Sideedaba waxaynu iskaga noolnahay waxa dibada laga soo waarido oo aynaan waxba ku lahayn haba yaraatee, waana dhibta haystana Soomaalida iyo Afrikaankaba in loogu keeno gargaar wadamada hurumaray iyagoo wadamadooda ka soo saran kara waxaa loo keenayo. Caasimadda dalka Saambiya ee Lusaaka marwo dhaqaalayahan iyo qoraaba ah oo u dhalatay dalkaas Dambisa Moya, ayaa soo saartay 2009 buuggeeda (the Dead Aid) gar-gaarkii dhintay ayadoo kaga hadlaysa dhibta uu ay leedahay gar-gaarka shisheeye oo taageeraysa gargaarka sokeeye.

Hadaba gargaarka Shisheeye Muxuuna u Shaqayn waayay? “Why Aid is not Working?”

Waxa ay qoraa Moya u haysaa warcelin ku qotonta qodobbadan:

  • Waxa uu dhiirrigeliyaa musuqmaasuqa “taban” oo, natiijo ahaan, hoos u rida kobocii ;Musuqmaasuq Taban waxa ay ula jeeddaa marka dhaqaalihii la lunsaday, ay ciddii leexsatay ku kadsato bangiyo ku yaal dalka dibaddiisa. Haddii ay waddanka gelin lahaayeen, oo ganacsi ama si kale uga shaqaysiin laahayeen lacagtaa ay xadeen, waxa ay Moya ku doodaysaa in uu ahaan lahaa Musuqmaasuq Togan.
  • Waa uu daacadnimo-dilaa bulshada rayidka a; . Oo bulshadii rayidka ahayd, (civil society), ee ay ahayd in ay nawishaao xaaladda dalka iyo dawladda, ayaa ku milmaysa oo deeqda saamigeeda raadsanaysa!
  • Waxa uu sababi karaa dagaallo sokeeye; oo waxa la isku qabsadaa cidda maamuli doonta gargaarkii soo gaadha dalka. Xaqal-qalinkiisa ilaa ka dawlada ku jira.
  • Gargaarka shisheeye waxa uu keeni karaa ku-tiirsanaan iyo isku-hallayn. Oo dadkuba waxa ay sugayaan inta deeqdu soo dhacayso!

Hadaba sidda cinwaanka ka muuqata, gargaarka laga soo waarido wadamada dibada waxa uu samayn weyn ku yeeshay dhulka Soomaalida hadday noqoto beerahii, wax-barashadii, caafimaadkii iyo kuwa kaloo badan.

Dhinaca Beeraha

Dalalkan gargaarka baxiyaa ma keenan xaliyada abaaruhu jiraan oo waxad ogtahiin 2017 abaartii ka dhacday dhulka somaalida qaybo kamida in ay soo waarideen xaliyadii roobku curteen sida galay , hadhuudh ,boorash iyo buskud (surf) , taa macnaheedu waa in lala dagaalamaa wax-beerista dhulkeena hooyo, sidoo kale waxaaba ka daran taas hadii lays yidhaahdo beera raashinkaa laga keenayo dalalka shisheeye sida ; galyda ama hadhuudhka qaar baxaya maaha.
Siinta noocan ah waxa dadkii hore odhan jireen, “Hooyoo ku go’!” mise waaba ‘leef oo ha liqin!’

Dhinaca Wax-barashada

Lama arag somalida dhexdeeda ama kumaan arag intaan dhul somaali joogay dugsiyo ay dhiseen oo ka badan sadex qol , kamana dhisaan goobaha u baahan sida tuulooyinka , meelaha reer-guuraagu u guuraan waayo waxaynu badanahay xoolo-dhaqato.

Dhinaca Caafimaadka

Dhanaca caafimaadka wa sidaa hore uun oo waxaabad marag u tahay shuban biyoodkii ka dhacay burco , buuhoodle , shebeele iyo gobolo uu ku faafay mayay jirtaa mucaawino la siiyay jawaabtu wa xagaaga?

Abwaan Gaariye (AHUN) waxa maanso ku yidhi;
Ragga rag ah daruuraha
Dabayshaa u rimisee,
Xaggayaga dudduuc iyo
Ducashay ku fooshaan.
Wixii dalag ka beermana
Waxa loogu daw galay
Diir aan hanbayn iyo
Ayax daba-ka-yaab qaba
Oo gaws-dambeedyada
Dufankaw basaasiyo
Dalqadooda mooyee
Ninna u danaynayn.

Wanaag kama soo socdo dal ama dad leh astaamahaa Gaarriye taxay, oo aan lagu aamini karin dhuun-qoyntii danyarta. Waana siyasado laga damacsanyahay dadka taagta daran leh ee faqrigo aafeeyey. Tusaale waxa aynu u soo qaadan karnaa dhulgariirkii ka dhacay dalka Nepal gu’gii 2015, bishii afraad, waxa dhibbanayaashii dhulgariirka oo waddooyinka wadhan u soo miliqsaday kiniisadda Rooma, oo waa tii ugu yaboohday koontiinnaro Baybalka ah. Dad hoyla’aan, hu’-la’aan iyo hunguri-xumo hayso sidee ayaa ay odhan Baybal warqado ah?! Dadkii baahnaa ayaa ay kiniisaddu uga faa’idaysatay in ay ku dhex faafsato aydhiyoolajiddeeda.
Imka waa waxa ka dhex taagan somaalida dhexdeeda in kiniisado lagu soo qaado inagoo ah dad boqolkiiba boqol muslin ah, hadaba maxaa xala ayaa is weydiin leh.

Danta laga leeyahay hadaba waa maxay in lagu soo waarido galay dhulkaagii ka hodana.
Waa dhowr sababood .
• In laguu sameeyo xakame ama xidhe fure ay iyagu iska leeyahiin;
• Inaanad waxba beeran , ood sugto sidii qaadkii ‘WUU SOO DHACAY’’
• In si dhib yar leh laguu cuna qabateeyo.
• Inaad ka maraanto gargaar sokeeye tusaale ; markaad garoowe joogto waa inaanad ka kiinin hargysa xasiid (gallay)
• Inay wanaag ku tusaan deetana ay idoyological (fakaradohooga) adeegsadaan.
• Iyo qaar kaloo badan.

Xalka waa maxay?

1. Muddada – waa in ay xukuumaddu xaddido muddada uu soconayo badhi-taarku. Tan waxa lagu gaadhi karaa iyada oo la adkeeyo xeerarka lagula dhaqmayo cidda wax bixinaysa, isla markaana la qeexayo meelaha ay gelayso. Markaa waxa fududaanaysa in wixii aanay noqon jaantaa-rogan aan bardhammaad lahayn.

2. Xaddiga – waa in xukuumaddu qeexdaa xaddiga badhi-taarka ee dalku u baahan yahay, oo aaanu noqon mid qarqiya waddanka oo la mid noqda, am aka bataba Waxsoosaarka Idil ee Dalka GDP. Waa in aanu noqon waxa qoraa Dambisa Moya u bixisay “Iraab Gargaar – Aid Injection.”

3. Meesha – waa in dalka la badhi-taaraha hagaa meelaha ay gelayso xaddiga cayiman ee muddada qeexan loo qabtay.

4. Tayada – waa in xukuumaddu hubisaa in noocaan raashinka ee dalku helayaa yahay mid uu u baahan yahay, oo ay isku sargo’an yihiin baahida waddanka. Si kale haddii loo dhigo, waa in la xeeriyo danta qaranka in ka badan inta la xeerinayo danta deeqbixiyaha.

5. Waa in la daba joogaa markay mashruucydaa wadaan , si ay ugaadhin dantooda tusaale , oo waxad ogtahiin in qofkstaaba dan leeyahay marku wax ku siinayo tusaale ; hadii aad sadoqo la baxaysid waxad doonaysaa AJAR inaad ku hesho I.w.m.

6. Tacab ; waa in wax la qabsadaa sida beerihii oo aynu falano , warshado aynu isla kaashano deetana aynu dhexdeena iska iibino iskuna caawino somaalida (gacmaha is dhaafa ayaa gacal ka dhashaa .) Waa halkii Xayle Salaasa e, ‘ma jirto cid gacanteeda inta ay kuu soo jarto, kugu sooryeynaysaa, dabadeedna in aad u mahadceliso uun kaa sugta
Nabiguna waxa amaanay (qofka xaabo degtiisa ku soo gurtay deetan iibiya)


Xigasho: • THE DEAD AID (Dambisa Moya 2009) • Ardaaga Aqoonta 2016

Fikirkaada Waa Muhiim