Qoraalku waa shaqo la qabto ta ugu adag xataa wuxuu ka dhib badan tahay ugaadhsiga Yaxaaska waaweyn” Waxa diyaariyey Liibaan Cabdulqaadir


Qofka banii’aadamka ahi wuxuu u baahan yahay inuu marar badan dibbeda iskaga soo saaro oo uu iska faaruqiyo waxyaabo badan oo maskaxdiisa mashquulisay si caqligiisu uu u qaato neefsi ku filan oo nasasho iyo fikir dambe ku  abaabuli kara. Dibna iskugu habayn kara  inuu  jaleeco waxyaabo badan oo aan wali  arag amma akhriyin.

Markuu qofku is yidhaahdo tallaabdan qaad waxa soo shaac baxda inaanu marar badan awood u yeelan inuu si quman u tuujiyo fikirkii uu niyada ku hayey isaga oo adeegsanaya  qalin, taasina waa caqabada kowaad ee hor istaagta qoraalka qofka.

Haddaba waxaa is weydin leh siddee ayuu qofku u noqon karaa qoraa la jeclaysto waxa uu qoray. Sida runtu tahay waa su’aal adag oo aanan aniga iyo cida ila midka ahi toona aanu ka jawaabi Karin laakiin waxa aan halkan ku soo guurinaya hadalada ay ka yidhaahdeen aqoonyahanadu qofka doonaya inuu wax qoro.

Hal kudhig ayaa yidhaahda, “noqon maysid qoraa lagu soo hirto haddii maskaxdaadu ay madhan tahay” oo looga jeed ka hor inta aanad qoraa noqon maskaxdaada ka buuxi aqoon aad inteeda badan ku kasbatay akhris iyo ruugida buugaagt.

In badan ayaad dadka ka maqlaysaa iyaga oo leh waxaa aan doonayaa inaan noqdo qoraa lakiin  qofkasta oo inaga mid ah oo doonaya inuu wax qoro waxa  horyaal hal ku dhig micnihiisu yahay,

“Haddii aad doonaysid inaad  qoraa noqotid  horta noqo akhriye wanaagsan.”

Dr. Ibrahem Fiqhi ayaa mid ka mid ah buuggaagtiisa ugu caansan oo la yidhaahdo  “Awooda Caqliga” waxaa uu kaga sheekeeyey wiil dhallinyaro ah oo la kulmay mid ka mid ah aqoonyahanda ugu awooda badnaa dalka Maraykanka  oo la odhan jiray Dr. Robbert Sholer  ahaana   aqoonyahankii aasaasay shirkada Crayztal   isaga oo joooga magaalada New York  waxaanu weydiiyey, “Sidee ayaan u noqon karaa qoraa caan ah sidaada oo kale, wuxuu ugu jawaabay marka ay kaa soo go’o waxaa aad doonaysid ee uu ku gubo fikirkiisu.

Wiilkii dhallinyarada ahaa ayaa ku celiyey siddee ayuu fikirkiisu ii gubayaa, ninkii dhakhtarka ahaa ayaa ugu jawaabay wiilkii yaraa waa in aad habeenkii ku seexato adoo doonaya inaad wax qorto aroortiina ku soo toostaa adiga oo adoonaya inaad wax qortid, waa in aanu niyadaada ka bixin, markatsa oo aad fursad u heshana  ka hadashaa marka aad wax qorto ee uu kuu dhadhamo ee uu xambaarsanaado fikirkaaga ayaa la yidhaahdaa doonista shidmays amma fikirkaagu inuu ku gubo.”

Haddaba halkan waxynu ku soo bandhigaynaa dhowr qoddob oo qofka ka caawin kara inuu wax qoro:

  1. U diyaar Garoow Aqoon Raadsi 

Markasta oo aad  doonayso inaad aqoon raadsato ka bilaw diinta aad haysto, kutubta taariikhda, buuggaagta  suugaanta iyo dhammaan buug kasta oo faa’iido leh.

Saynisyahankii caanka ahaa ee la odhan jiray Edison ayaa mar uu ka hadlayey sababaha keenay guulaha isdaba jooga ah ee uu gaadhay waxa uu yidhi,

Guushaydu waxay salka ku haysaa akhris joogto ah oo aan ka go’ lahayn iyo shaqo joogto ah oo aan quusasho lahayn”.

2. Dooro Waqti Kugu Habboon

Qofkasta oo dadka ka mid ah Ilaay waxa uu siiyey awood isaga u gaar aho o uu kaga duwan yahay dadka kale , qofkastaa mar gaar ah yuu wax akhriyi karaa amma qori karaa, sidaasdarteed waa inaad taqaanaa xiliyada ay naftaada ugu baxdo inay wax akhrido waxna qorto.

Abwaan u dhashay wadanka Suuriya ayaa yidhi isaga oo ka hadlaya wax qorista, “ Qoraalku waa shaqo la qabto ta ugu adag xataa waxay ka dhib badan tahay ugaadhsiga Yaxaaska waaweyn.”

3. Debci Naftaada

Marka aad meel isla dhigto qaabka wax loo akhriyo iyo sida loo fahmo amma loo xifdiyo  waxa aad naftaada ku carbisaa inay barato dabcsanaanta qoraalka. Sheikh la odhan jiray Inbu Athir oo ka mid ahaa aqoonyahanadii waaweynaa ee islaamka soo maray ayaa yidhi isaga oo ka hadlaya  carbinta nafta, “Waxaa aad ku dedaashaa inaad xifdido diwaanada iyo buuggaata waaweyn oo tiro badan ha kuna kaaftoomin  amma ka ku qancin wax yar.”.

4. Diktooni Ku Jir

Qoraalku waa waxyaabaha ugu ba’an ee Ilaahay dadka weydiin doono sidaas darteed, waa mindi laba af leh oo dhinac xun iyo dhinac wanaagsanba loo adeegsan karo markaa ka digtoonow waxaa aad qoraysid.

Gabreal J Marks oo ahaa nin qora masraxiyadaha qosolka ku salaysan ayaa sannadkii 1982 kii isaga oo ka hadlaya qoraalka waxaa uu yidhi, 

“Qoraalku waa isdil oo kale waa hawl u baahan waqti badan, shaqo badan, dedaal badan iyo masuuliyad aad u sareysa.”

Haddaba akhriste waxa jira qoddobo badan oo aqoonyahanadu ka qoreen sida wax loo qoro iyo dedaalka looga baahan yahay qofka qoraaga ah markaa waxa inala gudboon in qoraalkeenu u ahaado mid dadka anfaca oo aynu ka baaraan degnay kahor inta aanaynu dadka u gudbin.

Fikirkaada Waa Muhiim