Waxaan qoraal kooban kaga hadli doonaa, daabacaadda lacagta shilinka ah, ee dawladdu ku dhawaaqday in ay dhawaan daabacayso. Marka hore aan isla fahanno Lacag. Waa maxay lacag? Maxaa lagu qabtaa, ama ay qiimo leedahay? Weydiimahan iyo kuwo kale, ayaan ku soo koobi doonaa qoraalkan. Lacga: waa shay kasta oo aad ku bixin karto Amaah, ku iibsan karto shay kale, kaysan karto, sharciga deegaanka aad joogtana uu oggalyahay qiimaheeda iyo wax qabad keeda. Lacagtu, waxaa loo adeegsadaa:

1. In lagu soo beddesho lacag kale, oo caalami ah.

2. In lagu illaaliyo ganacsiga waddanka iyo awoodda iibsiga ee dadka. Iyo qaar kale oo badan. Haddaba lacag iyo wax qabad keeda, haddaan intaa uga imaado.

1. Maxaa qiima tira lacagta? 2. Tiro yar ama mid wayn, miyey ku xirantahay qiimaha lacagtu? 3..Sicir bararka waddanka, lacagtu saamayn badan ma ku leedahay?
4. Qiima dhaca lacagta maxaa sababa? Weydiimahan ayaan ku qeexi doonnaa qoraalkan hoosana. Marka laga hadlayo dhaqaalaha, waddanka aan lahayn lacag qiimaheedu sarreeyo, ma koro dhaqaale ahaan, siyaasad ahaan, iyo madax bannaani toona.

1. Wax yaalaha qiima tira lacagta waxaa ka mid ah; Sicir bararka, cuna qabatayn dhaqaale oo la saaro waddanka, degganaansho la’aan ka dhacda dalka ( mid siyaasadeed iyo mid deegaanba), ganacsi la’aan (lack of international trade). IWM.
2…. tirada lacagta (yaraan iyo waynaan) waxay ka qayb qaataan lacagtu qiimaha ay leedahay.

Aan ku horraynno tirada yar. Haddii waddanku leeyahay lacag yar, waxay leedahay faa’iido iyo khasaare labadaba.
Marka lacagtu yartahay number ahaan, waxaa ay caqabad ku tahay isku beddelka lacagta dalka iyo lacagaha qalaad. 
Tusaale: haddii Soomaaliya loo daabaco, lacaga yar yar (1 sh, 10sh, 50sh, 100sh,….. 1000sh) waxay dhibaato ku keenaysaa; kaydinta, qaadidda, isku sarrifka lacagaha kale sida Doollarka IWM. Marka 1$ la sarrifo, waxay noqonaysaa in qofku boorso ku qaato lacagata shilinka ah. Illeen wixii tiradii yey ka badataye.

Dhanka kale. Waxay leedahay wax xoogaa faa’iido ah, marka la joogo gudaha. Maxaa yeelay shayga ugu yar ee waddanka la iibsado, (XANJADA), waxaa loo helayaa lacag la qiimo ah, oo goynasa xabbad Xanja ah.

Aan eegno tirooyinka waawaynna. Iyaguna, sidoo kale waxay leeyihiin faa’iido iyo khasaaraba. Marka lacagtu ay tahay mid number ahaan wayn, waxay faa’iido u leedahay; kaydka, qaadashada, sarrifka lacagta qalaad Iwm.

Tusaale.. Marka 1$ la sarrifo, wuxuu qofku jeebka gashanayaa waraaq kaliya ama labo warqadood. Sidoo kale marka la kaydinayo 1000$, baa 10 warqadood noqonaya, oo si fiican baa loo kaydsan karaa.

Dhanka kale. Waxaa jira faa’iidi darrooyin ay leedahay lacagta waawayni. Waxaa ka mid ah; in si fudud uu ku dhalan karo sarrif barar, haddii uu dhashana, ma jirto lacagtaan wax ka sii wayn, oo kor looga sii socdo. Meel hoos loogu noqdaana ma jirto, oo tii waynayd baa wax tari waydee tu yat warkeeda daa.
3. Sicir bararka waddanka ka dhasha waxaa sababa, wax yaalo badan. Lacagtu waxay ka mid tahay kuwa ugu saamaaynta badan, balse waxa ka horreeya dhawr hab oo sababa sicir bararka. Ma jiro waddan lacagtu sababto sicir barar, balse waxay sababtaa sarrif barar.

4. In lacagtu qiimo beesho, waxaa keena sababo dhaqaale oo fara badan.
1. Haddii waddanku uusan lahayn ganacsi caalami ah, oo uu ka helo lacag qalaad. ( hard currunce).
2. Haddii dalku uu soo dhoofsado, alaab iyo adeeg ka badan tan uu dhoofiyo. 
3. Degganaanshaha siyaasadda, dhaqaalaha iyo sarrifka lacagahu, waa qayb muhiim ah, oo beddeli kara qiimaha lacagta dal leeyahay. IWM. Haddaba haddii aan intaa isla fahannay. Aan u soo noqonno lacagta cusub, ee dalku yeelanayo.

Wasiirka maaliyadda Dalka, ayaa xaqiijiyey in dalku yeelan doono lacag cusub. Haddaba, innaga oo ka dharagsan lacag, qiima dhaca lacagta, awoodda waddanka iyo shuruudaha lacag cusub laga doonayo.

Ma ku habboontahay xilligaan, in la daabaco lacag cusub, oo Shilin ah?

War celintu, waa maya kuma ahbboona. Marka lacag la daabacayo, waxaa la iska doonayaa shuruudo fara badan. Haddaan wax ka xuso, waxaa ka mid ah:.
(1).. in dawladdu hayso magdhow, kaasoo ku filan dadka. Si loogu beddelo lacagtoodii hore, ee ay haysteen dadku. Waxaan ula jeedaa; in dawladdu hayso dhaqaale lacageed, oo ay baanka dhigto, si dadku isugu beddeshaan lacagtoodii hore iyo middan cusub.
(2)… in dawladdu leedahay bangi dhexe, oo ka madax bannaan siyaasadda. In uu awood u leeyahay, in uu fuliyo, socodsiiyo, beddelo, go’aamiyana qiimayaasha sarrifka. Iyo in uu maamuli karo lacagta guud ahaan dalka, ee uusan gobol ama deegaan ku koobnaan.
(3).. in dawladdu koontarooli karto lacagaha soo gala dalka iyo kuwa ka baxaya.
(4).. in waddanku awood u leeyahay, in uu wax dhoofiyo, soona dhoofsado. Si uu dalku u helo lacag adag, oo bannaanka ka soo gasha, dalka.
(5)… in dalku dayn qaadan karo; oo iska bixin karo.
(6)… in xukuumaddu tahay mid fulin karta siyaasaddeeda dhaqaale. Oo haddii inta lacag la daabaco, aysan dalka wada gaadhin, waa dhabar jab dhaqaale, oo sababi kara; in lacagtu ka wada shaqayn waydo dalka.
(7).. tan ugu muhiimsani, waa in dalku yahay mid deggan, siyaasad ahaan, dhaqaale ahaan, iyo ganacsi ahaanba.

Dhammaan shuruudahaan waa lagama maar maan, intaan kaliyana ma aha. Ee waxaa jira qaar kale oo fara badan.
Qodobbadaan aan soo xusnay, waa kuwo horyaalla dawladd dhexe. Mana jiraan wax xal ah oo muuqda, oo laga gaadhay.
Iyada oo aan la xallinna lama daabici karo lacag cusub.

Fikirkaada Waa Muhiim