Waxa ay nagula so heshiiyeen lacag ka yar tan ay hadda sheegayaan  waxay nagu yiraahdeen hadii aad u bahaantahay geeri reerkaaga ha wicin lacagtaas inaad bixisaan waa waajiba waayo, umad aan nidaam laheyn baad tihiin cid idiin damqaneysana ma Xerada nala geeyay waxaa joogey dad fara badan oo qawmiyado kala duwan ka soo jeedey qof weliba waxa uu ka fikiriyaa meeshaan sida uu uga bixi lahaa waxa uu raadinayaa maalinta dhan xog ku saabsan reerkooda, qof weliba inuu baxsado ayuu rabaa dadkana deegaan ahaan ayey iksu raadsanayaan waa nolol dhibkeeda wadata dadka qaar saddex sano ayay xiran yihiin dadna 8 sano qaarna way cusub yihiin sideyda oo kale, markiiba dadkeenii cusbaa waa la noo yeeray meel ayaa nalagu xareeyey waxayna noo keeneen teleefoon nimankii Magafeyaasha ahaa waxay nagu yiraaheen qof weliba waxa aan ka soo qaadnay guriigiisa waxa aan idin keenay Liibiya waxaan idin ka rabnaa qof weliba lacag gaareysa 3500$ (Saddex Kun iyo Shan Boqol oo Doolar).

Markiiba meesha waxa ay isku badashay buuq raggani jirta, qof weliba waxa uu galay inuu reerkiisa la hadlo aniga aabbe ayaan la soo hadlay, aabbe markaas isbitaal ayuu jiifey telefoonkiisa hooyo ayaa iga qabatay waxay ii sheegtay aabbe inuu isbitaal yaalo waayo, sokortiisa ayaa kor u kacday dawo ayuu ku qadanayey isbitaalka waxaan u sheegay lacagta la iga rabo in ay tahay lacag badan cadad ahaan gaareyso 3500$.

Hooyo waxa ay igu tiri lacagtaas ma bixin karno hooyo, waa ay nagu badan tahay waayo, lacagtii guriga ka soo hartay waxa ay aheyd 1500$, aabbe markuu xanuunsaday ayey 500$ isticmaaleen si ay ugu daaweeyaan keliya 1000$ ayaan haynaa bay hooyo igu tiri markaan muddo hooyo wada hadleynay ayuu aabbe oo aad hadalka u dhibayo ku iri ii dhiib aan la hadlee way iigu dhiibtay teleefoonka aabbe,

Wax kale muusan i dhihin kaliya waxa uu i weydiiyey “ibraahim tahriibtayee dantii aad laheyd ma gaadhay?” waa markii labaad uu aabbe i waydiiyey su’aashaas aadbaan uga naxay jawaab maanan u heyn waxaan ku iri “aabbe waan gaarayaa ee kaliya iisoo ducee” waxa uu igu yiri “aabbe dal shisheeye inaad u tahriibto kuugu duceyn mayo!, Taleefoonkii ayey hooyo ka qaaday waxaan u sheegay hadii lacagtaas la bixin waayo in ay i dilayaan, maalinkastana dadka ayay six xun u dilaan ee lacagahaas in la bixiyo waa waajib.

Intaa ka dib qolkeyga ayaan iska galay waxaan isku dayey inaan meesha jawigeeda fahmo oo aan la qabsado juhdi fara badan baan ku bixiyay inaan dadka kala barto waxaan arkey maalin wiil reer Kismaayo ah oo ay reerkooda diideen iney lacagaha ka bixiyaan ay si aad u foolxun u garacayaan weliba dhabarka ay ka saareen dhagax weyn madaxna ay ka garaacayaan wiilka waan aqoonsaday wajigiisa laakiin nasiib daro waxa aan maqlay habeenkii wiilkii inuu dhintay, waxaa ayna sidaas u jirdilayeen 40 maalmood ugu danbeyn madaxa ayaa dhiig ku furmay wuuna u dhintay. waxyaabaha qaar ee aan meesha ku arkayey waxay aheyd arimo maskaxdayda ka wayn oo aysan xamili karin marar waxaan ka baqayey iney sidaas aniga ii galaan hadii la gaaro waqtiga waxa ay noo qabteen 30 maalmood inaan lacagahaas ku soo shubno, welwel iyo welbahaar badan ka dib waan la qabasaday xerada qaabkeeda.

Waxaa la gaaray waqtigii waxaan soo wacay reerkii waxaan la hadlay hooyo waxa ay ii sheegtay aabbe inuu yara fiicanyahay xaaldiisana sidii hore inay dhaanto laakiin inaysan wax lacag ah ii hayn ayey ii sheegtay waayo, lacagihii guriga ka soo haray waxa uu aabbe dhigay dukaan aan daris aheyn dukaankiina tuugo ayaa jabsatey, ninkiina wuu cararay oo lacago fara badan baa laga dhacay wuu cabsaday waxa uuna aaday Kenya.

Rajadii aan lahaa dib ayey u burburtay fikir cusub ayaa billoowday murugo iyo cabsi cusub baa isoo waajahay waayo waxaan ku fikirayey 3 bilood ayaad tahriibe tahaye hadii lacagtaas lagaa shubo waxaad ka soo hadlee Yurub reerkeygana waxbaad u qaban doontaa.

Subaxii danbe waxaa noo yimid ragii na haystey waxayna billaabeen qof weliba inay la baxaan oo ay soo wareestaan markii lay soo gaaray ayaa waxa ay i waydiyeen aawey lacagihii waxaan ku iri waa la soo shubayaa ee waqti kale oo muddo bil ah isiiya waayo, aabbe ayaa xanuunsan hooyana waxba ma haysata, waxaan u sheegay in dhul aan leenahay la ii gadi rabo oo lacago fiican la isoo dirayo ragii hami ayaan galiyay waxayna iigu dareen waqti 2 bilood ah laakiin lacagtii ayaa la igu laba jibaaray oo waxaa la iga rabaa 7000$ (Todaba kun oo doolar ) lacag dhan.

La yaabka dunida waaye markii nafsadaada ay gor-gortan gasho adigoo aadan garaneyn cid aad dayn ka qabto, ama aad ka qaadatay, waa wareer duni, waa jahwareer aan xal iyo faraj midna lahayn maxbuus madaxiisa ay saarantahay Todaba Kun oo doolar uusanna garaneyn meel uu ka keeno ayaan ahay, waxaan billaabay inaan nolosha maalin laha ee xerada aan la qabsado oo aan iska dhiciyo. mar weliba teleefoon ayaan raadiyaa markaan helaba reerka ayaan soo wacaa si aan u ogaada halka ay wax marayaan waxaan rajo xumo aheyn kalama kulmo, hooyo waxa ay ii sheegtaa inay lacag raadiso mar weliba deen iyo deeqba, ka dib waxaa la gaaray muddadii la ii qabtay oo waxaa dhamaaday labadii bilood. subaxii danbe baa la isoo bixiyey oo meel dibadda kore ayey ii geeyeen waxay igu yiraahdeen wax lacag ah inama soo gaarin ee aawey lacagtii wac hadda reerkiina waydii lacagta halka ay soo dhigeen, ka dib anigoo aad u cabsanayo ayaan aabbe soo wacay markiiba waxaa iga qabatey hooyo waxaan ku iri hooyo ragii baa i haysta ballantana waxay aheyd in lacagta la soo shubo oo waqtigii ayaa la gaaray.

Ka dib hooyo baa igu tiri waa meeqa lacagta lagaa rabo waxaan ku iri waa 7000$ hooyo, aad bay ula yaabtay way ooysay oo hadda miyey ku dilayaan ayay igu tiri illeen lacagtaas shanta sano ee soo socotana ma bixin karnee.

Aadbay hooyo u ooysay ka dib telefoonkii ayaan ku jaray ragii waxaan ku iri isbuuca danbe ayay soo shubayaan aadbay iigu hanjabeen waxayna igu yiraahdeen waanu ku dileynaa weliba si fool xun hadaad been noo sheegto.

Waxaa la i keenay gudaha waxaan go’aansaday raggaan inaan iska dhiciyo qaab weliba aan isaga dhicin karo, xerada aan ku jiro asxaab fara badan baan ku yeeshay oo waxaan noqday qof xog ogaal u ah sida ay wax u dhacayaan guud ahaan. ka dib fikir ayaan billaabay isbuucaas waxaan isku dayey inaan baxsado way ii suura gali wayde, inaan qaabab kala duwan u xaliyo arinkaas ayaan damacay laakiin way suura gali waydey, ugu danbeyn duruufta ayaa waxa ay noqatay inaan runta u sheego raggaan oo ah inaan lacagna haysan reerkanagana waxbo aysan soo wadin.

Maalinkii ballanta ayaa la gaaray raggi qaar ka mid ah ayaa yimaadeen waxayna igu yiraahdeyn “waalidkaa wac?” ma wacayo baan ku iri “sabab?” bay igu yiraahdeen waxaan ku iri “lacag ma hayaan reerkayaga” way xanaaqeen aadbay iigu hanjabeen oo ma been baad noo sheegeysay bay igu yiraahdeen haa baan ku iri waxay billaabeen inay i jir dilaan jeedal ayey igu garaacayeen gacmaha ayey iga xireen muddo ayey sidaa ii jirdilayeen ka dib meel cidla ah inay i geeyeen ayey xabadka(feeraha) Caradii kululeed ii saareen, dhagax wayna dhabarka iga saareen, aadbaan u xanuunsaday waan ooynayey oo waan Ashahaadanayey maanan aqoon jir dil wax la dhaho muddo lix saacadood ah ayey sidaa ii galayeen ka dib maalinkii galinkiisa danbe ayey isoo xareeyeen habeenkii oo dhan maanan seexan aadbaan u xanuunsanayey,

Maalinkii Labaad sidii ayay ii galeen sidaas ayey igu wadeen illaa 60 maalmood hal su’aal maysan i weydiinin keliya sidaas unbay ii jirdilayeen waan daciifay oo waxaa iga tan batay jirdilkii waan is dhiibay mar kale ayey rajadaydii luntay waayo faraj markaa ma haysan kaliya geeri ayaan isku diyaariyey.

Maalinkii danbe ayey ii yeereen waxayna igu yirahdeen adiga been baad noo sheegtay lacag inaad dhiibtana waad diiday waxay igu yiraahdeen halkaan 10 sano ayaad joogeysaa, Yurubna ma galeysid, dalkaagana kuuma celineyno, ogow inaad halkaan ku dhimaneyso wayna iga tageen. waxaan billaabay inaan xal kale raadiyo maadaama jirdilkii la iga dhaafay meeshan joogisteedana ay dib dhac weyn igu keeneyso noloshii Liibiya ayaa ila dheeraatay.

Waxaan is fahanay ragii Soomalida ahaa ee turjumaanka u ahaa Liibiyaanka sanad ayaan meeshaa joogay luuqaddii wadanka ayaan bartay waxaan noqday qof wax ogaal ah oo wax weliba la socda muuqaalkeyga dib ayuu u soo kobcay oo awoodeydii way soo laabatay. reerka waan la soo xiriiri jirey mararka aan fursad teleefoon u helo, waan u qalbi qaboojin jirey oo waxaan u sheegayey in aan meesha dhawaan ka bixi doono, arinkii wuu dheeraaday, rajadii waqtigeediina wuu fogaaday wuxuu qaatay arinkaa sanad kale, weli waxaan jooga Liibiya waxaan ku xeranahay xero ay tahriibayaasha Magafe ku xirto si uu lacag uga qaato waxaanna joogaa Labo sano ka badan.

Waxaan billaabay lacago inaan helo oo aan ka dhex shaqeysto xerada dhexdeeda dadka ayaan caawin jirey iyagana lacago yar yar ayaan ka qaadan jiray ragga Soomalida ee la shaqeyanaya Liibiyaanka lacago ayey isiin jireen waayo waan is fahannay iyaga awood uma lahan inay iga fasaxaan laakiin waxay awoodeen waxyaabaha yar yar ah inay kaa caawin sida nolosha meesha iyo jiifkaba arinkaas ayaan sameenayey Lix bilood

Waxaan ka helay lacago gaaraya 2000$ (Labo Kun oo Doolar ) ka dib waxaan u tagay mukhalasiinta soomalida waxaan ku iri lacag dhan 2000$  ayaan haystaa ee raggaan igala hadla si aan meeshaan uga baxo arinkii ayey galeen way ku guulaysteen inay arinkaas igu caawiyaan ka dib waxaan isku diyaariyay in xeradii la iga wado waxaanna la i geeyay Tripoli gaar ahaan xero lagu sugo laashka loo raacayo Taliyaaniga.

Fikirkaada Waa Muhiim