Shirkadaha Ganacsiga waxay isticmaalaan khayraadyo kala duwan si ay usoo saaraan Alaabo, ama ay u bixyaan Adeegyo. Tusaale ahaan shirkadaha ganacsiga waxa ay isticmaalaan alaabo ceyriin ah ( aa wali diyaarsanayn), dhismaha ganacsiga ama shirkada, qalab, mashiino iyo Dad. Ganacsiga waxa uu inta badan xooga lagu saaraa sida ugu wanaagsan oo u isticmaali lahaa qayraadka iyo shaqaaalaha u shaqeeya. Shaqaalaha qof waliba  waxa uu ku taqasusay shaqo gaar ah waana sida ugu wanaagsan ee loo baahanyahay in qof waliba loo dhiibo meesha iyo shaqada uu ku fiicanyahay si loosoo saaro waxsaoosaar tayo leh. Hadaba waxaan muhiim ah in aan ogaano macnaa Wax-Soosaar.?

Inta aan macnayn erayga Wax-SooSaar waxaa muhiim ah in aan qeexno waxa loola jeedo Kheyraad?

Erayga Kheyraad waxay ku leedahay macno go’an ‘cilmiga dhaqaaalaha, waana shey aan si toos ah wax u baahi tiri karin ayadoo aan la shaqo gelinin. Wax waliba waxay u baahanyihiin in shaqo la geliyo si loosoo saaro ama loo helo Kheyraad.

Hadaba, haddii aan fahamnay macnaha erayga kheyraad waxaa muhiim ah in aan hadana qeexno erayga wax-soosaar.!

Wax-Soosaar macno ahaan, waa in Kheyraadka lahaysto loo badalaa Alaabyo ama adeegyo, Alaabyada iyo adeegyadana waa in la bixiyaa si loo daboolo baahiyada iyo rabitaanka dadka oo dhan. Si loo daboolo dhamaan baahida iyo rabitaanka Aadanaha waxaa saameyn ku leh dhowr arimood waxaana kamid ah:-

  1. Raasumaal: waa lacagta lagu bilaabayo ganacsiga marka ugu horeyso taaso ama noqota mid laysku darsado ama hal shaqsi uu leeyahay hadba waxa ay ku xirantahay weyninka ganacsigaas iyo waxa uu rabyo in uu bixiyo. Raasumaalka ayaa waxa loo qaybiyaa labo qaybood oo kala ah Raasumaal Shaqeynaya oo ah waxyaabaha ceyriinka ah sida waxii lagu soo saarayey alaabta iyo waxii lasoo saaray, iyo Raasumaal aan shaqynin, waxaana kamid ah warshadaha, xafiisyada, dukaamadii mishiininka lagu shaqeeyo iyo qalabkii loo isticmaalayey in wax lagu soo saaro, balse waxay qayb ka qaadataa soo saarida wax soosaar.
  2. Dhul: ganacsiga ha noqodo Warshad ama shirkad waxa uu u baahanyahay in dhul uu wax ku soosaaro ama uu ku bixiyo adeegyada baahida loo qabo, tusaale ahaan warshadaha aad u waawayn waxa ay u baahanyihiin dhul kuyaalo banaanka magaalada iyo baqaaro kuyaalo gudaha magaalada si loo gaarsiiyo ganacsiyada yaryar xiliga baahida loo qabo. Maxaa yeelay ganacsi aan lahayn dhul uu waxkusoo saarto ama uu ku bixiyo adeegyadiisa waa ay yartahay in badbaado ama uu sii jiro ganacsigaas.
  3. Xoogga Shaqaalaha: xooga dhaqaalaha waa Shaqaalaha, Shaqaalaha gacanta wax ka qabto, kuwa xirfadleyda ah, iyo dhamaan maamulayaasha waa xooga Shaqaalaha qaranka iyo ganacsi walbo. Tayada Shaqsiga shaqaalaha ah waa ay ku kala duwan yihiin, mid waliba waxyaabo ayuu gaar u leeyahay sida Awoodda wax qabashada, Dabeecadda, xirfadda, aqoonta, caqliga iyo shucuurta shaqsiga.
  4. Hal-Abuure Ganacsi: waa qofka leh fikrada ganacsi, waana qofka mas’uulka ka ah Dejinta nidaamyada iyo socodsiinta iyo kobac ganacsiga, ayaga la’aantoodna ganacsiga ma soconayo maxaa yeelay waxay ciyaaraan dowr muhiim ah, waxaana lagu tiriyaa in ay yihiin kuwa leh Fikrada ganacsiga, in ay yihiin kuwa leh ganacsiga mararka qaar, waxaa ay yihiin kuwa u bareera ka badbaadinta qatarta kusoo foodka lwh ganacsiga iyo waxayna sidoo kale dowr muuqata ka qaataan in ay sida ugu wanaagsan u qoodeeyaan kahayraadka uu haysto ganacsiga, maamulida shaqaalaha iyo waana kuwa go’aan ka gaara arimaha qaar iyo maamulida lacagaha is dhaafaya ee ganacsiga.

Ugu danbeyn, ganacsi waliba waxa ku taagan yahay afarta shey ee aan soo sheegynay, waana arimaha inta badan saameynta ku yeelan karo wax-soosaarka ama bixinta adeeggada iyo jiritaanka ganacsigaas maxaa yeelay hadii aysan fadhin afartaas badabaado malaha ganacsigaas, waana waxa dhaqaajiya kobaca ganacsi waliba, ha noqdo mid wayn ama ganacsi yar. 

Fikirkaada Waa Muhiim