Waxaa maalmahaan dambe Yurub soo bux dhaafay qaxooti aad u tiro badan kuwaasoo ka soo cararaayo dagaalada ka jiro dalalkooda.

Qaxootigaan ayaa waxaa u badan dalalka ay dagaalada sidda xoogan u saameeyeen sidda dalalka Suuriya, Iraaq iyo kuwa kalle oo la mid ah.

Madaxweynaha Gudiga Yurub Jean Claude Jancker, ayaa sheegay in midowga Yurub uusan ku jirin xaalad fiican, iyadoo dhibaatooyinka qaxootiga ay keenayso dhib wayn.

Hadal qiiro leh oo uu ka jeediyay baarlamaanka Yurub, Mr Junker, ayaa ku dhiirigaliyay waddamada ku jira Midowga Yurub inay aqbalaan in Yurub loo arko meel ammaan iyo rajo leh.

Wuxuu ku taliyay in Midowga Yurub ay dib u dajiso boqol iyo lixdan kun oo qaxooti, iyadoo lagu qaybsanayo qorshe qasab ah.

Horaantii Qorshe tirada ay intaa ka yar tahay ayaa dowladaha qaar ay ka soo horjeesteen.

Qorshaha ayaa hadda la horkeeni doonaa shir ay wasiirada Midowga Yurub ay leeyihiin Isniinta.

Fikirkaada Waa Muhiim