayga u qabto shaqo muhiim ah, taas oo ii suurto-gelin karta inaan ku soo baxo taariikhdana ii geli karta, isla markaana aan ku muujin karo kartidayda iyo awooddayda qof ahaaneed.

ü  In aan tijaabiyo awoodda iyo kartida aan kaga midho-dhalin karo isla markaana aan guul ka gaadhi karo shaqo kale oo masuuliyad ahaan iyo culays ahaanba ka duwan tii aan hore u qaban jiray.

ü  Komishanka Doorashooyinka Qaranku maadaama uu yahay hay’adda laga rabo inay madaxweynaha markaa kursiga ku fadhiya ku tidhaa, marka laga helo: “Mudane madaxweyne doorashadii waa lagaa helay!!” Kii aan kursiga ku fadhiyina ay ku tidhaa: “Mudane, adigaa doorashadii helay ee kursigan ku fadhiiso!!”; KDQ waxaan u arkayey meel aan ku tijaabin karo ama aan ku soo ban-dhigi karo hoggaamintayda, maamulkayga, dhexdhexaadnimadayda, go’aan qaadashadayda, dhiirranaantayda iyo inaan si aan eex lahayn uga garsoori karo Caddaaladda iyo wixii aan u arko inay Xaq tahay.

ü  Komishanka Doorashooyinka Qaranku maadaama uu yahay hay’ad qaran oo sharci ah oo ka shaqaysa siyaasadda una shaqaysa siyaasiin, una garnaqaysa siyaasiin; KDQ waxaan u arkayey gole aan guud ahaanba ku fahmi karo oo aan ku baran karo jilayaasha siyaasadda ee uu ka soo bixi doono hoggaamiyihii qaranka, taasina ay ii fududayn doonto in aan la jaan-qaado siyaasadda si aan mustaqbalka isugu diyaariyo hoggaaminta bulshada iyo qarankayga.

Xubnihii cusbaa ee Komishinka Doorashooyinka Qaranka waxaa la soo xulay intii u dhaxaysay Feb-Aug 2007; laakiin, xilligii loogu tala-galay in Komishanka cusub lagu ansixiyo waxa waqtigii ka riday muran u dhexeeyey xukuumaddii talada haysay iyo xisbiga Kulmiye, kaddib markii ay golaha Wakiilladu dib u celiyeen labo xubnood oo ka mid ahaa saddexdii xubnood ee uu madaxweyne Daahir Riyaale soo magacaabay. Taasina waxay sababtay inuu dib u dhaco waqtigii loogu tala-galay in maxkamaddu na dhaariso dabadeedna aannu si rasmi ah shaqada ula wareegno. Arrintu si kastaba ha ahaatee, xubnihii ay wakiilladu ansixin waayeen madaxweyne Daahir Riyaale wuu soo beddelay dabadeedna wuxuu u gudbiyey golaha wakiillada si ay u ansixiyaan xubnihii Komishanka. Waxa xusid mudan, in aqlabiyaddii golaha wakiillada ee berigaa ay haysteen labadii xisbi mucaarid ee KULMIYE iyo UCID; waxaana si weyn looga sii saadaalinayey in ansixinta xubnihii cusbaa ee Komishanka ay ka dhici doonto hirdan xoog leh iyo is-muquunin siyaasadeed. Xubnihii cusbaa ee Komishinka Doorashooyinka waxa la ansixiyay intii u dhaxaysay Jun-Aug 2007. Siduu sharcigu dhigayo, xubin kasta oo ka mid ah Komishanku waxay ku ansaxaysay markay u codeeyaan (41+1 mudane). Markaan dib u yara jalleeco ansixintaydii, anigu waxaan ku baasay cod badan, waxaana ii codeeyey 54 mudane oo ka mid ahaa xubnihii golaha wakiillada ee fadhigii maalintaa ka soo qayb galay.

Ugu dambayntii, 7-dii xubnood ee ka koobnaa Komishanku waxaa la dhaariyay taariikhdu markay ahayd 08-Aug-2007; Shaqadayadiina waxa aannu bilawnay 09-Aug-2007. Waxa xusid mudan in xubnihii uu ka koobnaa Komishankii Doorashooyinka Qaranku ay tiro ahaan xagga xukuumadda u badnaayeen (3 ka mid 7-da xubnood ee K.D.Q madaxweynaha ayaa soo xulayay). Waxa kale oo iyana jirtay xurguf siyaasadeed oo kulul oo u dhaxaysay muxaafidka iyo mucaaridka. Iyadoo ay sidaa tahay oo arrimuhu aanay fududayn, haddana qaddarka iyo gar-gaarka Allah iyo dedaal culus oo aan sameeyey waxaan ku guulaystay inaan noqdo guddoomiye ku-xigeenkii K.D.Q. Xilkaa iyo masuuliyaddaa aan Komishanka ka qabtay waxay ii siyaadisay kalsooni iyo dhiirranaan aan ku gudan karo waajibaadkaygii shaqo, in kastoo ay mar walba i hor yaalleen wer-werkii iyo walaacii aan ka qabay xubnihii igu wehelinayey Komishanka.

Arrintu si kastaba ha ahaatee, magacaabistaydii waxay ku soo beegantay xaalad kala guur ah oo xilligaa taagnayd, waxana jiray caqabado adag oo i hor yaallay kuwaasoo u baahnaa inaan si dhab ah oo xil-kasnimo leh u waajaho. Caqabadahii xilligaa aniga ii muuqday waxa ka mid ahaa:

  1. Waa markii iigu horraysay ee aan qabto masuuliyad qaran iyo xil ummadda oo dhan u dhexeeya, kaasoo sharcigu qaranku uu igu qasbayey inaan u noqdo siidhiwale ama garsoore si cadliya u dhex-dhexaadiya.

  2. Wuxuu ahaa xilli ay sii dhammaanaysay muddo-xileedkii xukuumaddii talada haysay ee madaxweyne Daahir Riyaale. Xaaladda iyo jawiga siyaasadeed ee xilligaa dalka ka jiray waxay ahaayeen kuwo aad u kulul oo sii xoogeeyey loollankii iyo hirdankii siyaasadeed ee u dhexeeyey Xisbiyadii siyaasadda ee dalka ka jiray.

  3. Waxa dalka berigaa ka jiray xisbiyo mucaarid KULMIYE iyo UCID oo aad u awood badnaa, kuwaasoo weliba haystay aqlabiyaddii kuraasta golaha wakiillada (49/82). weliba waxa aad u sii dar-dar iyo awoodba badnaa Xisbiga Kulmiye.

Haddaba, xaaladda iyo jawiga siyaasadeed ee xilligaa dalka ka jiray waxay ahaayeen kuwo lahaa muuqaalka kor ku xusan, kaasoo aad u kakanaa. Wax ka qabashadooduna waxay u baahnayd in daraasaad badan oo qoto dheer lagu sameeyo isla markaana si deggen loo waajaho oo si dhex-dhexaad ah loo dhex galo. Xubnihii cusbaa ee loo magacaabay Komishanka Qaranka ee aan ka midka ahaa, dabcan ma jirin iskuul aannu ka soo baxnay oo lagu barto Komishannimada, waxa aannu ku soconnayna waxay ahayd waayo-aragnimada iyo maan-kaaga la kaasho, iyo in aannu la qabsanno kolba wixii ay noloshu na barto (trial and error). Xubnihii Komishanka waxa hor yaallay hawl aad u culus, xilka iyo masuuliyadda saarraana waxay ahayd inay dhex-dhexaad u noqdaan dhinacyadii ku loollamayey siyaasadda iyo talada dalka, kuwaasoo kala ahaa:

  1. Xukuumaddii talada haysay ee madaxweyne Daahir Riyaale oo ka koobnayd kudlad adag oo isku xidhan oo wasiirro ah iyo xisbi xaakimkii UDUB. Xukuumaddaasi waxay aad xariif ugu ahayd dib-u-dhigista doorashada, waxayna doonaysay inay kursiga ku sii fadhido!!

  2. Dhinaca kalena waxay ahaayeen labadii xisbi mucaarid ee KULMIYE iyo UCID oo run ahaantii aad u awood badnaa oo weliba kaashanayey awood kale oo distoori ah, maadama marka labadoodu la isu daro ay haysteen aqlabiyaddii kuraasida golaha wakiillada.

  3. Ururradii Siyaasadda ee waqtigaa dalka lagaga dhawaaqay waxa ugu dar-dar badnaa urur siyasadedkii QARAN oo ku doodayey in la furo ururrada siyaasadda isla markaana xukuumadda ka dalbaday in ururkooda loo diwaangeliyo. Xilligaa isaga ah, ma jirin ama may dhammays tirnayn shuruucdii oggolaanayey furitaanka ururrada siyaasadda. Xukuumaddii Daahir Riyaale ayaa xidhxidhay madaxdii ugu sarraysay ee urur siyasadedkii QARAN taasina waxay sii kordhisay muruggii siyaasadeed ee dalka ka jiray.

Arrintu si kastaba ha ahaatee, Komishanka waxa lagu magacaabay nidaam iyo shuruuc, sababta ugu muhiimsan ee loo magacaabayna waxay ahayd inay si hab-sami leh oo xilkasnimo leh isugu dubbaridaan waxna uga qabtaan masuuliyadihii uu sharcigu ku waajibiyey. Komishinku wuu cusbaa waxana sugayay hawlo aad u waawayn, jawigii siyaasadda ee xilligaasina waxa ka jiray is-maandhaaf iyo khilaaf ba’an oo u dhaxeeyey golaha wakiillada oo mucaaradku hoggaaminayay iyo golaha fulinta ee xukuumadda oo uu madaxweynuhu hoggaanka u hayay. Sidoo kale, xisbiga mucaaridka ah ee Kulmiye iyo xukuumadda waxa ka dhex jiray muran siyaasadeed ku sii xoogeystey xulista iyo ansixinta xubnihii Komishinka taasina waxay keentay kala fogaansho iyo murug siyaasadeed oo hor leh. Hadal iyo dhammaantii, hawlahii baaxadda lahaa ee K.D.Q sugayeyna waxa ka mid ahaa:

1)     Diiwaangelinta Codbixiyayaasha (Voters Registration).

2)     Doorashada Dawladaha Hoose (Local Council Election).

3)     Doorashada Madaxtooyada (Presidential Election).

4)     Ururro Siyaasadeed oo jiray (Political Association).

Isla markii nala dhaariyay, Komishanka waxa u bilaabmay tababar iyo aqoon korodhsi (training) aannu ugu anbabaxnay magaalo madaxda dalka Ethoipia ee Addis-Ababa. Aqoon-korodhsigaa waxa soo qabanqaabisay hay’ad la shaqayn jirtay Komishinka oo la odhan jiray Interpeace, waxaana maalgeliyay safaarada Ingiriiska ee Addisababa. Aqoon korodhsigan waxaa Komishinka kala qayb galay hawlwadeeno iyo masuuliyiin ka kala socday:

  • Interpeace (Technical Assistant Institution of NEC)

  • IRI (International Republican Institute)

  • Donor Steering Committee. (DSC)

Gebgebadii iyo xidhitaankii aqoonkorodhsiga, Safaaradda Ingiriisku ee Addisababa waxay qabanqaabisay xaflad ballaadhan oo ka dhacday safaarada gudaheeda oo Komishinkana lagu marti qaaday isla markaana ay kala soo qayb galeen Safaarado iyo dublamaasiyiin ka kala socday waddamada. EU Commission, Norway, Sweden, Holland, Spain, Greece iyo Poland. Komishinka, Interpeace iyo IRI oo wada socdaa waxay waddamadaa ka codsadeen inay Jamhuuriyadda Somaliland ka caawiyaan hannaanka dimuquraadiyadda.Markii aannu shaqada la wareegnay Su’aashii ugu muhiimsanayd ee na hortaallay loona baahnaa in jawaab loo helo waxay ahayd: Hawlahan ina horyaalla sidee baynu u kala horraysiinaa?

  1. a) Ma diiwaangelinta Codbixiyeyaasha ayaynu horraysiinaa?

  2. b) Ma Doorashada Madaxtooyada ayaynu horraysiinaa?

  3. c) Mise Doorashada Dawladaha Hoose ayaa horraynaysa?

Waxa aannu bilownay in aannu kulamo wada-tashi la yeelanno saddexdii xisbi qaran ee dalka ka jiray (UDUB, UCID iyo KULMIYE) si loo heli karo heshiis qaran oo ku wajahan qaabka iyo wakhtiga la bilaabayo Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha iyo Doorashooyinka iyo sidoo kale midka soo horraynaya? (doorashooyin mise diwaangelin?!). Dhinaca kale, wakhtigii Doorashada Dawladaha Hoose iyo tii Madaxtooyada aad buu cidhiidhi u ahaa, sidoo kale waxa iyana jirtay Diwaangelintii Codbixiyeyaasha oo uu sharci ku waajibinayay Komishinka inay fuliyaan. Si kastaba ha ahaatee Komishanku waxay u baahnaayeen inay wakhti badan ku bixiyaan sidii loo samayn lahaa wax heshiis lagu yahay oo komishinku ku dhaqaaqo, maadaama ay xisbiyadu kala taagnaayeen mawqifyo aad u kala fod. Tusaale ahaan:

UCID : Waxaa ka go’nayd in Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha la horraysiiyo ka dibna doorashada la galo, waxaana ka muuqatay inay aaminsan yihiin in. Diiwaangelinta lagu dhammayn karo muddo kooban. UCID waxay jeclaysanayeen in labada doorasho ta madaxtooyada la horraysiiyo, ta Dawladaha Hoosena wakhti badan dib loo dhigo. Waxaanay mararka qaarkood ku hanjabeen in UCID aanay doorasho galayn hadii aan marka hore la qaban Diiwaangelinta.

UDUB: Waxay jeclaysanayeen in labada doorashoba dib loo dhigo lana galo Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha, waxaana ka muuqatay in Diiwaangelinta xoogga saarayaan, sidoo kale waxay ku adkaysanayeen in labada doorasho ay sidoodii u kala horreeyaan oo marka hore la galo tan Dawladaha Hoose ka dibna la galo ta Madaxtooyada.

KULMIYE: Xisbigii KULMIYE wuxuu ku doodayey in qabashada Doorashooyinku ay tahay muhimadda koowaad ee uu qarankani leeyahay, laakiin diwaangelintu aanay ahayn ujeeddada ugu muhiimsan balse ay tahay jidkii iyo farsamadii lagu xaqiijin lahaa doorashooyinka. KULMIYE waxaa ka go’nayd in la galo doorashada madaxtooyada, Diiwaangelinta iyo Doorashada Dawladaha Hoosana dib loo dhigo. Sidoo kale waxay u arkayeen in diwaangelintu ay wakhti badan u baahan tahay oo ay doorashadu ka muhiimsan tahay.

Ururrada Siyaasadda, Waxay ahayd 05|04|2007 markii magaalada Hargeysa lagaga dhawaaqay Urur siyaasadeed la magac baxay Qaran oo ay hoggaaminayaan siyaasiyiin caan ahaa oo dalka joogay, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen, Dr Gaboose iyo Maxamed Xaashi. Waxay ahayd mushkulad mar nala dhalatay iyo culays weyn oo annaga oo curdin ah nagu soo korodhay, waxa aannu ahayn hay’ad ka shaqaysa dimuquraadiyada markaa maanu taageeri karayn in la cabudhiyo, isla markaana sharcigu nooma saamaxayn in aannu u shaqayno, oo shaqadayadu waxay ku koobnayd qabashada doorashada iyo seddexda xisbi ee ururrada ka soo gudba.

KOMISHINKA: Waxaa naga guuxayay in aannu doorasho qabanno balse waxaa jiray faham odhanayey in lacagtii diiwaangelinta gacanta lagu hayo sidoo kale in Beesha Caalamku ay doonayaan in diwaangelin la qabto oo doorashada laga horraysiiyo, balse may jirin cid nagu khasabtay ama culays nagu saartay inaan qabanno diiwaangelinta oo aan ahayn xeerka diiwaangelinta iyo baahida loo qabo doorasho xor iyo xalaal oo qof waliba uu hal cod bixiyo.

Labadii xisbi ee UDUB iyo UCID ayaa isku raacay oo ku adkaystay in Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha la soo horraysiiyo. Arrintu si kastaba ha ahaatee, waxa aannu in muddo ah wadnay in aannu dhinac walba dhinacooda ula xaajoono si loo heli karo heshiis iyo is-faham lagu wada qanacsan yahay.

Komishinku waxay bilaabeen shirar is-daba joog ah oo ay la gelayaan xisbiyada qaranka si loo gaadho heshiis qaran oo ku wajahan Diiwaangelinta iyo Doorashooyinka. Waxaa la isku waafaqay in Diiwaangelintii Codbixiyeyaasha la soo horraysiiyo, isla markaana la sameeyo jaan-gooyo-waqti (time frame) taas oo ay ku qeexan tahay waqtiga ay hawl-waliba ku qabsoomayso iyo sida loo soo kala horraysiinayo: In Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha la horraysiiyo lana dhameeyo 10-ka Juun 2008. In Doorashada Dawladaha Hoose la galo 1-da July 2008. In Doorashada. Madaxtooyada la galo 31-ka Aug 2008.

Diiwaangelinta Codbixiyayaashu waa shay ay. Somaliland u baahnayd, si ay suurtogal u noqon karto inay dalka ka dhacaan doorashooyin xor ah oo xalaal ah oo qaf kastaa uu codkiisa hal mar uu dhiibto, isla markaana lagaga hor tegi karo in waraaqaha codaynta geed hoostii lala fadhiisto oo lagu soo shubto ama uu qofku codka ku noqnoqdo mar badan. Diiwaangelinta waxaa Komishinka Doorashooyinka Qaranka ku waajibinayay xeerka Diiwaangelinta Codbixiyayaasha ee xeer Lr 37/2007 Qodobka 3aad; kaasoo odhanaya: “Komishanka Doorashooyinka Qaranku isagoo la kaashanaaya Wasaaradda Arrimaha Gudaha waxaa uu dalka

Somaliland ka dhaqangelin doonaa hawsha Diiwaangelinta Codbixiyayaasha.” Waxaa kaloo Diwaangelintu waajibinayey heshiis dhex maray Komishinka iyo saddexda xisbi qaran 12 Oct 2007.

Habeen ka mid ah wakhtigii aan ku hawlanayn diwaan gelinta ayaa waxaa ii yimi nin la yidhaahdo Cumar Jaamac Faarax oo ka mid ah xisbigii UDUB ee talada hayey, waxa aannu ii sheegay in madaxweyne Riyaale i doonayo oo uu iisoo diray, jawiga siyaasadeed ee aan soo sheegay iima saamaxayn, waxaa ii soo magacaabay Kulmiye oo la ii tirinayaa xaggiisa, dabcan waxaan ku khasbanaa in aan ilaaliyo dhexdhexaadnimada, marka horena waxaa iska badnaa tuhunka in dawladdu faraha kula jirto inta badan ee xubnaha Komoshinka, iyadoo intaasi jiraan haddana madaxweynihii qaranka oo ii yeedhay, markii aan rogrogay waxay illa noqotay in aan u tago, ninkii ayaannu is raacnay waxa aannu u tagnay madaxweynihii oo fadhiga sare ee madaxtooyada nagu sugaya, wuxuu noo qaabilay si diiran, salaan iyo soo dhaweyn ka dib cabaar ayaannu sheekaysannay, nuxurkii kulanku wuxuu u badnaa xodxodaysho siyaasadeed, wuxuuna yidhi “Waxaad tahay nin firfircoon oo ka dhex muuqda xubnihii Komishinka markaa waxaan doonayaa in aynu wada shaqayno oo aad ila shaqayso” anigoo madaxweynaha ixtiraam u muujinaya isla markaana ilaashanaya shaqadaydii dhexdhexaadka ahayd iyo masuuliyadda i saaran waxaan ku idhi “Madaxweyne sida aad ogtahay shaqo waan haystey oo shirkaddaha dalka ugu waaweyn mid ka mid ah ayaan ka shaqayn jiray balse waxaan doonayaa in aan dhiso mustaqbalkayga waxaanan higsanayaa kursigaa aad ku fadhido, markaa waxaa kuu balanqaadayaa in aan dhex idiin ahaado adiga iyo musharixiinta mucaaradka Silanyo iyo Faysal”

Komishinka waxaa ka go’nayd diyaarinta miisaaniyadda iyo baadi-doonkeeda oo u baahnayd in loo bandhigo waddamada Somaliland ka caawiya doorashooyinka, Komshinka waxay talo la yeeshay sharciyaqaano muwaadiniin ah iyo kuwo shisheeye ah iyo khabiiro hore uga soo shaqeeyay doorashooyinkii hore. Waxayna dhammaantoodba sheegeen si looga hortago muran iyo is-maandhaaf sharci oo yimaadda, in loo baahanyahay in la gaadho hashiis qaran oo loo wada dhanyahay.

Arrintu si kastaba ha ahaatee, ka hor intii aan la saxeexin heshiishkii, Xisbiyada Mucaaradku waxay muujiyeen werwer ay qabaan oo ku wajahan Golaha Guurtida iyo in laga keeno dammaanad qaad in aanay wakhti kale u kordhinayn madaxweynaha. Sidoo kale, xisbiyada mucaaradka waxaa shuruudahooda ka mid ahaa in madaxweynaha ama madaxweyne ku xigeenku uu midkood heshiiska wax ka saxeexo. Komshinku waxay kulamo la yeesheen shir-guddoonka iyo guddida joogtada ah ee golaha Guurtida, waxayna ka codsadeen inay ixtiraamaan wixii arrin ah ama wakhti ah ee ay xisbiyada qaranka iyo Komishanku ku heshiiyaan.

Guddida joogtada ah ee golaha Guurtidu way ballan qaadeen inay ixtiraamayaan wixii lagu heshiiyo. Waxa iyana jirtay in shirgudoonkii Guurtida lagu casuumay inay yimaaddaan xafladda lagu sexeexayo heshiiskii xisbiyada si ay goob-joog uga noqdaan ugana caddeeyaan mawqifkooda ah inay ixtiraamayaan Heshiiskii ee dhex maraya xisbiyada qaranka iyo Komishinka Doorashooyinka. Balse nasiib darro kamay soo xaadirin xafladdii. Komshinku waxay shirar googoos ah la yeesheen madaxweynaha, Shirgudoonka golaha wakiilada iyo Shirgudoonka golaha Guurtida waxaanay ujeedadu ahayd in ay Komishinku u gudbiyaan goleyaashii farriintii ay kala kulmeen Beesha Caalamka oo ay ka mid ahayd in xadhiga laga sii daayo siyaasiyiinta ururka Qaran, lana dhawro hannaanka dimuquraadiyadda si loo helo nabadgelyo iyo maamul wanaagsan. Sidoo kale waxay xubnaha Komishinku ku dedaalayeen in goleyaasha qaranka la isu soo dhaweeyo.

Intaa ka bacdi, dhinacyadii ay khusaysay ayaannu heshiiskii ka wada saxeexnay dabadeedna shaqadii baanu bilownay. Annagoo ku mashquulsan qorshihii Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha, ayaa mudo xileedkii madaxweynu dhamaaday, dabadeedna Goloihii Guurtida ayaa Xukuumaddii talada haysay u kordhiyey mudo sanad ah muddo-xileedkii, ka bacdina waxa halkaa ka soo baxay waqti ka badan kii doorashadu u baahnayd. xisbiyadii mucaaridka ayaa kordhintii Guurtida si weyn uga hor yimid oo aad u dhaleeceeyey. Komishan ahaana arrintaasi waxay nagu sii karisay jawigii siyaasadda ee markii horeba iska cakirnaa.

Waxay ahayd 19, March 2008 markii ay urur waddani ahi soo qaban qaabiyeen kulan siyaasadeed ay ku tilmaameen dood cilmiyeed khusaysa dimuquraadiyada, waxaa loo yeedhay saddexda xisbi iyo maxakamada sare madaxdii urur-siyaasadeedkii Qaran iyo siyaasiyiin iyo madaxdhaqameed kale oo badan, hadalku waa dheeraa laakiin waxa qaatay Dr Gaboose oo ahaa nin siyaasadda aad ugu fiiro badan, una qodqod badnaa ayaa wuxuu yidhi “Halkan waxa fadhiya guddidii cusbayd ee komishanka ma dhaarsana, dhaar kale ayaa lagu dhaariyay, markaa sidee ayay daacad u noqon karaan hadii aanay dhaartiiba daacad ka ahayn, waxaanan odhan lahaa komishanka dib ha loo dhaariyo”.

Komishinka Waxaa nalagu dhaariyey dhaarta Dastuurka ee nalaguma dhaarrin dhaarta Xeer-Lr.20. oo waa runtii in aan dhaarta xeerkan nalagu dhaarin, iyadoo jawiga siyaasadeed markii horeba kacsanaa gudi ahaana xaaladaydu ciirciirayso ayuu sii huriyay oo gaas ku shubay, Maadaama oo aan madasha fadhiyay, wixii ka khaldan gudiddani ama aan ku diiddanahay waa meesheeda laakiin waxaa dariiqaygu ahaa in aan difaaco hay’adii aan ka tirsanaa ee sharci darrada lagu tilmaamay.

Waxaanan ugu jawaabay “Annaga waa nala dhaariyay, waxaa na dhaariyay guddoomiyaha maxakamada sare, dhaarta nalagu dhaariyayna waata Dastuurka ku taalla, runtii annagu waannu cusbayn, laakiin waxaan qiraynaa in nala dhaariyay markaa kol hadii Walle iyo Bille nalagu dhaariyay waxaan leeyay Gaboosaw waxaad dib ugu noqotaa ujeeddada dhaarta, waa kalsooni, hadii laba Gaal oo is qabay ay Diinta Islaamka soo galaan ma waxa la odhanayaa dib isu mehersada? Maya, Islaamku wuu ka xishoodaa, oo diintoodii ayay isku qabaan, waxay ahayd arrintaa in aad nagala xishooto, balse berri hadaad noo timaaddo oo tidhaahdo inaad daacad ii noqonaysaan ii dhaarta waannu kuu dhaaranaynaa.”

Xilgudashada iyo kolba sida aad uga soo baxdo xilka iyo masuuliyadda aad hayso ayaa saldhig u ah kalsoonida iyo aaminaadda ay bulshadu kugu qabto. Xilkii iyo masuuliyaddii aan ka hayey Komishankii Doorashooyinka Qaranka; marka ay noqoto xagga shaqada iyo xil-gudashada, waxaan ahaa qof shaqada ku wanaagsan; aadna looga hadal-hayo, qaybaha bulshada rayidka ah, Qaadhaan-bixiyeyaasha, xisbiyada mucaaridka, iwm. Xataa xubnahii Komishanka igula jiray oo inta badan shaqadoodu ay iska gaabis ahayd, marka ay noqoto hawl-karnimada, abaabulka iyo fulinta shaqada, waxay si fiican u qirayeen in aan ahaa maskaxda iyo mishiinka kala waday hawsha.

Arrintaa waxaa si cad uga marag-kacay qoraal ay soo saareen xafiiska EU-da ee DSC Nairobi oo berigaa soo saaray qoraal ay aniga iyo nin la odhan jiray Ismaaciil si mug leh noogu bogaadinayaan hawl-karnimadaya iyo sidaanu xilkayaga uga soo baxno. Qoraalkaasi waxay EU-du ku qireen in aniga iyo Ismaciil aannu ahayn labada qof ee shaqada kala wada, waxayna cid walba ku boorriyeen in nala taageero, maadaama xubno badani oo Komishanka ahi ay gaabis ahaayeen.

Xubnihii Komishanka Qaranka ee la magacaabay, iyadoo ay na sugaysay hawshaa culus ee baaxadda lihi, haddana waxa xusid mudan oo aan jecelahay inaan hoosta ka xarriiqo, in xubnihii cusbaa ee xilka naloo wada dhiibay ay badankoodu ahaayeen xubno aad u dabacsan (aqoon ahaan, karti ahaan iyo xagga go’aan qaadashaba) oo u muuqday inay xagga Xukuumaddii u jan-jeedheen. Xubnihii xilka igu wehelinayey badankoodu waxay ahaayeen xubno aanad marnaba ku raaxaysanayn wada-shaqayntooda.

Waxay ahayd 8, Sep 2007 marki annagoo wadna shirarkii aan xisbiyada aannu qaban jiray ee aannu ku doonaynay inay heshiis ka gaadhaan qaabka diiwaangelinta, sida doorashada loo kala horaysiinay iyo jedwelka doorashooyinka guud ahaan, markii ay maalin isla qaateen balse xisbi xaakimka ka yara caga jiidayo, ayaa Guddoomiyihii Komishinka Maxamed Yuusuf dibedda ula baxay telefoonkii gacanta (Mobile) ka dibna wuxuu nagu soo noqday isaga oo beddelan, wuu ila hadlay isaga oo gaar iila hadlaya waxa aannu ii sheegay, “Waxaa ila soo hadlay madaxweynihii oo arrintaa lagu heshiiyay wuu diiday, markaa arrintani socon mayso ee dib ayaynu ugu noqonayanaa” waan yaabay oo waxaan ku idhi “dee wixii haddii la isla gaadhay sidee uga noqonnaa, midda kale innagu miyaynaan dhex ahayn” guddoomiyihii mabuu qarin wuxuu yidhi arrintani soconmayso ee aan shir kale isugu nimaadno, isagoo weliba sheegay in madaxweynihii ay wada hadleen xisbiyadii mucaaradkuna aad ayay uga cadhoodeen.

Waxaa xaqiiqo ah in hibida bini-aadamka loogu deeqay ay ka mid tahay garashada lagu hilaadiyo mustaqbalka oo qofba Ilaahay in ka siiyey taas oo keenta saadaalinta waxa soo socda, waa waxa mararka qaar kood lagu tilmaamo indheer-garadnimo ama wax-fog arag, waanay dhacdaa in ay noqoto illhaam qofka loo nuuriyo ama Ilaah waafajiyo, sidii uu tilmaamay Nebi Maxamed markii uu sifaynayey Cumar Bin Khidaab “hadii ummaddayda wax lagu ilhaamiyo Cumar ayaa ka mid ah”?? iyadoo ay aqoonta iyo khibradduna xoojiyaan garashada noocan ah, waxaanay hilaadu qayb laxaad leh ka qaadataa maamulka iyo hoggaaminta, taas oo kor u qaadda qiimaha hoggaamiyaha nooc kasta oo uu yahay.

Maadaama oo aan muddo wada shaqaynaynay, waxaa ii muuqatay in komishinkii aan ka tirsanaa ay ku yarayd intooda badan daacadnimo, Karti, Hoggaaminta, ku-dhac, hal-adayg iyo ku-dhiirrasho ay ku gaadhaan go’aan adag oo xaq ah, go’aankaasoo dadka qaarna ka farxin kara, qaar kalena ka nixin kara. kooxdii aan ka tirsanaa may ahayn kuwii guusha iyo guul-darrada ka gar-naqi lahaa, ee ninna ku odhan lahaa waad guulaysatay, ka kalena ku odhan lahaa waa lagaa guulaystay si caddaaladda ah.

Waxaan aad uga werweraayay gudashada xilka aan hayo mar hadii saaxiibbaday kuwaa yihiin, waxaanan is waydiinayey mustaqbalka dalku muxuu noqon? mustaqbalkii xisbigii iyo taageerayaashii ku aaminay maxay noqon iyo mustaqbalkaagu muxuu noqon? anigoo maskaxda ku haya arrimahan aan soo xusay? waxaan qiimeeyey oo aan is hor dhigay saddex arrimood oo odhanaya:

1)     Nin dhallinyaro ah baad tahay shaqadan Komishankana adduunyo iyo hunguri umaad soo doonan, balse waxaad u soo doonatay inaad dalkaaga iyo dadkaaga u qabato shaqo muhiim ah oo taariikhda kuu gasha, isla markaana aad ku muujin karto kartida iyo awoodda qof ahaaneed. Haddaba haddii ay shaqadan K.D.Q ku sii socoto sidan ay hadda tahay, waxaad kala kulmi doontaa guul-darro taas oo aad ku sawirnaan doonto!!

2)     Muddadii aan hayey shaqadii Komishanka; waxaan dareensanaa dhacdo caam noqotay oo la xidhiidhay hawl-karnimadii iyo firfircoonidii aan muujiyey. Arrintaasi waxay ii samaysay in magacaygu uu aad u soo baxo, sumcad iyo kalsooni badanna aan ka helo bulsho-weynta, urrarada Qaadhaan-bixiyeyaasha iyo xisbiyada mucaaridkaba. Haddaba, waxaan is idhi haddii aad iska sii dhex joogto xubnahan Komishanka oo iyaguna kolba waxay doonaan isku raacaan oo u codeeyaan, waxa ii soo baxday in kalsoonidii la i siiyey iyo sumcaddii ay bulsho-weyntu ii haysay ay halkaa ku banjari doonto.

3)     Arrinta saddexaad ee i hortaallay waxay ahayd; xisbigii mucaaridka ahaa ee i soo magacaabay, waxay isu geeyeen kalsooni qayrul-caadi ah oo ay igu qabeen, marka laga tago hadal haynta suuqa waxaa jirtay habeen aan booqday guddoomihaha Kulmiye ee Axmed Silanyo taas oo uu jawi aad u sarreeya igu soo dhoweeyay oo inta uu istaagay salaan diirranna igu salaamay ku tiraabay “We are very proud of you, waxaan akhriyey qoraalka ay kaa qoreen xafiiska EU-da Nairobi oo qiray kaalinta aad kaga jirto Komishinka iyo kalsoonida dunidu kugu qabto”

4)     Xisbiga KULMIYE wuxuu aaminsanaa ninka shaqada K.D.Q kala wadaa waa Xirsi oo waxba idinka xumaan maayaan. Guuldarro kasta oo Xisbiga ka soo gaadha shaqadii Komishankana waxaan noqon doonaa qofka ku sawiran, xagga Xisbiga Kulmiyena waxaan ka noqon doonaa nin khaa’in ah. Ka bacdina waxaan is barbar dhigay kalsoonidii iyo amaanaddii la iga qabay iyo xaaladdii, dareenkii iyo karti-darradii ku gedaannaa xubnihii K.D.Q. ee aan ka tirsanaa!! Kaddibna waxaa ii soo baxay saadaal guuldarro oo aan ku sawiranahay! garashadaydii iyo damiirkaygiina waxay i siin waayeen in aan sii wado shaqadaa.

Dabadeedna waxaan go’aan ku gaadhay inaan shaqadii Komishanka ka tago. Inta aanan si rasmi ah isu casilin waxaan sii daayey war-saxaafadeed aan kaga warramayo xogta iyo xaaladda dhabta ah ee ka jirtay K.D.Q iyo sida ay xukuumadda qaar ka mid ahi gacanta ugula jirto hawlihii Komishanka. Maalintii dambe, waxaan goob joog ka ahaa khudbad uu Madaxweyne Daahir Rayaale ka hor jeediyey labada gole, khudbaddaana waxaan u fahmay inuu si adag ugu eedeeyey K.D.Q. isla markaana ugu hanjebay, Hadalladii uu Komishanka Qaranka ku durayey waxaa ka mid ahaa:

“Komiishanka Doorashooyinka Qaranka anoo marar badan oo hore idiin sheegay, waxaan idin leeyahay si mug leh u barta xeerarka tilmaamaya xil-gudashadiina oo kala ah Xeerka Doorashada Dawladaha Hoose iyo Madaxtooyada Xeer Lam, 20/2001 & Xeerka Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha ee Xeer Lam, 37/2007, la idiin kama fadhiyo in aad la timaaddaan aaraa iyo talooyin aan Xeerarka ku aroorin, ka baaqsashada aad ka baaqsataan waajibaadka ku cad labadaa Xeer, waxay idin geyeysiin doonaan xil gudasho la’aan. Waxaana waajib idinku ah in aad u raacdaan Xeerarkaas siday u kala horreeyaan, ogaadana in aad tihiin hay’ad fullineed ee aydaan aheyn hay’ad xeer dejineed”.

Madaxweyne Rayaale Gebagebadii wuxuu hadalkiisii ku soo gunaanaday hadal duur-xul ah oo loo fahmi karayey in Komishinka Qaranka lagu hadidayo oo loogu hanjebayo “ciddii sharciga ku dhaqmi waydaa way saqiiri doontaa!!”

Eedayntii iyo dhaliishii uu madaxweyne Rayaale noo soo jeediyey waxay soo dedejisay go’aankaygii markii horeba ii sii qorshaysnaa, iyadoo aan go’aansaday meel magac-leh kaga tag, Waxaan soo diyaariyey qoraal dheer oo aan si qoto dheer u lafo-guray xaaladda Komishinka. Isla markii uu madaxweynuhu khudbaddiisii dhammeeyeyna waxaan qabtay shirjaraa’id, ka dibna waxaan akhriyey qoraalkii aan soo diyaariyey. Shirkaa jaraa’id waxaan ku faahfaahiyey oo aan si weyn ugu lafo-guray xogtii jirtay, waxaan aaminsanaa iyo sidaan wax u arkayeyba.

Shirkii jaraa’id iyo qoraalkaygii dheeraa ee xog-warranka ahaa xukuumaddii si weyn bay u taabtay aadna way uga gubatay, ka bacdina waxaa bilaabmay dirir iyo dagaal igu wajahan. Maalintii dambe ayaa la ii sheegay xubnihii looga yeedhay madaxtooyada, Komishankii ayaa shiray dabadeedna waxay igu war-galiyeen inay xilkii guddoomiye-ku-xigeenka Komishanka iga qaadayaan. Waxaan ku idhi waaban idinka tagayaa! Waxay ahayd 05, May 2008 markii aan si rasmi ah uga tegay shaqadii uguna dhawaaqay in aan iska casilay xilkii aan ka hayey iyo xubinnimadaydii Komishanka Doorashooyinka Qaranka.

Ujeeddada ugu weyn ee aan shaqadii Komishanka u doontay waxay ahayd inaan dalkayga iyo dadkayga u qabto shaqo muhiim ah oo ii suurto-gelin karta inaan qof ahaan kaalin muhiima ka galo dalkayga, isla markaana aan ku muujin karo qofka aan ahay, Kaddib markii aan iska casilay xilkii iyo xubin-nimadii Komishankii Doorashooyinka Qaranka, qaybo badan oo bulshada ka mid ahi way taageereen, iigana garaabeen go’aankii aan qaatay. Dhinaca kale, Xisbigii Kulmiye ee i magacaabay oo uu xilligaa guddoomiye ka ahaa Axmed Silaanyo, waxa qayb ahaan iga soo gaadhay dhaleecayn iyo eed culus oo dusha la iiga tuuray, maadaama ay go’aankaygii is-casilaadda ah u arkayeen mid aan ku deg-degay oo aanan iyaga kala tashanin.

balse way igu adkayd inaan xisbigii i soo magacaabay aan la tashado, waayo dhowr jeer oo aan guddoomiyaha iyo madaxda kale oo xisbiga ah ku idhi: Waar nimanyohow waxaan ahay nin Komishan ah oo dhex ah, xisbigiinana kuma dhex milmi karo balse waxaan arkaa oo aan jecelahay inaan idiin sheego dhibta iyo carqaladaha Komishanka ka dhex jirta iyo mashaakilka halkaa ka soo socda! Laakiin la iima garaabin. Dhinaca kale, waxaan ogaa siday ii aamineen, taladooda iyo go’aankooduna wuu iska caddaa waanan ogaa inay igu odhan doonaan: “Waar meeshaba adigaa kala wada oo indho iyo dhegoba u ahe ha ka tegin!!” Guddoomiyihii iyo madaxdii kale ee Xisbiga Kulmiye 90% way aaminsanaayeen in mushkiladaha aan sheegayey yihiin kuwo jira oo xaqiiqo ah. Sidoo kale, way ogaayeen in xubnihii komishanku ay aad u jilicsanaayeen iyo sida ay Xukuumaddu faraha ugula jirtay hawlaha Komishanka; balse hoggaankii Kulmiye waxay iska sii jeclaysanyeen inaan meesha sii joogo, waxayna mar walba igu boorrinayeen in aanan ka tegin!!

Soomaalidu waxay tidhaahdaa “Geesi Allah ma xilo”, go’aan qaadashada guushaada dambe ayay horseed u noqon kartaa. Anigu waxaan dareensanaa oo saadaalinayay; haddii aan xubnaha Komishanka wax laga beddelin, in aan halkaa wax wanaag ahi ka soo soconin. Hase yeeshee, xisbigii Kulmiye waannu ku kala aragti duwanayn. Balse go’aankii aan qaatay ee aan kaga tagay shaqadii Komishanka wuxuu ahaa go’aan aanan marnaba isku canaananin ama aanan ka qoomamoon.

Wuxuu ahaa go’aan si mug leh iigu bidhaamiyey oddoroska mustaqbalka. Waxaanan ku suntay “Anigu shaqadii ka tagay, xubinnimadii Komishankana waan banneeyey, wixii jirayna waan sheegay, balse taariikhda ayaa sheegi doonta!” Si kastaba ha ahaatee, sannad ka bacdi markii aan shaqada ka tagay, waxa soo shaac-baxday guul-darradii iyo fashilaadii xubnihii Komishanka. Iyadoo in badan qirtay in ay dhaceen wixii aan sii sheegay, sumcad iyo garowshiiyo baaxad leh oo aan ka helay bulsho-weynta.

Kaddib markii Diwaangelintii Codbixiyeyaasha ee aan berigaa qorshaheeda ka qayb qaatay ee wax ka dejiyey ay dhammaatay, ayaa muuqaalka rasmiga ah toddobadii xubnood ay soo baxday iyadoo Komishankii lagu eedeeyey xil-gudasho-la’aan. Hadday yihiin labadii xisbi mucaarid, xisbigii dawladda, Qaadhaan-bixiyeyaasha, Interpeace; waxay dhamaantoodba ay isu waafaqeen in xubnihii K.D.Q ay gebi ahaanba fashilmeen, kaddibna waxay go’aan ku gaadheen in xubnihii K.D.Q xilka laga qaado, dhammaantoodba lagu khasbay inay is-casilaan. Xisbiyadii qaranka, xukuumaddii, goleyaashii qaranka, Qaadhaan-bixiyeyaasha iyo bulshadii rayidka ahaydba waxa u soo hoyatay guul-darro weyn, kaddib markii hawshii inta badan laga soo shaqaynayey ee muruq iyo maalba loo huray ay noqotay hal bacaad lagu lisay. Markay guul-darradaasi dhacday, waxay dani noqotay in dib loo yagleelo oo la qoro xubno cusub oo K.D.Q. ah. Xubnihii Komishanka Doorashooyinka Qaranku xil-gudasho la’aantii ay la yimaaddeen, waxay ahayd guul-darro iyo fashilaad weyn oo Qaranka ku habsatay, taas oo cid walba ku lahayd saamaynteeda.

Guul-darradaasi si gaar ah ayay ii taabanaysay waxayna igu lahayd saamayn TABAN iyo mid TOGAN labadaba!! Guuldarro kasta iyo hantaaqo kasta oo qaranka, dadka iyo dalkaba soo gaadha (ciddii doontaaba masuuliyaddeeda ha lahaatee), dabcan way i soo gaadhay waxayna igu leedahay saamayn TABAN. Laakiin, marka dhinac kale laga eego; waxay markii dambe ii noqotay markhaati iyo saadaashii aan hore u sheegay oo rumawday. Markay dhaceen wixii aan sheegayey ee aan ummadda uga sii digayay, ayay dabadeed GUUSHAYDII timid. Dadkii aan u sheegay in hawlihii Komishanka Qaranku ay faashil ku socdaan ayaa ii garaabay, bulshadiina siday u dhammayd way ii soo noqotay, AHN Gaarriye wuxuu yidhi “Ninka ugu ildheer baa dadka ugu ayaandaran”.

Siyaasadda looma shaqo tago ee waa adeeg bulsho iyo farshaxannimo hoggaamineed oo ummadda lagu hago hadba wixii suurtagal ah. Waxay leedahay saadaal lagu maleeyo mustaqbalka iyo mawaaqiif laga go’aan qaato oo raad ku yeesha mustaqbalka siyaasiga. Qaladka iyo saxda laguma qiimeeyo, lagumana kala saaro tirada dadka hawshaa wadda, saxda inaad ku keliyeysataa waa aragti dheeraan iyo garasho toolmoon oo hibo laguu siiyey haddii sidii aad uga saadaalisay ay u dhacdo. Qaladka in laysku raacaa waa macangagnimo, wixii aad u aragto in uu toosan yahay waa lagu adkaystaa.

Fikirkaada Waa Muhiim