Han-weynidu ama in la hawoodo oo meel fog la higsado lana hindiso siddii loo gaari lahaa waa kalinta loo maro hormarka iyo guusha. Dadka hormarka sameeyey ama ka gaaray nolashooda meel loo hanqal taago waxay ahaayeen dad hanweyni badani ku jirto, meelaha ay ka fikiraana ay tahay meelo sarsare ay qayrkood ku dharoofin inta badan. Dadka qaarbaa hankoodu yahay inay noolaadaan oo kaliya, qaar baa ku hamiyay inay masruuf u helaan naftooda, kuwo kallana ku fikira inay reerkooda biilaan ama meel biilka u saaraan, qaarbaa ku fikira inay wax barasho ka gaaraan meesha ugu saraysa. Qaar kallana hanweynidoodu siisaa inay diirada ku qabtaan yoollal fog-fog markay sheegayaan.

Hadaba han-weynida (Himmada sarre) waxaa lagu tibaaxaa inay tahay matoorka kiciya awooda iyo tamarta ku qarsoon ruux walba,waxaana la isku raacsanyahay inuu qof kastaba karti leeyahay. hadaba matoorkaasi awoodo kalle duwan ayuu leeyahay, taasina waxaa la oran karaa waa hanka ruuxu leeyahay, siddaa awgeed baad arkaysaa dad isku lood ahaa oo kukala tagay nolosha, midbaa ah ma gudbe waligii hal meel ka miisa, midbaa hankiisu sii laba qarxaa siddii Cumar Ibnu Cabdulcasiis (R.C) oo la sheegay inuu ku hamini jiray inuu noqdo amiirul mu’miniin kadibna markii uu noqday uu badalay hankiisii Janno inuu galo,wuxuuna yiri aduunyo arkayee hamigaygu waa Janno.

Way badan yihiin sheekooyinka laga haayo hanweynida iyo himmada sarre, laakiin aan kasoo qaadano laba sheeko oo na dul joojinaya kaalinta ay kaga jirto himmada sarre ee hormarka ruuxa. Sheekada koobaad waxaa la sheegaa inay dhacday xilliyadii loo yaqaanay taariikhda islaamka (casru mamaaliik ) xilligaa waxaa ka jiray meelo badan oo kamida caalamka islaamka dad la adoonsado lagana mushtaro, hadaba nin reer Masar ah baa sayladii adoomaha ka iibsaday laba nin, markii lagu wareejiyey ee uu u anbabaxay dhankii masar ayuu la kaftamay labadii nin ee uu badeeco ahaanta u watay, wuxuu waydiiyey “maxaad jaceshihiin inaad ka noqotaan dalka Masar?” Midkii horaa yiri “anigu waxaan jeclahay inaan ku aado nin leh mukhaayad aan raashinkayga ka waayin, taasaan doonayaa inaan ka shaqeeyo kuna noolaado” ninkii labaad baa isna yiri “anigu waxaan doonayaa inaan ku aado nin magac iyo muuq ka leh dalka, kaas baan doonayaa inaan ka agdhawaado, nolashaydana halkaa kasii miisa” Ninkii ganacsadaha ahaa sidduu usii waday labadii nin wuxuu ku shubay sayladii dadka lagu iibiniyey, qadartii rabbi iyo nasiib wanaag waxay labadii nin mareen nin kastaa meeshii uu jeclaa inuu maro. Kii makhaayada rabay waxaa qaatay nin makhaayad leh, kii doonayey magac iyo meel sare waxaa qaatay nin sargaal sare ka ah dalka Masar, nolashii ayaa wareegtay, sanado badan ayaa tagay, ninba meelbuu nolashii ka waday, wuxuu Allaah qadaray in ninkii xukun doonka ahaa uu noqday madaxweynaha Masar, ninkaasi wuxuu ahaa aan kuusoo dhaweeyee Kaafuur Alikhshiidi oo noqday suldaan caan oo ku xusan gabayadii, gabayaaga caanka ah ee ku magac dheer ( Almutanabi ) oo marna amaanay gadaashii dambana cay kalla daalay markuu ka waayey gunihii gabayga uu ku qaadan jiray.

Kaafuur Alikhshiidi waxaa la sheegay inuu raadiyey ninkii saaxiibkiisa ahaa ee lalla soo iibsaday wuxuuna waydiiyey  “maxaad haysaa?” Wuxuu ninkii ugu jawaabay “wali waxaan dabada hayaa digsigii aad igu ogayd. Markaasuu ugu jawaabay Kaafuur, ogow Han iyo Himmad baa nakala reebtay.

Sheekada labaad waa mid ka dhacday soomaaliya ninkii ay ku dhacday ayaana ka sheekeeyey wuxuu yiri waxaa jiray oday xaafada nada caan ka ahaa oo caruurtu ku ciyaari jireen kana maadsan jireen, wuxuu samayn jiray odaygu intuu u yimaado caruurta xaafada ayuu ku dhihi jiray i bara quraanka ii akhriya qulacuudu birabbinaas, ii akhri faataxada, markuu saa ku leeyahay waa ka dhab oo dugsiga quraanka markuu la jooga kuma xifdiyo cashirka la siiyo markaa wuxuu doonayaa inuu caruurta ka meersado si ay u saxaan.

Odaygii wuxuu dadaalkiisii sii wadaba ileen waa nin hammi weyn xambaarsane, wuxuu noqday Sheekh afarta mad-habba ka jawaaba, hadaba ninka sheekaynaya oo kamid ahaa dhallaankii ku ciyaari jiray odayga ayaa maalin soo galay misaajid wuxuu arkay Sheekhyaal xer aad u farabadan horfadhiyaan , wuu usoo dhawaaday , Sheekha wajigiisa wuu garanayaa laakiin si qumaatiya uma soo saarayo, markii uu cashirkii dhammaaday buu usoo dhawaaday markale sheekii wuxuuna waydiiyey ma tahay nin halkaa joogi jiray oo quraanka baran jiray? Haa buu yiri sheekhi, ood kumaad ahayd adigu? Wuxuu yiri ninkii: waxaan ahay, caruurtii aad ku dhihi jirtay ii akhriya faataxada.

Sheekhii intuu qoslay buu yiri “anigu illaa waagii wax un baan baranaayay, illaa Soomaali galbeed iyo dhulkaas aan inbadan ku maqnaa, ee adigu maxaad haysaa?” Wuxuu yirri “Sheekhaw aniga wali cammo ma dhaafin” Isku duuduub waxaan qormadan gaaban kusoo gunaanadayaa, in Han-weynidu iyo Himmada saraysa ay tahay, mid muhiim ah waana midda ka maqnayd ninkaa wali digsiga xalaya iyo kan aan cammo labaatanka sanno dhaafin. Hadaba hanwaynidu waa wax looga baahan yahay qof walbo oo Muslin ah inuu noqdo qof hankiisu yahay mid sareeya, himmo lagu hawoodana waxaa ugu weyn Janno. Aduunkana wixii nasiib ah ayaad ku leedahay ku hammi oo ha hilmaamin.

Dhab ahaantii qofka caafimaadka leh, wuu fahmi karaa waxa la yiraahdo hormarka iyo qaabka ay tahay. Caalamka hormaray waxaa jiro sababo ay ku hormareen. Haddii aad isku daydaan inaad ogaataan sidda ay ku hormareen caalamkaas tagay waad ogaani kartaa, balse hormarka saxda ah maxay kula tahay oo aad maanta ka fahansantahay haddii aad ka fiiriso dhinacyo badan oo ku aadan markii aad isbar-bardhigto deegaanka aad ku nooshahay iyo midka aad u malayso inay hormareen. Hormarka waxaad ogaani kartaa ama aad ku hormari kartaa waa markii aad deristo taariikhdii ay soo mareen dhulalka hormaray maanta. Horimarinta rasmiga ah waxay ka timaadaa inaad marka horre hormariso adiga naftaada, si aad bulshadii mise deeganadii aad ka dhalatay u horseedi karto hormar.

Waxaan idin dhihi lahaa dhalinyarooy in aysan jirin cid u maqan dadkeena oo dhammaanteena waajib nagu tahay ka qayb qaadashada hormarka umadeena, ma’ahan in aan idin leeyahay fardu cayn ayay nagu tahay ee waxa aan idinleeyahay waa waajib ku saaran hormarinta dadkeena ha’ahaado hormarinta umada Muslimka ah ama kan Soomaaliga ah. Nimanyahoow keena wax bartay iyo Kan wax baranin waa inoo muhiim oo waa qeyb kamid ah mashiinka hadii aan isticmaalno hormar ku gaari karno, yaan salka dhulka lagu haynin oo nin walba wax un hormar ah ha sameeyo, oo quusta hala iska daayo. Waxaan jeclahay inaan yar dulmaro mowduuca ugu muhiimsan oo ah in tariikhda si fiican u aqrino oo aynu noqono dad wax akhriya oo dib u baara sababaha lagu hormarin karo mujtamac dib udhacay sidda mujtamaceena oo kalle.

Waan wada ognahay wax akhriska qiimaha uu ku leeyahay diinteena Islaamka oo ereygii ugu horeeyay ee nabigeena (NNKH) Illaahay ku dhahay uu ahaa AQRI, waadna dareemi kartaa qiimaha wax akhriska jaanib walba oo uu leeyahay, culimada waxay dhahaan umadda wax aqrisa waa ummad koraysa ama horey usocod ah, taasina waxaa tusaale kuu ah in mujtamacyada dib udhaca haysto in aysan waqti iyo maalba galinin aqoonta iyo wax akhrinta. Markaan wax akhris ka hadlaayo ma’ahan in wax walbo meel ku qoran aan akhrino oo aan waqtigeena iyo wax akhriskeena galino oo aan akhrino wararka ama waxyaabaha aan wax hormar ah kuu lahayn ama mujtamacaaga dib dhacsan wax hormar ah u lahayn. Waxaa nalaga rabaa waxa aan akhrinayno in ay ahaadaan wax hadaf leh oo waliba is waydisaa sidee ayay u kala muhiimsanyihiin wax yaabaha aad rabtid in aad aqrisid oo aad ka bilowdid wax yaabaha waajibka kugu ah in aad akhriskooda oo aad ku xijisid waxa aad takhasus ahaan ubaratid ee aad baranaysid ogaaw dad badan baa wax akhriya hadana wax faa’ido malahan oo aysanba garanaynin qaabka ay wax u wadaan. Marka wax akhrinteena waa in ay ahaataa mid tafahum iyo tadabur leh, oo aad garan kartid hadafka aad markaasi u akhrinaysid buuga. Ila Ogow midna walaalka qiimaha badanow in waxaan oo idil ay ubaahan yihiin sabar iyo dulqaad joogta ah,saan wada ognahay wax walbana sabar ayaa lagu gaari karaa.

Maalmaha ugu horeeya wax akhrisku aad bilaawaysid waa kugu dhib waa daalee waa caajisee lkn waxaa fiican in aan si macquul ah iyo tartiib ah ku bilowdid oo aad joogtaysid oo aad akhrisid kutub markaas mustawahaaga ama heerkaaga ah hadii aad kutub kaa wayn isku bilowdo waa kugu dhib iyo baxar kaa wayn oo aad qoorta gashatay.

Marka walalayaal wax akhrintu waa kobaca maskaxda oo kaa dheeraynaya jahliga kuuna dhawaynaya hormarka iyo wanaaga. Hormarkaaga waa hormarka Dadkeena, dib udhacaagana waa dib udhaca dadkeena….”umad walbaa dhalinteeda laga arkaa”. Waqtigaan rajada ummadeena ma xumo inta dhimana waxaa loo baahanyahay inay dhameystiraan dhalintii wadanka sugaayay.

Fikirkaada Waa Muhiim