Waa maado muhiim u ah dadka maamula ururada ka shaqeeya bixinta adeegyo ama badeecadaha inta badana waxa ay diirada saartaa dabeecadaha shaqaalaha xiliga ay joogaan goobta shaqada iyo nuuca xiriir ee ka dhexeeya ururka, shaqaalaha dhexdooda iyo shaqaalaha iyo ururka.

Sida caadiga ah, waa mid dabiici ah dhaqanka iyo dabeecaha shaqsiga kala duwanaasha ka dhexeeya dadka, waana mid si dabiici ah loogu beeray ahna mid rabaani ah.

” Urur waliba oo guuleysta ama guul dareysto kuna fashilmo bixinta Adeegydiisa iyo beecadihiisa waxaa saameyn ku leh qaabka ay isula dhaqmaan shaqaalaha dhexdiisa, shaqaalaha iyo ururka iyo maamulka ururka”

Mar waliba, Ururka waxaa isu yimaado Dad ku kala gedisan Dhaqanka, Dabeecada, Diinta iyo Jinsiga maxaa yeelay Urur micnihiisu waa dad tiro ah oo isu yimid, mid waliba masuuliyad iyo waajibaad gooni ah ayaa saaran, ujeedkuna waa gaarida ahdaafta u degsan ururka.

Maadadaan waxa ay kulmisaa maadooyin cilmi ah oo fara badan, waxaana kamid ah Cilmiga Anthrobology; barashada Asalka dadka iyo faracooda, Pyschology; cilmiga dhaqamaadka shaqsiga, Sociology; cilmiga barashada bulshada, dhaqanka, hiddiha bulshada iyo xiriirka ka dhexeeya bulshooyinka, Social Psychology; Cilmiga bulshada iyo xiriirka ka dhexeeyo bulshada.

Fanka daraaseynta shaqaalaha marka ay joogaan waxa ay inta badan diirada saartaa qaabka ay isula shaqeeyaan shaqaalaha iyo xiriirla kala dhexeeyo maamulaha, iyo in qof waliba uu dareemo ladhaqanka dhanka wanaagsan ee ururka dhexdiisa, sidoo kale maamulaha ayaa dowr weyn ka qaata jiheynta, hogaaminta shaqaalaha si loo gaaro ujeedka u dhigan ururka.

Fikirkaada Waa Muhiim