Ganacsi waliba si wanaagsan buu u shaqeynayaa haddii dhaqaalaha dalka uu yahay mid xasilan, si kale aan u dhigee qiimaha kala gadashada badeecadda waa in aysan kordheynin, tirada shaqo la’aanta dalkana waa ay yartahay, Dhaqaalaha dalkana waa in uu si tartiib tartiib ah u kobco. Dowladana waa in ay sameyso nidaam ay ku xakameyn karto kuna xasilin karto Dhaqaalaha Dalka. Nidaamyadan dhaqaale oo ay dowlada isticmaasho ayaa fursado badan siin kara Ganacsiyada, Ganacsata iyo Dalka waxa ayna xamayn karaan talaabo waliba oo lidi ku ah Xasilooni darada Dhaqaalaha Dalka.

2008 – 2009, Waddamo fara badan ayaa waxaa ku dhuftay Hoos u dhac Dhaqaale, waxaana sababay dhibaato dhanka dhaqalaaha ah ee ka dhacay Dalka Mareykanka. Dhibaatadan ayaa ka bilaabatay kadib markii ay Bank-yadii ay jarteen lacagihii amaahda ahaa ee la siin jiray ganacsiga yaryar iyo shirkadaha waa wayn si ay usii wadataan Ganacsigooda, taasoo ugu danbeyn keenatay in ay joogsadaan dhaqdhaqaaqa ganacsiga ee dalka Mareynkanka iyo adduunka, si wayn looga dareemay Dhamaan dunida oo dhan.

“Sidaa darteed, Dowladda waa in ay soo faragelisaa dhibaatadan, si loo helo xasilooni Dhaqaale iyo Kobaca dhaqaale ee Dalka.”

Marxaladda Dal waliba marka uu sidaan noqdo waa lama huraan in fara gelin ku sameyso dhaqaalaha sabeynaya ee dalka, ujeedada faragelinta iyo samaeynta nidaam ilaalinaya waxa weye xasilinta Dhaqaalaha Dalka iyo kobaca Ganacsiga.

Inta aanu ka hadlin ujeedooyinka ay dowlada u faragelineyso Ganacsiyada, Waxaan ka hadleynaa doorarka ugu muhiimsan ee Dowlada ku leedahay Dhaqaalaha dalka, waxaana kamid ah:

  1. Sara u qaadida kobac Dhaqaalah; in la kordhiyo Daqliga dowlada ayaa la yiraahdaa Kobac Dhaqaale. Dowladda waxa ay door wayn, oo muuqata ka ciyaartaa Sara u qaadida Dhaqaalaha Dalka, maxaa yeelay waxaa kordhaya heerka nolosha ee Dadka iyo Dalka, dhanka kale Kobaca Dhaqaalaha ee Dalka waxa ay dadka siineysaa fursado Shaqo in ay dadka helaan, kodhana daqliga dadka iyo dalabka Dadka iyo dalka.

  2. Gacan ku haynta iyo Hagidda Qiimaha badeecada: Dowladda waa in ay ka ilaalisaa Sicir bararka Dalka, Sicir bararka micnihiisu waa in uu kordho qiimaha kala gadashada badeecada suuqa, waxayna wax yeeleneysaa Dhaqaalaha Dalka. Maxaa yeelay qiimaha badeecada waa ay kordheysaa, Dadkana waxa ay in badan oo lacag ku qarash gareynayaan Dukaameysigooda.

  3. Yareynta Heerka Shaqo La’aanta ee Dalka: Shaqo la’aan waa marka ay dadka intooda badani aysan haynin wax Shaqo ah, helitaanka shaqada suuqana ay ku adagtahay dadka. Maxaa yeelay shaqo la’aanta dadka uma wanaagsana Dhaqaalaha Dalka, waxaa yaraanaya Kheyraadka iyo Wax-Soosaarka Dadka iyo Dalka waxayna saameyn ku yeelanaysaa Kobaca Dhaqaalaha Dalka, waxaana muhiim ah in Dowlada mashaariic Shaqo abuuris ah ay u sameynayso Dadka shaqo la’aanta ah ee Dalka ku sugan.

  4. Yareynta Heerka Kala Sareynta Dadka Fuqarada ah iyo Dadka Taajiriinta: Dowladaha badankood waxa ay aaminsan yihiin in ay wanaagsan tahay in la hormariyo Bulshada, si loo yareeyo Gap-ka u dhexeeyo dadka fuqarada ah iyo kuwa Taajiriinta ah, haddii aysan dhicin laysku soo dhaweeyo nolosha ka duwan ee dadka, waxaa laga yaabaa in ka dhalato dhibaato bulsho sida Danbiyo, Dhac, Faqirtinimo, Amni daro iyo Guryo La’aan.

  5. Isu Dheeli tirid Wax laga dhoofiyo Dalka iyo Waxa lasoo Dagsashada: Dowladaha qaar ayaa walaac ka muujiyey, haddii waxyaabaha lasoo dagsanaayo ay ka bataan waxa lasoo dhoofiyo, tani waxa ay ka dhigan tahay in Dalka uu intiisa badan ku tiirsan yahay Alaabaha Badeecada iyo adeegyada Dibada kaga imaanaya. Waana halis hor leh mudana in la isu dheelitiro alaabaha dibada laga soo dajiyo iyo kuwa dalka gudahiisa laga laga dhoofiyo.

Waxaa jira sababo badan, oo ay dowlada ugu lug lahaan karto Ganacsiyada, balse waxaa jira labo arin oo ugu mihiimsan oo dowlada u fara gelin karto ganacsiyada waxaana kamid ah; Ganacsiyaga oo barwaaqooba ( Economic Booming), waana markii Dhaqaalaha dalka uu kobco, shaqooyin badana ay abuurmaan, mushaaradka shaqaalaha la kordhiyo, faaido badana laga sameeyo ganacsiyada sidoo kalana waxaa kordhaya baahida iyo rabitaanka dadka.

Hoos udhac Dhaqaale ( Economic Recesion), Waa mudada Waddan uu ku jiro xilli Dhaqaalihiisu hoos u dhacay; waana marka shaqo la’aanta ay kororto, ganacsiyada intooda badana ay musanifaan/ kacaan ( Bankrupcies), sidoo kalana waxaa la dhacay qiimaha wax kalaga gadashda badeecaha.

Ganacsi waliba waxa uu leeyahay halistiisa, waxa uuna sameeyn dhanka xun ku yeelan karaa Dadka iyo Deegaanka waana muhiim in ay Dowlada ilaaliso bedqabka Dadka iyo Deegaanka. Sidoo kale Shaqaalaha u shaqeeya ganasiga iyo shirkadaha waxa ay u baahanyihiin ilaalin iyo in la hubiyo Xaaladaha deegaanka ay ku shaqeeyaan, bedqabkooda iyo iyo la dhiig miirto. Dalal badan, Dowladahooda waxa ay leeyihiin sharci dastuuri ah oo difaacayo shaqaalaha.

Dadka isticmaala badeecadaha ( Consumers), iyana waxa ay u baahanyihiin in la ilaaliyo iyo la kontoroolo tayada badeecada ay kasoo gataan goobaha ganacsiga, waana shaqo kamid ah waajibaadka dowlada ee kasaaran ilaalinta iyo difaaca dadka. Mararka qaar ganacatada waxa ay isticmaalaan awoodo xad dhaaf ah, si ay suuqa u qabsadaan, muhiimna ay tahay in dowladda ay soo saarto Siyaasada Tartamidda Suuqa ( Competition Policy ) si loo xaqiijiyo lagana hortago in suuqa ganacsato gaar ah ay u maamulaan.

Shaqooyinka ganacsiga qaar waxa ay saameyn u gaysanayaan Deegaanka, tusaale ahaan waxa laga yaabaa in uu wasaqeeyo wabiyada iyo badaha, waxayna halis u gaysan karaan oo ay dili karaan Dhirta, xayaawanada nool. Dowladaha waxa ay isticmaalaan sharci ilaalinaya dhirta, webiyada iyo duur joogta.

Dowlada waxa ay ganacsiga ugu lug lahaan kartaa, una saameyn kartaa habab kala duwan, waxayna cadaadin kartaa dhaqdhaqaaqa ganacsiga, ama waxa ay bixineysaa fursado badan oo dhanka hormarka ah. sidoo kale, waxa ay kabaan ganacsatada ayagoo siiya ( Subsidy), taas oo dhiira gelin karto ganacsiga iyo wax-soosaarkiisa oo kordha.

Hadaba, Dalkeena Soomaaliya waxaa ka curtay Dowlad dhaanta Dowlad la'aan, dadaalo badan ay sameyeen Dowladihii talada Dalka isaga kala danbeeyey waxay talaabo dhanka hormarka ka sameeyeen ilaalinta Ganacsiga, difaaca dadka iyo deegaanka, waxaana in badan laga gaabiyey sharciyadii dastuuriga ahaa ee shaqaalaha, difaaca duurjoogta, ilaalinta webiyada iyo badaha oo inta badan wax yeeleeya noloshooda iyo sii jiritaan kheyraadka dabiiciga ah ee ku tiirsan yahay kobaciisa Dhaqaalaha Dalka. Loona baahan yahay in dowlada in ay si taxadar leh ula socoto dhaqdhaqaaqa ganacsiyada, ilaalinta iyo difaaca Dadka iyo Dalka.

Fikirkaada Waa Muhiim