Micno ahaan ereyga ‘Dimuqraadiyad waa ismaamul dadweyne oo midaysan isla markaasna loo simanyahay xuquuqda rag iyo dumarba. Xuquuqdaas oo ah inaad adigu wax dooran karto iyo in lagu doorankaro, sidoo kale inaad ka qeyb-qaadato waxyaabaha ugu muhiimsan bulshada adigoo ku muujinaayo rabitaankaaga taas oo ah  ‘Haa, mise Maya. Dabcan, waxaan maqaalkaan usoo qaatay ayaa waxay tahay inan fahano micno ahaan ‘maxay xambaarsantahay dimuqraadiyad, xaggee ka imaaday? anaga haddii aan Soomaali nahay maku dhaqanaa dimuqraadiyada?   

Ereyga ‘Dimuqraadiyad wuxuu asal ahaan kasoo jeedaa wadanka Gariiga (Greece). Micno ahaan waa labo erey ee kala ah (dêmos) oo ah dadka iyo (kratos) oo ah awooda. Dimuqraadiyadda waxay bulshada wadanka kunool xaq usiinaysaa inay ka qayb qaataan siyaasada dalka iyo inay cabirikaraan fikirkooda siyaasadeed.

Anaga haddii aan nahay Soomaali  waan sheganaa dimuqraadiyadda laakiin kuma dhaqano, iyadoo lagayaabo dadka qaar inay u arkaan inay tahay arrin diin ahaan aanan wanaagsanayn. Waxaan dhihi karaa aniga iyadoon lagu xadgudbeynin diinta ayaan ku dhaqmi karnaa Dimuqraadiyadda. Sidda  inaan sameysano nidaam ku dhisan  sharci iyo kala dambayn, taasoo ku saleysan isixtiraam. Waayo waa muhiim bulshada in ay yeeshaan sharci kalahagi kara kunna saleysan ‘Dimuqraadiyad, taasoo ah rabitaan shacab. Dimuqraadiyadda waxay muhiim u tahay qof walba, waayo qof walba wuxuu xaq u helaa in ladhageysto rabitaankiisa, taas oo ah xuquuqda muwaadinka.

Tusaale,  maanta Soomaaliya waxaa wax doorta koox yar, ama shaqsiyaad yar, halka wadamada kale ee sheegto Dimuqraadiyadda ay shacabka  wax doortaan. Doorashadaas oo ah mid toos  ah, iyo mid  aan toos ahaynba. Mid tooska ah waa tan shacabka  aftida  looga qaado arin gaar ah oo markaas ka taagan dalka . Mida aan tooska aheenna waa tan shacabka ay  ku doortaan  qofkii uqaban lahaa hogaanka dalka.  Marka waxaan dhihi karnaa Soomaaliya wali  magaarin dimuqradiyada meshii lagaraway caqabada jira aawadeed.

 Hadaba, astaamaha  u gaarka ah ‘Dimuqraadiyadda waa doorashooyin  xor ah, taas  oo ah qof iyo cod, islamarkaasna laraaco meesha dadka u baadanyihiin. In xuquuqda aas-aasiga ah ee bulshada la illaaliyo. In sidoo kale la`ilaaliyo xuriyatul qoolka, simnaanta iyo siyaasada. Iyo waliba in loo simnaado sharciyada iyo xeerarka bulshada.

 

Fikirkaada Waa Muhiim