Nolosha miyigu waa nolol adag, adayga ay leedahayna waxa si gaar ah u sii dareemi kara qofka da’da yar ama carruurta ah. Rafaadkii dadka iyo xaalladdii adkayd ee ay abaartii Dabadheer 1974 dhalisay, in kasta oo ahayd dhibaato dadkayga iyo dalkaygaba ku lahaa saamayn weyn oo dad iyo duunyaba lagu waayey, haddana aniga iyo intii ila da’da ahaydba waxay u ahayd fursad cusub oo aannu ku helnay waxbarasho isla markaana aannu kaga raysanay noloshii adkayd ee miyiga. Halkudhig caan ah ayaa yidhaahda “In every crisis there is an opportunity” – Dhibaato kasta fursad baa ku lammaan.

Waxbarashadaydii iigu horraysay waxaan ka bilaabay iskuul la odhan jiray Ganaane oo ku yaallay meesha la yidhaa Dujuuma. Wuxuu ahaa meel aan haba yaraatee lahayn saansaan iskuul: muu lahayn sibidh, albaab iyo daaqado midnaba. Fasalkaygii iigu horreeyey wuxuu ahaa waab hoostii ama dhawr laamood oo foodda la isu geliyey. Wax agab ama qalab waxbarasho u eg, waxa fasalkayga dhex yaallay sabuurad madow oo la sudhay tiir-dhexaadkii waabka. May jirin kuraas iyo wax kaloo lagu fadhiisto midnaba. Qof hela gambadh, ku hela daasad, qof dhagax ku fadhiista iyo mid dhulka fadhiistaba, arday walba wuxuu ku fadhiisan jiray kolba wixii uu helo.

Waxbarashadu waxay ahayd mid aad u tayo sarraysa, macallimiintayaduna waxay ahaayeen kuwo u tababbarnaa xirfadda waxbarashada iyo nidaamka barbaarrinta ardayda. Macallimiintu waxay waqti badan ku bixin jireen sidii ay wax noo bari lahaayeen. Subax kasta, ka hor intaan fasallada la gelin, waxa si nidaamsan safaf loo istaagi jiray fasallada hortooda waxana khasab ahayd in la qaado hees la odhan jiray “Guulwade Siyaad”.

Aniga iyo carruur kale oo aannu isku fasal ahayn waxaa na lagu daray wax la odhan jiray “Ubaxa Kacaanka,” waxana nala bari jiray heeso lagu ammaanayo hoggaanka dawladdii kacaanka. Heesihii kacaanka waxaan ka xusuustaa: “kuwii noo abaabulay, noo furay albaabbada, aabbaheen Siyaad iyo ilaah baa mahadda leh”. Gelinka dambe waxaannu tegi jirnay malcaamado Quraanka na lagu bari jiray. Guryaha aannu deggenayn waxay ahaayen guryo carshaan ah oo loogu talagalay in la dejiyo dadkii abaaraha ku tabaaloobay, guryaha dhexdooduna may lahayn koronto ama laydh. Habeenkii waxaannu casharrada ku akhrisan jirnay laydhka biraha jidadka (Street light) hoostooda oo aannu koox-koox wax u wada akhrisan jirnay.

Abaal aan duugoobayn waxaan u hayaa walaalahay aniga iga waaweynaa oo si weyn iiga caawin jiray xagga waxbarashada, oo nin walba kalaaskii uu ka baxay ayuu casharradiisa u sii gudbin jiray ka hoos uga yar. Taasi waxay i geyeysiisay inaan guud ahaanba waxbarashada ku fiicnaado. Inaan fasalkayga ugu xarriifsanaado oo aan mar walba ardayga kowaad/labaad noqdo in kasta oo ay ii keentay cadaawad ay ii qaadeen qaar ka mid ahaa carruurtii aannu isku kalaaska ahayn, haba ugu sii darnaato gabadhii fasalkayga horjoogaha (Alifle) u ahayd oo magaceeda la odhan jiray Biyood (Muumina). Muumina waxay maalin walba iga gudbin jirtay war been-abuur ah iyo denbiyo aanan samaynin oo ay u sheegi jirtay macallimiinta. Cadaawaddii ay gabadhaasi ii qaadday waxay markii dambe gaadhay in qoyskayaga iyo qoyskii Muumina ay isku laayeen. Qof kasta oo ka faa’iidaysta fursadaha nololeed ee la soo gudboonaada wuxuu ka gaadhi karaa guul iyo horumar. Guushana cid walba ma soo dhoweyso kumana faraxdo, gaar ahaan ciddii uu tartanku ka dhexeeyo.

Heer kasta oo ay tahayba noloshu waxay leedahay tartan loo tartamayo sidii uu qof walba uga faa’iidaysan lahaa fursadaha nololeed ee la soo gudboonaada. Waxaan ku soo koray nolol ay saldhig u tahay in qofku ku tooso hawsha markaa hortaalla isla markaana uu ka faa’iidaysto fursadaha nololeed ee la soo gudbonaada. Markaan xasuustaydii carruurnimo dib u raaco, maan ahayn keliya ardayga kalaaskayga ugu xarriifsan xagga tacliinta; balse waxa kale oo aan ahaa ardayda fasalkayga ugu yar, isla markaana xagga kubbadda cagta ugu liita.

In kasta oo sannadihii danbe ee dalku galay marxalad siyaasadeed oo qallafsan isla markaana ay hoos u dhaceen dhinac kasta adeegyada bulshadu, dhibaatadaasina ay saamayn iyo dib dhacba ku lahayd dedaalkaygii waxbarasho, haddana wakhtiyadaa adag ayaan ku soo dhammaystay inta badan marxaladihii aasaasiyaadka waxbarashada.

Waxaana la soo gaadhay in aannu wabarashadii iyo cilmiba kala fogaannay xilliyadii lagu jiray halgankii lagaga soo horjeeday dawladdii milateriga ahayd iyo hoggaamiyihii madaxa adkaa ee Siyaad Barre.

Balse markii Dawladdii dhexe ee Soomaaliya burburtay tacliintiina way sii burburtay oo lama helayn fursado wanaagsan oo tacliimeed. In kasta oo ay dhalatay Somaliland oo lagu dhawaaqay haddana may jirin muddooyinkii hore adeeg dawladeed oo waxbarasho iyo fursado kale oo waxbarasho marka laga tago iskuul khaas loo leeyahay oo ay magaalooyinka ka furteen muwaadiniin kala duwani. In kasta oo ay jireen dagaalladii sokeeye oo inta badan saamayn xun ku lahaa dalka guud ahaan, gaar ahaan degaannadayadii, haddana iskuul gaar loo leeyahay oo ku yaallay magaalada Burco oo la odhan jiray Universal waxaan ka bilaabay inaan barto luuqadda Ingiriisida, teebka iyo maaraynta xafiisyada.

Maadaama oo marba marka ka danbaysay uu dalku ka sii wanaagsanaanayey xagga nabadgelyada iyo degganaanshaha, waxay ii saamaxday in aan sii wato waxbarashadaydii dalka gudihiisa iyo debeddiisaba oo aan waxbarasho ugu baxay Dalka Hindiya iyo UK ilaa aan ka gaadhay Derajada labaad ee Jaamacadda Master, welina aan wado oo aanan joojin waxbarashadii.

Markii aan ka soo noqday Hindiya, waxaan aasaasay machad lagu dhigto culuumta Kombuyuutarka (Computer), maamulka iyo maaraynta, iyadoo ay hindisaha igu dhalisay dareenkii igu jiray oo ahaa in aan horumariyo aqoontii Farsamada IT-ga ee aan soo bartay kuna shaqaynayay xilligaa. Si aan u xoojiyo xirfadda shaqo iyo aqooneed, waxaan qorsheeyey in aan wax barta, waxna baro dadka. Waxaanay ka mid ahayd waxyaalihii igu kelifay in aan aasaaso oo aan bilaabo Machad la odhan jiray SITCO (Science and Information Technology College) oo aan ugu talagalay in laga barto qaybaha kala duwan ee culuumta.

Markii aan bilaabayey Machadkii SITCO, maan haysanin dhaqaale badan ama qalabkii iyo agabkii lagama maarmaanka ahaa ee lagu bilaabi lahaa Iskuulka. Agabka keliya ee aan haystay wuxuu ahaa hal Computer oo aan Hindiya kala imi iyo hal Computer oo uu lahaa nin aannu saaxiib nahay, saddex computer oo kalena waan amaahday. Shantaa computer baan dabadeed iskuulkii ku bilaabay. Waxa xusid mudan in aanan anigu isku ogayn inaan leeyahay hibo iyo haybad macallinimo oo aan arday wax ku bari karo, xilligaa ka horna kumaan soo shaqaynin shaqo macallinnimo. Laakiin, waxaan aaminsanaa in macallinnimadu aanay sideedaba ka soo hadhin kolba sida uu baruhu u diyaariyo casharrada uu bixinayo! Waqtigu aad buu cidhiidhi u ahaa, culays badan oo xagga shaqada ahina wuu i haystay, balse waxaan isku dayey inaan Iskuulkii waqti badan geliyo. Subixii 5 ilaa 6 subaxnimo ayaa waxaan bilaabi jiray inaan diyaariyo casharrada aan bixinayo maalinnimada iyo habeennimada. Maalintii iigu horraysay ee aan cashar bixiyo ee aan hor istaago fasal ay ardayi ka buuxdo, sidii aan u dhididay ee aan u far-ka-naxsanaa weli xasuustayda way ku sii sawiran tahay!

Arrintu si kastaba ha ahaatee, casharradii iigu horreeyey markaan bixiyey waxaan ka helay dhiirri-gelin iyo soo dhaweynba ardaydii aan wax u dhigayey kuwaasoo i dareensiiyey inay si fiican wax iiga fahmaan, sidoo kalena ay u bogeen qaabka aan casharrada ugu gudbinayo. Waxaan wax u dhigi jiray saddex fasal oo kala ahaa hal fasal oo 2:da maalinnimo ahaa oo aan u dhigi jiray Computer Networking iyo labo fasal oo habeenkii ahaa oo aan u dhigi Computer Programming iyo Computer Networking. Gelinka hore, waxaan shaqada ka rawixi jiray 12:00 duhurnimo waxanan ku soo noqon jiray 2:30-ka, Fasalkii maalinnimadu wuxuu iga dhammaan jiray 2:00 ilaa 2:10, dabadeedna qadadii oo Iskuulka la iigu keenay oo i sugaysa ayaan sida askarta oo kale u boobsiin jiray, ka bacdina 2:30-ka ayaan shaqada toos ugu noqon jiray taas oo aan ka soo rawixi jiray 6:00 fiidnimo. Markaan 6:00 maqribnimo shaqada ka rawaxo, waxaan toos u tagi jiray Iskuulka dabadeedna muddo saacad gudaheed ah (6:00 ilaa 7:00) ayaan isha sii marrin jiray casharradii aan diyaariyey ee aan ugu talagalay labada fasal ee aan habeenkii wax u dhigo.

7:00-da fiidnimo ayaan geli jiray kalaas Computer Programming ah waxanan dhammayn jiray 8:00-da. Dabadeedna waxaan ku xigsiin jiray kalaas kale oo Computer Networking ah, oo socon jiray 8:00 ilaa 9:30-ka. Run ahaantii wuxuu ahaa xilli aan ku tala-galay inaan tacab iyo dedaal aad u badan geliyo hawlaha baaxadda leh ee i hor yaallay. Maalinta Jimcaha mooyaane, maalin walba in ka badan 14 saacadood ayaanan madaxaba kor u qaadi jirin, oo ay ii ahayd mar aan ku mashquulsanahay shaqadaydii caadiga ahayd iyo mar aan ku mashquulsanaa diyaarrinta iyo dhigista casharradii Iskuulka, anigoo aad u daallan ayaan dabadeed ilaa 10-ka habeenimo gurigaygii ku noqon jiray. Muddo yar kaddib, Iskuulkii SITCO wuxuu noqday mashquul, magaciisiina kor buu u kacay, aad baana loo soo buux dhaafiyey. Waana arrimaha saldhigga u ahaa in Iskuulkii SITCO uu caan ku noqdo muddo yar gudaheed.

Si uu Iskuulka SITCO uga jawaabi karo baahiyihii maalin walba sii kordhayey ee xagga Cilmiga IT-ga, waxan lagama maarmaan u arkay inaan tayeeyo Manhajka iyo casharrada aan ka bixiyo Iskuulka SITCO. Dhinaca kale, muddadii aan Hindiya wax ka baranayey, waxaan arkay in qaabka Hindiya wax looga barto ay ka sahlan tahay sida Somaliland wax looga dhigto. Sidaa darteed, waxaan ku fikiray inaan fikrado cusub ku soo kordhiyo manhajkii laga dhigi jiray SITCO College. Waxa aannu allifnay aniga iyo macalimiintii buug cusub oo aan ku astayney qaybaha kala duwan ee Machadka laga barto.

SITCO wuxuu noqday xarun-waxbarasho oo caan ah, aad loo jecel yahay oo laga barto aqoonta casriga ah ee IT-ga. SITCO wuxuu isu beddelay Iskuul keligii is wada oo lugihiisa ku taagan.

Markay arrini halkaa marayso, ayaa waxa aniga igu soo kordhay culays weyn iyo mashquul la xidhiidha xagga shaqada shirkadda iyo dareen siyaasadeed oo marba marka ka danbaysa igu soo kordhayey. Haddaba, anigoo si qoto dheer uga fiirsanaya aayaha dambe ee SITCO oo haatan noqday xarun-aqooneed oo mustaqbal wacan leh, ayaa waxaan ku fikiray inaan SITCO hoos geeyo oo aan la mataneeyo Jaamacadda Hargeysa oo berigaa aan lahaan jirin qaybta IT-ga. Dabadeed waxa aannu dejinney oo aannu dhammaystirnay Manhajkii iyo barnaamijkii wax-barasho ee Iskuulka SITCO (Syllabus/ Programme of study).

Maalin maalmaha ka mid ah ayaan booqasho hawleed ku tagay Wasaaradda Waxbarashada. Waxaan la kulmay nin la yidhaahdo Xuseen Daarood, oo ahaa Agaasimaha Waxbarshada Dadban (Director of Non-Formal Education). Dabadeed, masuulkii i qaabbilay waxaan tusay Manhajkii iyo Barnaamijkii wax-barasho ee iskuulka (Syllabus/ Programme of study). Agaasime Xuseen Daarood si weyn buu iigu bogaadiyey una soo dhaweeyey arrintii aan ula tagay, wuxuuna igu hambalyeeyey maadaama uu SITCO noqday Iskuulkii noociisan ah ee ugu horreeyey ee Wasaaradda Waxbarashada u soo bandhiga

Manhajkiisa iyo Barnaamijkiisa waxbarasho. Intaa ka bacdi, waxan iyagana booqasho ugu tagay maamulkii Jaamacadda Hargeysa, dabadeed waxan u sheegay ujeedadii aan u socday isla markaana waxan u soo bandhigay Manhajkii iyo programme-kii wax-barasho ee Iskuulka SITCO. Nasiibwanaag, Maamulkii sare ee Jaamacadda Hargeysa aad bay fikirkaygii u soo dhaweeyeen, waanay aqbaleen in SITCO uu noqdo waax ku xidhan (affiliation) Jaamacadda Hargeysa oo lagu barto aqoonta IT-ga.

Sidii ayaannu mudo ku shaqaynayay, Iyadoo aan maamulkii ku wareejiyay Aadan Xaaji Cali—oo iminkana ah Guddoomiyaha Maxakamadda Sare ee Somaliland— anigoo sidaa ku galbiyey hawshii Iskuulkii SITCO oo noqday xarun waxbarasho. Muddo ka dibna waanu iibinnay, oo qolo kale ayaan ku wareejinnay. Waxaan xusayaa doorkii iyo kaalintii ay ka geysteen Keyse Fanax, oo ahaa maamulaha machadka, iyo dhammaanba maamulkii iyo macalimiintii kala danbeeyay oo aannu machadku la’aantood caga isku taageen. Aad baan ugu mahad naqayaa.

Waxbarashadu waa aasaaska nolosha, dhismaha caqliga, horumarrinta garashada iyo bulshada, waana wax uu u baahan yahay qof kastaa, qoys kastaa iyadoo dal kastana horumarkiisu ku xidhanyahay heerka aqoonta dadkiisa. Waxbarashadu waxay saldhig u tahay horumarrinta aadamaha ee farsamada/cilmiga, ilaalinta qofka nabadgelyadiisa/xuquuqdiisa, ilaalinta caafimaadka, ilaalinta bay’adda, kaqaybqaadashada siyaasadda iyo sugidda caddaaladda. Aqoontu waa wax aan lagu muransanayn, balse waxaa lagu kala duwan yahay adeegsigeeda.

Fikirkaada Waa Muhiim