Markii uu dalkii muddadaa galay qalalaase iyo rabshado dagaal, ayaan anigu dib isu taagay oo aan gorfeeyey waayahayga kuna soo gebagebeeyey in aan garwaaqsado in mustaqbalkayga iyo aayahayga dambe ee nololeed uu mugdi ku soo jiro. Aabbahay (AHUN) oo taabbogalka noloshayda qayb weyn ku lahaa, markii uu geeriyooday waxay geeridiisii igu bannaysay daaqad, xil iyo masuuliyadba waxana waaqici noqotay inaan anigu haatan noloshayda taladeeda ku keliyaysto. Dabadeed waxaan go’aansaday inaan saddex dariiqo oo markaa ii furnaa aan midkood raaco:

1)     Inaan noqdo dayday fallaagoobay ama mooryaan dadka dhaca oo qori dabalaab ah ku xoogsada.

2)     Inaan ku biiro urur diimeedyadii xillagaa hanqalka la soo kacay, sida Al-Itixaad, Waxdad iwm.

3)     Iyo inaan jeexdo dariiq kale oo saddexaad oo aan ahayn labadan dariiq ee kor ku xusan, oo aan nolashayda dib ugu dhisayo. (Waxaanan doortay qodobkan saddexaad).

Waxaan dabadeed garwaaqsaday inaan dariiq kale raaco, dariiqaasina wuxuu noqday inaan naftayda saxo kuna qanciyo inaan balwadda ka joojiyo (qaadka/sigaarka), wax barto oo aan shaqo tago. Waa run, sannadahaa dalku qalalaasaha galay waxaan cuni jiray qaadka, sigaarkana waan cabbi jiray. Waxaanan yaqiinsaday in balwadda, aqoon-la’aanda iyo shaqo la’aantu tahay caqabadda koowaad ee nolosha, ugu horrayn haddii aan joojin waayo balwadda in aanan nolosha horumar ka gaadhi doonin, oo ay adag tahay in aan ka rumeeyo hadafkayga iyo himiladayda aan higso is leeyahay. Waxaan ugu horrayn joojiyey qaadkii aan cuni jiray, 4 ilaa 6 bilood ka bacdina waxaan joojiyey sigaarkii aan cabbi jiray.

Qaadka iyo Sigaarka isku hal mar maan joojinin, waxaa igu yara adkaatay joojinta sigaarka, dhawr bilood baanan sii cabbayey. Waxaan xasuustaa maalin maalmaha ka mid ah oo ku beegnayd horraantii sannadkii 1993-kii, ayaa waxaan xabbad sigaar ah ka iibsaday dukaan uu lahaa nin aannu ilma-adeer nahay oo la odhan jiray Cabdillaahi Maxamed Xaaji Xasan. Markii aan xabbaddii sigaar ahayd shiday ee aan laba ilaa saddex jeer nuugay, ayaa waxa iga soo yeedhay hadal tawaawac, canaan iyo calaacalba isugu jira waxaanan Cabdillaahi ku idhi “Ninyohow qaadkii waan iska daayee, miyaan bahalkaa sigaarka ah iska joojin kari waayey!!” Cabdillaahi wuxuu iigu jawaabay hadal dhayalsi iyo dheel-dheelba lahaa oo ay ka muuqatay sida aannu isagu u rumaysnayn inaan go’aan ka gaadhi karo sigaarka, wuxuuna igu yidhi: “Xirsow weligaaba waad odhan jirtay sigaarkaan iska daynayaa ee inaadeerow naftaada been ha u sheegin!” Dabadeedna waxaan ku idhi:

“Cabdillaahow bal maanta ma ku tusaa inaan sigaarka joojin karo?” Wuxuu igu yidhi “waad iska kaftamaysaa” Dabadeed intaan xabbaddii sigaarka ahayd daaqadda ka tuuray, ayaan Cabdilaahi magac ALLAH ugu dhaartay in saacaddaa wixii ka dambeeya aanan dib u cabbi doonin sigaarka.

Dhacdadaa aan balwadda ku joojiyey waxay ahayd go’aan qaadasho noloshayda caawisay oo aan si weyn ugu badhaadhay. Maalintaa wixii ka dambeeyey waxaan garwaaqsaday in caqabadaha lagala kulmo nolosha aanay guud ahaanba ka maarmayn go’aan qaadasho dhab ah iyo doorashada jahada saxda ah. Dabadeed waxaan bilaabay inaan noloshayda la halgamo oo aan shaqa tago, waxanan u diyaar garoobay inaan qabto nooc kasta oo shaqo ah. Waxa xusid mudan in xaaladdii dhaqaale ee uu berigaa dalku ku jiray ay ahayd mid aad u qallafsan, waxana jirtay shaqo la’aan aad u culus iyo dhaqaale-xumo baahsan oo dhammaanba qaybaha bulshada oo dhan saameeyey,

Anigoo isku dayay in aan fursadaha nolosha ka faa’iidaysto waxaan u dhaqaaqay waxbarasho iyo shaqo, waxa keliya ee xilligaa waxoogaa dhaqdhaqaaqa lahaa wuxuu ahaa ganacsiga, oo qudhiisu iska ahaa nooc jeeblayn oo kale ah. Ganacsi kooban ayaan bilaabay wuxuuna ahaa dukaan ama macdaar yar kaasoo aan in muddo ah waday isla markaana ii noqday indha-furkaygii xagga xirfadda ganacsiga.

Waxaan sii amba-qaaday jihaynta nolosha taas oo ahayd inaan shaqo tago oo aan aqoon barto, ha noqoto aqoon maaddi ah ama ha noqoto aqoon diimeede. Dabadeed waxaan bilaabay inaan Tafsiirka Quraanka ka dhegaysto Masaajiddo ku yaallay Burco, Quraanka oo aan run ahaantii si aad ah ugu hanuunay. Xagga barashada Tafsiirka Quraanka waxaan ka bartay, run ahaantiina aan abaal weyn ugu hayaa laba nin oo la kala yidhaa: Sh Maxamed Cartan iyo Sheekh Cabdikariim Xasan Xoosh.

Dhinaca kale, barashadii Tafsiirka Quraanka iyo ku xidhnaanshahaygii aan masaajidada ku xidhnaa, waxaan iyada qudheedana kala kulmay carqalado hor leh kuwaasoo salka ku hayey qabyaalad, kooxo diimeed oo iyagu iska soo horjeeday. Waxaan arkay in ururradii diinta ee berigaa Burco ka jiray uu mid walba doonayay inaad isaga u gasho oo uu gacanta kugu dhigo isla markaana aad fikirkiisa iyo mabda’iisaba qaadato. Haddii aad taa yeeli weydo oo aad mid ka mid ah ururradaa ka mid noqon waydo, waxbarashada lama wadaagi kartid oo caawimo kama helaysid.

Haddaba, maadaama aan anigu horeba dib isaga taagay oo aan ka leexday dariiqii ururkii SNM ee dalka xoreeyey uu markii dambe inta badani raacday kaasoo ku dambeeyey day-day dadka dhaca oo qori ku xoogsada, in kastoo aan barashada diinta aad u jeclaa haddana waxaan markiiba ka booday oo aan dib isaga taagay qoladan cusub ee culummada ah ee iyagu hubka qaatay, waxaanan ku dhiirran waayey inaan ka mid noqdo oo aan iyaga fikir iyo ficil midnaba la qaybsado.

Dabadeed waxaan qaatay go’aan nuxurkiisu uu ku soo ururayey: Inaan horumariyo naftayda, barashada diintaydana aan cid kasta ka dhigto balse aanan gelin urur diimeed cid kasta oo wax i dhaanta aan wax ka barto. Xilligaa aan u leexday xagga barashada diinta, waxa jirtay qiso i soo martay oo xaqiiqdii aniga dareenkayga iyo damiirkaygaba si weyn u dhaqaajisay.

Maalin maalmaha ka mid ah, aniga iyo labaataneeyo nin oo aannu isu reer nahay waxa noo yeedhay nin curyaan ah, laxaadkiisa ay in badani ka maqan tahay, hadalkuna aad ugu adag yahay, korkiisana ay ka muuqatay duruuf nololeed oo aad u adag ninkaas oo magaciisu ahaa Maxamed Umal Oogle. Aniga iyo raggii kale markii aannu isu nimid ayuu ninkii laxaadka la’aa hadalkii bilaabay. Laakiin nasiib darro hadalku si dhib badan ayuu kaga soo baxayey, hadalkiisa lama fahmi karayn oo wuxuu lahaa hag-hago (gaangi). Ujeeddada ugu weyn ee uu ninkaasi noogu yeedhay, marka la isu soo ururiyo, waxay ahayd inuu na wacdiyo oo uu nagu beraarujiyo Alle ka cabsi iyo in aannu ku dedaalno barashada diinta. Aad iyo aad baan u qiirooday, dhacdadaa iyada ahina aad bay ii taabatay oo ay dareenkayga wax weyn uga beddeshay!! Dabadeed waxaan naftayda ku idhi: “Bal ninkaa laxaadka la’ ee aan awoodi karaynba inuu hadlo ee haddana doonaya inuu diinta iyo wanaagga igu wacdiyo oo uu wax iiga sheego, iyo aniga oo Ilaahay lixdaydii laxaadba ii dhammeeyey iyo aqoon la’aanta iga haysa diin iyo adduunyaba, sidaanu labadayadaasi u kala fog nahay!!”

Ogow ficilku wuxuu ka saamayn badan yahay kumannaan eray oo lagu yidhaahdo.”

Waxaa xusid iyo mahadnaqba mudan Culimada Tabliiqa oo xilliyadaa iigu yimi masaajid ka dib aan khuruuj la baxay muddo saddex maalmood ah oo ay baraarujin iyo wacyi gelin diineed oo badan isiiyeen aniga oo aad uga helay isla markaana mar labaad afartan maalmood la baxay. Waxay runtii ii ahayd arrin aad iigu sii xoojisay garwaaqsigaygii iyo xasilinta nafta oo cibaado iyo tarbiyad aad u fiicanba aan ka korodhsaday.

Jaranjarrada nolosha iyo waayaha kala duwan ayaa qofku la koraa oo wax bara, maalinba mushkiladdaadu in bay le’eg tahay, maalinba hiraalka iyo sawir-maskaxeed kuu muuqdaa in buu le’eg yahay. Marba damacaagu in buu le’eg yahay, doonistaaduna waxay u laba-diblaysan tahay duruufaha kugu xeeran. Haddii maanta aan meel sare higsanayo, mar baan wax kooban oo aan shaqo, qoys iyo guri aan dego wax aan dhaafsiisnayn ku fekerayey balse geeddi-socodka hab-nololeedka qof ahaaneed iyo guulihii nolosha ee ilaah ii fududeeyay ayaa igu dhaliyay in aan meelo fog hawaysan karo.

Fikirkaada Waa Muhiim