Sidda ku cad buugga ‘ILA OOY’ waa sheeko ku saabsan gabar Soomaaliyeed oo lagu soo koobay magaceeda Fartuun. Buuggaan ayaa u qoran qaab sheeko ah. Gabadhaan iyo qoyskeeda waxay go’aansadeen inay ku noqdaan dhulkoodii hooyo si ay ugu qeyb qaataan dib u dhiska dalka. Nasiib daro, waxay la kulmeen xaalad aysan filanaynin kuwaasoo salka ku haayo darxumo, qiyaano, iyo waliba waxwalba oo kadhaca dal iyo dad bur-buray.

 

Qoraagga buugga: Ifraax Yuusuf Ciyoow

Qoraagga ayaa ah qoraa Soomaaliyeed oo ku dhalatay magaalada Muqdishu, sanadka markuu ahaa 1989. Ifraax Yuusuf waxay wax ku baratay magaalada Bergen, ee dalka Norway. Waxay haysataa shahaadada jaamacada heerka koowaad ee kalkaalisanimada.


 

Waxyaabaha ku xusan buuggaan ayaa ah inay jiraan dhalinyaro aad u yar-yar dadooda, kuwaasoo xamaali ah, waliba waxay kashaqeystaan oo dhididkooda ah aanan la siinin. – macnaha guud ayaa ah wey shaqeystaan balse lama siiyo waxay shaqeytaan oo dhididkooda ah. Dhalinyaradaan ayaa ah kuwa ku wareegga magaaladda suuq-yadeeda. Malahan waalid, guri, baahi ayey la caatoobeen oo qoroxda iyo dhaxanta usii dheertahay. Sidaasi aytahay waxaa magaalada ku ganacsado rag badan oo ganacsato ah oo wada calool waa weyn, xittaa aanan fiirinaynin dhibaatada haysato caruurtaas baahida sidaas u gashay.

Waxay siiyaan iskadaaye caruurtaasi waxay taaganyihiin qashinka maqaayadaha. Waxayna waxay cunaan ka raadsadaan qashinka ay iska soo fogeeyso maqaayadaha!!!

 

Maxaa ka qaldan buuggaan ‘ILA OOY’?

Waxaa wanaagsan inaan xaqiiqda ka hadalno iyo waxwalbo oo qalad ku ah luuqadeena. Waxaa la sheegaa in Afsoomaaliga kamid yahay luuqadaha sii dabargo’aayo. Dabargo’a luuqadeena waxaa horseed u ah qoraayaasha iyo wariyaasha wax ka qora wararka, arrimaha bulshada, siyaasadda, taariikhda iwm. Waxaana hormar gaarsiini karo waa isla qoraagga, wariyaasha iyo aqoonyahaanada. Bal ila fiiri sawiradaan hoose: 

 

 

Fiiri sawirkaan: Qoraagga  buuggaan ayaa tiri “waxaan qisadaan oo ah mid aan ku qoray qalinkayga, kana soo maanguuriyay maskaxdayda”

 

Fiiri sawirka ku xiga

 

 

Fiiri sawirka xiga: ILA OOY waa sheeko ku saabsan gabar Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Fartuun?

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah haddii qoraagga ay  kasoo maanguurisay maskaxdeeda, maxaa markale loogu qoray in qofkale laga qoray qisada?

Ma ahan labo iskumeel geli karto maanguuris iyo qiso qof laga qoray!

 

Qalallaadka ku xusan buuggaan ma ahan kuwa intaas ku eg, balse waxaan ka soo qaatay hal tusaale oo kali.

Buuggaan ‘ILA OOY’ ayaa u baahan in markale dib loogu noqdo tafatirkiisa, lana hagaajiyo qaab-dhismeedka qoraalada. Sawabtoo ah waxaad arkaysaa inuusan si cad u tilmaamayn doorka marxaladda sheekada ee dagaalka kadib, luuqad aan hufnayn iyo erey-bixin aan laaqi ahayn, qaabab ajnabi ku ah aqristaha oo qoraalada ku dhex jira, qodobbo mugdi ku jira ama isburinaya, halis ka muuqata sharaxaadda qodobada qaarkood, fikrado qof kaligii kasoo fulay, isku-dheellitir la’aanta dheddig-laboodka ah. Waliba malahan hannaanka xarfaha waa weyn iyo kuwa yar-yar, waxaana wanaagsaneed in si fiican loogu baaraandago inta aan daabacaadda la gaynin.

Qoraagga qibrada fiican leh waxaa lagu ogaadaa akhristuhu wuxuu ku raaxaystaa ama uu dhadhansadaa markay dareemayaashiisu u digtoon-yihiin inay qoraagga dareenkiisa wax la qaybsadaan, dulucda fikradda, tixdana fahmaan. Haddii si kale loo yiraahdo, waa inuu akhristuhu dhuuxaa dulucda fikradda u udub-dhexaadka ah; waa inuu arkaa sawirka ama hummaaga uu qoraagga sawirtay markuu sheekadaasi qoraayay; waa inuu dareemaa shucuurta iyo qamandhacada sheekada; waa inuu cabbiraa miisaanka iyo isu-dheellitirka allanayaasha iyo meerisyada sheekada ku aadan qisadaan.

Waxaan aaminsanahay in buuggaani uu tilmaamay xaqiiqda jirtay: Siddoo kale loo baahanyahay in wax laga qoro taariikhyo badan oo noocaani ah, si loogu tusaale qaadani karo wixii dhacay. Duniddaan lagu wada noolyahay shacuub walba waxay da’daal ugu jirtaa habeen iyo maalin siddii nolosha horumar loo gaarsiin lahaa.

Dhalinyaradu waxay ka mid yihiin muraayadda iftiimisa, isla markaana halbeegga hormarka lugu cabiro. Ma wanaagsano in nafsadeenna ku canaanno dhaawaca iyo nolol xumadda ku habsatay, balse loo baahanyahay inaan la imaano isbedel dhab ah.

Dowladnimada waa qaali, waxaana heli karo qoomiyado nasiibka leh, laakiin kutala galay, una kacay inay helaan dowlad wanaagsan. Soomaalida ma ahan dad u baahan in loo sharaxo dhibaatada ay leedahay dowlad la’aanta, waa dad og dhibaatada ay leedahay dowlad la’aanta. Iyadoo ay sidaasi tahay ayaa dadka qaar wali waxaad moodaa inaysan u bislaanin inay helaan dowladnimo iyo qaran ay ku aftirsadaan.

Fikirkaada Waa Muhiim