Duhur kasta waxaan tagi jiray masaajidka ugu weyn xaafadda magaaladii aan deggenaa ee Muqdisho, si aan ugu nagaado, maxaa yeelay qado aan cuno ma haysan, waxaan ahaa arday barta cilmiga la xariira diinta Islaamka, kana soo tagay gayigiisii iyo qoyskii uu ku soo dhex barbaaray. Labbiskaygu wuxuu u muuqday mid dhammaad ah. Inta badan toddobaadkiiba labo ama saddex mar ayaan gacanta ku dhaqan jiray, masaajidkana waan ka qubaysan jiray, oo hoygayga keliya ee aan hargalo ayuu ahaa. Waxaan cuno hadba qoys ayaa i casuumi jiray, oo igu deeqa wax aan markaasi quuto.

SufismWaxaan u go’ay barashada diinta, qof kale xiriir lama lahayn, waxaan ka aheyn keliya shiikheyga iyo ardada aan wax is la baranno un. Xilli casar ah ayaan waxaan go’aan saday in aan sahay qaato, biyo iyo wax yar oo aan afka ku rito kolkaan gaajo dareemo, ka dibna aan aado hawdka magaalada, si aan naftayda u layliyo, ugana soo jaro u hanqaltaagga ay mar kasta igu waashay, iyo ka daba oradka birdhaca adduunyo. Waxaan xirtay macawis iyo funaanad duugoowday, ubbada biyaha lagu qaato, iyo tusbax 1,000 midh ka kooban. Wardiga afka kama aanan qaadeyn, waxaan si sir ah u haystay wardi ii gaar ah, oo shiikhaygu igu la dardaarmay, saammeyn gaar ahna lahaa, balse magaalada dhexdeeda aan ku heli waayey awooddii wardigaasi lahaa, waana midda igu riixday in aan haajiro, oo duurka galo, si aan u helo xaqiiqada ka dambeysa jiritaanka koonkaan baaxadda baallaaran.

Waxaan korayay figta sare ee buuraha iyo dagaandagyada, aniga oo dhex jibaaxaya diqdiqyada dhex mara geedaha is ku dhafan. Cabsi iyo walwal ma dareemeyn. Waxaa I wehlinaysay tamar aan garaneyn meesha ey ka soo butaaceyso, oo mar waliba horay u soco, waad guulaysanaysaa i oranaysay. Mar waan socod boobsiiyaa, marna waan rucleeyaa, daal iyo tabar dhig ma dareemeyn. Xilli cadceeddu sii cilayso, jawiguna aad u macaanyahay, saxansaxo udgoonna dhaceyso, ayaa waxaa ila hadlay qof aan garaneyn, iguna yiri, “Waad soo gaartay bartii dadka la doortay loogu tala galay, ee meesha aad taagantahay fadhiiso.”

Waan fadhiistay aniga oo dhoola caddeynaya. Wejigeyga waxaa ka baxayay ilays aan horay u arkin. Udgoon gaara ayaa jawiga markaas aan ku sugnaa wada hareereeyay, waxaana hoos fadhiistay geed caleemihiisu daadanayaan. Dhaxan yar ayaa dhaceysa, balse ma dareemayo. Waxbaa gaashaan iyo gabbaad ii ahaa. Waxaan gudagalay in aan weyso qaato, oo aan billaabo salaaddii aan sida joogtada ah u tukan jiray, iyo salaaddihii dheeraadka ku ahaa, ee aan tirada iyo qaab nooc kale u sammeyn jiray, taas oo dadka caammadaa aan loogu tala gelin, gaarna u ahayd indheergaradka gaaray heerarka qaaskaa, ee laga gaaro cibaadada iyo xiriirka Alle.

Saqda dhexe habeenkii duul aan u jeedin ayaa ila joogay. Waxaa ii iftiimay geedihii hareerahayga ahaa, uun aan u jeedinna waxay ila aqrinayaan wardiga, ina wehelinaayay, balse aan dareemayo. Habeen iyo maalin ka dib ayaa waxaa ii yimid shaqsi aan weligey muuqaal ahaan arkin, wuxuuna iga taabtay garabka midig. Wax aan ku matalo ma aqaanno, wuxuu igu yiri, “Waxaan ku guddoonsiinayaa billad qaaliya ee ilaasho, waa gaashaanka keliya ee aad haysato”. Halkaas ayaa waxaa la ii geliyey qoorta xirsi, i siiyay awood, iyo in wax kasta ii fududaadaan, waxaana la igu wargaliyey in aan mar kasta ku dadaalo wax bixinta iyo samo falka.

Deegaankii aan ka anbabaxay ayaan ku soo laabtay. Dad badan oo aan aqoon u lahayn ayaa i sugaayay: dumar, ilmo, waayeello iyo mashaa’ikh aan horay u arag. Waxaan dareemay in jawigii nolashaydii is baddalay, maanta wixii ka dambeeyana xil iga saaranyahay in aan u adeego dadka iyo duunyadaba. Waxyaabaha an haybadda u helay waxaa ka mid ahaa in aan dawo iyo xal u heli karo cudurro badan oo la xariira xagga nafta bini’aadanka, iyo karaamo xad dhaaf ah oo aan kala kulmaayey dadweynaha intiisa kale, gaar ahaan dumarka iyo waayeellada.

Maal iyo maamuus an kala joogsi lahayn ayaan helay. Waxaan ka dhex baxay xertii iyo misaajidkii aan ku dhex qatanaan jiray inta badan, balse saxiibbadey marna ma goynin, oo si hoose ayaan uga warqabay, una taakuleyn jiray. Daalacashada waxyaabaha aan indhuhu qabanin waxey ahayd sirta nolosheyda, taas oo ii suuro gelin jirtay in an sii ogaado dhibka qofka dhibban haysta, inta uusan ii immaanin, meel dheerna aan wax ka arko. Waa darajo sare, qof kastana lama siiyo. Inta badan waxaan ku hanweynaa in aan gaaro heerkaan aan maanta joogo. Runtii kibir iyo karaamo meel ma wada galaane, waana midda ii suurto gelisay in aan hoggaamiyo kumannaan naf oo aan is ogeyn, majaraha’na u qabto, xalna u raadiyo cilladaha la soo gudboonaada.

Maanta waxaan ku naaloonayaa heerkan Alle iigu deeqay, waana miraha wardigii iyo Alle la koodiddii aan habeen iyo maalin waday, iina furtay nuur iyo naruuro aanan weligey horey u arag. “Qof aan wardi lahayn waxba uma soo arooraan”, waxay ahayd oraah aan aad u dhaqan geliyey intaan ku jiray socdaalkii dheeraa ee aan ku helay tubta Suufinimada, illaa aan ka gaaray darajo ah in la iga feydo daahyadii iiga aaddanaa dhugashada sirta nolasha, waana midda la i guddoon siiyay.

Maanta waxaan wax ka hagaa daaha gadaashiisa. Siyaasi, ganacsade, iyo qof kasta oo bulshada ka dhex muuqda waxaan u nahay shidaalka iyo webiga ay ka waraabaan kolkii ay oon dareemaan, albaabaduna ka soo xirmaan, maxaa yeelay weli ma eysan fahmin culuumta dahsoon ee ku duuggan cilmiga Suufinimada, kaas oo ah gunta iyo gunaanadka nolasha iyo nafta aadanaha oo idil.

Fikirkaada Waa Muhiim