Dalkaan dadkiisa aaway? Waa su’aal muhiim ah in la iswediiyo oo ay iswediiyaan muwaadiniinta Soomaaliyeed. Dal walbo oo caalamka ka mid ah waxaa dhistay dadkiisa. Hadaba in la isweydiiyo soo muhiim ma ahan oo laga wada hadlo xalka dadka iyo dalkaan. Waxan kawada marqaato nahay in dad badan badaha ku qubteen oo ay dhammaadeen.

Hooyo badan ayaa wiilkeeda weysay. Haku dhinteen tahriib mise dagaalo sokeeyo. Runtii dhibaatooyinka ka dhacay dalka Soomaaliyeed halkaan laguma soo koobi karo balse waxwalbo waxaa wanaagsan in dib la isku garto.

Sheekh Maxamed Idiris oo ka mid ah culuma sidda aadka loo yaqaano ayaa wuxuu ka hadlayaa muuqaalka iyo quruxda ay leedahay dowladnimadda. Qofka hadduusan aqoonin qiimaha dowladnimo waa dhibaato weyna adagtahay in laga dhaadhiciyo dowladnimada waxa ay tahay.

Sheekha ayaa ka hadlaayo dhibaatada ugu badan ee Soomaalida haysato waxa ay tahay iyo cidda ka dambeyso xasilooni daradda dalka ka jirta.

Isku xishoow |SHAME ON YOU| waa erayada uu ku soo cel-celinaayo marwalbo Sheekha. Erayadaan ayaa hadalkiisa ku tilmaamaayo in anaga aan nahay dadka aan isku xishoonin oo xaaladda dadkooda iyo dalkooda waxbo ka qabanin oo meesha qabiil iyo waxwalbo oo bulshada dib u dhaca u keeno meesha ku haayo.

Sheekh hadaladiisa ayaa ah hadalo ku qiiro geliyo, waxaad dareemaysaa in muwaadannimadda ay tahay waxa ay Soomaalida u baahantahay maanta.

Hadaba aan daawano hadalada Sheekha…………………………….

Fikirkaada Waa Muhiim