Hormarinta caafimaad  xoolaha waxa ay leedahay muhiimad aad iyo aad u balaaran oo aan lagu soo koobi Karin qoraal gaaban.  Inta anan taasi u guda galin aan ka bixiyo sharaxaad koowan fa’idooyinka laga helo xoolaha.  Xoolaha waxaa laga helaa fa’idooyin fara badan,  waxaana ka mid hilib,caano,harag,daawo, gadiid, iyo degaanka isku tiirsanantiisa  oo ay waxyaabo fara badan ka sacidaan. 

Mar hadii aan xusnay in ay leeyihiin fa’idooyinkaas tirada badan iyo kuwa kale oo aad u fara badan oo aan halkaan ku soo koobi karin.  waad dareemi kartaa muhiimad ay leedahay cafimaadkooda, sababtoo ah intaan soo xusay  iyo inta kaleba lagama helaayo hadii aan caafimaad kooda xil leeska saaran.

Bal aan wax ka dhaho muhiimada ay leedahay hormarinta caafimaadk xoolaha marka loo eego dunida aynu maanta joogno.  In la hormariyaa caafimaad xoolaha waxa ay ku xerentahay dhaqaalaha dunida waayo xoolaha waxaa laga helaa waxyaabo badan oo ay dunida  isticmaasho.  Dunida aad iyo aad ayey ugu baahantahay xoolaha sababtoo ah waxaayaabaha laga hela ayag iyo dhirtaba waxaa loo isticmalaa in laga sameeyo dhaqaalo.  Xoolaha waxaa ku tiirsan aadamaha nolashiisa oo dhan inta ugu badan wuxuuna ka helaa  cunto iyo wax yaabo badan.  hadii la hormariya caafimaad kooda ayaa laga helaa wax soo sareeyo.

Soomaaliya muhiimad gaar ayey  u leedahay hormarinta caafimaadka xoolaha sababtoo ah in ka badan 65% dhaqaalah wadanka waxa uu ku tiirsan yahay xoolaha.  Waxaa ka saaran waajib wayn in ay hormariyaan caafimaadka xoolaha si uu u hormaro dhaqaalaha wadanka. Ku dhawaad 80% xoolaha iyo waxyaabo laga soo saaray xoolaha ayey dhoofin jirtay sanad walbo, lakin waxaa ku imaaday hoos u dhac, uu sababy cudaro iyo abaaro wadanka qabsaday.

Wadanka asaga oo u dhaqaalihiisa  ku tiirsanyahay xoolaha, hadan waxaa jirta dayacnan fara badan oo ka jirta dhanka caafimaadka xoolaha.  Xaladahaas waxaa sababy dagaalada ka dhacay wadanka iyo cuduro fara badan oo wadanka ka dilaacay oo ay u sii dheertay abaaro.  Taasi waxay sababtay hoos u dhac dhaqaalaha wadanka.  Xitaa waxaa dhacday sanadka marka uu ahaa 2000 in lasaaray xoolihii soomaaliay mamnuucis laga mamnuucay dunida qaasatan wadnaka Sacuudi Carabiya oo markaas wax badan loo dhoofin jiray.  taasi waxaa sababtay daycnanta la dayac cafimaadka xoolah.   Wadanka waxaa ka dhaca abaaro soo laablaabta oo baabi’iya xoolaha taasina waxaa sababtay dayacnaanta jirtay, biyo lama wayeen hadii si fiican loo hormariyo inta la haysto.  Masiibadna inta aysan ku qabsan ka hor ayaa laga hortagaa. 

Muhiimad ay leedahay caafimaadka xoolaha waxaad ka dheehan kartaa marka aad fiiriso muhiimada ay u leeyihin xoolaha noolaha ku nool dunida.  Si looga helo nacfi fara badan waa in aad  hormarisaa caafimaadkooda.  Waan arin isku xeren oo inta aad hormariso cafimaadkooda in ka badan am la ek oo nacfi ayaad ka helaysaa. Muhiimad ay leedahay caafimaadka xoolaha waxaa ka mid ah.

1. Wax soo saar fara badan: taasi waxaan ula jedaa markaad hormariso xoolaha ayaad ka helaysaa wax soo saar fara badan. wax soo saarkaas waxaa ka mid ah hilib,caano,harag iyo waxyaabo badan oo kale.  Nolasha dadka soomaaliyeed waa mid ku tiirsan dhaqshada iyo cunista xoolaha, waa in la hormariyaa caafimaadkooda si looga helo wax soo saar fara badan.

2. Taranka xoolaha oo bata: wadanka waxa uu u baahanyahay xoola fara badan, sababtoo ah dhaqaalaha wadanka ayaa ku tiirsan wax soo saarka xoolaha.  Si uu u bato tarankooda waa in la hormariyaa caafimaad kooda.  Hadii ay jirto caqabad cafimaad dari way adagtahay in ay sameyaan taranka xoolo oo uu dalka u baahnaa.

3. Dhaqaalahoodo: dunidaan manta la jooga wadan kasto dhaqaalihiin ilo u gaar ah ayuu ka helaa,soomaaliya dhaqalaheeda illaha ay ka hesho waxaa ka mid ah xoolaha.  Waa in ay ku bixisaa dadaalo fara badan si uu saro ugu kaco dhaqaalaha wadanka.  Wadanka  asagoo haysto waxyaabo badan oo ay xoolaha ka mid yihiin, hadana ma hormariya dhibaatooyin jira owgeeda, taasina waxay sii sababtaa hoos u dhac dhaqaalaha wadanka.  Wadanka hadii uu sara u qaado xoolaha caafimaadkooda, waxay ku saacidi kartaa in uu helo xoolo badan oo u dhoofiyo wadama badan, arinkaas waxa kasoo galaayo dhaqaalo oo ay ogo bixi karto dawirsiga dowladaha kale.  Taasi waxay ku xerentahy in la hormariyo caafimaadka.

Uga dambaynti waxaan ku talin lahaa in la hormariyo cafimaad xoolaha si uu wadan ogo baxo faqriga iyo aabarah soo laablaabtay.  Wadanka ma hayso xoolo la’aan ee waxay hayso xoolo daryeel la’aan taasi ayaa sababtay hoos u dhaca dhaqaalaha wadan.  Taasi waxay ku hergali kartaa in la helo cilmigaan xoolaha dad badan oo bartay lana howgaliyo dadkaas si caafimaadka xoolaha loo hormariyo loogan fa’ideeyso wax soo saarkooda.

– Tixraac FOA : http://www.fao.org/somalia/programmes-and-projects/livestock/en/

 

Fikirkaada Waa Muhiim