Alle subxaana watacaala waxa uu ku yiri qur’aankiisa kariimka ah ( Haddii aad goosato arrin Ilaahay talada saaro, Ilaahay wuu jecelyahay kuwa talada saartee). Suurada Al-cimraan aayada 159. Waxaan ka fahmaynaa aayadaan waxkastoo lagu dhaqaaqayo in ay Alle dartii kaatahay oo aysan ka ahayn riyo keliya. Inta badan dadka guul daraystaa waxa ay ilaawaan qadarta asaaska nolosha oo ah Alle ka cabsiga iyo talasaarashada Ilaahay. Haddaaad tahay ruux jecel samaha ku dadaal in aad samayso wax wanaagsan oo lagaaga daydo bulshadana anfaca adna ku anfaca.

Socdaalka iyo safarka dheer aad ugalayso noloshaada iyo in aad wax ka beddaesho heerka aad joogto maanta waxaad u baahan tahay in aad hesho wasiil “waddo” aad u marto safarkaaga dheer iyo meesha aad usocoto si aadan ulumin oo aadan uga anban dariiqa guusha. Waa in aad dhexda adkaysataa ileen safar baad ubixin, calfahaagana “kabahaaga” adkaysataa si aysan kaaga harrin ama kaaga go’in. Waa in aad u diyaar garowdaa hillin aadan aqoon meesha loomaro oo aadan ogayn waxa aad la kulmi doonto.

Soomaalidu waxay dhahdaa “Sabraa sadkiis hela” oo ay ula jeedo qofkii sabra oo dhibkasta u dulqaata ayaa guusha hanta. Allena in badan qur’aankiisa ku sheegay in saburku yahay kan laga rabo qofkasta oo muslim ah oo ku qanacsan waxa uu socdaalka u yahay.

Alle subxaana watacaala waxa uu qur’aanka ku yiri “Ruuxa Ilaahay ka baqa ee sabra Ilaahay ma lumiyo ajirka dadka wanaaga sameeya”. Waxaan ka fahmaynaa aayadaan in saburku yahay kan kowaad ee laga rabo ruuxa islaamka ah. Allena wuxuu ubalan qaaday qofkii ka cabsada isaga oo sabra in uu san dayici doonin waxkasta oo uu sameeyo oo wanaag ah. Taasi waa fursa waxaa naloo ka baahan yahay in aan ka faa’idaysano jaaniska oo Alle inoo balan qaaday.

Inbadan waa aragnaa dad wax balan qaadaya oo leh waxaan samayn doonaa shaqo abuur ee halaga faa’idaysto. Laakiin waxa aan ku bixinaa naf iyo maal si aan u hanano shaqadaa nala ku yaboohay. Waxaa lagayabaa in aanan helin balan qaadkaa dhibna aan umarno balse aadan waqti ku lumin kan Alle kuu yaboohay. Waxaa nala karabaa in aan oofino balamaha si aan uhanano socdaalkeena aan ugu jirno nolosha oo u doonayno in aan guul gaarno. Dadka inta badan ma oofiyaan balamaha waqtiga waxay ku dadaalaan in ay buriyaan wacadkii ama yaboohii ay galaan.

Tusaale madaxdu marka ay musharixiinta yihiin waxay shacabka u sheegaan in ay yihiin kuwo uqaban doona waxa ay jecel yihiin. In ay heli doonaan waxbarasho lacag la’aan ah, caafimaad lacag la’aan ah, adeeg hufan, biyo iyo cuno. Dhaqaalaha oo kor looqaadayo, waddooyinka oo la dhisaayo, kaabayaasha dhaqaalaha oo kor looqaadayo. Waxayna bulshada u sheegaan in la dhisi doono waddooyinka iyo dhammaan kaabayaasha dhaqaalaha.

Laakiin balamahaas oo dhan ma oofiyaan marka la doorto. Waayo kama go’nayn in ay fuliyaan oo Alle ka cabsigi baa meesha ka maqan. Ama waxayba iloobeen aayaddii Alle qur’aanka ku sheegay ee ahayd (Oofiya balanta, balanta waa lays waydiin doonaaye).

Mar kale waa tii Alle aayad kale ku yiri ” Dadka Ilaahay rumeeyayoow oofiya balamaha”.

Laakiin waxaan nahay bini-aadan oo ma oofino balamaha iyo kamana faa’daysano waqtiga qiimaha badan oo Alle nasiiyay. Waxaa nala karabaa in aan oofino waxkasta oo aan dadka ka balan qaadno oo aynaan noqon dadka wax sheega laakiin aan oofin.

Soomaalida waxay ku maahmaahdaa (Balan daro diin daray leedahay), taasna waxaan ka fahmaynaa in xataa dhaqan ahaan balan daradu tahay mid xun oo aan wanaagsanayn.

 Bal eeg xadiiskaan uu soo wariyay saxaabigii waynaa ee ahaa C/laahi Bin Cumar waxa uu yiri waxaan maqlay Rasuulka oo leh “NNKH”, Afar arrimood ruuxa laga helo wuxuu noqonayaa munaafiq khaalisa, ninka laga helo mid ka midana waxaa ku sugan calaamad ka mida calaamadaha munaafiqiinta:- Waa marka la aamino oo uu khiyaameeyo, marka uu sheekeynaayo oo uu been sheego, marka uu balan galo oo uu buriyo , marka uu doodayo oo been ku dhaarto”.

Waxaan xadiiskaa ka faa’idaysanayna wax yaalo badan oo ay ka mid tahay ilaalinta balanta, in aan lays khiyaamin, been la sheegin, runtana lagu dhaqmo Allena laga cabsado si aan uga dheeraano calaamadaha munaafiqiinta.

Fikirkaada Waa Muhiim