Qoyska aabbahay (AHUN) ka soo jeeday waxay ahaayeen xoolo dhaqato waxayna lahaayeen xoolo miyi oo kala duwan. Aabbahay wuxuu ku soo barbaaray nolol miyi oo ay qoysku isku fillaayeen marka dhan kastaba laga eego, markii awowgey dhintayna aabbahay xoolahaa ayuu wax ka dhaxlay. Markii dambe ee uu aabbahay isaga laftiisu reer iyo carruur yeeshayna wuxuu ii sheegay inuu lahaa xoolo wanaagsan oo miyi oo nolosha qoyskiisa iyo ta qaraabada kalaba ay ku noolaan-karayeen. Sida caadiga ah reer miyiga waxaa noloshiisa sal u ah xoolaha nool iyadoo qoyskayagii iska ladan yahay ayaa sannadkii 1974-kii ay abaartii Dabadheer ku habsatay meelo badan oo ka mid ah gobollada bariga ee dalka Somaliland iyo gobollada dhexe ee dalka Soomaaliya.

Markii abaartii Dabadheer dhacday, reerkayagu waxay deganaayeen meel la yidhaahdo Wiyili-seexatay oo u dhaxaysa tuulada Dandan iyo Shanshacadde. Waxaan garaadsaday iyadoo degaannada aan ka soo jeedo ay haleeshay abaar xun oo ay dadka iyo duunyaduba aad ugu tabaaloobeen. Waxaa dhacday in dadkii reer Somaliland ee ka soo jeeday degaannadii ay abaartii Dabadheer haleeshay loo daad-gureeyey koonfurta Soomaaliya si loo bedbaadiyo noloshooda. Dadku waxay ahaayeen dad xoolo dhaqato ah oo ab iyo isirba u lahaa nolol miyi iyo xoolo dhaqasho kuwaasoo ay gebi ahaanba noloshoodu ku xidhnaan jirtay miyiga.

Haddaba, afarta shay ee ka mid ah aasaasiyaadka dawladi u qabato dadkeeda waxaa ka mid ah adeegga bulshada iyo ilaalinta muwaadiniinta naftooda iyo maalkoodaba. Dadkii ku tabaaloobay abaarihii Dabadheer waxaa u soo gurmatay dawladdii Kacaanka ee taliskii milatariga ahaa ee Siyaad Barre. Gaar ahaan waxa xusid mudan juhdigii weynaa iyo doorkii lama illaawaanka ahaa ee uu ku lahaa Ismaacii Cali Abokor, oo isagu dhalasho ahaan ka soo jeeday degaannadii ay abaaruhu haleeleen.

Dadkii tabaaloobey waxaa loo daad gureeyey koonfurta Soomaaliya, (gaar ahaan labada webi dhexdooda), sida Dujuuma, Kurtinwaarray, Baraawe iyo Sablaale. Dadka waxa lagu daad-guraynayey diyaaradaha xamuulka qaada (Ilyushin) oo ay lahayd Dawladdii Midowga Soofiyeeti (Ruushka) oo aan xaqiiqdii odhan karo kaalin lama illaawaan ah ayay ka qaateen gurmadkii iyo bedbaadadii dadkii abaaraha ku tabaaloobay. Aniga, hooyaday, aabbahay, xubnaha kale ee qoyskayaga iyo dad kaleba waxa baabuur nalagaga soo qaaday miyiga tuulada la yidhaahdo Dandan oo ka tirsan Gobolka Togdheer oo ahayd goobtii ay reerkayagu deggenaayeen, dabadeedna waxa nala geeyey goobtii diyaaradda na lagaga daadgureynayey. Diyaarad aad u weyn oo meesha taagnayd baa na lagu yidhi fuula, taasoo aan wax kuraas ahi dhex oollin. Waxa keliya saarnaa caws iyo harar. Kuwaas baa na loo goglay, oo aannu si habaqle ah u fadhiisannay.

Diyaaraddi na lagu qaaday waxay na geysay meesha la yidhaahdo Ceel-Jaalle, dabadeedna waxa na lugu qaaday baabuurtii Milateriga illaa magaalada Kismaayo. Halkaana waxaa na loo sii dhaafiyey meesha la yidhaahdo Dujuuma oo ka mid ahayd goobihii loogu talagalay dadkii abaaraha ku tabaaloobay ee Woqooyiga laga soo daabbulay. Meeshaa nala dejiyey ee Dujuuma waxay ahayd meel kayn ah iyo gel-gelin cidla ah oo aan wax nolol ahi hore uga jirin, markaa nala dejiyey ayaaba la yagleelayey waabab, carshaan, biyo iyo wixii kale ee bini-aadamku ku noolaan lahaa. Qormadaa cusub ee nala dejiyey waxaa loo qaybiyey xaafado magacyo leh. Annaga waxaa nala dejiyey xaafadda la yidhaahdo Wadajir.

Dadkoo dhan, yar iyo weynba, waxaa lagu jiheeyey shaqo ama waxbarasho, qofna looma oggolayn inuu shaqo la’aan meel iska fadhiyo. Dadka waaweyn waxa lagu jiheeyey oo lagu qasbay inay beeraha falaan oo ay ka shaqeeyaan, carruurta iyo dadka da’da yarna waxbarasho ayaa lagu jiheeyey. Waqtigaasi wuxuu ahaa xilligii ay dawladdii Kacaanku dardarta qabtay ee ay awoodda badan lahayd. Dadka waxaa loo qaban jiray khudbado iyo hanuunino joogto ah oo lagaga dhaadhicin jiray waxay tahay hanti-wadaaago, dawladnimadu iyo waajibaadka looga baahan yahay inuu muwaadinku garto.

Dadkii aannu wada deggenayn waxay ahaayeen in ka badan 90% dadkii Woqooyiga laga soo daadgureeyey, oo haddii ay is toydaan waxa dhici karaysay inay isku degaan ka wada yimaaddeen balse qabiil iyo qabyaalad midkoodna ma jirin. Waxa reebbanaa oo dembi ahaa inay dadku qabiil ama reernimo isu xulufaystaan, waxana aad looga taxaddiri jiray in qabiilka si muuqata looga hadlo ama loo sheegto.

Daadgurayntii dadka laga daadgureeyey degaannadii ay u dhasheen, may ahayn mid ku timid dalbasho ama rabitaan ka yimid dadkii tabaaloobay laftooda. In kasta oo ay tabaaloobeen haddana haddii iyaga talo la waydiin lahaa marnaba degaannadooda kumay doorsadeen meel kale. Sidaa darteed, dadkaa la daad-gureeyey waxay u muuqdeen dad ikhtiyaarkii laga qaaday oo aan waxna dooran karin waxna diidi karin. Waxa khasab ku noqotay inay u hoydaan hoy (guri) ayna hore ugu noolaan jirin. Waxa khasab ku noqotay inay quutaan cunto ayna hore u cuni jirin. Waxa khasab ku noqotay inay la qabsadaan nolol ku cusub oo ay ku adag tahay inay hore u qabatimaan! Waxa khasab ku noqotay inay qabtaan shaqo aanay weligood hore uga soo shaqaynin; taasoo ahayd beero-qodasho (ama beero–falasho). Waxa khasab ku noqotay inay u hoggaansamaan awaamiir iyo tilmaamid ayna taladeeda waxba ku lahayn. Degaannadii iyo magaalooyinkii dadka la geeyay waxaa loo sameeyay magac ay wadaagaan oo ahaa Danwadaagaha.

Sida ku qoran warbixinta hay’adda International African Institute ee Feb-1975 ee uu tifaftiray Prof. I.M Lewis, in ka badan 260,000 oo xoolo dhaqato ah ayay abaaruhu saameeyeen, waxaana dhintay 20,000 qof iyo labo million oo madax oo xoolo ah. Guud ahaanba dadkii loo qaaday degaannadii dadka la geeyay ee danwadaagaha ee Koonfurta dalkii Soomaaliya, gaar ahaan dadkii laga qaaday carriga Somaliland oo tiradooda lagu qiyaaso in ka badan 160,000, lagana kala qaaday degaannada Somaliland halkaas oo ay ugu badnaayeen gobollada bariga Somaliland ee Togdheer, Sool iyo Sanaag in kastoo la odhan karo gobol kasta cid baa kaga jirtay.

Inta Ilaahay ka sokaysa, waxaan aaminsanahay in Ismaaciil Cali Abokor uu door muhiim ah ka qaatay bedbaadada, nolasha iyo horumarka ay maanta ku naaloonayaan aniga iyo intii ila jiilka ah ee loo daad-gureeyey degaannadii la odhan jiray danwadaagaha oo ahaa goobihii loogu tala galay in la dejiyo dadkii ku tabaaloobay abaartii Dabadheer. Ismaaciil Cali Abokor waxaa lagu tilmaamaa geesi kudhac leh oo hal-adag waxa aannu xilligaa (1974) ahaa madaxweyne-ku-xigeenka 3aad ee Xukuumaddii Kacaanka. Ismaaciil wuxuu ka mid ahaa tiirarkii ugu adkaa ee ay ku dhisnayd dawladdii milateriga ahayd ee la wareegtay Soomaaliya 1969, iyadoo lagu sheego inuu ahaa maskaxdii wax ka diyaarisay inqilaabkii ay dhigeen Golohii Sare ee Kacaanka oo uu hoggaaminayey Jeneraal Maxamed Siyaad Barre oo markii dambe isu beddelay Kelitaliye arxan daran oo dad badan xasuuq u geystay.

Meel kasta oo uu kaga jirayba waxaan la dafiri karin kaalintii firfircoonayd ee uu Ismaaciil Cali Abokor ku lahaa abaabulkii kacaanka ee xoogga badnaa iyo dawladdii xilligaa talinaysay, waxa aannu inta badan degaannada Somaliland ku maray gaadhi isagoo sahminayey abaartii xilligaa ku habsatay ee Dabadheer.

Markii abaartii Dabadheer dhacday waxa aannu lahayn noocyada xoolaha sida geel, ido iyo riyoba balse waxay dadkii ku caydhoobeen oo daaduumiyey abaartii haleeshay, xoolihiina waxay noqdeen wax dhintay, wax joogsaday iyo wax buka. Nasiibwanaag waxaa degaannadii aannu deggenayn u soo gurmaday Dawladdii Milateriga ahayd ee xilligaa dalka xukumaysay. In kasta oo aanay jirin warbaahin madaxbannaan oo ka soo warranta meelaha abaaruhu ka dheceen, isla markaana warbaahinta dawladda laf ahaanteedu aanay isku hawlin sootebinta dhibaatada, haddana wakhtiyadaa waxaa degaankii ay abaartu nagu haleeshay nagu soo maray wefti uu hoggaaminayey mudane Ismaaciil Cali Abokor oo ku guda jiray safar-hawleed uu ugu kuurgalayey xaaladda ay ku sugnaayeen dadka iyo duunyadii ku noolaa degaannadii ay abaartu tabaalaysay. Aabbahay wuu xanuunsaday oo waxaa loo qaaday magaalo-madaxda Gobolka Togdheer ee Burco.

Weftigii waxa ay ka xog waraysteen waayeelkii degaanka xaaladda abaarta iyo sida ay u saamaysay. Hasayeeshee waxay si lama filaan ah ugu kulmeen tuulada Shanshacadde walaalkay oo magaciisa la yidhaahdo Cabdiraxmaan oo ahaa wiil yar balse aad u firfircoonaa ayaa si lamafilaan ah Ismaaciil Cali Abokor hadal ku boobay warbixin guudna ka siiyey xaaladda uu reerkayaga ku sugnaa. Ismaaciil, oo isaga qudhiisa dhalasho ahaan ka soo jeeday degaannada ay abaaruhu haleeshay, wuxuu waayeelkii degaanka u sheegay in dadka degaankaa ee abaarta ku tabaaloobay la isugu keeno tuulada la yidhaahdo Heere halkaasoo oo Kaam looga samaynayey, ka dibna waxaa gurigayagii nagasoo qaaday gaadhi uu milaterigu lahaa oo uu waday nin la odhan jiray Xaaji Aadan Haaruun, dabadeedna wuxuu na geeyey kaamkii dadka lagu ururinayay, muddo yar ka dibna waxaa naloo qaaday magaalada qadiimka ah ee Beer.

Muddo markii dadka halkaa lagu soo ururinayay ayaa subixii dambe goor barqo ah naloo keenay diyaaradihii Ruushka ee milateriga taas oo na lagu daadgureeyay dhammaanba dadkii deggenaa kaamka, agabkoodii iyo aqalladoodii Soomaaliga ahaa. Diyaaraddu may lahayn kuraas, manay jirin wax suuman ah oo aannu xidhnayn. Waxay shaqaalaha diyaaraddu noo qaybiyeen nacnac iyo buskud na lagu yidhi wuxuu idinka ilaalinayaa hunqaacada/matagga balse anigu waan ku matagay. Waa maalintii nolashayda iigu horraysay diyaarad aan raaco, oo waxay ii ahayd maalin raaxo iyo rayrayneed.

Diyaaraddii waxay nala duushay barqadii waxay shidaal ka sii qaadatay garoonka diyaaradaha ee Hargeysa, taas oo duhurka dabadiisii ay nagala kacday iyadoo ku wajahan koonfurta Soomaaliya, waxay goor casar gaaban ah nala fadhiisatay magaalada Kismaanyo ee gobolka Jubbada Hoose, waxaa nalagu qaaday gawaadhida ciidamada iyada oo ay aad noo soo dhaweeyeen ciidamadii Soomaaliya ee meesha ku diyaarsanaa, iyo dadkii deggenaa halkaa oo xoolo-dhaqato u badnaa, waxaanay ciidamadu si naxariis badan tuurta noogu qaadayeen da’yartii aan ka mid ahaa xataa walaalladay kuwii kuraydda ahaa ee socon karayay. Bal ogow ciidanka noocaa noola dhaqmayay ayuun bay ahaayeen kuwii markii danbe xabbadda u qaatay ee aannu waynay meel aannu ka galno!

Gawaadhidii ciidamada ayaa na geysay magaalada yar ee la yidhaahdo Luglaw oo aannu seexannay habeenkii. Subixii danbana gawadhidaas ayaa noo qaadday magaaladii aan ku barbaaray ee Dujuuma.

Marka annaga na laga yimaaddo, waxaa kale oo dadka abaaruhu tabaaleeyeen lagu ururiyay goobo badan oo ay ka mid ahaayeen Jiidali, Caynaba, Beer, Oodweyne, Gaha iwm. Waxaana loo kala qaaday oo la dejiyey degaamo kala duwan oo ay ka mid yihiin Dujuma, Sablaale, Kurtinwaarray, Baraawe iwm. Dadkan ka kala yimi in badan oo goballadii Soomaaliyeed ee xilligaas ahi, marka laga tago badbaadinta iyo horumarka bulshadani ay heshay, waxaa kale oo faa’ido weyn ahayd isdhexgalka dhaqan-dhaqaale ee ay wadaagayeen dadkii laxaadka lahaa ee meeshaa la isugu keenay (Cross culture), oo runtii cudurka dillaaga ah ee qabyaaladda meesha ka saartay dadkii halkaa deggenaanna walaalaysay.

Tallaabadani waxay u ahayd dawladdii Kacaanka ee xilligaas guul weyn oo ay ku kasbatay quluubta bulsho aad u ballaadhan, isla markaana ay kor ugu qaadday wacyigii bulshadaa dhan kastaba.

Rafaadkii dadka iyo xaaladdii adkayd ee ay abaaruhu dhaliyeen waxaan odhan karaa aniga iyo intii ila da’da ahaydba waxay u ahayd indhafur iyo fursad cusub oo carruurnimo, waayo sida la yidhaahdaba “Dhibaatooyinku fursadana way dhaliyaan– every crisis has a window of opportunity.” Waxaannu ku ciyaaraynay diyaaradda dhexdeeda, aniga iyo intii ila da’da ahayd. Diyaaraddii na lagu qaaday ayuu dareenkayagii carruurnimo na siinayey in aannu nahay daldoorsi ama dalxiis, balse xaaladda qalafsan ee dadka laga daadguraynayey degaannadiii ay weligoodba ku noolaayeen, gaar ahaanna waalidiinta iyo dadka kale ee waaweyn, waxay u ahayd werwer iyo dad laga mastaafuriyey caalamkii ay ku dhaqnaayeen oo la geynayo caalam kale oo aanay weligood hore u arag!

Dadka sharafta iyo karaamada leh ee reer Somaliland ee aan aadka u jecelahay inaan la noolaado dhinac kasta oo nolosha ah, waxay ka mid yihiin bulshooyinka ugu jecel waddankooda, in kasta oo horumarkiisu aannu buurnayn sababtay doontaba ha ahaatee. Haddaba, dadkii ku tabaaloobay abaartii Dabadheer (1974) ee loo daadgureeyey Soomaaliya, (gaar ahaana inta labada webi u dhexaysa) waxay u muuqdeen dad laga kexeeyey caalamkii ay yaqaanneen oo la geeyey caalam kale oo ay qariib ku ahaayeen.

In kasta oo dawladdii xilligaasi jirtay ay dedaashay oo ay noloshooda badbaadisay, isla markaana carruurtoodii ay waxbartay, haddana haddii iyaga talo la weydiin lahaa waxaan hubaa inay door bidi lahaayeen inay ku sii negaadaan oo lagu gargaaro degaannadii ay qabatimeen ee ay masiibada dabiiciga ahi ku haleeshay, balse waxaa loo daadgureeyey degaanno aanay weligood hore u arag oo ay gebi ahaanba qariib ku ahaayeen marka dhan kastaba laga eego.

In kasta oo loo gurmaday noloshoodana la bedbaadiyay dadkii abaaruhu tabaaleeyeen waxa ku dhacay laba arrimood oo murugo leh:

1)      Caydh & Faqri: Dad iyagu noloshooda isku fillaa, laf-dhabarta noloshooduna ku tiirsanaan jirtay nolosha miyiga iyo xoolo dhaqashada, ayaa guud ahaanba ku caydhoobay kuna tabaaloobay abaartii haleeshay dabadeedna waxay la kowsadeen faro madhan iyo faqri baaxad leh.

2)  Barakac & Daltabyo: Dhacdada kale ee murugada lahayd ee iyaga kagaba sii xannuunka badnayd waxay ahayd iyagoo la bara-kiciyey oo loo daad-gureeyey degal iyo dagaanno aanay garanayn. Waalidiinta iyo dadka kale ee waaweynaa ee la geeyey Soomaaliya waxay galeen rafaad iyo xaalad aad u adag oo ay kala kulmeen degaannadii loo daad-gureeyey waxayna ku noolaayeen daltabyo iyo dareen dib-u-noqosho joogto ah oo mar walba maskaxdooda ku taagnaa. Dadka waaweyni waxay mar walba hiyiga ku hayeen oo ay u hanqal-taagayeen inay mar uun ku laaban doonaan degaannadii ay ku dhasheen, u dhasheen, ee ay dabeecad yaqaanneen ee laga soo daadgureeyey.

Waxay ahayd degaan iyo qormo cusub oo yagleel ah. In kasta oo ay jireen duruufahaasi haddana dadkan la soo raray waxaa ka buuxay geel-qaad iyo fallaago, oo iyagu fursad u arkay meesha la geeyey. Waxaa talo isugu yimi rag dhawr ah oo ka mid ah dadkii meesha la keenay, waxay talo isku waydiiyeen “meesha waxaa jooga geel aad u badan ee maynu qaadno!” Xoolihii degganaa meesha geel aanan garanayn tiradiisa ayaa maalintii dambe la dhacay. Sow dhawr qori ayay ragga qaar ku soo qarsadeen agabkii iyo cawsaskii loo soo raray ee ay siteen! Markii qayladii degaanku ay dawladdii iyo maamulkii gaadhay ayaa laga daba tegay oo jidka lagu soo qabtay.

Dhaqaalaha Soomaalida waxaa saldhig u ahaa xoolaha nool. Muddo qarniyo ah waxaa soo noqnoqday abaaro. Xal looma helin ilaa hadda, in magac loo bixiyo mooyaane. Abaartii 1974 ayaa iigu horraysay. Xoolihii wakhtigaa si xoog leh ayay u baxeen. Dadka dhintayna waxaa lagu qiyaasaa 20,000; iyadoo in ka badan 160,000 oo kalana dirqi lagu badbaadiyey. Dawladdii xilligaa dadka badbaadinaysay iyo ciidankii u gurmanayey ayuun baa haddana boqollaal kun oo kale xasuuqay, waxaana ay qaxoonti ku yihiin darafyada dunida! Siyaasadda iyo hoggaanka oo qalloocda ayuun baa sidan ah.

Fikirkaada Waa Muhiim