Iskuday inaad waqti cayiman siiso qoraalkaan nuxurka iyo qaayaha ku fadhiya. Qoraalkaan wuxuu xambaarsanyahay macnaha guud ee waayo aragnimada nolosha aadanaha, waxaana jeclahay inaad wax badan ka barani doonto haddii aad u fiirsato erayada ku dheexan qoraalkaan. Aqristoow waxaan kaa rajeynayaa inaad si fiican ugu faa’ideysato. Hadaba aqris wacan.

  1. Cilaaqada ama xiriirka kaliya aan marnaba xumaanin, fashilmin, khalkhal gelin, niyado xun la soo dersin iyo malooyin ayaa waxa ay tahay cilaaqada qofka ay kala dhexeyso Rabbigiisa, dariiqooyinka ugu daahirsan lagu joogtayn karo xiriirkaasi ayaa waxa uu yahay salaadda…
  2. Shakhsiyadda xoogga leh micnaheeda maaha inaad ku hadaaqdo hadalo liita ama af xumo ah ee xoogga waa xikmad ee maaha af xumo…
  1. Haddii aad shey doonaysid ka dalbo Rabbigaaga, si daran u dalbo, dalabkaaga ku celceli oo haka daalin, waxaase hubaal ah inuu Alle kaa ajiibayo, waayo Alle waa ku maqlayaa marka aad barido, waa ku arkayaa marka aad dhaqaaqayso, waana og yahay waxaad sameyso halbowlahaagana waa kaaga dhow yahay..
  1. Qalbiga waxa uu og yahay waxa uusan ku dhawaaqin carrabka dhegahana aysan maqlin, adigana waa inaad ogaataa waxa carrabkaagu ku dhawaaqayo dhegtaadana ay maqlayso…
  1. Qofka aan dhadhamin qaraarka bilowga ma dhadhaminayo macaanka dhammaadka, qofka marwalba ka fekera dhammaadyadana bilow malaha meelna ma gaaro.…
  1. Waxaa jira dad kuu dhakan oo sugayaan ilaa ka dhacayso, marka aad dhacdana ay kuu sheegayaan in ay filayeen mar hore inaad la kulmayso tan oo kale. Bal inta ay dadka ku mashquulayaan may ku mashquulaan naftooda, ogowna inaad naftaada ku mashquushid ay kaaga xaqnimo badan tahay inaad ku mashquusho geyrkaaga.…
  1. Waxwalba waxa uu la dhashaa subaxda, qaddarka, rajada, najaaxa, himmada, qisadii shalay waxay soo xirantaa subaxda, waxaana bilaabanaysa qisa cusub ee niyaddaada wanaaji kana run sheeg, waayo niyaddaada ayaa lgugu arsaaqayaa…
  1. Dhoolacaddeey maanta si ay u ogaadaan dhamman in aad maanta in badan ka xoog badan tahay shalay, weji macbuusnimadana waxba kuuma soo siyaadinayso aan ahaynin in lagaa kala fiigo, sababta oo ah in aad walaalkaa ama walaashaa aad kula kulantid weji bashaash ah waa saddaqo…
  1. Saamixidda micnaheeda maaha inaad ku celiso isla tijaabadii midkii aad saamaxday, dhacdooyinka shalay waa dersiga maanta. sidaa darteed ceeb maaha in maanta dhagax ku hor kufto ee waxaa ceeb ah isla dhagaxii shalay maantana aad ku hor kufto..
  1. Haddii Alle ugu talagalo inuu ubax ku dhex ubaxoobo dhalo ciriiri ah dhexdeeda, waa ubaxoobayaa, sidaasi si la mid ah dhammaan umuuraheena ee arrimahaaga Rabbi u daa oo Isaga talasaaro oo dheh Yaa Rabbi..
  1. Dhammaan dadka sammaan kula dhaqan, waayo waxaa jirta daqiiqado la is macsalaameeyo oo aan lahaynin wakhti xaddidan oo markaasi wakhtiga kuu saamaxaynin in aad cidna u cudurdaarato ama aad raali geliso.…
  1. “Dumarka ma sharfo mid sharaf leh maahane, mana ihaaneeyo mid liita maahane”.. Xaddiis Saxiix Ah…Kani waxa uu ka mid yahay Hadalka Rasuulka SCW ee haweenka,oo ah kheyrbadaha ugu kheyrka badan basharka oo dhan, marka ragow dumarka waa inaad sharaftaan , hadal ahaan, ficil ahaan iyo dhaqan ahaanba. hana liidin hadal ahaan, ficil ahaan iyo dhaqan ahaanba….xumaanfaafiyaha ayaa ka daran xumaan falaha…
  1. Basharka waxaa ugu daciifsan qofka ku qanca hadalka dadka daliil la’aan ka hor inta uusan naftiisa u sameynin qanaaca, ahow adiga sida aad tahay kana digtow inaad har qiime la’ u noqoto qof…

La Wadaag Asxaabtaada…

Fikirkaada Waa Muhiim