Acquired Immune deficiency Syndrome (AIDS):waxa uu yimaadaa marka fayruska loo yaqaan Human Immunodeficiency Virus (HIV) uu burburiyo difaaca jirka.

Waxaa aad u daciifa habdhiska difaaca qofkana waxa uu unuglaadaa cudurada loo yaqaan fursad raadiyayaal(opportunistic infections) iyo kansarada, dadka qaba Eydhiska waxaa ku dhaca cudurada nolosha lasocda.

Unugyada dhiiga ee cad-cad waxa ey jirkeena kacaawiyaan ka difaacidda cudurada soo werara jirka. HIV-ga waxa uu weeraraa burburiyaana T-cells oo looyaqaan unugyada dhiiga ee cad-cad (WBC).

Waxa uu kugudbaa:

  • In cirbadaha lawadaago.
  • Galmada
  • Dhiig kushibida.
  • Ilmaha caloosha hooyada kujira waa uu ugudbi karaa.

Calaamadaha lagu arko qofka qaba cudurkaan:

  • Dadka qaara ee uu cudurkaan haayo waxaa laga yaabaa in aan wax calaamado ah lagu arkin marki laga reebo hergab joogta ah,qandho,madax xanuun,qanjiro barar.
  • Maqaarka oo ey nabro kasoobaxaan.
  • Miisaanka qofka oo hoos udhac weyn kuyimaada(qofka oo caato noqda).
  • Dhiig la’aan joogto ah.
  • Naqaska oo qofka kudhaga.
  • Matag iyo shuban.
  • Xasuus la’aan saa’id ah.

Latacaalida calaamadaha qofka kasoomuuqda:

Intabadan cudurka Eydhiska wax daawo sax ah malahan laakiin waxaa si joogta ah loola tacaalaa calaamadaha qofka kasoo muuqda.Waxaad awwoodaa in aad ku caawiso qofka qaba cudurkaan sida uu uga hortagi lahaa calaamadaha kasoo muuqanaya adigoo geynaya goobaha lagu xanaaneeyo dadka qaba cudurkaan. Hadii uu hergab ku dhaco waxaa ladaaweynayaa hergabka,hadii uu infekshan ku dhaco waxaa ladaaweynayaa infekshanka uun.

Daawooyinka kaalmaatiga ah ee lasiiyo qofka qaba cudurka Eydhiska:-

 Antiviral therapy known as antiretroviral drugs.

 Treatments for infections.

 Treatments for cancers.

 Treatments for symptoms.

Fikirkaada Waa Muhiim