Wararkii ugu dambeeyay ee jahwareerka ka taagan magaalada Mina oo wax yar u jirta magaalada Makka ayaa waxa ay sheegayaan in tirada dhimashada ay iminka sii cago-cageyneyso 717-ruux.

Dhaawaca ayaa isna kordhay, waxaana tiradiisu ay mareysaa 805 oo ruux. Dowladda Sucuudiga ayaa dadaal ba`an ugu jirta in ay xakameyso shilkan, waxaana ay goobta u dirtay xoojin ciidan.

Dadka qaar ayaa sheegaya in mashaqadani timid kadib markii uu shil ka dhacay wadadii la marayay ee ay dadka ku qul-qulayeen.

Xilliga uu shilkani dhacayay ayay aheyd xilliga “dhagax tuurka”, oo sheydaanka la dhagaxeeyo.

 

Fikirkaada Waa Muhiim