Mar kasta oo isbeddel yimaaddo ama imanayo wuxuu leeyahay xanuun iyo marxalado kala duwan oo cusub. Markii ay dhacday dawladdii dhexe, in kasta oo Jabhadihiina aanay dhisin nidaam maamul oo taabbogal ah, gaar ahaan Somaliland oo aan dawladdii lagu dhawaaqay iyo xukuumaddii la dhisay aanay xilligaa tamarrin, haddana waxaa la qabay rejo inay ka soo rayn doonto.

Dadku waxay lahaayeen hammi iyo himilo aad u sarraysa waxayna is lahaayeen waxaa gaadhaysaan horumar, dawlad baad dhisateen. Laakiin, nasiibkooda, rejadii ay ummaddu lahayd markiiba may rumoobin waxaana u soo daba maray jaahwareerkii aan wax ka mid ah soo sheegay iyo rejadii oo werwer isu beddeshay.

Guuldarradaa waxaa sabab u ahaa markay taladii faraha ka baxday ee ay gacanta u gashay day-day iyo askari fallaagoobay oo qoriga ku xoogsada, caqligii ayaa la legday oo beerka lagaga fadhiistay, kuwaasi oo ahaan jiray halgamayaashii waayay dib u jihaynta.

Heerka ay gaadhay nabadgelyo xummadda iyo kala dambayn la’aantu, waxa adkaatay isu socodkii iyo in la isaga gudbo magaalooyinka, inta u dhaxaysa Hargeysa iyo kantaroolka bariga ee Halleeya waxa yaallay ugu yaraan 2-3 Kaantaroool, meel walbana sidaa iyo si ka daran ayay ahayd. Dhibta iyo mashaakilka ugu badanina waxa waday degaannadii laf-dhabarta u ahaa halgankii ee Isaaqa. Xilligaasi wuxuu ahaa xilli uu dadku kala lumay oo qof walba is-waayey ama uu lumiyey kaalintii uu bulshada ku lahaa. Waqtigii loogu tala galay in SNM ay dalka maamusho oo ahaa laba sano ayaa ku dhammaaday qas iyo kala dambayn la’aan. Waxaan jecelahay inaan halkan wax yar ku xuso sheeko aan ugu horrayn ka maqlay nin aannu saaxiib nahay oo war-galeen ah, markii dambena aan ka xaqiijiyey madaxweyne Silanyo, sheekadaasi waxay khusaysaa markii dalka la xoreeyey dhismihii dawladnimada iyo mushkiladdii ku dhacday.

Wuxuu ii sheegay madaxweyne Silanyo: “Waxaa ii yeedhay Cabdiraxman Axmed Cali-Tuur (AHUN) madaxweynihii xilligaa, oo soo jeediyay in aan u noqdo Raysal wasaare, aniguna waan ka aqbalay. Wax yar uun ka dib waxaa nagu bilaabmay duufaan iyo olole kooxaysan oo ka soo unkamay siyaasiyiin kala duwan, kaas oo Tuur ku qanciyay in uu ka noqdo fekradii.”

Waxaa dhacday in qaar ka arki waayeen fursadahoodii iyo muuqaalkoodii oo ay ku talo galeen inay burburiyaan. Ogow Tuur himiladiisii wuu gaadhay oo wuu noqday madaxweyne, Silanyo tiisii wuu gaadhay oo wuxuu noqday madaxweyne kuwii qaska wadayna waa laga yaabaa meelihii ay doonayeen inay gaadheen balse cidda keliya ee aan gaadhini waa bulshadii doonaysay inay hesho dawladnimo hoggaamisa, ilaalisa oo u adeegta. Jallaafada siyaasiyiinta Soomaalida ayaa inta badan ku dhisan qab qab dhaafay iyo damac shakhsi ah oo la isla jiidho, muranka iyo isfaham la’aanta siyaasadeed ayaa gaas ku sii shubay jaahwareerkii jiray xilligaa waxaana sababtay dagaallo sokeeye oo ka qarxay magaalooyinka Burco iyo Berbera iyo meelo kale oo badan oo khasaare laxaadle gaystay. Wakhtigii quwadihii gumaystayaashu ku soo duuleen carriga ay ku nool yihiin isirka Soomaalidu ee kor ku soo sheegay ka hor, in kastoo ummadda reer Somaliland aanay lahaan jirin maamul dawli ah oo dhexe, haddana waxay lahaayeen nidaam iyo hab ay isu maamuli jireen oo ku salaysan diinta, dhaqanka, waayeelnimo, waaya-aragnimo iyo caadooyinka Soomaalida.

Waxay lahaan jireen nidaam garsoor, xeer, xaagaan, xeer-beegti, guddi iyo guurti odayaal ah oo ay danaha bulshada ku maamulaan isla markaana ay ku xalliyaan wixii khilaafaad ah ama dhibaato ah ee ka yimaadda bulshada nolol-wadaagta ah dhexdeeda, garnaqooda waxaa hal-hays u ahayd “ilaahayow aqoonna ha nagu cadaabin, eexana ha nooga tegin.”

Waxa xusid mudan doorka weyn ee soo jireenka ah iyo saamaynta togan ee ay Odayaasha Guurtida ku leeyihiin nidaamka is-maamul iyo qaabka wadanoolaanshaha bulshada. Ha noqoto kobcinta nabadda, ilaalinta deggenaanshaha bulshada, xallinta khilaafaadka iyo ka hortagga colaadaha; Odayaasha Guurtida iyo madaxda kale ee dhaqanku waxay weligoodba bulshada dhexdeeda ku lahaayeen (haatanna ay ku leeyihiin) door muhiim ah oo lagamamaarmaan u ah jiritaanka bulshada.

Nidaamyada dawladeed ee dunidu wuxuu ku kala duwan yahay waxyaalo badan, waxaana wakhtigan ugu caansan ama ugu saamayn badan hannaanka Dimuquraadiyadda ee in badan oo dunida ahi samaysatay. Nidaamkan oo cid kastaa u raacdo qaabka iyo hannaanka uu ula jaan-qaadi karo dhaqankooda diintooda iyo hab-nololeedka degaannadooda, taas oo u suurtagelisa bulshada sidii ay talada dalkooda uga qayb qaadan lahaayeen.

Haddaba, dadka Somaliland waxay ku guulaysteen inay sameeyaan hannaan siyaasadeed oo isku xidhaya dawladnimo dhaqanku qayb ka yahay (Hybrid System) Kaas oo golaha sare ee sharci-dejinta Somaliland laga soo xulo dhaqanka iyo culimada (Golaha Guurtida), halka ay doorasho ku yimaaddaan labada qaybood ee kale ee dawladda (Golaha Wakiillada iyo Madaxweynaha), iyadoo sharciguna ka kooban yahay Shareecada Diinta, Xeerarka Dhaqanka, Dastuurka iyo Xeerarka Baarlamaanku soo saaro.

Sidii aan soo sheegay samayntii golaha Guurtida wuxuu lahaa ujeeddo ay keentay baahidii markaa jirtay, waxaanay xilliyadii kala dambeeyay isu taageen baahi labaad oo markaa soo korodhay oo ahayd nabaddayntii dagaalladii sokeeye iyo inay ka qayb qaataan soocelinta kala danbaynta iyo degganaanshaha dalka. Iyagoo doorashadii hore ee hannaanka ergooyinka wax lagu soo dooran jirayna ay hoggaamin jireen, waa intii doorashooyinka (one person one vote) ka horreysay. Dawladnimada Somaliland waxaa saldhig u ah nabadda iyo degganaanshaha taas oo ay qayb libaax ka qaateen golaha odayaasha ee Guurtida. In kasta oo aan kor ku soo xusay Guurtida iyo aasaaskeeda, haddana waxa xusid mudan in waqtigaasi hore ay Guurtidu ku koobnayd oo keli ah beelihii taageeri jiray SNM iyo baahiyihii ay qabeen markaa, balse markii dambe Golaha Guurtida waxa lagu soo daray xubno ka soo jeeda beelihii aan hore uga midka ahayn Guurtida ee reer Somaliland. Gaar ahaana, degaamada Awdal, Sanaag bari, Sool iyo Buuhoodle.

Marxaladihii dhismaha dawladnimada ee Somaliland soo martay ayay ka mid ahayd doorka iyo kaalinta muuqata ee ay golaha guurtidu ka qaadan jireen heerarkii kala duwanaa ee nabadaynta, hub ka dhigista iyo dib u dejinta. Taas ayaanay salka ku haysaa Dawladnimada Somaliland ka hana qaaday.

Hab dhaqanka Guurtida, waxaa ka mid ah: dib u heshiin, is-afgarad iyo isa saamax guud; nabad waarta iyo deggenaansho; dulqaad iyo wada noolaansho; wada tashi iyo isu tanaasul; iyo weliba danta guud ee Qaranka iyo maslaxadaha ummadda oo ay nabaddu ugu horrayso oo si wada-jir ah loogu guntado loogana wada shaqeeyo. Haddaba, Gurmadkii Guurtida Borame ee lagu tanaaday waxa hoggaaminayay Sheekh Muuse Goodaad (AHUN), Sheekh Cabdilaahi Sheekh Cali Jawhar, waxa kale oo ka mid ahaa Cabdilaahi Ibraahim Habbane, waxa ay qabteen shirar dib u heshiisiin ah oo ka dhacay Sheekh Burco iyo meelo kale oo ay ku dhex-dhexaadiyeen beelihii iyo kooxihii dagaalladu dhex mareen.

Waxa kale oo ay Guurtidan galbeed ka timid kaashadeen Guurtidii kale oo markaa iyaga la maqli la’aa oo lagu kala tirinayay beelaha ay wax ka dhexeeyaan, balse Guurtida Boorame iyo Guurtidii hore u jirtay ayaa noqotay mid xal nabadeed dhalisa, soona afjartay colaadahaasi. Taas waddada u xaadhay shirweynihii Boorame ee 1993-kii, halkaasi oo uu ka dhashay kacaankii nabadda iyo dhismaha dawladnimo ee Somaliland, laguna sameeyey axdi qarameedkii ku meel gaadhka ah.

Nabaddu waa saldhigga nolosha, waa waxyaalaha ugu waaweyn ee siyaasi ama hoggaamiye higsado in uu dadkiisa u keeno. Suurtagal maaha hadii nabadi aanay jirin inay dawladnimo tamariso, deggenaansho lagu raaxaysto, himilo iyo horumar lagu taamo. Waxaa dalkan soo maray wakhti nabaddu cidhiidhi gashay, caqligii wanaagsanaa iyo cilmigiina uu ka xoog batay inanka qoriga sitaa oo taladu faraha ka baxday, kacaanka nabadda 1993 ayaa ka bilaabmay Somaliland dadka oo dhami ay isla qaateen in la siiyo mudnaata koobaad. Dadyawga dunidu waxay isku waafaqsan yihiin muhiimadda nabadda waana sababta abaalmarrinta dunida ugu qaalisan loogu magac daray (Nopel Peac Prize).

Fikirkaada Waa Muhiim