Cilmiga Kimisterigu, (Chemistry) waa barashada laga maar-maanka ah ee cilmiga sayniska maatarka , iyo  isku dhisyada  iyo sidoo kale hababka ay u falgalaan. Haddaba ugu  horeyn waa  maxay matter?  Maatar waa: “wax kasta oo cuf  iyo miisaan leh oo meel bannaan buuxin  kara”. Intaas kadib cilmiga kiimikadu wuxuu door  laxaad leh  ka qaataa barashada qaababka  iyo noocyada  kala geddisan  ee  maatarka (matter).  Isku dhisyada kiimikooyinka.

Maatarku  waxaa loo qeybiyaa  saddex  marxaladood  oo  kala ah. adke (Solid), Dareere (Liquid) , iyo Neef , (Gas).

Markaas guud ahaan cilmiga kimistarigu waa  barashada  walxaha maatarka  iyo is-bed beddelkooda ,  iyo sidoo kale hannaanka  kiimikada  noolaha,  iyo kan wax-soo-saarka wershadaha (Industrial chemistry).

Waxyaabaha  kiimikooyinka ah ee loo isticmaalo nolosha waaqiciga ah waxaa ka mid ah  agabka  rinjiga (paints), iyo agabka warshadaha , iyo weliba dhammaan dawooyinka oo idil.  Run  ahaantii cilmiga kiimikadu waa  aqoon ilaa xad  salkeedu ballaadhan yahay oo aynnaan awoodin in dhowr  saddar  iyo wax la mid aynnu kaga boganno, balse, waxaa muhiim in cilmiga kiimikada aad  wax ka ogaatid  haba yaraatee.

Waxa jiraa curiyaal ciiddaa iyo cammaarkaas ka badan oo ooggada  dusheeda ku sugan, kuwaas oo  loo sameeyay jadwal amma bandhig lagu kala sooco. Jadwalkan ayaa waxaa ku farra-yaraystay  saynisyahankii ruushka ahaa ee loo yaqaannay  Dmitri Mendeleev[[1]] , sannadii 1869 kii , khabiirkan reer Moscow ayaa u habeeyay hadba  sida ay isula jaan-qaadayaan wareega  unugyadu  iyo jaadka ay u falgalayaan. Middaas oo innoo suurtogelisay in  garasho loo yeesho  shaqada  kiimikooyinka iyo sidoo  kale waxyaabaha  ay  gaarka u koobsadeen  curiyayaasha kiimikadu.

 Intaas  kadib Haddii aan ku horreyno  curiyaha loo yaqaan  kaarboonka (carbón) oo waxtar  weyn u leh  aadanaha oo idil , ayaa leh noocyo kala geddisan , balse, noocyada ugu muhiimsan waxaa  ka mid ah kuwa sida dabiiciga ah  looga helo ooggada sare ee dhulka  sida Saliidda ,  Dhuxusha  ,iyo Nuuradda.  Inkastoo kaarboonku  la fal-galo curiyayaal tirro  badan  taasi  waxay  sababtay  in uu  noqdo curiyaha ugu  isku-dhisyada  badan  dhammaan. Sidoo kale curiyaha  kaarboonku  waa  curiyaha  shan-tobnaad (15aad)   ee  ugu  badan  iyo  sidoo kale  ka  afaraad (4aad) ee  ugu cufka iyo miisaanka badan.

Curiyaha kaarboonku oo afka qalaad ee english-ta  ku  noqonaya ( CARBON) wuxuu leeyahay summad u gaar ah oo ah sidatan: (C) , curiyahan ayaa ah kiimiko , tirada atomkiisuna  tahay (6). curiyahan ayaa ka mid ah curiyaasha ugu caansan diiwaanka curiyeyaasha. kaas oo ilaa xilli hore dadku yaqaaneen.

Sida dabiiciga ah , curiyahan waxa laga helaa ooggada  sare ee dhulka  asagoo koobsaday saddex (isotope) , oo looga jeedo curiyaha oo yeelanaya noocyo  kala duwan , noocyadaas oo iskaga mid noqonaya  tirooyinka  toggan ah balse  ku  kala duwan tirooyinka tabban. (each of  two or more  forms  of the same element that contain equal numbers of protons but have different numbers of neutrons in thier nuclei).

Mar hadii  macnaha isotope  aynnu  isla qaadannay , aan  horre uga sii socda , curiyaha kaarboonka ayaa leh saddex  isotope oo kala ah  |C|12 , |C|13 , |C|14 . dhammaantood  qaab dhismoodkooda yahay  mid miisaaman , inkastoo  C14 yahay mid siidaaya shucaac  (Radioactive).

 Curiyaha adduunka  ugu  badan ee Kaaroboonka ayaa  wuxuu noqday  mid  wax-seeg  iyo wax-tar  ba  koobsaday. Curiyahan ayaa door muhhim ah ka ciyaaray  nolosha bini’aadamka. Curiyahan ayaa ku  jira Lafta  noolaha , sido  kale  wuxuu ku jiraa hawada, carrada , iyo waxyaabo badan oo innagu gedaaman.

Carboon 14 oo ka mid noocyada kaarboonka ayaa ah curiye aan deggeneyn , oo bixiya shucaac (radio active), waxaana soo sahamiyey carbon 14  saynisyahankii Reer Maraykan ee la odhan jiray; Willard Libby[[2]]  iyo asxaabtiisi ay kamid ka ahaayeen Martin Kamen iyo Sam Ruben,  iyagoo ku sugan jaamacadda california (University of california Radiation Laboratory), sannadii 1940 kii. Akhriste  waxba ha ku dawakhin  meerisyadan kala duwan balse aan kuu soo koobo , curiyaha kaarboon  ayaa  leh qeybo  kala duwan oo aynnu kor ku xusnay  laakiinse kan u dambeeya ee  carbón 14 oo ah curiye aan degenayn oo siidaaya walxo  shucaac  noqda.

Sidaa daraaddeed, curiyaha aan deggenayni ma hakan karo keligii waa inuu siidaayaa iniinyaha xambaarsan danab leh shixnad eber ah (zero charge) oo ah neutrons .iyadoo loo marayo habka loo yaqaan (neutron loss) , oo uu u diraa iniinyo xambaarsan danab leh shixnad dhiman (negative charge) oo looga jeedo (electrons) ,curiye kale, ama uu soo amaanaystaa  elektaroon kale (electron) si uu u kasbado  nuyuutaroonno (neutrons) dhammaystiran. marka loo fiirsho elektroonnadiisa, ama waa inuu curiye kale  kula xidhmmaa si uu ula waddaago elektaroonkiisa dheeraadka ah.

Sidoo kale akhriste  waxaad ka  warqabtaa  amminta la joogo in  dunidda  korkeeda  ay  soo waajahayaan  waxyeelooyin  tirro badan , ha ugu  horreyso cimilada adduunka ee  kululaanaysa . ma ogtahay  in  isticmaalka tamarta oo aan si fiican loo maareyn ay sababtay is-beddelka  cimilada adduunka.  Kulaylka (global warming)[[3]] ayaa  ka yimid korodh  ku dhaca  heer-kulka deegaanka oo ay sababeen isticmaalka xad-dhaafka  ah ee gaadiidka  iyo sidoo kale  wasakhda  ka soo baxda warshadaha . waxyaabahaas ka soo burqanaya deegaanka ayaa qiiq ku sameeya hawada sarre (atmosphere) , suntaas waxaa ka mid ah , Carbon dioxide , Methanol , Nitrogen Oxide , iyo CFCs.

In  badan  ayaa la isweydiiyay maxaa xal u noqonaya is-beddelka cimilada adduunka ee ka sii daraysa?  Waxaa la isku afgartay in la isticmaalo Nuclear Power , oo loo maleeyay in uu maaro u noqon karo xurguftan. Akhriste maxaad  ka ogtahay  Nuclear Power?. Aan dhowr  saddar oo  kooban la dul maro. Nuclear power  waa  tamarta  ku  jirta ilma-qabatida (Atom) , tamartaas oo ah dabbarka  isku  haya shixnadaha  kala ah (Protons) iyo (Neutrons).

Tusaale ahaan macdanta Uranium-235 oo noqotay ammintan hubka ugu ballaadhan (Nuclear Weapons) ama (Weapons of Mass Distruction) (WMD) ee gummaadka loo adeegsado ayaa ku  samaysanta hannaan ah  in la kala fogeeyo curiyaha ilma-qabatida ah (Nuclear Fission or Thermonuclear Energy) , kaas oo ku dhacaya  atamka curiyaha oo la kala firdhiyey  iyadoo la isticmaalayo elektaroonno xawaare sare ku ordaya ; amma curiye awood  la isugu keenayo atamkiisa (Nuclear Fusion) ; amma labba curiye oo la isku soo riixayo atamyadooda  iyadoo awood  electron oo kale la adeegsanayo.

Inkastoo curiyahan Uranium-235  uu dheef  badan  aadanaha u leeyahay marka laga yimaado dhibtiisa  ayaa haddana waxa  lagga dhalliyaa koronto aad u badan,  iyadoo la isticmaalyo qalab u gaar ah. Sida sawirka hoose ka muqata ( Figure.1) waa qalab ka  sameysan birr weyn , iyo tuubo biyo  ku jiraan oo afka  hore lagaga xidhay , kadibna lagu dhex  shubay  macdantii uuranium, dab holcaya ayaa lagu shidayaa  macdantii , kolkaas kulka saa’idka ah ee ka soo baxaya macdanta  uuraaniyamta marka la dhallaaliyo , ayaa dhaqaajiya tuubooyinka biyaha ee  ku  xidhan dhanka  horre ee  uuraaniyamta ,  iyo injiinada waaweyn ee  ku rakiban tuubada biyaha,  kadibna  waxaa  halkaas  ka abuurma  koronto xawaare  sarre  ku  socota.Jaantus muujinaya habka macdanta Uranium looga dhalliyo koronto.

Gebo-gebadii , akhriste ma ogtahay in dhulka soomaalida ee dihinka ahi ay ka buuxaan kiimikooyin dabiici ah (Natural) , misana aan laga war-qabin . xeebaha  soomaalida oo idil  ayaa  waxaa  ku  jiraa kheyraad  tirro badan , oo  illaa iyo  haatan  aan la wax-tarsan  (laga faa’idaysan)

Fikirkaada Waa Muhiim