Daryeelka Dhalamada Kahor lasiiyo Hooyada (Antenatal Care ANC).

Daryeelka dhalmada kahor waa daryeelka aad kahesho xarumaha caafimaadka inta aad uurka leedhahay Waa daryeel dhameystiran oo lasiiyo hooyada marki ey uur yeelato illaa laga gaarayo xiliga dhalmada waxaadna kaheli kartaa daryeelkaan xarumaha caafimaadka ee hooyada iyo dhalaanka(Mother and Child Health MCH).

Waxaa muhiim ah in aad ogaato in aad ubbaahantahay daryeel gooni ah xiliga aad uurka leedahay sida daryeelka lasiiyo hooyada uurka leh ee looyaqaan (Antenatal Care ANC).

Hooyada Soomaaliyeed waxa ey ubaahabtahay in ey ogaato shaqooyinka ey qabtaan xarumaha caafimaadka ee hooyada iyo dhalaanka si loo hormariyo daryeelidda uurkeeda, sharaxaad kusaabsan shaqooyinka xarumaha caafimaadka hooyada iyo dhalaanka kaga aadan hooyada uurka leh waxaan uga hadli doonnaa qeybaha ugu danbeeya.

Marki loo eego hanaanka hey’adda caafimaadka aduunka-WHO- waxa ey kutaliyaan in hooyada  4jeer soobooqato qeybta bixisa daryeelka dhalmada kahor ama daryeelka uurka.

Marki laga hadlaayo shaqada saxda ah ee uu qabto ANC waa in haweenka ey kahelaan adeeg caafimaad iyo kahortagidda cudurada(tusaale:wacyigalinta caafimaadka,latalinta cunada hooyada ufiican, talaalka kahortagga teetanada, siinta fitamiin A iyo  iroon folate, kaniiniga gooryaanka).

ANC waa meesha lagu ogaado hooyada qatarta caafimaad kujirta sida in hooyadu dhiig-kar qabto iyo inkale ama in horay loo qalay hadana qaliin tahay ama ey dhali karto iyo dhiig la’aan in ey tahay, kalaambiso.

Waxaa suurta gal ah xaaladaha qaarkood in ey ilmuhu ku daahaan caloosha xaaladaha qaarna ey soo dhicisaan waxaa muhiim ah in aad sijoogta ah ula xiriirto goobta caafimaadka si aad u ogaato xaaladaada marwaliba meesha lagu ogaado waa qeybta ANC.

Dalkeena waxaa kuyar xarumaha caafimaadka ee bixiya daryeelka hooyada uurka leh, sidaa darteed hadii aad heli weyso xarun caafimaad oo kubaliamisa si sax ahna aad uga hesho daryeelka waa in aad adiga ku xirnaataa cusbitaalka oo aad kunoq-noqotaa marwaliba. Waxaa kujira caafimaadkaaga.

Marki aad booqato xarunta caafimaadka waxaa macquul ah in lagu yiraahdo dib ugu soolaabo waqti hebel oo ballan laguu dhigo.

Hadaba ilaali balamahaaga adiga oo raacaya jadwalkaan:

Qeybta bixisa daryeelka dhalmada kahor waxaa loo sameeyaa jadwal imaansho, intabadan waxaa muhiim ah in aad raacdo jadwalka uqoran xarunta aad kuxirantahay ee bixisa daryeelka hooyada:-

  • Hadii aad tahay hooyo ugub ah ama canugeeda ugu horeeyay sida waxaad ubaahantahay inaad booqato xarunta caafimaadka ilaa 8jeer mudada 40-ka usbuuc ah.
  • Hadii aad tahay hooyo dhashooy ah ama caruur horay usoo dhashay waxaad ubaahantahay in aad cusbitaalka booqato muddo ilaa 6jeer ah 40-ka usbuuc.
  • F.G:hadii aad tahay qof xanuunakale kacabanaaya waxaad ubaahantahay booqasho iyo daryeel intaa kabadan.

Fikirkaada Waa Muhiim