Gabaygaan waxaa tiriyay Qoraaga Maxamuud Axmed Muuse, wuxuuna kaga hadlaayay in guusha si fudud lagu helin, loona baahan yahay dulqaad iyo samir dheeraada.

Guusha ninkii gooba waa ka gun gaaraaye

Guri jiif iyo laguma helo gashiin la cunaaye

Guri weyn iyo laguma helo gogol raaxaade

Gani iyo laguma gaaro gows nin leeyahaye

Gaf naftaada ka gashiyo laguma helo canaan joogtaaye

Goofaaltan iyo ma ahan xaajo gaaraaye

Gacaltooyo laguma helo gaanka aad tahaye

Gaari laguma gaariyo faras foolaada Guyaal baa loo safraa luulka aad goobi

Gar waaqsashada khalad kaad gashaa waa libin weyne

Waa guul cajaa’iba hadafkaaga oo aad gaartaaye

Guulihi kuu gaarsiiyaa loogu mahadiyaaye

Xaajo is gunuday oo gaar uga faalootay

Iyo go’aan aad gaari wayday waa lootalo balaarsadaaye Markaad gunta heshaa faas lagu gooyaaye

Geedkii harwayba goonidiisaa loo ilaashadaaye Waa guul cajaa’iba hadaad garato yoolkaaga.

Sida aan ka soo sheekaynay guusha laguma helo dheel dheel iyo raqiis, dhib baa loo maraa waa loo dhididaa, dhereg iyo dhalanteedna kuma gaarsiiso. Waa inaad ka dhiidhidaa waxkasta oo keeni kara dib u dhac, hammigaaga oo hoos mara, horay socodkaaga oo noqda mid aan wanaagsanayn, hididiilahaaga oo yar, hadaf la’aanta dhammaantood waxay kugu hagaan guul daro.

Hamigaaga iyo jeebkaaga layskuma jaan gooyo, waxa keliya oo aad haysataa waa waxa kugu qaalisan nafsadaada waana maskaxda dabiiciga ah oo Alle kugu manaystay. Haddii aad koobto oo aad tiraahdo ani meel ma gaari karo, xayn daabka ma dhaafi karo, dhibaataa ihaysata, duruuf baa jirta, waan xanuun sanaya, waxbaa iga siya haka yaabin in ay kugu hagaan waddada guusha balse adaaba naftaada u horseeday guul daradii ugu weyneyd.

Haka dhaadhicin maankaaga wax aan ku toolmoonayn iyo wax aysan u qalmin. Waa muhiim in laga taxadaro ka weecashada waddada aad hayaanka u tahay.

Guuldaradu waa in aadan darsi ka baran duruuftii kuu keentay dib u dhaca iyo in aad dadaalkii aad muujisay gacanta ku dhigiwaydo. Guuldaraduna waa furaha guusha, waana aasaaska yoolkaaga iyo ka miro dhalintiisa.

Raaxo laguma helo guusha iyo raqiistoona Rafaad baa loo maraa rugta aad goobi

Reerka laguma furo meel baad iyo rays toona lahayne

Runta waxay ku dhaxal siisaa halka aad u roori

Ruuxna rajo la’aan kuma helo goolka uu dhaline

Sida ku cad tixdaan, rafaad, jab, walaac, qoomamo, niyad jab, gocasho, isbedel la’aan, raaxo, isku day la’aan, go’aankaaga oo jilicsan, hamigaaga oo yar, garaadkaaga oo aadan ka shaqayn, dhammaantood laguma helo guusha iyo yoolka aad leedahay. Waa in aad ahaata ruux mar walba la jaanqaadi kara wacyiga markaa jira, waxay kaa saacidaysaa inaad ku jabto yacni ku dhacdo jidka aad dooni. Guushuna waxay leedahay jaran jarooyin loomaro sida dabaqa loogu sameeyo salaanka ayay ubaahan tahay guushuna in aad u samaysato hadaf si aad u gaadho yoolkaaga. Waa in aad ahaataa guul ujoog laakiin ha ahaan guul dare ujoog, waxna ka baro guul darada. Maalintaad cashar ka baran waydo guul darada ayaa ku fashilantay nolosha.

Ugu dambaynti ha is oran mahaysto lacag, garab, gaashaan, waqti, qof isaacida, ma awoodo waxaa IWM. La imow qorshe cusub kaasoo kugu hagaya bartilmaameedkaagi, ogowna guushu waa soodhutida guul daraduna waa soo deg degtaa. Muuji samir, dulqaad, xilkasnimo, daacadnimo, run ka sheegid waxa aad dooni, Rabbi ka cabsi, xaasidnimada oo aad ka dheeraato, inkirida dadka ku niyad jabinaya, ogolaanshaha wixii guul kuu horseedi kara dhammaantood waa furaha guusha. libinta nin holiyaa hela.

Fikirkaada Waa Muhiim