Jabtadu waa cudur infekshan bakteeriya ay dhaliso. Bakteeriyada dhalisa cudurka Jabtada waxaa loo yaqaan “Neisseria gonorrhoea”.

Waa Maxay  Calaamadaha Iyo Astaamaha Lagu Garto Cudurka Jabtada?

Astaamaha xanuunku waxay soo baxaan inta udhaxaysa 1 ilaa 14 cisho ragga iyo dumarku ma ahaa isku calaamado. Ragga ayeey inta badan ka muuqdaan calaamaduhu.

 Calaamadaha lagu garto inay raggu qabaan cudurka Jabtada waxaa ka mid ah:

1. Dheecaan huruudi ama cadaan ah oo ragga ka yimaada.

2. Cuncun ama wax ka yimaada dabada.

3. Barar kudhaca mindhicirka iyo kaadi mareenka.

4. Kaadida oo badata.

   Calaamadaha lagu garto dumarka qaba cudurka Jabtada waxaa ka mid ah:

1. Caadada dumarka iyo wixii la mida oo isbedela ayado ay soo racaan dheecaan leh midab huruudi ah.

2. Xanuun inay dareeman markay kaadshayan.

3. Cuncun ama wax kayimaada dabada.

4. Qandho.

   Siddee Loo Kala Qaada Cudurka Jabtada?

1. Waxaa lagu kala qadaa galmada.

2. Ado taabta xubinta ama cawrada qofka qaba Jabtada.

   Siddee Loo Daaweeya Cudurka Jabtada?

Inta badan dhakhaatiirtu waxay uqoraan bukaha cudurka Jabtada qaba daawooyin kuligood ah antibiyootik (antibiotics). Waxaa kamid ah daawooyinkaa:

1. Cefriaxone

2. Ciprofloxacin

3. Cefixine

4. Ofloxacin

5. Levofloxacin

Haddii uu bukaha cudurka qabaa uu yahay haweeney uur leh ama qof da’diisu ka yar tahay 18 sano looma ogola inuu isticmaalo dawooyinka khaasatan kuwa lagu magacaabo:

·        Ciprofloxacin

·        Ofloxacin

Talo iyo waano idinkaga timid walaal idin jecel:

Waxaa muhiim ah inaad joojisan galmada xaaraanta ah waayo waxay idinku sababaysaa xanuuno sidda cudurka Jabtada waxana inta kudheer Alle caradiisa oo kugu dhacaysa waa in aan iska illaalinaa galmada xaraanta ah san uhelno nolol kudheehan caafimaad iyo farxad.

 

Cudurka Aydhiska “AIDS” Iyo Sidda Loo Daaweeyo maqaal la xariira qoraalkaan.

Calaamadaha Uurka lagu Garto maqaal la xariira caafimaadka

Fikirkaada Waa Muhiim