Isticmaal erayadaan si aad uGu guulaysato xariirka lamaankaaga.


  1. Macaan ha siin sirta jaceylkeena ama xiriirkeena qof maxaa yeelay haddii aad tiraahdo furaha waxa waaye waan ku jeclahay taasi micnaheedu waxay tahay in uu igala ka wareegayo isla markaana aad ka baxeysid gacanteyda.
  2. Macaan waxaan doonayay in aan jaceylka aan kuu hayo kugu soo dhiibo (kuwa warqadaha qaada) balse waxa uu igu yiri aad ayuu u culus yahay.
  3. Gacaliye adaan kaa fakaraa markasta oo aad iga dheeraato ama aan arki waayo muuqaaga suuban oo aad moodo sida muraayada camal.
  4. Waxaan kugu riyoodaa markasta adiga oo ila jooga, ila dhamaya naxariista kal gacaylka.
  5. Waxaan dareemaa farxad markasta oo aad ilahadasho, waxaana maan kayga ka dhaadhiciyaa in aad qayb muhiima ka tahay noloshayda.
  6. Waxaan aboowe macaane naftayda ku maa weeliyaa fariimaha aad iisoodirto xiliyada aan wada hadlayno, sababtoo ah dhammaan waaxyahayga waxay udubaaxinayaan sida neef markaa lagowracay oo kale.
  7. Waxaan markasta xasuustaa oo nafta ugu sheekeeyaa in aad habeen un ila aqal galidoonto oo nolosha oo dhan ila dhamaysan doonto.
  8. Waxaan naftayda ku maa weeliyaa in aad tahay ruuxa keliya ee noloshayda wax ka badali kara waxna ku soo siyaadinkara.
  9. Sharafow ani markasta oo aan ku xasuusto waxaa iga soodaadata ilin kulul taasoo ah mid dhammaan jirkayga oo idil qoysa.
  10. Macaane markaan ku arko waxaa iga soodaadata ilin taasoo wadata farxad iyo raynrayn.
  11. Waxaana dareemaa neecow macaan oo aanan waligay arag taasna waxay naftayda ku keentaa in ay igu siyaadaan boholyowga caashaqa.
  12. Qalbi waxaan kaa codsanaya in aad ila dhawrto waayaha.
  13. Waxaana taa uga goleeyahay in aad ila fahanto waxa uu yahay jacaylka iyo dhibtiisa.
  14. Aboowe macaane, ani waxaan dareemaa cidlo markaad iga maqan tahay, waxaana ku sigtaa in aan waasho.
  15. Waxaan markasta ku hadaaqaa magacaaga, waayo ruux kale ma dhagaysto aan adi ka ahayn.
  16. Walaalo waxaad tahay ruuxa keliya oo noloshayda wax ka beddelay inta aan noolaa.
  17. Waxaana tahay ruuxii igu horeeyay ee igu abuura jacayl, kaasoo iga jaray dhuunigii, iina diiday in aan wax dheefsado.
  18. Qalbi ani waxaan markasta ka fakaraa sidii aan kuu helilahaa oo noloshayda oo dhan kuula joogilahaa.
  19. Gacaliye, ha imoodin ruux nacas ah, waxaa iwata oo iga awood roonaaday walbahaarka caashaqa kaas oo ii diiday cunadii.
  20. Ani oo ah gabadh walaashaa ah waxaan dareenkayga kugu sooban dhigtay in aad wax igala qabato oo aad ila wadaagto nolosha.
  21. Waxaana kaa xushay rag oo idil, iyadoo la helaayo rag magac, muuq, sharaf, cilmi, aqoon, akhlaaq, cibaado, hanti, mood iyo nool, haybad, aftahanimo, geesinimo, karti, naxariis, qurux, intaas oo aan soo sheegay lahelaayo ayaan haddana adiga kaa xushay rag dhammaantii.
  22. Caqligaagu ma ku siin karaa in aad igu ciyaadho oo aad igu dheel dheesho adigoo og inta aan ku jeclahay.
  23. Qalbi ogow in aan naftayda kuu hibeeyay oo aan adi ku siiyay, lagaagana baahan yahay in aad xanaanayso oo aad ila dhawrto waayaha.
  24. Gacaliye ku siiyay naftayda kuuna huray waqtigayga, kuuna hibeeyay noloshayda, waxaana tahay naftayda, nuurkayga, dhaayahayga, qalbigayga, jacaylkayga, waaxyahayga, iyo dhammaan noloshayda oo dhan. Waan ku jeclahay aboowe inta aan noolahay ilaa inta aan ka dhimanaayo.

Fikirkaada Waa Muhiim