Waxaa bilaabmay abaabul mucaaradeed oo kala duwan, in kastoo ururradii SSDF iyo SNM si rasmi ah loogaga dhawaaqay magaalada Addis Ababa iyo London, haddana waxa xusid mudan in ku dhawaaqidda rasmiga ah ee Ururrada ay ka horreeyeen marxalado kala duwan oo la soo maray oo isugu jiray baraarug, dareen celin, isxogwaraysi iyo bal in si qoto dheer loo fahmo nidaamkii taliskii milatariga ahaa ee jiray iyo sidii wax looga qaban lahaa.

Haddaba, intii uu dareenku galay ama ku baraarugtay in ummaddooda lagu hayo dibin-daabyo iyo cadaadis qorshaysan, waxay bilaabeen sidii ay uga doodi lahaayeen, wax isu tusi lahaayeen, si wax u wada arki lahaayeen isla markaana isu aamini lahaayeen, taasina waxay qaadatay waqti dheer. SSF/SSDF oo ahaa dhaqdhaqaaqii ugu horreeyay ee hubaysnaa ee ka horyimaaddo Dawladdii uu hoggaaminayay Janaral Maxamed Siyaad Barre ee  Soomaaliya, Dhaqdhaqaaqan oo bilaabmay 1978, saldhiggiisu wuxuu ahaa dalka Itoobiya. Waxaa SSDF bilaabay Saraakiishii Soomaaliya qaar ka mid ah oo u baxsaday dhinaca Itoobiya waxaana ugu tunweynaa Col. Calbdilaahi Yuusuf Axmed oo markii dembana ka noqday guddoomiye.

Waxaanay isla markiiba ku soo qaadeen gulufyo ciidama ah oo soo galay ama qabsadayba degmooyin ka mid ah gobolada dhexe ee Soomaaliya sida Balanballe iyo Galdogob. Hase ahaatee may ku raagin oo waxaa weli xoogganaa xilligaa Ciidamadii Xoogga Dalka ee Soomaaliya oo kala hortegayay iskacaabbin xooggan iyo muquunin.

Hawlgalladii SSDF oo muddo soconnayay dabadeed, Dhawaaqii 6 April 1981ee SNM wuxuu xoojiyay dareenkii yididdiilo ee xilligaa soo jiidanayay dadkii degganaa gobollada dhexe, gobollada waqooyi iyo in badan oo ka soo hor jeeday nidaamkii taliskii milateriga ahaa ee Janaral Maxamed Siyaad Barre uu hoggaaminayay. Waxaanay ahaayeen xubnihii SNM ku dhawaaqay:

1)    Xasan Ciise Jaamac, Axmed Ismaaciil Cabdi (Dukhsi), Xasan Aadan Wadaadiid, Axmed Maxamed Sayidi, Maxamed Xaashi Cilmi, Cabdisalaan Yaasiin Maxamed iyo Sh Yuusuf Sh Cali Sh Madar.

Abaabulka, wacyi gelinta iyo kicintu, heer kasta oo ay tahayba, gudaha iyo dibeddaba way ka socdeen. Waxa xusid mudan in bilowgii uu abaabulka dibeddu ka xoog badnaa kii ka socday gudaha. Arrintan waxa u sabab ahaa dadka dibeddu waxay haysteen xaalado u suurto gelinayey in intii si wax u wada dareensani ay si xor ah oo aan dhuumasho lahayn fikir iyo aragtiba isu weydaarsan karayeen. Dalalka Ingiriiska, Maraykanka iyo Carabta waxa ka bilaabmay shirar iyo kulamo joogto ah oo lagu falanqaynayey wadcigii iyo waayihii ay ummadda reer Somaliland ku sugnaayeen iyo hannaankii wax lagaga qaban lahaa.

Dhaqdhaqaaqyadii iyo abaabulkii ka socday dibeddu waxay xidhiidh qarsoodi ah la lahaayeen dadkii gudaha joogay. Bilowgii, xidhiidhada noocan ah ujeeddadoodu waxay ahayd baraarujin iyo wacyi gelin ku wajahan haldoorka bulshada ee ku sugnaa dalka gudihiisa. Waxa xidhiidh lala sameeyey qaybo ka mid ahaa saraakiisha ciidamada, siyaasiyiinta, aqoonyahan iyo dhallinyaroba, kuwaas oo iyaguna xidhiidh iyo gacan saarba la sii lahaa magaalooyinkii iyo degaannadii ay ku noolayeen sida odayaasha, waxgaradka iyo bulshada qaybaheeda kalaba. Masuuliyiin badan ayaa iyagoo xilal sar-sare ka hayey taliskii militariga ahaa haddana gacan ku lahaa wax badanna kala socday dhaqdhaqaqyadii dibedda iyo gudaha.

Wuxuu iiga sheekeeyay madaxweyne Silanyo, xilligii uu wasiirka ahaa ee ay wadeen abaabulka: “Waxaa ii iman jiray Jaamac M. Qaalib (Jaamac yare) isagoo xog i siinaya ama iga doonaya, labo qaab ayaannu warka u kala qaadan jiray: B) marka uu xafiiska soo galo ayuu ii bilaabi jiray warka isagoo igu soo socda, marka uu i salaamana wuxuu iga noqon jiray isagoo warkii ii dhammeeyey, T) marka aan guriga joogo wuxuu igu qaadi jiray gaadhiga, wuxuu ila soo wareegi jiray waxooogaa ka dibna wuxuu i hor dhigi jiray guriga isagoo warkii ii dhammeeyey.”

Waxa xusid mudan in mucaaridkii hubaysnaa ee ugu horreeyey ee ka soo horjeestay taliskii Siyaad Barre ay ahayd jabhaddii SSDF, waxayna saldhiggii ugu horreeyey ka samaysteen dalka Itoobiya, waxana hoggaaminayey kornayl (AHUN) Cabdillahi Yuusuf Axmed oo markii danbe madaxweyne ka noqday Soomaaliya. Taageerada dawladdii Itoobiya ee martidada loo ahaa ka sokow, jabhaddii SSDF waxay haysteen taageero dhaqaale, mid ciidan iyo mid siyaasadeed oo ay ka heli jireen waddamo kale oo ay dalka Itoobiya xulufo ahaayeen sida: Liibiya, Yementii Koonfureed, Ruushka, Jarmalkii Bari, iwm.

Halgankii hubaysnaa ee SNM waxaa hoggaanka u qabtay Axmed Maxamed Jimcaale, 1981-82 oo ahaa guddoomiyihii ugu horreeyay ee loo doorto hoggaaminta halganka, waxaana uga danbeeyay Sh Yuusuf Sh Cali Sh Madar 1982-83, Cabdilqaadir Koosaar Cabdi 1983-84, Axmed Maxamed Silanyo 1984-89 iyo Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur) oo ugu danbeeyay 1990-1991.

Waxaana Ururka SNM lahaa hannaan maamul oo la soo doorto iyo garabyada ciidamada iyo dhaqaalaha oo dalka debaddiisa iyo gudihiisaba laga soo ururin jiray bulshadii taageersanayd, waxaana hoggaankiisa loo dooran jiray si dimuquraaddi ah, inkasta oo aasaasku ahaa hannaanka beelaha, gaar ahaan beesha Isaaq oo halganka saldhig u ahayd.

Xaruntii halganka waxay SSDF iyo SNM ka dhigteen dalka Itoobiya, waxaana dhammaan ka hawlgeli jiray dhinacyada kala duwan ee ciidamada iyo xafiisyada xidhiidhka iyo dublamaasiyadda ururrada, waxaa jiray caqabado badan oo ay ka mid ahaayeen:-

1)     Labada ummadood ee Soomaalida iyo Itoobiya waxaa ka dhexeeyey xilligaa muran iyo cadaawad taariikhi ah oo ay dhex dhigeen, kana tageen gumaysigii reer Yurub.

2)     Waxa weli sii qoyanaa oo xasuusta labada ummadoodna weli ku sii sawirnaa dagaalladii kala danbeeyay ee dhex maray Soomaaliya iyo Itoobiya 1977.

Iyadoo ay jireen carqaladahan waaweyn ee kor ku xusani, haddana waxa caddayd in aanay jirin dariiq kale oo SSDF iyo SNM u bannaanaa oo aan ahayn in dawladda Itoobiya xidhiidh lala sameeyo, isla markaana si cad looga dhaadhiciyo hadafka iyo himilada halganka ay wadeen. Dawladdii Itoobiya ee berigaa talada haysay way soo dhowaysay saraakiishii SNM ee tallowday maadaama ay ka soo horjeedeen taliskii Siyaad Barre. Dawladda Itoobiya waxay filaysay in saraakiishan cusub ee soo tallowday ay ku biiri doonaan ururkii SSDF ee ka soo horreeyay oo saldhig weyn ku lahaa dalka Itoobiya. Waxay ka mid ahayd mushkiladda Soomaalida in labadii halgan ee isku hadafka ahaa ay ku heshiin waayaan inay halganka mideeyaan oo qorshe dagaal wada samaystaan, waxaanay ku danbaysay in SSDF iyo SNM mid kastaa aag ka hawlgasho.

Halgankii SSDF iyo SNM, fikirkii iyo isteraatijiyaddii hagayey wuxuu ku salaysnaa in halganka hubaysan lagu baahiyo gobollada iyo degmooyinka dalkii Soomaaliya, si ay hawgallo uga fuliyaan dhammaan gudaha Soomaaliya. Muddo ka dib waxaa khilaaf soo kala dhexgalay madaxdii SSDF iyo dawladdii Itoobiya, waxaanay keentay in la xidho hoggaamiyihii SSDF, Kornayl Cabdilaahi Yuusuf Axmed.

SNM marka laga tago taageerada ciidan ee Itoobiya ka heli jireen waxay ku tiirsanayeen dhinaca dhaqaalaha iyo abaabulka dadkooda dibadda iyo gudaha. Waxaanay sameeyeen xidhiidho dibadeed, kuwaas oo shaqadoodu ahayd: In la baahiyo hadafka iyo afkaarta halgankooda; in la kashifo bulshada caalamkana loo soo bandhigo xasuuqii iyo falalkii foosha xumaa ee uu taliskii Siyaad Barre ku hayey shacbigii Soomaaliya; in bulshada qurba-joogta ah ee ururka taageera lagu baraarujiyo oo lagu dhiirrigeliyo sidii ay halganka uga qayb qaadan lahaayeen, ha noqoto muruq, maal iyo afkaarba; iyo in waddamada dibedda taageero dhaqaale looga soo ururiyo halgankii jiray.

Muddo dheer markii hawshii halganku socotay, sannadihii 1986-87-kii taliskii milatariga ee Siyaad Barre wuxuu si aad u kordhiyey cadaadiskii iyo cidhib-tirkii uu ku hayey ummaddii reer Woqooyiga ahayd. Wuxuu bilaabay curyaamin dhaqaale oo qorshaysan iyo sabab la’aan iyo xoog lagula wareego hantidii ay lahaayeen shacbigii masaakiinta ahaa ee aan waxba galabsan. Dhinaca kale, si loo yareeyo saamaynta ay jabhaddii SNM ku yeelan karto gobolladii Woqooyiga ee ay ummadda reer Somaliland deggenaayeen, wuxuu taliskii bilaabay beddel khasab ah, sifayn iyo mastaafuris qorshaysan oo ku wajahnaa dhammaanba dadkii u shaqayn jiray taliskii Siyaad Barre (sida saraakiisha milatariga, booliska iyo shaqaalaha laamaha kalee dawladda) kuwaasoo dhalasho ahaan ka soo jeeday gobolladii la odhan jiray Woqooyiga Soomaaliya (Somaliland).

Halgankii hubaysnaa ee SNM oo aad u xoogaystay halkiisiina ka sii socda ayaa bishii April 1988-kii waxa uu heshiis dhex maray labadii Xukuumadood ee Somaaliya iyo Itoobiya oo ay kala hoggaaminayeen Maxamed Siyaad Barre (AHN) iyo Mengistu Haile Mariam. Heshiiskaa waxa dhex-dhexaadiye ka ahaa Dawladdii Jabuuti oo uu xilligaa Madaxweyne ka ahaa Xasan Guuleed Abtidoon (AHN). Heshiiskaa isaga ah nuxurkiisa ugu muhiimsanaa wuxuu ku soo ururayey arrimahan soo socda:

  1. a) In labada Talis (Soomaaliya iyo Itoobiya) ay joojiyaan oo ay soo afjaraan colaaddii iyo cadaawaddii guunka ahayd ee labada dal ka dhaxaysay muddo ka badan hal qarni.

  2. b) In labada Dal (Soomaaliya iyo Itoobiya) uu mid walba dib ula noqdo Ciidamadooda ku sugan xuduudda u dhaxaysa labada dal.

  3. c) In labada Talis (Soomaaliya iyo Itoobiya) aannu midkoodna taageerin Jabhad ama xoogag hubaysan oo iyaga ka soo horjeeda.

  4. d) In Soomaaliya ay gebi ahaanba si rasmi ah uga tanaasusho sheegashada dhulkii Soomali-Galbeed.

Heshiiskii dhex maray Soomaaliya iyo Itoobiya, wuxuu ahaa heshiis ay dadka Soomaaliyeed siyaabo kala duwan u arkayeen. Siyaabaha iyo aragtiyaha kala duwan ee ay dadka Soomaaliyeed heshiiskaa uga dareen-celiyeen waxa guud ahaanba lagu soo ururin karaa:

1)     Dadka qaarkood aad bay ugu farxeen una soo dhoweeyeen inuu labada dal heshiis dhex maro isla markaana ay soo af-jaranto colaaddii soo jireenka ahayd ee muddada dheer u dhaxaysay labada dal iyo labada shacab.

2)     Dadka qaar kale aad bay u soo dhoweeyeen heshiiskii labada dal dhex maray, maadaama ay heshiiska u arkayeen mid Xukuumaddii Siyaad Barre u horseedi kara cimri-dherer iyo inuu Taliskiisu sii jiri karo. Dadkani waxay is lahaayeen mar haddii Xukuumaddii Siyaad Barre ay Itoobiya la heshiisay, inuu Talisku si dhib yar uga adkaan karo xooggagii ka soo horjeeday ee ay Itoobiya martigelin jirtay.

3)     Dadka qaar baa iyaguna heshiiskaa u arkayey in Maxamed Siyaad Barre uu ku kacay Khiyaamo Qaran, ummadda Soomaaliyeedna uu ka galay dembi culus oo taariikhi ah. Maadaama uu Itoobiya u oggolaaday una saxeexay in Soomaaliya ay gebi ahaanba ka tanaasushay sheegashada dhulkii Soomaali-Galbeed.

4)     Dadka qaar baa iyaguna ku doodayey oo aaminsanaa argti odhanaysay halka uu Maxamed Siyaad Barre Itoobiya kala heshiinayey waxay ahayd inuu la heshiiyo Jabhadihii ka soo horjeeday, gaar ahaan SNM oo Taliskiisa dagaalkii ugu xoogga badnaa kula jirtay. Maadaama ay Jabhaduhu ahaayeen dad Soomaaliyeed oo xukunkiisa ka soo horjeedana waxa wacnayd inuu marka hore (SNM) hor fadhiisto oo uu iyaga wadahadal la bilaabo.

5)     Sidoo kale, dadka qaarkood heshiiskii dhex maray Soomaaliya iyo Itoobiya wuxuu ku noqday fajac iyo arrin aanay filaynin, waxaana la soo darsay wer-wer, walaac iyo xaalad cusub oo hor leh oo aanay ka sii saadaalin karaynin saamaynta uu isbeddelkaa siyaasadeed ku yeelan doono noloshooda.

Haddaba, taliskii Siyaad Barre oo la ogaa inuu dalka iyo dadka Itoobiya u yaqaanay Cadawga Koowaad ee 1977-kiina ku qaaday dagaalka, waxay dad badani xilligaa is-weydiinayeen sababta Maxamed Siyaad Barre ku kalliftay in uu Itoobiya heshiis la galo, oo uu weliba gebi ahaanba ka tanaasulo dhulkii Soomali-Galbeed ee Maxamed Siyaad Barre iyo Xukuumaddii isaga ka horraysay ee uu in-qilaabayba ay muddo badan ku doodi jireen in Itoobiya ay dad iyo dal Soomaaliyeed xaqdarro ku haysato?!

Ujeeddada ugu muhiimsanayd ee uu Taliskii Maxamed Siyaad Barre heshiiska ula galay Dawladdii Itoobiya waxa la yidhaahdaa waxay ahayd: si uu u xakameeyo halgankii hubaysnaa iyo weerarradii ay xoogaggii SNM Taliskiisa kula jireen. Siyaad Barre wuxuu u adkaysan kari waayey weerarradii iyo dagaalladii qorshaysnaa ee ay dagaal-yahannadii SNM Taliskiisa sida joogtada ah ugu soo qaadayeen, waxana u muuqatay halista iyo khatarta weyn ee ay SNM Xukunkiisa ku keeni karto. Waxay arrini isu tustay in sida keliya ee uu kaga hortagi karayey khatartii jirtay in uu heshiis la galo Itoobiya.

Heshiiskii dhexmaray Siyaad Barre iyo Mengistu Haile Mariam bishii April 1988-kii, maalmo ka bacdi hoggaankii sare ee ururkii SNM (garabkii siyaasadda iyo kii ciidamaduba) waxay yeesheen shirar iyo wada-tashiyo qoto dheer oo ay ku lafa gurayeen saamaynta heshiiskaasi uu ku yeelan karo halgankii hubaysnaa. Arrintu si kastaba ha ahaatee, Madaxdii SNM waxay si weyn uga dheregsanaayeen in heshiiskii dhex maray labadii Xukumadood ee Somaaliya iyo Itoobiya uu yahay xaqiiqo jirta oo guud ahaanba Geeska Afrika ku yeelan doonta saamayn siyaasadeed iyo tu nabadgelyaba.

Xukuumaddii Itoobiya, iyadoo fulinaysa qodobbadii ay Soomaaliya ku heshiiyeen (in labada Dal uu mid walba dib ula noqdo Ciidamadooda ku sugan xuduudda u dhaxaysa labada dal) waxay u yeedheen madaxdii SNM iyagoo ka dalbatay in ciidamadii SNM ilaa dhowr iyo toban km xagga gudaha Itoobiya loo soo celiyo. Arrinkaa ay Itoobiya SNM ka dalbatay waxa uu madaxdii sare ee ururkii SNM ku noqday mid aad u qadhaadh. SNM waxa la soo gudboonaaday marxalad iyo xaalad aad u adag (mid nabadgelyo iyo tu siyaasadeedba) kuwaasoo intii ay SNM jirtay aan weli hore u soo marrin. Waxa kale oo ay madaxdii SNM ogaayeen xaaladda ay ku sugnaayeen dadkoodii ku noolaa gudaha dalka, iyo dhibtii uu ummadda ku hayey Taliskii Maxamed Siyaad Barre.

Arrintu si kastaba ha ahaatee, SNM waxa horyaallay inay qaadato go’aanno qadhaadh oo aad u adkaa kuwaasoo saamayn weyn ku lahaa jiritaanka SNM iyo mustaqbalka dambe ee bulshadii halgankeeda taageeri jirtay. Waxaana horyaallay inay qorshe cusub la yimaaddaan ama in halgankii halkaa isku taago, dagaalyahannadiina ay noqdaan wax firxada iyo wax isu dhiiba dawladdii Soomaalia. Sidaa darteed, SNM waxay go’aansatay in xoogaggii dagaalyahamiinta ay gebi ahaanba dalka gudaha u soo galaan, oo ay si dhab ah u waajahaan ciidankii ka awoodda badnaa. SNM waxay qaadatay go’aan adag oo gundhiggiisu ahaa Guul ama Geeri, kaas oo run ahaantii khatartiisa lahaa.

Go’aankaa ka bacdi, maamulkii sare ee ururkii SNM oo uu hoggaaminayey guddoomiyihii xilligaa, Axmed Silaanyo, waxay Taliskii Mengistu Haile Mariam ku wargeliyeen in SNM ay gebi ahaanba fulinayso arrinkii ay Itoobiya ka dalbatay. waxaanay Itoobiya ka codsatay laba arrimood oo kala ahaa: a) In SNM ay u baahan tahay in la siiyo waqti dheeraad ah si ay u soo ururin karto dhammaanba ciidamadeeda ku sugan xuduudda labada dal iyo dagaal-yahamiinta kale ee ilaa gudaha dalka Soomaaliya ku baahsan. b) In SNM ay Xukuumadda Itoobiya uga baahan tahay saad iyo shidaal si ay u soo ururin karto ciidamadeeda ku kala baahsan gudaha dalka Soomaaliya. Taliskii Mengistu Haile Mariam labadii codsi ee ay SNM u soo jeedisay wuu ka yeelay, wuxuuna ugu deeqay waxoogaa kharash ah oo ay ku iibsadaan shidaal iyo waxoogaa sahay ah.

Haddaba, markay arrini halkaa marayso, waxa la qaatay go’aan adag oo gun-dhiggiisu ahaa in gudaha dalka la galo waxaana loo badheedhay in nafta la huro oo la dhinto, Kala mudan ayaamuhu, maalmuhuna kala tilmaamane, taariikhdu markay ahayd 27/05/1988-kii, waxay dagaalyahamiinta SNM magaalada Burco ku soo qaadeen weerar milatari oo qorshaysan. waxayna dagaal fool-ka-fool ah la galeen ciidamadii awoodda badnaa ee Taliskii Siyaad Barre. Dagaal qadhaadh oo lahaa dhimasho badan iyo dhaawac kaddib, ciidamadii SNM waxay si lama filaan ah kula wareegeen gacan ku haynta magaalada Burco.

Weerarkii saddexaad ee ay ciidamadii dagaal-yahamiinta SNM ku soo qaadeen taliskii Siyaad Barre wuxuu dhacay 31|05|1988-kii wuxuuna ku beegnaa magaalada Hargeysa iyo galbeedkeeda, gaar ahaan xarumaha taliska ciidamada, xarumaha hubka iyo saadka, saldhigyada iyo xeryaha milatariga ee muhiimka ah.

Magaalooyinkii waaweynaa intoodii badnayd ee ku yaallay gobolladii Woqooyiga Soomaaliya waxa ka soo bara-kacay mawjado dad ah oo shicib ah kuwaasoo ka qaxayey dagaalladii cuslaa ee u dhexeeyey xoogaggii dagaal-yahamiinta SNM iyo taliskii Soomaaliya waxaanay la wareegeen gacan ku haynta inta badan ee Somaliland in kasta oo uu muddo dheer socday dagaalku. Waxaa dhacday in diyaaraddii Hargeysa ka kacday ay haddana Hargeysa dib u duqayso.

Waxa xusid mudan in shirweynihii 4-aad ee ay SNM yeelato oo la qabtay bishii March 1990-kii, uu ka duwanaa kuwii ka horreeyey, waayo waxa Shirkaa lagu qabtay magaalo ku taallay dalka gudihiisa, Balli-gubadle oo ahayd xaruntii halganka. Xilkii guddoomiyenimada waxa ku guulaystay (AHUN) Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur), guddoomiya-xigeen waxa loo doortay Xasan Ciise Jaamac, xilkii guddoomiyannimada Golaha Dhexe ee SNM-na waxa loo doortay (AHUN) Professor Ibrahim Meygaag Samatar. Wixii ka horreeyey shirweynihii 4-aad, labadan xil waxa isku hayey hal qof, laakiin isla shirweynahaa ayaa lagu kala saaray labadaa xil. Go’aamadii dhaxal-galka ahaa ee ka soo baxay Shirweynihii 4-aad ee SNM waxa ka mid ahaa, shirweynahaa waxa lagu kala saaray labadii awoodood ee Sharci-dejinta iyo fulinta maamulka, Shirweynahaa waxa golihii odayaasha ee Guurtida loogu aqoonsaday inay noqdaan gole sharci ah.

Bulshada asal ahaan ku abtirsata Soomaaliga, waa ummad dhaqan soojireen ah u lahaan jirtay (ilaa haatanna u leh) inay isu dir-raacaan oo ay isu gartaan qaab qabiil iyo hayb reernimo, qabiilka oo uu u dhisan yahay qaab dhismeedka bulsho. Qabiilka iyo Nasabku waa wax jira balse waxaa xun oo ceebaysan adeegsiga qabyaaladda.

Qaab nololeedka bulsho ee noocaas ahi wuxuu saamayn weyn ku leeyahay go’aan qaadashada arrimaha muhiimka ah ee la xidhiidha xagga dhaqanka, xagga dhaqaalaha, xagga siyaasadda, xagga nabadgelyada, xagga colaadaha iyo wax kasta oo saamayn ku leh habdhaqanka iyo wadanoolaanshaha bulshada. Sannadkii 1988-kii odayaashii Guurtida ayaa qayb ka ahaa ololihii halganka ee  socday, waxayna shir ku yeesheen tuulada Cayddaroosh oo Hargeysa kaga beegan koonfur-galbeed, halkaasna waxay si rasmi ah lagaga dhawaaqay golihii Guurtida waxana guddoomiye loo doortay marxuum Sheekh Ibraahim Sheekh Yuusuf Sheekh Madar.

Doorkii lagama maarmaanka ahaa ee ay odayaasha Guurtidu ku lahaayeen bulshada dhexdeeda waxay si cad u muuqatay markii uu bilaabmay dagaalkii hubaysnaa ee gudaha ee ay boqolaal kun oo ka mid ahaa shacab-weynihii halganka taageeri jiray ay ka soo bara-kaceen gudaha dalkii Soomaaliyeed. Odayaashii Guurtidu waxay durbadiiba dusha u riteen inay ururiyaan oo ay abaabulaan xoog ciidan oo halganka lagu xoojiyo, waxa kale oo ay u guntadeen inay halgankii hubaysnaa u soo ururiyaan lacag, raashin iyo xoolo noolba. Hoggaankii sare ee SNM (ha noqoto garabkii siyaasadda iyo kii ciidamadaba) iyo golihii Guurtida waxaa ka dhexeeyey is-fahan iyo wada shaqayn qoto dheer oo dhinac walba lagu qaddariyo laguna taageero xilka iyo hawsha ay bulshada u hayaan. Sidaana waxa ku samaysmay, kuna hanaqaaday laba gole oo wada shaqayna leh, kuwaasoo kala ahaa golihii dhexe ee SNM iyo golihii Guurtida. Dhaxalka noocaas ahi wuxuu saldhig u noqday nidaamka wada-tashi, isu-tanaasul iyo ka dimuqraadiga ah ee ay Somaliland ilaa maalinkaa maanta ah ay ku dhisan tahay.

Waxaana curashada Guurtida loo tiiriyaa Axmed Silanyo oo xilligaa hoggaaminayay SNM iyadoo markii dalku xoroobay golihii dhexe ee SNM-na uu isu beddelay golaha baarlamaanka (Wakiillada), xilligii uu hayay talada dalka Cabdiraxmaan Axmed Cali “Tuur”. Haddaba, halgankani hubaysan ee ururka SNM ee aan taariikhdiisa kor kaga sheekeeyey, wuxuu ahaa halgan shacbi ah, oo dhib la gaadhsiiyay dadka shacabka ah ay ka dhiidhiyeen, qof waliba maalin ayuun buu soo gelayay oo uu halkiisa waajibaadka ka gudanayey, waxa socdayna dagaal ayuun buu ahaaa xilligaa, waxaana laga yaabaaba magacyada la bartay kuwo aan ahayni inay kaga waxtar badnaayeen halgankaba. Aniguna waxaan ka mid ahaa kumanaanka halganka dhinacooda uun ka galay. Haddaba, bal aan wax yar idin ku hakiyo ku biiristaydii ciidamada xoraynta SNM iyo dhacdooyinka aan ka xasuusto.

1987 anigoo ka soo noqday Koonfurta Soomaaliya ayaannu aniga iyo rag kale oo dhallinyaro ahi is weydiinay in aannu ku biiro SNM (ka talowno xadka u dhaxeeya Somaliland iyo Itoobiya), waana xilliyadii ay xoogaysatay bandowgii lagu hayay magaalooyinka Somaliland oo casar dheerabe dadweynaha mamnuuc ka ahayd in ay dibadda uga soo baxaan guryahooda. Waxa la ciqaabi jiray shacabka oo qofkii la qabto isagoo dibadda maraya marka la gaadho saacadda bandowga. Waxa ka mid ahaa ciqaabahaasi in qofka madaxa looga xiiro si isku tallaab ah ama sagsaag ah ama waxa la odhan jiray waa seexan-waa saacadaha dambe wareega oo waxa laga shubayaa litir dhiig ah ama waaba la xidhi jiray.

Run ahaantii dhibaatada dadka shicibka ah loo geysan jiray aad bay u badnaayeen, balse arrimahan kor ku xusan ayaa ka mid ahaa duruufihii adkaa ee dadweynaha lagu caddibi jiray. Waxa kale oo bandoo-ga dheeraa in dadweynaha guryaha ay ugu galaan askar hubaysani oo ay dhici jirtay in dahab iyo lacag wixii ay ka helaan ay ka qaadan jireen sabab la’aan, iyadoo loogu mar-marsoonayo dad baa seexan waayey ama arrimo la xidhiidha xagga nabad-gelyada.

Sidoo kale, xadgudubyadii qorshaysnaa ee shacabka lagu hayey waxaa ka mid ahaa ku-xad-gudubka cirdiga, xilliyadaasina waxaa caam ahaa kufsiga haweenka iyo gabdhaha. Waxaa bilaabmay cadaadis tiro badan oo si gaar ah ugu wajahnaa dhinacyada dhaqaalaha, xorriyadda iyo xagga dhaqankaba. Arrimahani waxay sii shideen dareenkii iyo kacdoonkii ay dadweynuhu kaga fal-celinayeen dhacdooyinkii foosha xumaa ee lagu hayey shacabka aan waxba galabsan.

Haddaba anigu waxaan ka mid ahaa da’yartii u adkaysan kari wayday xad-gudubyadii ummadda lagu hayey ee u tallowday xagga Itoobiya si ay ugu biiraan halgankii hubaysnaa. Waxa aannu is raacnay oo aannu wada lugaynay nin la yidhaahdo Cabdiraxmaan Cismaan Xaaji Axmed oo Ifiso ku magac dheeraa, oo run ahaantii nin dagaalyahan ah ahaa.

Annagoo qofba markaa si uun uga soo baxay Burco, waxaannu ka lugaynay tuulada Ina Dandan oo reerkayagu degi jirey. Waxaannu u lugaynay in aannu xadka ka tallowno oo aannu u gudubno dhinaca Itoobiya. Waa la is qarinayaa oo siday runtu tahay ma hawl yarayn in aad xadka ka tallowdo oo aad SNM ku biirto. Waxay nagu qaadatay in aannu xadka ka tallawnaa muddo 12 saacadood ah oo aannu lugaynaynay ilaa aannu gaadhnay meesha la yidhaahno Habuura, ka dibna waxa aannu tagnay Eegi oo u dhaxaysa Habuura iyo Baaladhaye. Habuura oo tallowga gudaha Itoobiya ah ayaannu ugu tagnay ciidammadii SNM, ka dibna waa nala qaabbilay waxa nala geeyay Eegi oo ciidammada Dhibooga lagu ururinayo. Waxa jiilkaasi ahaayeen filkii caanka ku ahaa ee la odhan jiray Geel dhoobo galay markii aan anigu imid waxa igu dhacday in la i yidhaahdo “Da’daadu way yar tahay” maadaama oo aan nin yar ahaa isla markaana aan gaabnaa. Nis yaridaydii iyo gaabnidu waxay igu sii kordhinayeen culays. Ka dibna waxa la igu war-geliyay inaan da’yarahay oo aan la i qoraynin ciidankii dhibbooga ee Awaare la geynayey.

Waxoogaa muddo ah oo laba ilaa saddex cisho ayaan ku yara xayirnaa, balse nasiib wanaaggayga haddana markii dambe dhibboogii waa la i qoray, sidaana waxaan ku bilaabay tababbarkii jabhadda. Waxaan xasuustaa, habeen habeennada ka mid ah anigoo gaadhka haya ayaa waxaa i soo maray saraakiishii SNM ee tababarka na siinayey oo ay ka mid ahaayeen Muj. Ibraahim Jaamac Dhiif “Ha Liqin” (AHUN), Cawil Ilkacase, Yuusuf Qurbaawi. Dabadeedna waxay arkeen sidaan u gudanayey xilkaygii askarinnimo, taasina waxay ii dheelli tirtay da’yaraantii la igu lahaa waad yar tahay!

Sidii baan kaga mid noqday ciidamadii xoraynta SNM, waxaanan kala qayb qaatay hawlgalladii xilligaasi socday, duruufihii lagu jireyna waan la qabsaday. Haddaba, dhacdooyinka xusuusta leh waxa ka mid ah, arrintii noloshayda iigu naxdinta badnayd, taas oo aan filayay inay tahay maalintii geerida balse ilaahay iga nooleeyey oo maalin kale ii dhigtay, waana sidan sheeko aannu ugu magacdaray Qarka Xabaasha. Waxay ahayd maalin Jimce ah, abbaaro 8:00-9:30 A.M, dabayaaqadii sannadkii 1989-kii, markii aannu weerar ku qaadnay ciidan ka mid ciidamadii dawladdii Soomaaliya oo uu watay nin la yidhaahdo General Cabdicasiis Cali Barre duulimaad ku degay Banka Warma-Caddeeye, gaar ahaana agagaarka tuulada Balanbaal oo Koonfur galbeed 130KM kaga beegan magaalada Burco.

Ciidamada SNM-ta ah ee ka mid ahaa waxay ka tirsanayeen guutada lixaad ee qaybta koowaad ee Aagga Bari, waxaana markaa taliye ka ahaa Allaha u naxariistee Mujaahid Cabdi Cali Faarax, waxaananu xabbaddii ku bilawnay ciidankoodii lugta ahaa oo ka sokeeyey gaadiidkooda gaashaaman iyo dabaabadahooda. Wax yar markii ay xabbadu socotayba way kaceen, waananu eryannay. Haseyeeshee, markiiba waxa naga hor yimid, isla markaana eryaday tiknikadayadii laba Taangi oo ka mid ahaa ciidamada aannu weerarka ku qaadnay. Labada Taangi markii hore ciidankayaga way iska dhaafeen, waxaanay eryadeen tiknikadayadii, isla markaana waxay naga gubeen gaadhi B10 ah iyo mid TM ah, taasina waxay keentay in ciidankayagii jabo, halka ay labadii taangina ka horyimaaddeen ciidankayagii jabay.

Waqtigaasi anigu waxaan ka mid ahaa ciidankii badhtanka ku jirey, labada dhinac ee bidix iyo midigba ciidan ayaa naga xigay, waxaanay ciidamadaasi ka hor kaceen ciidankayagii dhexda ku jirey oo markii hore sii baacsaday ciidankii aannu la dagaallamayna. Taasina waxay keentay in labadii Taangi ay bartilmaameedsadaan ciidankayagii, ka dib markii ay soo jiidheen ciidankayaga qaar badan oo ka mid ah. Haddaba waqti aannu ku dhow nahay kaynta banka xagga koonfureed kaga beegan ayaa waxa iga daba yimi mid ka mid ah labadii Taangi, oo ku cartamaya dhammaan tabihiisii, sida dabka qoryaha saaran, sanqadha guuxa iyo silsiladaba. Waxa aannu soo jiidhay qaar ka mid ah ciidankayagii aannu iska barbar dagaallamaynay.

Intii uu ku mashquulsanaa xagga saaxiibbaday oo bidixda iga xiga ayaan u weydaartay xaggii kaynta, ka dibna laba geed markii aan dhaafay, ayaan geedkii saddexaad oo ahaa qansax noocan cufan ah, isku qari is idhi, balse wuu arkay, xaggayga ayuu u soo xawaareeyey, markii uu shan mitir qiyaastii ii jiro, inta aan quustay ayaan dhulka isku dhejiyay, indhaha isku qabtay wejigana dhulka dhigay, dabadeedna geedkii iyo anigaba wuu isku kaaya jiidhay. Nasiibkayga .waxa Alle igu beegay beerkiisa, taayirkii silsiladda lahaana wuxuu iga maray gacantayda bidix inta hore ee baabacada oo i burburtay, iyo waxyeelo kale oo iga soo gaadhay geedka uu igu cadaadiyay, iima se tudhin’e Allaha Weyn baa mar kale ii daystay.

Hase yeeshee, markii uu i jiidhayay taangigaasi, waxa i arkayay oo qiyaastii meel 7/8 mitir u jirtay isna geed ku gabbanayay ninka la yidhaahdo Jaamac Rayte oo reer Burco ahaa oo ciidankayaga ka mid ahaa, balse Jaamac nololba iguma tirinayn oo wuxuu arkayay taangigii oo hoosta i gashaday. Waxa kale oo iga ag dhowaa gaadhi jiib ah oo ay markii hore ciidankayagu ugu talo galay inuu gubo taangiga, balse la waayay xabbaddii. Markii uu taangigii i dhaafay, waxa san-qadhayda maqlay Jaamac Cawil Oogle “Jaamac Rayte”, isla markaana dareemay inay naftii igu jirto. Sanka iyo afkaba dhiig ayaa iga yimid. Mr. Jaamac Rayte, waxa uu igu yidhi “Waar ma nooshahay”.

Waxaanan ugu jawaabay “Waar waan noolahay’e kaalay geedka iga saar”. Balse waxa uu yidhi. “Kaarihii kale ayaa soo socdee iskaga jir geedkaaga ha ina dhaafee”.

Wax yar ka dib, waxa uu igu yidhi “ka soo bax geedka”, balse dhawaac gacanta iga gaadhay awgeed waxaan u baahday cid i caawisa, waxaana i caawiyay nin la yidhaahdo Maxamed Faarax Guud-cadde. Waxaana markiiba la i saaray gaadhigii dhaawac oo UD ahaa kaas oo la igu geeyay xaruntii dhaawaca. Dagaalkan Kaaruhu igu jiidhay muu soconnayn maalin keliya, balse waxay ahayd maalintii 7-aad amaba 8-aad ee dagaalka, isagoo sii socday dhawr maalmood oo danbe, waxaan ka mid ahaa ciidan xul ah oo loo soo xulay inay dagaalka kala qayb qaataan Alle ha u naxariistee, Mujaahid Aadan Saleebaan abaabulka dagaalka aad ugu hawlanaa, waxaana joogay Saraakiil badan. Ugu dambayntii waxa xusid mudan, ilbidhiqsiyadii ugu dambeeyay ka hor inta aannu kaaruhu i jiidhin, waxaan isweydiiyay su’aasha ah “talow ma ehelu Janno ayaad tahay, mise waa lagu cadaabayaa?”. Laakiin markiiba waxaan isku qanciyay Shahiid inaan ahay.

Xilliyadii uu muddo dagaalku gudaha ka socday 1989 ayaan aniga iyo walaalkay Cabdillaahi, maalin maalmaha ka mid ah ka safarnay gurigaygii oo aan u booqasho tagnay nin aan ilmaadeer nahay, Cali Faarax X. Axmed la yidhaahdo oo xilliyadaa ka soo goostay ciidamadii faqashta. Ninkan oo degganaa tuulada Heere la yidhaahdo oo ilaa labo saacadood noo jirta socodka lugta. Markii aan jidka sii soconno ayaan waxoogaa gabay isugu faannay, markaas ayuu walaalkay igu yidhi bal inta aynu sii soconno gabay aan Cali ugu warramayno samee, isagoo markaa i xujaynaaya aniga. In kasta oo ay jirto hibo, haddana noloshu waa isku day, waayo haddii aanad wax isku dayin ogaan maysid wixii hibo Ilaahay kuu siiyey. Nasiib wanaag waxaan tiriyey afarraydan:

Gabayga Saymo

Sa’da gabayga Caliyow haddaan siinka ka higgaadsho,

Waayahanba maan kala sifayn sadarradiisiiye,

Xaluun baan saqdii dhexe intaan selalay soo toosay,

Oo aan sifaha dunida iyo sadarradii baadhay

Suugaanta wixii aan helay sidatan weeyaan e.

Siyaad baa siyaadadatan dhigay diinta la kor saaray,

Siyaad baa runtii suuliyey oo beenta soo saaray,

Sayidkii naflaba Eebbahay ugu sarraysiiyey,

Sawjadaha siyaad baa la simay sawdkii uu yidhiye.

Silacaa annaga oo qabnoo cadho la sooyaannay,

Subax bay salaad hore rasaas nagu salaameene,

Sawdkay ku hadlayeen baa ahaa saatir baa weyne,

Sawaariikhda duushiiyo madaafiic ayay sare u tuureene

Soddon-qaadka aakaha markii faalku seeraaray

Boobaha siraataa markii saalbo kaga saaray

Surinkii ay ka laabteen markii seben la leefsiiyey

Saamkiyo jantahay soo rideen suugii laga reebye

Surinnadaa la dhigay beebihii sumuca waalaaye

Silsiladaha la jaray kaarihii oo soodhka lagu boobye

Saajinnada kornaylada kuwii garabku saacaayey

Saraakiishii la soo xulay hubkiyo saanaddiyo shiishka

Soofiyeed kuu tababbaree sebenno soo joogay

Sariirahay ku dhuunteen kuwii soofka qaayibaye

Subaxaa wixii dhacay haddii Eebbahay saymo ka baajay

Saakaba wixii nool halgankii waa ina sugaayaaye

Samayda u adkayso oo ha furin suunka iyo beelka

Soo dhawow dadkeennii wuu kuu sacab tumaayaaye

Sheekooyinka aanan illaawin ee xilligii uu socday halgankii xoraynta Burco, waxa ka mid ah sheekadan soo socota. Xilliyadii lagu jiray magaalada Burco ee ayaamo yar uun laga joogo maalintii la soo galay; waxa jirtay dood aad u adag oo dhex martay laba nin oo ka tirsanaa saraakiishii sarsare ee ciidamadii SNM oo kala ahaa Muj. Adan Saleebaan (AHUN) iyo Muj. Axmed Macallin Haaruun (AHUN). Run ahaantii anigu maan ahayn goob-jooge shaahid u ahaa markii ay dhacaysay dooddaa iyada ahi. Laakiin, sheekadan waxaa iiga sheekeeyey Cabdiraxmaan Cismaan Xaaji Axmed (Ifiso) oo xilligaa dhaawac ahaa oo yaallay meel ku dhow fadhigii saraakiishu ku murmaysay, wuxuu ahaa Ifiso goo-jooge wuxuuna dhagaysanayey markii ay dooddaasi socotay. Dooddaasi waxay ku salaysnayd laba fikiradood ama aragtiyood oo ay kala aaminsanaayeen labada sarkaal, taas oo ahayd: in xoogaggii SNM ay magaalada Burco iskaga baxaan oo ay buuraha galaan iyo inay magaalada sii haystaan.

Muj. Axmed Macallin Haaruun waxa uu si cilmiyaysan oo uu aragti milatarrinimo huwiyey u sharraxay isla markaana uu muuqaal cad ka bixiyey cududdii iyo awooddii ay lahaayeen ciidamadii Taliskii Soomaaliya ee magaalada Burco ku sugnaa (tiro ahaan, tayo ahaan iyo tikniko ahaanba) iyo weliba waxay saanad iyo qalab milatariba haysteen. Dhinaca kale, waxa uu xusay oo uu hoosta ka xarriiqay awooddii ay lahaayeen xoogaggii SNM ee Burco ku sugnaa (tiro ahaan, tayo ahaan iyo tikniko ahaanba).

Waxa kale oo uu   xusay in 800 ee dagaalyahamiinta ahaa ee Burco soo galay ay 400 oo ka mid ahi ay waxna dhinteen, waxna ay dhaawacmeen. Ina Macallin Haaruun wuxuu dabadeed dooddiisii ku soo af-jaray inaanay suurto gal ahayn in mujaahidiintii SNM ay Burco sii haysan karaan, sidaa darteedna loo baahan yahay in Burco la iskaga baxo oo buuraha la galo si loo bedbaadiyo cududdii SNM wixii nool iyo wixii ku soo biiray halgankuna u sii socon karo lahaa, isagoo ka werwersan xaaladdii markaa taagnayd iyo tirada dagaalyahamiinta SNM isla markaana qiimaynaya awoodda ka soo horjeedda.

Mujaahid Adan Saleebaan (AHUN) in kasta oo ay isaga laftiisa u muuqdeen arrimahaa uu muj. Axmed Macallin Haaruun sheegay oo dhammi oo uu la qiray xaaladdii jirtay, haddana dooddiisu way ka duwanayd taa. Muj. Aadan Saleebaan wuxuu sheegay in awoodda iyo cududda ciidan ee askartii cadowga iyo tii mujaahidiintu aanay haba yaraatee ahayn laba isu dhiganta. Wuxuu caddeeyay awoodda ciidan ee Taliskii Siyaad Barre ee joogay Burco iyo nawaaxigeeda (tiro ahaan, tayo iyo tababbar ahaan iyo weliba qalab ahaanba). Muj. Aadan Saleebaan way u muuqatay in siddeedii boqol (800) ee mujaahidiinta ahaa ee Burco soo weeraray ay afar boqol (400) oo ka mid ah ay waxna dhinteen waxna ay dhaawacmeen. Sidoo kale Aadan Saleebaan wuu qiray inay aad u adag tahay in dagaalyahamiintii SNM ay magaalada Burco sii haysan karaan.

Laakiin Muj. Aadan Saleebaan wuxuu ku dooday in markii hore ee xoogagga SNM ay cadowga weerarka ku soo qaadayeen, xoogga ugu muhiimsan ee ay ku tala galeen aannu ahayn xoog ama awood ciidan oo ay mujaahidiintii SNM lahaayeen; balse xoogga ay marka horeba ku tala galeen uu ahaa xoogga iyo taageerada bulshada. Sidaa darteed, Muj. Aadan Saleebaan wuxuu aaminsanaa in haddii la qaato fikirkaa uu soo jeediyey Muj. Axmed Macallin Haaruun (AHUN) oo la is yidhaa afartaa boqol ee inan iyo wixii soo raacay ee soo hadhay buuraha la gala si aad u bedbaadisaan halganka, in shicibkii Burco deggenaa ee halganka taageeri jiray uu cadowgu gumaadi doono oo uu siduu doono ka yeeli doono. Afartaa boqol ee mujaahid ee buuraha galayna waxaa u dhiman doona oo la layn doonaa afar kun (4000) oo inan iyo tiro kale oo intaa ka badan oo shicib ah.

Dooddaa adag ee labada mujaahid dhex martay kaddib; muj. Axmed Macallin Haaruun iyo intii fikirkiisa taageersanaydba waxay go’aansadeen inay Burco ka baxaan, halka Aadan Saleebaan iyo ciidankiisiina ay Burco ku hadheen. Ka bacdi Aadan Saleebaan iyo ciidankiisii waxay galeen dib-isu-abaabul waxayna difaac ka galeen Gooncad. Ka bacdi waxaa bilaabmay dagaal aad u qadhaadh oo ay ciidamadii SNM jilbaha u aasteen ciidankii cadowga ee iyaga aad uga awoodda badnaa.

Markii uu dagaalkii socday kowdii ilaa labadii duhurnimo, ciidankii Axmed Macallin Haaruuna ay weli magaalada Burco dibaddeeda ku sugan yihiin, ayuu Ina Macallin Haaruun wuxuu arkay in weli dagaalku socdo oo la is jafayo; wuxuu sameeyey haddana qiimayn mileteri oo xaaladdaa ku salaysan, kadibna wuxuu colkiisii ku yidhi: “Ciidamada faqashta iyo ciidankeenii aynu ka nimi, labadooda waxa guulaysan doona ka uu gurmadku u hor tago!” Kaddibna Axmed Macallin Haaruun wuxuu amray in ciidankiisii Burco ay dib ugu soo laabtaan, dagaalkiina dhinacooda ayay ka galeen. Gargaarka Allah, geesinnimo iyo naf-hurid ay sameeyeen dagaal-yahamiintii SNM; maalintaa Burco dagaalkii waa lagu jabiyey ciidamadii awoodda badnaa ee Taliskii Siyaad Barre, guushiina waxa helay xoogaggii SNM, waana maalinta ay ku hoobteen in badan oo ka mid ahaa ciidankii Kamaandawsta ahaa ee Cadaadlay.

Markaad eegto xaaladda dagaalkaa xoraynta iyo quwadaha aan isku dhigmin ee labada dhinac, waxa guulaha badankoodu raaceen dhinicii itaalka yaraa, balse guushaasi may xidhiidhsanayn marba waxa soo baxaysay, caabbi kaga yimaadda ciidanka ka awoodda badan, taasina waxay keentay tashiyo degdeg ah oo kadaloob wax la isku yidhaahdo. Halgankaa lagaga soo horjeeday Dawladdii Soomaaliya oo muddo dheer socday wuxuu soo gaadhay bishii January 1991-kii, ka dib markii ay ciidamadii dagaalyahamada ahaa ee SNM, USC, SPM iyo SDM ay burburiyeen xooggii ciidamada ugu dambayna uu Madaxweynihii Siyaad Barre ka baxay qasrigii madaxtooyada ee Villa Somalia. Jabhadihii dagaallamayey ee hubkana gacanta ku hayay markay waayeen muwaafaqo iyo hoggaamin si fiicanu jihaysa ayaa mid waliba qorigiisii ku xoogsaday oo waxay samaysteen kaantaroollo iyo meelo waxsoosaar oo ay iska qaybsadaan, sida madaarrada, dekedaha, sayladaha iyo laamiyada.

Halgankii degaanada Somaliland ay horseedka ka ahaayeen xoogaggii SNM ee gacanta ku dhigay Somaliland, cadaadiskii iyo cidhibtirkii uu Taliskii Siyaad Barre ummadda ku hayey la iska dulqaad, ciidamadiisiina laga adkaa, dalkiina laga qabsay. Shacbigu waxay filayeen in la heli doono nidaam dawladnimo iyo kala dambayn, wixii ummadda ka dumay oo dib loo dhiso, hannaan dawladnimo oo ku dhisan dulqaad, caddaalad iyo wax toosin, isla markaana dib u soo nooleeya kalsoonidii dawladnimo ee ay ummaddu muddada sugaysay.

Waxa bilaabmay iska-hor-imaad hubaysan oo salka ku hayey arrimahan kor ku xusan, kuwaas oo u dhexeeyeyey dadkii walaalaha ahaa ee shalay meel uga soo wada jeeday ciidamadii dirirtu ka dhexaysay. Arrintii waxay isu beddeshay fowdo, qas, kala dambayn la’aan iyo ciidamadii oo qaarkood isu beddeleen day-day qori daba laab ah ku xoogsada. Borama, Berbera, Burco, Hargeysa iyo meelo kalaba waxa ka bilaabmay dagaallo fool-xun oo salka ku hayey qabiil iyo reernimo. Dhimasho, dhaawac, bara-kac baaxad leh iyo burbur dhaqaale ayaa ka dhashay dagaalladii u dhexeeyey xooggii SNM ee dalka qabsaday.

Sidaa mid la mid ah waxaa koonfurta Soomaaliya ka bilaabmay kala qaybsanaan ciidan iyo kala urursi markiiba salka saaray reernimo, iyadoo ay wehelinaysay siyaasado qabyaalad ku salaysan oo horseeday in dhiig badani ku daato dagaalo muddo soconnayay ay dhashaan oo gobol iyo reer hoos ugu sii degay.

Waxa xusid mudan in adeegyo badan oo bulshada ah oo in badan oo ka mid ahi ay sidoodii u shaqaynayaan, sida warshaddii sibidhka ee Berbera, warshadihii kabista ciidamada, warshadihii laydhka ee gobollada, dhakhtarrada qaarkood, iskuullada, dhismayaashii kale ee muhiimka ahaa ee ay dawladdu lahayd, iwm. Balse adeegyadii sii shaqaynayey ee loogu yimid dalka, waxay intooda badani ku burbureen dagaalladii u dhexeeyey kooxdii SNM.

Maalin maalmaha ka mid ah ayaan u imi wiil dhallinyaro ah oo qoriga xaggiisa dambe ku garaacaya daaqadihii muurayadaha ahaa ee Iskuulkii Farsamada Gacanta ee Jarmalka, ”Burao Institute”. Waxaan weydiiyey sababta uu wiilkani u jejebinayo daaqadaha Iskuulka? Wuxuu iigu jawaabay: “Iskuulkan Dawladdii faqashta ayaa lahayd, sababtaa ayaanan u jejebinayaa!!” Arrintaasi waxay ii bayaamisay heerka uu taagnaa garaadka dadku iyo sida aanay ummada in badani ugu baraarugsanayn xilka iyo masuuliyadda qof walba ka saaran ilaalinta hantida guud ee ay dadku wada leeyihiin.

Waxa ilaa hadda aan qas ka bixin dhinacii kale ee Soomaaliya oo aanay weli ka taabbo gelin dawladnimo, qaban karta adeegyadii bulshada, iyadoo intii ka bedbaadday, sida Somaliland, ay u xayiran tahay muranka siyaasadeed u dhexeeya xidhiidhka ka dhaxayn doona iyo madaxbanaannida ay sheegatay. Jaahwareerkii ciidamada iyo guuldarradii siyaasadeed ee gebidhacleynaysay ee quwadihii hirdamayay ee NATO/WARSO ku dhex dawakhday, waxay sababtay in dagaal sokeeye ka bilawdo guud ahaan dalkii Soomaaliya. Waxaa dhacay Xasuuq isir ku salaysan iyo dagaal aan joogsi lahayn oo weli meelaha qaar ka socda. Dhismuhu wuxuu u baahan yahay aqoon, khibrad, dhaqaale iyo wakhti balse dumintu waxay u baahan tahay dubbe ama miisaan xoog leh oo si aan tudhaale lahayn loogu garaaco meesha aad duminayso!

Fikirkaada Waa Muhiim