Waayo aragnimada waa shey qaali ah oo hadana muhiim ah. Cidwalbana waayo arag iyo xikmadle ma noqdo. Qofka marka uu la kulmo waayo aragnimo dheeri ah wuu ka duwanyahay dadka intiisa kale. Waxaana laga dareemaa hab-dhaqanka qofka. Hadaba qoraallkaan soo socda waa xikmado iyo tallooyin wax ku ool leh.

  1. Nooloow keligaa, hayeeshee cidna kelinimo ha badin. u nooloow si qof weyn ee haku noolaan islaweyni, Alle u nooloow Dartiisana u dhimo, abuurkana Abuurahooda u daa…Xigasho Axmed Diidaat AUN..
  1. Quwadda goorwalba maaha waxaan dhahno iyo waxaan sameyno mararka qaar, waxa ay noqotaa waxa aan ka aamusno, waxaan uga tagno rabitaankeena iyo waxaan is dhaafino…
  1. Badaha adduunyada awood uma laha in ay dembiyaan dhimbil dab oo ka mid Naarta jahanama, hayeeshee dhibic illin oo kaaga soo baxday Alle Jaceyl iyo Alle ka cabsi ayaa kaa xijaabi karta naartaasi, asalka ayaa waxa uu yahay inaad ahaatid la jirka Rabbigaaga, haddii uu Rabbigaaga kula jira yaa wax kaa qaadi kara, haddii uu garabkaaga ka baxana yaa kuu gargaari kara ??!!
  1. Nolosha maku siinayso waxwalba aad jeceshahay, hayeeshee qanaacada ayaa waxa ay kaa yeelaysaa inaad jeclaatid waxa aad haysatid sida adiga oo gaabka kuu saaran yahay dayaxa..
  1. Inta aad ku jirto safarkaaga dheer waxaad ogaataa khariiddada sacaadadaada iyo najaaxaaga ay ku jiraan jeebkaaga ee kuma jiraa sanduuqyada dadka kale. Wax jeebkaaga ku jira meel kale haka raadin..
  1. Insaanka marka uu kula hadlayo si wanaagsan u dheygeyso, tani waa aadaab, waa tarbiya, ixtiraam iyo faham, hayeeshee ha rumaysan waxwalba uu sheegayo daliil la’aan…
  1. Adduunyadan qiima malaha marka laga reebo, marka aad leedahay qalbiga Alle ku xiran, oo Rabbi magangala marka uu murugoodo, ku mahdiya marka uu farxo, Isagana u laabta marka uu dembi ku dhaco, xaalad kasta uu ku sugan yahayna Alle u shukriya…
  1. Ahow mid ku samir badan axwaashaada nolosha adduunyadan, haddii ay kugu adkayso adduunyadan, waxaad ogaataa in ay u dhexeysaa siin iyo diidmo, waxaadse ogaataa siisamada waa xikmad, diidmadana waa xikmad, haddii lagu siiyo ha dhaihin waa lay sharfay waayo waxaad ihaanaynaysaa inta kale, haddii laguu diidana, beddelkeeda ayaa lagu siinayaa ee samir, haddii laguu naxariisan, Ammarka ayaa lagu naxriisanayaa, haddii kugu adkaatana, Ammarka Alle ayey ku jilcaysaa..
  1. Mararka qaarkood waxaad u baahan tahay inaad hoos ugu soo degto darajooyin yar caqliga si uu kor u noqdo darajooyinka ugu sarreeya ee qalbiga, waayo waxaa jira waxyaaba aan lagu xalin karin caqliga balse lagu xalin karo qalbiga, waxaana muhiim ah in ay isku dheelitirnaadaan darajooyinka caqliga iyo qalbiga…
  1. Haddii ay kacdo duufaanta fitnada oo ku gilgisho waxaad si xoog ah u qabataa qalbigaaga, waxaadna ku dhahdaa sugnow, waayo qalbiga haddii gilgilmo duufaanta fitnada si fudud ayey kuu dafaysaa..

La Wadaag Asxaabtaada………….

Fikirkaada Waa Muhiim