Marka horre waxaa muhiimsan inaan barano waxa uu yahay wadanka aan baranayno luuqadiisa. Luuqada Noorwajiyaanka ma ahan luuqad siddaas u adag waadna barani kartaa. Laakiin marka horre waxaad u baahantahay inay kaa go antahay barashada luuqadaan cusub. Hadaba si aan waxwalbo u ogaano waxaa muhiimsan inaan wax ka ogaano hab nololleedka dalka Noorway.

Wadankaa waxaa la yiraahdaa:

  • Noorway (Afsoomaali ahaan)
  • Norway (English)
  • Norge (Norsk) f.g: erayga Sk- waxaad ugu dhawaaqeysaa sidda SH- oo kalle.

Si kor loogu qaado fursadaha muhaajiriinta ku nool Noorway wuxuu Baarlamaanka wadanku gaaray sharci u ogolaanayo qaar ka mid ah muhaajiriinta inay ka qaybqaataan barnaamijka horudhaca (introduksjonsloven). Barnaamijka horudhacu wuxuu qofka siinayaa warbixin muhiim ah oo ku saabsan bulshada Noorway, waxaa barnaamijka ka mas`uul ah degmada aad ku noolshahay.

Barnaamijka horudhacu wuxuu kordhinayaa fursadda muhaajiriinta sidii ay ku helilahaayeen xirfad iyo siddii ay bulshada ay qeyb uga noqon lahaayeen.

Haajiriinta qaarkood xaq iyo waajib ku ah inay ka qaybqaataan barnaamijka horudhaca, laakiin haajiriinta oo dhan ma qusayso, waxayna ku xiran tahay hadba nooco ogolaanshaha ay haystaan.

Waa kuwaan kuwa xaqqa iyo waajibaadka ay ku tahay barnaamijka horudhaca:

  • Dadka qaxootiga ah
  • Dadka haysta ogolaanshaha bini`aadnimo
  • Dadka loo keeno dadka kor ku xusan
  • Qofka qaata ogolaansho deeq ah ka dib faraxumayn guurka /xaas

Waxayna ku xiran tahay in qofka barnaamijka horudhaca ka qeybqaadanayaa oo u baahanyahay aqoonta asaasiga.

Fikirkaada Waa Muhiim