Aqirtayaasha sharafta leh ee ku xiran webkeena Tuke Somalism sidaa innooga barateen waxaan u taaganahay wixii faa’ido iyo hormar u ah bulshadeena inaan idinla wadaagno. Hadaba waxaan rabnaa maanta inaan idila wadaagno  fursadooyin shaqo iyo ganacsi kabanaan wadankeena Soomaaliya.

Waxa macquul ah fursadahaan qeyb ka mid ah inay horey uga jireen wadanka, laakiin  sidaa uguma badna, walina  wey u baahanyihiin inay helaan bulshadeena fursadaha nocaan ah.  

Haddii wadan dhaqaalihiisa la doonayo in kor loo qaado ama lahormariyo waxaa fursad loosiyaa  in ay dadka ay maalgashan karaan ayna u tartami karaan ganacsiga iyo wax soo saarka wadanka. Ha ahaadaan  dadka u dhashaday wadanka, amaba shirkado shisheeye.

Wadanka Soomaaliya waxa u badan dhalinyaro waxaana la dhahaa ‘boqolkiiba 74% waa shaqo la-aan’

Haddii wadanka helo fursad maalgashi waxa yaraanaya shaqo la’aanta wadanka kajirta iyo waliba nabadgelyada wadanka. Ganacsiga aan rabno inan halkaan ku xusno waxay isugu jiraan kuwa yar- yar iyo kuwa waa wayn, intaba.

Hadaba, waa maxay fursadahaas ganacsi ee ka banaan wadanka soomaaliya?

 

  1. Hoteelada iyo meelaha loo dalxiis tago

Soomaaliya waxa ay leedahay hoteelo farabadan oo shaqsiyaad leeyihiin. Marka si loo eego waxa laga yaabaa in hoteladaas aysan caan ahayn ama khadmiyaadka ay bixiyaan uusan la mid ahayn sida kuwa kale ee caalamka. Haddii hoteelada midoobaan loona  sameeyo hal magac ay wadagaan, oona  laga helikaro magaala kasta ee Soomaaliya Waxaa fidaaya magaca hoteelka wuxuuna noqonayaa  mid lawada yaqaan, isla markaasna dadka martida, macaamiisha iyo kuwa socdaala ay  marwalba ay hiigsadaan hal hoteel oo magaalo kasta ay tagaan kaheli karaan waa muhiim.

Dalxiisayaasha oo noqon kara kuwa ka yimaada dibada iyo kuwa gudaha. Dhammaan macaamishaas waxa u fudadaanaayo inay soo hiigsadaan hoteelka maadaama uu bixinaayo adeeg wanaagsan oona lawada yaqaano.

Halkaas waxa kor u kacaya dhaqaalaha hoteelka soo gala, shaqaala badan oona fursad shaqo ka hela hoteelka iyo martida oo hesha meel ay ku nagaadaan isla markaasna ay ku nastaan. Waxa kale oo soo badanaya dalxiisayaasha imaanaya wadanka, kadib  waxaa kor  kacaya dhaqaalaha wadanka.

 

2. Shirkadaha socdaalka gaadiidka

Waxaa sidoo kale banaan fursado kale oo ganacsi ee balaaran.  Sida gaadiidka dadweynaha qaada, waxa aragnaa badanaa in ruux walbaa gaarigiisa uu ku qaado dadka safra, tusaale gaadiidka hoomeeyda, basaska yaryar iyo kuwa waaweyn, gaariyaasha xamuulka ee alaabta qaada iyo mooto-bajaajta. Hadaba fursadaha banaan ayaa waxay tahay in lahelo shirkado midaysan ee dadka safarka qaada, kuwaas oo wadanka oo dhan ka howlgala. Haddii ay shirkadaha midoobaan ama ay soo baxdo shirkad buuxisa baahida halkaan ka jirta waxa badanaya dadka shacabka raacaya gaadiidkaas caanka ah.

Tusaale ruuxa asigoo gurigiisa ama hotelkiisa ku sugan aya waxa usuurta galaaysa inu jarto tikidka, kaliya waxa kaxigta inu booqdo webka-shirkada asigoo jaranaya xiliga uu rabo.

Shirkada waxay tartan la geli kartaa kuwa gaarka loo leeyahay haddii shirkadaasi adeegyada macaamiisha u baahanyihiin ay kusoo biiriso ganacsigeeda ayna wanaajiso qadimaadka ay bixineyso. Waxay helaysaa dhaqaale badan, waxa intaa sii dheer fursadaha shaqo ee bulshadu ka faa’idaysanayaan.

 

3. Waxa sidoo kale  banaan mashruuca tareennada

Adeega tareenka wuxuu mustaqbalka noqon doona mid loo baahanyahay isusocodka wadanka oo dhan iyo wadamada deriska ah. Waxaa siddoo kale jira fursado wanaagsan oo ka banaan dhinaca gaadiidka (logistics)  sidda gawaarida xamuulka qaado iyo alaabahaa badeecadaha u qaado bulshada iyo dadka ganacsatada ugu  soo degta dekedaha, dayuuradaha iyo kuwa socdaalka ku soo gala dalka kadibna u geeyo alaabaha meelihii loogu talagalay.

 

 

4. Suuqa isku xirka  shaqada iyo shaqaalaha

Shirkadaha u baahan in loo shaqeeyo iyo dadka u baahan inay shaqa helaan ayaa waxay u baahanyihiin meel saldhig u ah oo ay ka helaan shaqooyinka ka banana dalka si ay u hanqab tiraan baahidooda. Wakhti xaadirkaan gudaha Soomaaliya kama jiraan shirkado si heersare ah u shaqeeyo kuwaasoo isku xera shaqo doonayaasha iyo ururada shaqooyinka haaya. Isku xirkaas waa loogu baahanyahay wadanka waxaaana faa-ido ka helaysa shirkadaasi shaqa geeynta ah waxeyna lacag  usaarantahay shirkada loo shaqaynayo iyo kan shaqadoonka ah marka uu shaqada  helo. Shirkadaan dalaalka ah waxay masuul ka tahay inay soo qorto ama keento ruuxa ay doonayaan shirkada islamarkaasna u qalma shaqada.

 

5. Shirkadaha kaydiya wax soo saarka wadanka isla markaasna iibgeeya

 Wadanka Soomaaliya waxa lagu yaqaan wax soo saarka dalagyada kala duwan, laakiin ma jiraan shirkado kaydiya marka dalaga soo go’o. Waxad arkee sanadkaan in beeralayda soo saareen qudaar faro badan, isla sanadkaasna xiliyada jiilaalka  nasiibdaro in lawaayo dhammaan qudaartii sogo’day , ama ay noqoto mid qaali ah. Hadaba Si loo daboolo baahidaas waxa loo baahanyahay in la helo ganacsato kaydiya dalagyada soo go’a. Sidaa darteed halka waxa ka banaan fursad ganacsi ee la wareega marka ay soo og’da qudaarta iyo dhammaan dalagyada, dabadeedna dib uhabayn ku sameeya oo iib geeya xili walba.

Shirkadaas waxan aaminsnahay inay faa-ido farabadan heleyso, iyadoo wadanka wax badan uqabatay haddii ay noqoto kabida baahida loo qabo dhammaan agabyada qudaarta qaboojisa  iyo dhammaan kaabayaasha dhaqaalaha wadanka.

 

6. Warbaahin madax banaan ee ka hadla, cilmi-barista sayinska iyo waxbarashada

Warbaahinta Soomaaliya waxay ka hadlaan waxyaabaha ka dhaca caalamka iyo Soomaaliya. Waxa laga yaaba inadan arkin warbaahin ka hadasha cilmi-barista, sayniska iyo waxbarashada. Sidaa darteed waxa halkaan ka maqan warbaahin madaxbanaan ee ka hadasha dhamaan wixii aqoon ah biloow ilaa heer caalami. Waxayna halka ka samayn karaan dhaqaale iyagoo dadka Soomaaliyeed aqoon usoo kordhiyay.

 

 

7. Farsamada gacanta iyo wax soo saarka warshadaha maacuunta

Shirkadaha wax soo saarka alaabaha guryaha iyo dhamaan wixii agab ah, sida biraha, koobabka, galaasmanka, waa fursad ganacsi ka banaan wadanka Soomaaliya. Waxaan aragnaa in  Shiinuhu uu soo saaro inta badan waxyaabaha dunnida laga ismticmaalo maanta. Marka waa macquul inaan wadankeenna ku sameysano waxyaabaha fudud ee aan sameeysan karno..

 

 

8. Urur cilmi baarayaal ah

Soomaaliya sidoo kale waxay u baahantahay urur cilmibaarayaal ah ee dhamaan warbixin dhab ah kasiiya horumarada kala duwan ee wadanku ku talaabsaday iyo haddii ay jiraan dib udhac iyo sawabaha keenay. Dabcan shaqada ay qabanayaan ururkaan aya waxaa kamid ah tusaale: inay warbixin kasoo saaraan nabad-gelyada, adeega caafimaadka, waxbarashada, tirakoobka, shaqo la-aanta ka jirta wadanka, dowlada dhexe, maamul goboleedyada, maamul wanaaga iyo nidaamka. Ururkaan ayaa shaqadiiso noqon kartaa cilmi baaris xaqiiqda kusalaysan in lahelo  lalana wadaago bulshada.

Ururadaan dabcan waa inay aqoon sare iyo qibrad u lahaadaan baaritaankooda isla markaasna uu ahaadaa mid xaqiiqda ku salaysan.

Runtii fursadaha ganacsi ee wadanka  looga baahanyahay wey badanyihiin Waxa jira ganacsiyo badan ee kale kuwaas oo ka banaaan wadanka sida: daryeelka caruurta marka waalidiinta ay shaqda  aadaan maalintii iyo daryeelka dadka waayeelka ah ayaa ka mid shaqooyinka kale ee looga baahanyahay wadanka. Haddii ay jiraan ganacsiyo kale ee adigu garanaysid waa nala wadaagi kartaa.

Fikirkaada Waa Muhiim