Dadka Soomaaliyeed waa dad ay soo foodsaartay dhibaatooyin farabadan 30-kii sano ee lasoo dhaafay. Wadanka Soomaaliya waxa uu la kulmay dagaal sokeeye ee lagu baaba’ay kaasoo keenay in bulsho badani u qaxaan dunida dacaladeeda. Wadanka Norway wuxuu ka midyahay wadamada siiya magangelyada dadka qaxootiga, sidaa darteed wadankaan waxa kunool Soomaali farabadan oo lagu qiyaaso inay kor u dhaafayaan 40 kun.

Hadaba, waa maxay caqabadaha iyo dhibaatooyinka haysata Soomaalida Norway iyo waliba kuwa kale caalamka intiisa kale kunool?

Laga bilaabo burburkii dowladdii dhexe ee 1991, maamul nidaamsan ee dadka Soomaaliyeed ka dhaxeeya masoo marin Soomaaliya. Taasna waxa laga dhaxlay nidaam-xumo, kalsooni daro, kalatafaraaruq iyo saboolnimo iyo iwm.

Hadaba, dhibaatooyinka haysata Soomaalida Norway waxa ka mid ah:

“In markii ay halkaan yimaadaan ay nolosha hoos kasoo bilaabaan, sidda waxbarashada iyo xirfadaha.

Caadiyan, inaad waxbarasho sanadyo qaadanaysa aad gashaana waxay u baahantahay u diyaargaroow iyo dadaal badan. Waxa intaa sii dheer waxbarashada waxay u baahanthaay inaad hami u leedahay isla markaasna aad waqti gelisid.

“Caqabadaha kale ee jira, ruux dad baahan ee ehel iyo qaraabo ay ka dambeeyaan waxa adag in uu waxbarasho cusub oo sanadyo qaadanaysa galo.”

Waxa uu ka doorbidaa cayr ama shaqo yar ee uu nolosha ku maareeyo. Sidaa darted ayaa wadankaan Norway u arka Soomaalida inay liiska ugu hooseeya ku jiraan hadaay tahay waxbarashada, shaqooyinka iyo ganacsiga.

“Isku xirnaansho la’aan iyo kalsooni daro ka dhaxjirta dadka soomaaliyeed taas oo sababtay inay Soomaalidu haysanin maamul ay ku midaysanyihiin, sida jaaliyad ama ururo.”

Isku xirnaashaha iyo inay Soomaalidu midaysanaadaan faa’idooyin badan ayaa kujiro. Haddii ay ahaan laheed iska warhayn, umidoobista iyo meel uga soo wadajeesashada cadawga, ka hortaga dadka fikradaha qaldan wata, barbaarinta ubadka iyo in la difaaco ilmaha laga qaadanayo qoysaska soomaaliyeed, iyo dhiiri gelinta dadka waxbaranaaya iyo kuwa shaqeeya.

Soomaalida inta badan ma fahamsano faa’idooyinka ay leedahay isku xirnaashaha iyo inay midaysnaadaan.

Sidaa darteed waxan usoo jeedinayaa bulshadeena inay isku xirnaadaan iyo inay si wada jir ah wax u qabsadaan.

Ugu dambayntii, hal iyo labo maqaal laguma soo koobi karo dhibaatooyinka haysta Soomaalida. Sidaas awgeed waxa lagama maarmaan ah in wixii jira ee caqabado ah loo iftiimiyo bulshada si isbedel u dhaco, maxaa yeelay haddii la fahmo waxyaabaha keenay dhibaatooyinka waa la xalin karaa hadiiba ay bulshada markaas ka go’antahay inay isbedel la yimaadaan.

Fikirkaada Waa Muhiim