Cudurkaan Ebola Virus Disease- waxaa loosoogaabshaa EVD, cudurkaan waxaa lagu arkay wadamo badan oo adduunka kamid ah,  waxaa kasiidaran arinkaas waxa uunoqday cudur aan laxakamaynkarin oo aad ufiday, kuna fiday wadamo badan oo qaarado kalagadisan kuyaal. Waa cudur soobooddo(acute) ah xanuun daranna qofka kuqabta, waana cudur loodhinto intabadan.

Cudurkaan Waxa Adduunka Lagu Arkay Ama Uukadilaacay Labo Xilli/Jeer:-

  • Marki ugu horreysay cudurkaan waxa uu ka soomuuqday dal kamid ah qaaraddaAfrica waliba bariga africa, sanaddu marki ey ahayd 1976dii laakiin saameyn badan malaheen sanaddaas.
  • Waxa uudib udilaacay cudurkaan sanadkii 2014 – 2016kii asagoona kadilaacay galbeedka Africa, saameynna kuyeeshay reerbaadiyaha deegaankaas asagoona kusoofiday reer magaalka illaa xuduudaha dalalkaas uu kagudbay.
  • Xaafadda uu kaddilaacay waxa ey ahayd deegaan udhaw “Wabiga Ebola -Ebola River” Wabigaas oo ah magaca cudrkaan meesha uu kayimid.Aad ayay bukaanadu ubadnaayeen waxa uuna yeeshay saameyn weyn waxa uuna kagudbay xuduudaha dalalka dariska ah, dadka uudilayna waxaa lagu qiyaasaainey gaarayaan 11,300 oo qof asagoona saameeyay illaa 28,600 oo qofood oo dunidaan kunool.

Sidee Ayaa Looga Hortagaa Cudurkaan:

Kahortagga cudurkaan waxaa qeyb libaax kaqaadankaro fahanka bulshada ey fahansanyihiin sida uu ufidi karo cudurkaan.

  • In talaalkiisa laqaato

  • In dowladdu kontorool sameyso lana ogaado cudurada deegaanka kadilaaci rabo

  • In looxiro dhar gooni ah dadka soobooqanaayo bukaanka.

Qaabkee Ayuu Kufidaa Cudurkaan:

Asalka fayruskaan waxa uu kayimid xayawaanka asagoona usoo gudbay aadanaha. Xayawaankaas uukayimid waxaa lasheegaa in ey qeybkayihiin lo’kinsiga, Daanyeerta Iyo kuwakale oo katirsan xayawaanka duurjoogta ah.

  • Cudurkaan waa mid aad ufida, waxa uuna kufidikaraa xayawaan illaa qof sidookale qof illaa qof.
  • Haddii aad ka akdhawaato qofka qaba cudurkaan sida: neeftiisa in ey kusoogaarto, dhiicaankiisa, dhiigiisa, iyo galmadaba.
  • Haddii aad ka agdhawaato ama ladhaqanto xayawaanaadka sida cudurkaan.
  1. Cudurkaan waxa uukufidi karaa islaxirashada dharka,gogosha,taabashada iyo dhammaan latacaamulka qofka qaba cudurkaan.
  2. Qalabka caafimaadka ee la’isla isticmaalo aad ayuu ugu fidi karaa cudurkaan.
  3. Waxaa kaloo halis kujira shaqaalaha caafimaadka ee kuhowlan u adeegista dadka qaba cudurkaan;- waxaa lagarabaa in ey isticmaalaan hanaanka kahortagidda caalamiga ah.

F.G Dhaqtar layiraahdo Martin Salia ayaa udhintay fayruska ebolla y. Dr-ka waxa uukudhintay gobalka Nebraska ee katirsan dalka United States.

Calaamadaha Lagu Garto Cudurkaan:

Qofka fayruskaan uu kudhacay, waxa uu jirkiisa uga soomuuqan karaa muddo 2 illaa 21 maalmood ah, manalahan calaamado gooni ah laakiin waxa uu udhawyahay cudurka Duumada.

  • Qandho.

  • Murqo xanuun.

  • Madax xanuun saa’id ah.

  • Mattag iyo shuban.

  • Xaaladaha qatarta ah waxaa lagu arkaa in uu qofka beerka adkaado.

  •  Dhiig-bax gudaha ah oo kayimaada ciridka,ilkaha iyo tubada caloosha.

Daaweynta Cudurkaan:

Wali lamahaayo daawo laxaqiijiyay oo la’iskuraacay taas oo fayruskaan latacaali karto kana guuleysan karto, laakiin waxaa lahelay tallaal.

Sababta looheli waayay daawo ayaa ah in feyruskaan uu durbadiiba jirka kumilmikaro.

  1. In tallaalkiisa lasiiyo guud ahaan dadka ka agdhow eega looga shakisanyahay cudurkaan.

  2. In calaamadaha kamuuqda qofka ladaaweeyo.

  3. In qofka nafaqo celin lagubillaabo isla marki goob caafimaad lageeyaba.

  4. In difaaca qofka lasooceliyo lana kabo. Lana siiyo daawooyin hormarinkaro difaaca jirka.

Tix-Raac: Xogtaan waxa aan toos uga soo xigtay Heyadda Caafimaadka Adduunka – World Health Organization.

 

Fikirkaada Waa Muhiim