Lafa-gurayaasha ka faalooda arrimaha siyaasadda ee safarada madaxda iyo heshiisyada dalalka, marka aad dheehato doodaha maangalka ah ee ay taxliilinayaan; waxa soo baxday arrimo siyaasadeed oo dhuuxid qotodheer u baahan mustaqbalkana saamayn iyo raad togan inagu yeelanaysa.

Safarkii RW Itoobiya Abiy Ahmed ee Muqdisho uu ku tagay qoddobadii iyo weedhihii warbaahinta uu inoo soo mariyay waxa ay inagu noqdeen weedho aynu liqi kari wayno inoona cuntamin.

Itoobiya Waxa inaga dhexeeya Muran dhuleed xoogan iyo dood adag. Arrinta ugu werwerka badan ee soo food saartay qawmiyada Soomaalida ayaa waxa ay tahay inaga oo aan xilligaan lugaha ku taagnayn dawladii aynu lahayna dhaawac bilaa kabasho ahi gaadhay, Inta Soomaaliya dhaawaca la tiicayso waxa bilaabmay loolan ganacsi oo baaxad weyn oo u dhexeeya dalal badan oo dilaaliin iyo wax-soosaarba leh iyo dawladaha Geeska Afrika iyo Badhtamaha oo koboc bulsheed iyo mid dhaqaale yeeshay.

Loolankaas oo u dhexeeya kan ugu xooga weyni Shiinaha iyo Maraykanka oo dalal badani la safan yihiin ayaa waxa ay sababtay in dalka bukaan jiifka ah ee Soomaaliya mare kaliya uu noqdo hilib wadhan oo aan marnaba laga jeesan karin siddii loo dafi lahaa.

Itoobiya Mashruuca Dafida Dhulka Soomaalida iyada ayaa wakiil goboleed ah mudo badana ku taamaysay inay la wareegto dhulka dihan ee ceegaagan ee Macdanta khayraadka bada iyo beriga ba leh inay mar mulkido se waanay noqonayn. Sinaba suurto geli mayso in Itoobiya la wareegto dhulka Soomaalida Inta Ay Haysatana Mar Uunbay Ka xoroobi Insha’Allah.

Waxaa cad in wali ay jirto iskudayo siyaasadeed ee ay Itoobiya ku raadinayso dekado, sawabtoo ah Itoobiya waa dal aanan bad lahayn, waxayna taas dhacday sanadkii 1993-dii markii ay madaxbanaani ku dhawaaqday Eritrea oo markii hore ka mid ahayd dhulweynaha Itoobiya, waxaa kale oo intaas xigay in labad dal ay dagaalameen sidaasi darteedna dekeda Casab waxa ay noqotay meel aysan galaangal u lahayn dowladda Itoobiya. 

Itoobiya oo shacabkeedu ka badanyahay 100 milyan oo qof , wuxuuna dalkani u baahanyahay in uu lasoo dego badeeco aad u badan, islamarkaasna dhoofiyo waxsoo saar kale sida bunka oo uu caan ku yahay, sidaas awgeed waxa uu ku qasbanyahay in la helo deked si sahlan loo isticmaali karo.

Muddo ka badan 30 sanadood, Itoobiya waxa ay isticmaalaysay dekada Jabuuti iyo dekeda Sudan, balse markan waxa ay Itoobiya qaadaysaa tallaabo ay kula wareegeyso saami dekadaha inta badan dalalka dariska.

Sanadkan waxa uu muran weyn ka dhashay kadib markii dowladda Itoobiya boqolkiiba 19% laga siiyay saamiga dekada Berbera, waxayna tan ka dambeysay kadib markii shirkadda DP World iyo Somaliland wada galeen heshiis ay shirkadda ku maamulayso dekada.

Mas’uuliyiinta Somaliland ayaa sheegay in shirkadda DP World ay saamigeeda kasii iibisay Itoobiya, taasna ay xaq u leedahay. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa inkasta oo aysan si toos ah uga hadlin saamiga Itoobiya, ayay gabi ahaanba ka hor timid heshiiska dekeda Berbera, iyada oo xitaa baarlamaanka uu meelmariyay xeer dalka looga mamnuucayo shirkadda DP World, islamarkaasna lagu laalayo heshiiska.

Hase yeeshee heshiiskaas weli ma uusan saxiixin madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo maadaamaa uu buuq siyaasadeed baarlamaanka ka dhashay labo maalmood kadib markii xeerka si aqlabiyad ah loogu codeeyay.

Maamulka Somaliland ayaa sheegtay in aysan waxbo ka quseynin diidmada federaalka, islamarkaasna ay xaq u leeyihiin in ay ku manaafacaadaan kheyraadkooda iyo illaahooda dhaqaale. Sidaasi oo ay tahay, haddane wasiirka warfaafinta Somaliland ayaa sheegay in madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud iyo kii Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ay Jabuuti ku kala saxiixdeen heshiis dhigaya in Somaliland ay u madaxbanaantahay horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.

Dekeda Jabuuti

Islamarkii la saxiixay heshiiska dekeda Berbera, waxaa dhacday in dowladda Jabuuti ay qandaraaskii dekeda Dooraale kala laabatay shirkadda DP Worl, iyada oo lagu eedeeyay in ay kasoo bixi weysay balanqaadyadii horey loogu heshiiyay. Iyada oo uu xaalka halkaas marayo ayaa bishii hore dabo yaaqadeeda waxaa Jabuuti booqasho rasmi ah ku tagay Ra’isulwasaaraha cusub ee Itoobiya Dr Abiy Axmed, kaas oo la kulmay madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Labada dal waxa ay kadib kala saxiixdeen heshiis dhigaya in Itoobiya ay saami ku lahaato dekeda Dooraale, halka Jabuutina ay saami ku yeelato shirkadda macaashka badan ee diyaaradaha ee Ethiopian Airlines.

Waxaa la sheegay in ay Jabuuti aad ugu baahnayd cid maalgashata dekeda Dooraale maadaamaa ay ka baxday shirkaddii maalgashiga ku samayn lahayd ee DP World.

DP World waxa ay sheegtay in ay maxkamad caalami ah horgeyn doonto dowladda Jabuuti. Lama oga sida ay Itoobiya u wada maaraynayso xiriirka Jabuuti iyo kan DP World oo halkii laga eryay shirkadan ay iyadu gashay. Faahfaahinta heshiiskan weli ma kala cadda maadaamaa la saarayo guddi labada dal ah oo ka shaqaysa hirgalinta heshiiskan isaga oo kale uu yahay mid dhif iyo naadir ah.

Dekeda Suudaan

Isla kolkii uu dhammaaday safarkii Jabuuti, Dr Abiy waxa uu u duulay dalka Suudaan oo daanta kale daris kala ah Itoobiya, waxana halkaas si weyn ugu soo dhaweeyay madaxweyne Cumar Xasan Al Bashiir.

Sida ay wakaaladda wararka ee Reuters kasoo xigatay afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda ee Itoobiya Meles Alem, labada madaxweyne ayaa qalinka ku duugay heshiis ay si wadajir ah ugu dhisayaan dekeda, iyada oo markaas kadib Itoobiya saami laga siin doono dekedaas.

Iskaashiga Kenya

Dr Abiy waxa uu sidoo kale bishan safar ku tagay dalka Kenya, halkaas oo madaxda ugu sareysa ee Kenya uu la saxiixday heshiisyo kala duwan. Sida uu qorey wargeyska Daily Nation, heshiiska waxaa ka mid ah heshiis horey labada dowladood ay u galeen oo lagu magacaabo LAPSET, kaas oo la’isku xirayo dekada Lamu iyo dalka Itoobiya.

Inkasta oo aysan weli soo bixin in Itoobiya ay saami ka heshey dekeda Lamu, haddane mashruucan LAPSET waa mid aad u balaaran oo la doonayo in lagu dhiso waddooyin laami ah, iyo qadka tareen oo isku xira labada dal si badeecada Itoobiya uga soo degta Lamu ama uga dhoofta ay si sahlan ugu kala gooshto masaafarada fog ee u dhaxaysa labada meelood.

Sababta

Itoobiya ayaa doonaysa in ay hoos u dhigto canshuurta tirada badan ee kaga baxda dhoofka iyo soo dajinta badeecooyinka kala duwan. Waxa kale oo ay doonaysaa in ay hesho damaanad ah meelo ay si joogto ah wax kala soo degi karto si uusan u saamaynin isbadala siyaasadaha. Sargaal kale oo hadlay waxa uu sheegay in Itoobiya ay qeyb ku lahaan doonto go’aamada ku saabsan jaangooyada canshuuraha dekeda Sudan.

Tan waxa micnaheedu yahay in ay kordhiso saamaynteeda dalalka gobolka oo ay ku tartamayaan dalal shisheeye, gaar ahaan kuwa Carabta. Tusaale dalka Sudan waxaa heshiisyo dekadeed la galay illaa labo dal oo kala ah Turkiga iyo Qadar.

Dowladda Turkiga waxa ay dib u dhisaysaa dekedaa xilligii Cusmaaniyiinta ee Sawkin.

Mid kale oo sababaha Itoobiya ka mid ah ayaa ah in ay doonayso in ay kala qafiifiso culeeska shixnadaha usoo dekada, loona kala qeybiyo dekeda kala duwan, sidoo kalena uu halkaas ka dhasho loolan dalalka ay ugu jiraan macaashka badan ee ku jira ganacsiga lala samaynayo Itoobiya. Ra’isulwasaaraha cusub Dr Abiy ayaa balanqaaday furfurnaan xagga ganacsiga, taasna waxa ay horseedi doontaa in waxyaabaha la dhoofinayo ama lasoo dajinayo ay aad u kordhi doonaan.

Gunaanadka hadalka ayaa ah, waanu dareemi karaa in warbaahinta ay leedahay saameyn xoogan sidda hadalada ay ka yiraahdeen siyaasiinta. Soomaali uma malaynaayo inay hadda ku baraarugtay danaha Itoobiya ay wadato. Labadaan dal goormay noqoni karaan hal dal? miyay suurta geli kartaa hadalkii RW Itoobiya Abiy Axmed ee ahaa in labada dal laga dhigaayo hal dal (Soomaaliya+Itoobiya>?)?

 

Xigasho: BbcSomali

Fikirkaada Waa Muhiim