Dagaalkii 1977/78 ee uu taliskii milateriga ahaa ee Siyaad Barre ku qaaday dalka Itoobiya wuxuu ahaa dagaal jibbo ku dhisan oo aan laga fiirsan, wuxuuna dhammaanba ummadda afka Soomaaliga ku hadasha u horseeday burbur, dibudhac iyo jaahwareer aan xad lahayn oo ilaa maanta taagan. Waxa xusid mudan in sannadkaa si dadkii Soomaali Galbeed, oo beerato iyo dhaqato ahaa oo ganacsi weyn kacaanka hortii dawladdii Cigaal la soo saxeexatay, lagu soo barakiciyay gudaha Somaliland. Dhinaca kale, guuldarradii weynayd ee ka dambaysay dagaalkaasi waxay maamulkii Siyaad Barre dhaxalsiisay burbur dhaqaale, mid milatari iyo mid bulshaba. Waxa taa ka sii darnaa jaahwareerkii siyaasadeed iyo go’doonkii diblomaasiyadeed ee uu dagaalkaasi dhaliyey. Sidii aan soo sheegay Xukuumaddii Siyaad Barre kaddib markii ay ku guuldarraysatay dagaalkii, waxay ku dhex asqowday qaabsiyaasadeedkii dunida ee berigaa jiray, gaar ahaan labadii mabda’ ee Hantiwadaaga iyo Hantigoosi.

Taliskii milatariga ahaa ee Maxamed Siyaad Barre wax badan buu is diidsiiyey in uu garwaaqsado in aannu marnaba ku guulaysan doonin dagaalkii uu ku qaaday Dalka Itoobiya. Wax badan buu iska dhega-mariyey talooyinkii nasteexa ahaa iyo digniininihii dhiillada huwanaa ee ay sida joogtada ah ugu soo gudbinayeen cid kasta oo Soomaaliya berigaa ka naxaysay. Wuxuu ii sheegay madaxweyne Silanyo: “Intii aan Soveit-ku dagaalka soo gelin, wuxuu isku dayay dhexdhexaadin, wuxuu noo soo bandhigay Jigjiga degaannada Soomaalida ha dhaafina, intaaba aan idiin ka saxeexo Itoobiya oo qaata, dagaalkana joojiya. Waannu diidnay.“ Hadalladii jibbada ayaa Kacaankii ku mashquulsanaa oo dheg looma dhigin.

Cadaawadda iyo macangagnimada Taliskii milatariga ahaa waxay si rasmi ah u soo shaacbaxday xilligaa uu ku jiray dagaalkii 1977 taas oo saamayn fool xun ku yeelatay qaabkii iyo isteraatijiyaddii loo waday dagaalkii uu ku qaaday Itoobiya. Saraakiil badan oo milatari oo xilal sare ka hayey taliskii milateriga ahaa ayaa waxay aaminsanaayeen in dagaal lagu qaado dawladda Itoobiya uu horseedi doono mushkilado iyo dagaallo joogto ah oo saamayn doona dhammaanba Geeska Afrika.

Iyadoo lagu guda jiro dagaalkii oo ciidamadii Soomaalidu ay ku sugan yihiin gudaha Itoobiya, ayaa waxaa soo shaacbaxday in aan dagaalkaa lagu guulaysan doonin. Waxa iyana jab kale ahayd markii guuldarradu timi oo si loo jeediyo aragtida ciidanka loona baqe geliyo saraakiisha ciidanka uu talisku qaaday tusmadii qaldanayd ee dhacdadii naxdinta badnayd ee “Xasuuqii Garab-Case” ee lagu xasuuqay 82-kii sarkaal ee ciidammada milatariga ugu geesisanaa. Waxa taliye kastaba lagu yidhi soo xul magacyada ragga kuugu geesisan si loo dallacsiiyo, kaddib waxa la soo xulay haldoorkii xilligii dagaalka ugu geesisanaa oo tiradoodu gaadhaysay laba iyo siddeetan (82) sarkaal. Dabadeedna inta dhamaantoodba buurta Garab-Case ee dalka Itoobiya la isugu soo ururiyey ayaa la toogtay iyagoo aan waxba galabsan!

Guuldarradii aan xadka lahayn ee ka dhalatay dagaalkii 1977, waxay ugu horraynba dhibaato toos ah oo dhinacyo badan lahayd ay ka soo gaadhay shacabkii Soomaalida Itoobiya, intii ku noolayd Woqooyiga Soomaaliya iyo gobollada dhexe. Dhibaatooyikii shacabkii degganaa Ogaadeeniya ee la isla jiidhay oo ay saamayn aan la soo koobi karayn ku lahayd marka laga tago waxaa iyana waxyeello laxaad lehi dagaalkaa ka soo gaadhay degaannada Somaliland. waxana ka mid ahaa:

  1. Marka la eego Ciidamadii Milatariga ahaa ee dagaalkii 1977 ku dhintay waxa la yidhaahdaa waxa ugu badnaa askartii asal ahaan ka soo jeedday gobollada Somaliland.

  2. Duqayntii xagga cirka ee ay diyaaradihii Itoobiya weligoodba dal u geystaan waxay u geysteen shacabkii ku noolaa gobollada Somaliland.

  3. Qoxootigii iyo barakacayaashii ugu tirada badnaa ee dagaalkaasi sababay, meesha ay ku soo qaxeen ee la dejiyey waxay ahayd geyiga iyo gobollada ay deggenaayeen shacabka Somaliland.

  4. Khasaare aad u badan oo mood iyo noolba lahaa iyo burbur dhaqaale oo aan qiyaas lahayn ayaa ka soo gaadhay ummadda reer Somaliland.

Arrinta kale ee taa ka sii darani waxay ahayd, Ciidammadii taliskii Siyaad Barre ee dagaalkii 1977 ku soo jabay, halka ay niyadjabkoodii iyo daranyadoodiiba kula soo guryonoqdeen waxay ahayd gobollada dhexe iyo Somaliland. Iyagoo cadho-wisiisi, dhaqan xumo, caga-juglayn iyo cadaadisba ka dhex bilaabay shacabkii markii ay ciidamadu dagaalka ku jireen hiil iyo hooba la garab taagnaa, Shacabkii dhiiggooda u shubayey, shacabkii dhaawacooda daaweynayey ee daryeelayey, shacabkii kooda dhinta aasayey; ayey xumaan, xadhig iyo xasuuqba ugu abaalgudeen. Sannadkaa waxaan dareemay in ciidamdii uu isbeddel ku dhacay oo milaterigii naxariista dadka u adeegta lahaa, uu Shaydaan Saanad leh isku rogay. Waxa sii kordhay cadaadiskii iyo dhibaatadii ay ciidamadii iyo jabhadihii hubaysnaa ee Taliskii milatariga ahaa ee Siyaad Barre ku hayeen ummaddii Soomaalida.

Horraantii sannadihii siddeetamaadkii, gobolladii Woqooyiga waxa kordhay oo sii xoogaystay iska hor imaadyo kala duwan oo u dhexeeyey ciidamadii loo carbiyey cadaadiska shacabka iyo ummaddii ka gilgilatay xaqdarradii iyo cadaadiskii lagu hayey. Inta badan magaalooyinkii waaweynaa ee ay degenaayeen shacabka Somaliland, sida Hargeysa, Burco, Gabiley, Berbera, iyo Ceerigaabo waxaa ka bilaabmay mudaharaadyo waaweyn oo lagaga soo horjeeday dulmigii iyo dibindaabyadii lagu hayey ummadda.

Dhacdooyinkii ugu muhimsanaa ee iska hor imaadyadaasi ka bilaabmeen waxaa ugu mudnaa oo aynu soo qaadan karnaa dhacdadii 20-kii Feberuary 1982-kii ee lagu xidhxidhay dhallinyaradii UFO, kaddibna dilka lagu xukumay. Dhallinyaradii UFO waxay u badnaayeen aqoonyahanno (dhakhaatiir, macallimiin, arday, iwm), waxayna Dhakhtarka Hargeysa ka bilaabeen mashaariic caafimaad oo iskaa-wax- u-qabso iyo horumarrinta bulshadaba isugu jiray.

Intaa wixii ka dambeeyey waxaa bilaabmay xadhig iyo xukun aan sabab lahayn oo dadka lagu qaado; dil iyo dhac loo geysto ciddii lagu tuhmo inuu Taliska ka soo horjeedo. Waxa bilaabmay curyaamin dhaqaale oo qorshaysan iyo hantida ay lahaayeen shacab masaakiin ah oo aan waxba galabsan oo lala wareego, gaar ahaan gobollada dhexe iyo Somaliland

Haddaba mar aan wax ka waydiiyey Madaxweyne Silanyo, xilligii aan wada shaqaynaynay oo uu nooga sheekeeyey sida wax u dhaceen iyo qaabka loo qaatay dagaalka, wuxuu yidhi: “Markii arrintani bilaabmaysay, Maxamed Siyaad Barre iskamuu goosan dagaalka, balse wuxuu ahaa mid si wadajir ah looga goostay golihii wasiirrada ee xilligaa. Maxamed Siyaad wuxuu furay golaha wasiirrada, wuxuuna ka warramay xaaladda ka soo korodhay Itoobiya. Wuxuu si mug leh u sharraxay awoodda ciidanka Itoobiya, awoodda ciidanka Soomaaliya iyo dhibaatada dagaalka iyo cawaaqibta uu yeelan karo.

Haseyeeshee waa la jibbaysnaa oo waxaa golihii ka bilaabantahay dood kulul oo saldhiggeedu ahaa, dhulkii Somaligalbeed miyaynu ka hadhnay? Maxaynu ciidanka u samaysannay? Itoobiya miyaynu heshiinnay? Maalin Itoobiya ka awood yar tahay miyay ina soo maraysaa? Maxaynu ciidanka u samaysannay?! Mar keliya ayaa golihii sawaxan isla taagay oo yidhi: Now or Never. Halkaas ayuunu Maxamed Siyaad dagaalkii ku go’aamiyey.”

Dalka Soomaaliya wuxuu marayay meel aad iyo aad u saraysa xagga horumarka, aqoonta warshadaha, dhaqaalaha iyo ciidan aad u xoog badan oo geeska Africa ka sheegganaa haddaanu ugu xoog badnaydba. Waxa la yidhi: beri baa nin Soomaali ah ay ka luntay lo’diisii, kaddibna wuxuu galay baadiddoon, isagoo in badan lugaynayay oo raadkii Lo’da raacayay oo rejo ka qaba inuu heli doono marka la eego sida Soomaalidu aaminsantahay “Raad haye Ruux haye” ayaa wuxuu arkay waraabe raadkiisii ku darsamay oo meel kaga soo booday, wuu naxay markii uu arkay meeshii raadkii Lo’diisu barbariiqtay, waa istaagay oo hortiisa ayuu eegay markaasuu arkay raqda Lo’diisii qaar ka mid ah, markaasuu inta uu meeshii Waraabuhu kaga darsamay Lo’da si quman isu taagay yidhi “halkaa markay maraysay yax lahaydaa!”. Oo macnuhu yahay: yaa dib uga soo celiya intii aan waraabuhu eryan.

Waxaan uga dan leeyahay halkaa markii ay maraysay Dawladdii Soomaaliya yax lahaydaa! Dagaalkii iska daa lahaydaa! Waxay u baahnayd in markaa ay ku socoto caqli fiican, cilmi iyo talowadaag iyo hoggaamin fiican.

In kastoo dagaalkaa 1977 la odhan karo wuxuu ahaa bilawgii burburkii dawladdii Soamaaliya, haddana waxaa jiray waxyaalo kale oo badan iyo gaboodfallo aad u badan oo ka dhacay meelo kala duwan oo Soomaaliya ka mid ah, waxaa gobollada dhexe ka dhacay cadaadis iyo xasuuq lagula dagaallamayay dhalashada dareenkii diiddanaa kilitalisnimada, waxaa la laayey madax kala duwan iyo culimadii ummadda, iyadoo aad loo xidhxidhay suugaanyahankii iyo intii indheergaraka ahayd, ee dadka hortii wax arkaysay.

Waxa kale oo soo if baxday qabyaaladdii aad loo qarin jirey, loona asturi jirey, waxay isku rogtay qabiil kaarayaal leh oo qabiilooyinka kale laynaya, xukuumadiina bari iyo galbeed quwadihii dunida ku loolamayay meel ay iskaga waranto iyadaaba garan weyday. Wakhtigaa intii ka dambaysay, xukuumaddii samafalka noo muujinaysay waxa soo baxay cadaadiskeedii, oo uu marba marka ka dambaysa uu sii kordhayay, sida madax xidh-xidhista gobollada dhexe iyo reer waqooyiga, ka fogeynta awoodda iyo kala dirirka dhaqaalaha iyo aqoontaba.

Dareenka bulshada ayaa maalinba maalinta ka dambaysa sii xumaanayey, hay’adaha dawlada ayaa shaqadoodu hoos u sii dhacaysay, xidhiidhka dunidu la leedahay xukuumadda ayaa isbeddel ku imanayey, waxaa jiray hoos u dhac weyn oo la soo darsay guud ahaanba kalsoonida dadku ku qabeen dawladda.

Guuldarradii ugu horreysay waxay Soomaaliya ka soo raacday dagaalkii1977, sababna waxaa u ahaa raadintii midnimada shantii Soomaaliyeed, welina waxa la leeyahay midnimadu waa muqadas! Haddaba dawladnimada iyo Midnimada keebaa horreeya? Dawladnimada wixii loo doonayay sow may ahayn in dadku helaan nabad, degganaansho iyo horumar? Ujeeddadu waxay ahayd dadka Isirka Soomaaligu ha ku noolaadaan sharaf iyo karaamo, aqoon ha yeeshaan, ilbaxnimo ha gaadhaan, khayrkoodna yaanay gacanta hoorsan.

Fikirkaada Waa Muhiim