Wuxuu ka yimid Aljeeriya, isaga oo raadinaya nolal aad u wacan, filayana in uu ka soo cararay saboolkii, cabburintii iyo quusashadii. Baariis gudaheeda ayuu shaqo ka helay, aan u baahnayn aqoon iyo farsamo sarreysa, ka dib ilmo ayuu yeeshay iyo kuwa uu awoowe u yahay, waxay xaq u yeesheen waxbarasho iyo daryeel caafimaad, sababtoo ah waa muwaadiniin Faransiis ah, hasa ahaatee waxay ku soo koreen xaafaddaha dadka laga tirade baddan yahay dagaan ee saboolka ah, is ku rarankana ah, taas oo ku hareeraysan magaalooyinka waaweyn ee Faransiiska. Waxaa ku hareeraysanaa qoysas la mid ah iyaga, waxay ku noolaayeen nolal ka baxsan midda bulshada Faransiiska, inkastoo ey ka tabar dhigeen in ey si buuxda u dhexgalaan bulshada, haddana aad ayey u yareed fursadda ey u haysteen in ay xaqiijiyaan horumar dhaqaale, sidaas ayey ku burburtay riyadii Jannadii Fardawsa (Yurub) ee ey ku riyoonaayeen. Dhab ahaantii arrintaani waxay ku soo noqnoqotay malaayiin jeer waddamada Yurubta galbeed, taas oo xaalka dadkii barakacay ku soo afjarmay saboolnimo iyo in la fogeeyay. Xaaladdaha ugu xun marka ey ku suganyihiin qoysaskaasi, kooxaha xagjirka ah ayaa askar u qorata ilmaha, sida in arrinku u muuqda in kooxahaasi u soo gudbinayaan qoysaskaas waxii ey heli waayeen, oo ey ka mid tahay; dareenka nisbo-sheegashada, heebta, sharafta. Ka dib nolal ku dhisan faquuq, waxay u muuqatay ka qaybgalidda qaddiyadeed arrin istaahila wax kasta oo loo baahdo, la is kuna soo afajaro, beenna la is dhexgaliyo, shaqsiyadda la burburiyo ilaa heer dhimasho.

Ka dib weerarkii lagu qaaday wargaysii Faransiiska ahay ee ka soo bixi jiray Baariis Charlie Hebdo iyo fashilintii weerarkii kale ee Biljamka, waxaa u habbooneed Yurub in ey si qoto dheer is ku eegto, waxaa waajib ku ah in ey ogaato in jiilka labaad iyo kan saddaxaad oo ka mid ah qaxootiga in ey halis ugu jiraan sirsirashada ururrada argagixisada ah ee hadda jira, maxaa yeelay muwaadinnimadii Yurub loo ma baddalin is-dhexgal bulsho, iyo mid dhaqaale oo dhab ah. Shaki kuma jiro in kala tagsanaanta u dhexaysa bulshada sii ballaaranayso, taas oo circa ku sii shareeraysa dhibaatada, sababta sannadaha dhibku jiro, mushkiladdana sii calwinaysa. Dadku waxay u baahanyihiin himilo, waxay u baahanyihiin in ey rumeeyaan aragti, waxay u baahanyihiin mashruuc u yaboohaya aayatiin u wacan iyaga iyo bulshooyinkooda. Maalin ayey dawladdaha Yurubtu u soo bandhigi jireen dadyowgaas dareen ah rajadaan, balse dhibku waa markii ey si rasmiya u aqbali maageen rajadaasna oo natiijadii is ku baddashay niyad jab iyo rajo xumo gashay booskii rajada.

Niyad jabkaani wuxuu abuuray jawi nugul, oo ey si siman uga faa’iidaystaan kuwa dareenka dadka kiciya, shisheeyahana la collaytama iyo argagixisada Islaamiyiinta ah. In ka baddan 1200 oo muwaadin Faransiis ah ayaa ku biireen qadiyadda Jihaadka ee Suuriya ka socota, sida ey tilmaamayaan qiyaasyadu, is kaba daay 600 oo muwaadiniin ah oo ka soo jeeddaan Uk, 550 oo Jarmal ah, iyo 400 oo Biljam ah. Xaaladdaas oo kale waxaa ku sugan Isbeyn. Dhab ahaantii muwaadiniinta Yurub qaar ka mid ah waxay ku dhex gaysteen falalkooda foosha xun gudaha dalalkooda, sida gacan ku dhiiglayaashii dhacdadii Charlie Hebdo, inkastoo ey jireen laamaha sirdoonka iyo xooggaga booliska, oo ey ahayd in ey is ku hawliyaan ka hortagga weerarradaan, haddana dajinta Istaraatiijiyad wax ku ool ah oo looga hortagaayo dhaqdhaqaaqyadaan xagjirka ah, waxay u baahantaahy in la gaaro fahan cad oo lagu ogaanayo waxyaabaha gadaal ka riixaya dhaqdhaqaaqyadaan. Waxaa waajib ku ah waddannada Yurub in ey beegsadaan meel ka fog kaliyah in ey difaacaan xurriyadda hadalka iyo aragti muujinta. Waa in ey dib u hagaajiyaan isku daba rididdaan booliska, si loo dajiyo xal raaga, oo ku filan daaweynta faquuqa dhaqaale iyo kan bulsho, oo ey ku noolyihiin kuwa taabacsan dhaqdhaqaaqyadaan, iyada oo laga fogaanayo is ka hor-imaadyo dhaqameed iyo in cabburin oo kaliyah la miciin bido.
Arrinka ugu muhiimsan ayaa ah in xalka nuucaan oo kale ah u baahanyahay in la is kaga tago kala qaybsanaanta been abuurka ah, ee u dhaxaysa xurriyadda iyo nabadgalyada, haddii ey ka awood badiso cabsida la xariira nabadgalyada xuquuqda iyo xurriyadaha asaasiga ah, casabiyadda ayaa guul cad gaaraysa, isla waxaan hadda dhacayna wey dhici doonaan, haddii ey sii kororta isbaddalladaan sida; ka cabsashada Islaamka iyo kahashada shisheeyaha. Ka dib todobaad markii ey dhaceen weerarradii Bariis, waxay ku nuuxnuuxsatay marwada ka talisa Jarmalka Angela Merkel dareen uu horay u muujiyey madaxweynihii hore ee Jarmalka Christian Wulff 2010-kii, marwo Merkel waxay ku dhawaaqday iyada oo garab is taaggan Ra’iisul Wasaaraha Turkiga Axmed Dawuud Gule, in Islaamku yahay qayb ka mid ah Jarmalka, sida Diinta Yahuudda iyo Masiixiyadda. Warbixintaasi waa tubta saxan ee horay loogu socon karo. Waa lagama maarmaan in Muhaajiriinta Muslimiinta ah haddii ey ahaan lahaayeen jiilka koobaad, kan labaad ama kan saddaxaadba, in ey si buuxda u dhexgalaan bulshada, oo ey helaan fursaddo la mid ah kuwa dadka kale ey helaan, sida muwaadiniita Yurub iyo kuwa ku dhex noolba. Sidoo kale waxaa habboon in mabda’aas uu u dhaqan-galo si heer Caalamiya, taas oo ah in la dajiyo qaabab guud oo xoojinaya kobaca, dhiirrana galiya ku gacan-seeridda casabiyadda.
Dhab ahaantii asal-raacnimada cadawtooyada ku dhisan iyo qaababka is dilka gudaha ah ee naafaysay bulshooyinkii Masiixiga ahayd boqollaal sano waxay noqotay wax tagay, oo la xasuusto, waana in uu sidaas ahaado. Diintu ma ahan nidaam ku dhisan aaminaad oo kaliyah, ee waa hay’ad iyo luqad, waa dhinac wax ku ool u ah suuqa, si uun, wuxuu tartan ugu jiraa hanashada dad taabacsan iyo taageerayaasha, kooxaha argagixisada ah ee xagjirka ahna waxay dhidibbada u taaggayaan koobbi foolxun oo ay ka samaynayaan Islaamka dhabta ah, sida in ey ka dhiganyihiin hay’adda rasmiga ah ee Islaamka laga la tashto, waxay soo bandhigayaan luqaddooda, si ey suuq ugu helaan. Maanta waxaa ku soo biiray suuqa kooxo, sida; ururka dawladda Islaamka, Boko Xaraamta Neyjeeriya, ilaa ururka Al-Qaacidda, waxay legdan ugu jiraan si ey u soo jiidan lahaayeen Muslimiinta ku kala sugan daafaha dunida, waxaa xigta taas, kooxahaani waxay aaminsanyihiin in ey hoggaanka u hayaan Jihaadka Caalamiga ah, sidoo kale waxay ka faa’iidaysanayaan beyaddaas ey ku suganyihiin, ee wax kasta u ogalaanaysa, iyo hay’addaha dawladeed ee liita, ama burbursan, ee ka jira beyaddaas, si ey u helaan meel ey cagta dhigaan.

Dhab ahaantii kala guurkii fashilmay ee ka dhacay Suuriya, Liibiya, Yeman, ka dib gu’gii Carbeed ayaa ogalaaday soo if-bixidda ururka dawladda Islaamiga ah, malaayiin dhallinyara ah wey ku dhiirradeen in ey ku biiraan, ka dib niyad jab ey ku sugnaayeen sanado fara badan, oo ey ka qaadeen cuuryaaminta bulsho, shaqo la’aanta iyo nidaamyada kaligood taliyaasha ah ee wuxuushta ah, waxayna ugu biireen in ey helaan wax dhaama waxa ey ku suganyihiin, inkastoo dadka reer Tuunis ey sameeyeen xoogaa horumar ah, balse dadka kale oo ka mid ah isla kuwa daggan mandiqadda rajadoodii wey burburtay, sida ey u burburtay rajadii ey qabeen qaxooti fara badan oo Yurub soo galay. Aragtida Jihaadku waxay la mid tahay sida aragtida siyaasadeed ee la soo xulo, laguna marin habaabin karo dad fara badan, dadkaas oo is ku wada summad ah, kana siman baahi iyo ujeeddo.

Waxaa waajib ku ah Yurub, in ey ogaato in loolanka ka socoda Carabta iyo kan ka socoda Afgaanistaan in eysan suurtagal ahayn in faragalin miletari ee shisheeye xal u noqonayn. Habka kaliyah ee nidaamka lagu soo celin karo iyo dhiirragalinta horumarka mandiqadda waa u suurtagalinta xukunka kooxaha Islaamiyiinta qunyar socodka ah, taas oo suurta galinaysa in ey ka guulaystaan xooggagga xagjirka ah iyo kuwa gacan qaadka aaminsan, kaalinta waddannada Reer-galbeedkuna waa in ey ku ekaataa aqoonsiga kooxaha qunyarsocodka ah, oo la aqbalo, lana taageero, waxaana habboon in sidaa lagu dabbaqo gudaha iyo dibaddaba.
——————————————————————————–
http://www.project-syndicate.org/…/european-muslim-immigran….
http://www.aljazeera.net/…/%D8%AC%D9%8A%D9%84-%D8%AC%D9%87%…
———————————————————————————–
Waxaa qoray qormadaan, uqaabilsanhii hor ee siyaasadda arrimaha dibadda iyo nabadgalyada ee Midawga Yurub, mudane ‪#‎Javier_Solana‬ .

Fikirkaada Waa Muhiim