Kooxda la magac baxday Khilaafada Islaamka ee Daacish ayaa mar kale ugu baaqday Xarakada Al-Shabaab ee Soomaaliya inay ku soo biiraan, ayna adeecaan Hogaamiyaha Daacish Abuubakar Al-Baqdaadi.

Muuqaalo si wada jir ah Daacish uga soo saartay Gacanka Sinai ee Masar, magaalada Raqqa ee dalka Suuriya, Furaat oo Ciraaq ah iyo Gobolka Xadramuud ee Yemen ayaa waxaa dhamaan fariimahaas ay ahaayeen hal ujeedo, waxaana loogu magac daray “Xaqa Kolonyadda” iyo dhageyso Mujaahidka ka dagaalamaya Soomaaliya.

Mid ka mid ah dagaalyahanada ka soo muuqday muuqaladaas oo wajiga xirnaa ayaa sheegay in dhaq dhaqaaqooda kala duwan ee Caalamka ay ugu baaqayaan Al-Shabaab inay la midoobaan Khilaafada Islaamka.

Fariintan ayaa aheyd tii labaad oo Daacish u soo dirto Soomaaliya, iyadoo ka dalbaneysa Al-Shabaab inay ku soo biiraan, hase ahaatee Al-Shabaab ayaan wax jawaab ah wali ka soo saarin.

Laakiin warar soo baxayay maalmihii u dambeeyay ayaa sheegaya in Al-Shabaab dhexdooda ay ku kala aragti duwanaadeen, waxaana la sheegay in saraakiishooda sar sare ay wali ku qanacsan yihiin ka sii mid ahaanshaha ururka Al-Qaacida oo horaantii sanadkii 2012 ay la midoobeen.

Maalmo ka hor ayaa la sheegay ciidamo ka tirsan Al-Shabaab ku xireen degmada Jamaame xubno ajaaniib ah oo ka bar bar dagaalama Kooxda, waxaana ay mamnuucay khudbadaha laga jeediyo masaajidada, iyadoo aan ogolaansho loo heysan.

Fikirkaada Waa Muhiim