Qarankii Soomaaliya ee ay ku midoobeen labadii dhinac ee Talyaaniga iyo Ingiriisku kala gumaysan jireen oo wadamadii gumaysan jiray xorriyaddii ka qaatay 1960, waxay dawlad ahaayeen mudo 30 sannadood ah. Dagaalladii aan soo sheegnay waxay soo gaadheen in xukunka qoriga caaradiisa lagaga tuuro xukuumaddii milatariga ahayd ee madaxweyne Maxamed Siyaad Barre.

Waxaa baabba’ay ciidankii, nidaamkii dowladnimo, iyo wax kasta oo qarankii ku taagnaa. Waxaa cagta la mariyey, raad kasta oo qaranku lahaa intii ummaddani soo jirtey. Sida matxafyadii, dukuminyadii hey’adihii dalku lahaa iyo kuwii jabhaduhi siteen ee debedda kala yimaaddeen. Waxaa burburay dhaqankii soo jireenka ahaa ee lagu xaajoon jiray marka la is qabto iyo diinta oo waxyeelo weyni soo gaadhay.

Warqaddii saxeexnayd

Waxaa 18-kii May 1991 magaalada Burco lagaga dhawaaqay Qaran madaxbannaan oo xor ah oo la yidhaahdo Jamhuuriyadda Somaliland. Waxa la isla gartay in hoggaankii markaa jiray loo doorto 2 sannadood madaxtinnimada dalka madaxweyne Cabdiraxmaan Axmed Cali, iyo Xasan Ciise Jaamac Madaxweyna-xigeen. Waxaana sii shaqaynayay golihii dhexe ee SNM oo baarlamaan ka dhignaa xilligaa.

Dawlad waa lagaga dhawaaqay madashii, xukuumadna waa lagu soo dhisay, balse may tamarrin. Guushii la gaadhay iyo himiladii dawladnimo ee ay muddada dheer naawilayeen lama gaadhin, taa beddelkeeda waxa markiiba soo shaacbaxay is maan-dhaaf weyn oo salka ku hayey kala qaybsanaan siyaasadeed iyo mid Ciidan oo muddo badan huursanaa, kaasoo u dhexeeyey hoggaamiyeyaashii SNM ka hor intaan dalka la soo gelin.

Guushii SNM waxa qariyey ama la degay galdaloolladii maamul iyo kala-qaybsanaantii siyaasadeed ee ay hoggaamiyeyaashii SNM dalka la soo galeen. SNM lamay iman nidaam maamul iyo hannaan dawladeed oo dhisan oo marka dalka la xoreeyaba beddela maamulkii hore ee laga adkaaday. Arrintani waxay keentay inuu dalku sannadihii 1991-1994kii galo qas, qalalaase iyo maamul xumo. Waxa kale oo xusid mudan inaan sheego, xog aan ka soo xigtay Cabdilaahi Cukuse oo ahayd inuu weydiiyay Madaxweynihii xilligaasi Cabdiraxmaan Tuur “Madaxweyne waxaa dhammaanaya wakhtigii sharciga ahaa ee dawladdaada iyo wakhtigii golaha dhexe ee SNM (Baarlamaankii xilligaa) e, maxaa talo ah?” Waxa aannu madaxweyne Cabdiraxmaan Tuur ku jawaabay, “Haddii aynaan labadan (Dawladnimada/SNM) wada badbaadin karrin, waxaynu badbaadinaynaa ka weyn oo ah dawladnimada.”

Ka dibna waxa uu Mudane Cabdiraxmaan sameeyay inuu awooddii ku wareejiyay Golaha Guurtida, isla markaana ay halkaasi ka dhalatay in la qabto shirkii Boorame ee Somaliland mar kale lagu soo amba qaaday. Ku darsoo shirkaasi lagu qabtay magaalada Boorame, Cabdiraxmaan Tuur wuxuu ku jiray raggii u tartamayay madaxtinnimada dalka, laakiin isaga oo shakhsi caadi ah oo aan madaxweyne ahayn ayuu tartamay sababta oo ah xilkii Guurtida ayuu ku wareejiyay, waxay ahayd tallaabo aan ka dhicin inta badan jabhad dal qabsatay. Waxaana shirkaasi lagu soo doortay Marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal oo aan is leeyahay hawlo muhiim ah ayuu qabtay ka dib markii uu labadii garab ee SNM isku hayay, isla markaana isu adeegsaday kana wada adkaaday, balse isaga laf ahaantiisu jallaafada siyaasadda kama nabadgelin ee Burco iyo Hargeysa, oo xaruntii dalka ahaydba, dagaalo sokeeye ayaa ka qarxay sannadkii 1994-kii, kuwaasi oo muddo lagu kala maqnaa, nafo badanna lagu waayay.

Waxa kale oo iyaguna soo shaac baxay qolooyin kale oo ku hawlanaa sidii ay uga faa’iidaysan lahaayeen fashilka ku yimid hoggaamintii SNM, kuwaasi oo ku ismanaa Urur-diimeed, sida urur la odhan jirey AL-Itixaad Al-Islaami, oo xarumo tababbar ka samaystay magaalooyin ay ka mid tahay Burco iyo Boorame iyo meelo kale.

Laakiin saldhiggii ugu weynaa ee ay Boorame ku lahaayeen wuxuu xidhmay markii uu qarxay dagaalkii Boosaaso, iyaga oo wixii hubaysnaa ay u hayaameen xagga Puntland oo ay dagaalo ku dhexmareen iyaga iyo Col. Cabdilaahi Yuusuf.

Madaxweynihii lagu doortay Boorame, ee Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal, waxa uu markiiba bilaabay olole nabadeed iyo in uu qarameeyo oo isu keeno wixii saanad ama hub sitay ee ku ismanaa ciidan Somaliland ah. Taasina waxay keentay fursad ah in dawladnimada la adkeeyo oo xoogaggii hubaysnaana hubka laga dhigo.

Burburka iyo kooxaysigu waa dhaxalka khilaafka. Dhacdooyinka, ficillada iyo isbeddelada wakhtigu waxay ka tagaan taariikh, taariikhdana waxaa lagu ifsadaa mustaqbalka si aanad ugu dhicin hog mid hore ku dhacay. Haddaba walaalnimada iyo dhalashada isirka soomaaligu go’i maayo oo waa halkiisa, waxaynu u baahannahay si aynu wanaag ugu wada noolaanno, dunidana wanaag ugula noolaanno, qofka Soomaaligu meel uu joogaba waa walaalkaa ka wax qabsaday bogaadi, ka dhibban ka saar dhibta, labadii wanaag ku heshiiya ama cid kale wanaag kula heshiiyana aan hagaradaamada ka dayno.

Fikirkaada Waa Muhiim