Wakhti-yadaan dambe waxaa siyaasadda Soomaaliyeed ka soo ifbaxaayo ama kasoo dhex-muuqanaayo dhalinyaro waxbartay, hadana doonaayo inay wax u qabtaan dalkooda, diintooda iyo waliba dadkooda. Marka la doonaayo in wax laga ogaado bulshooyinka caalamka waxa ugu horeeyo ee la fiiriyo waa heerka dhalinyarada iyo dhalaanka. Bulsho walbo waxay ku faantaa dhalinyaradooda. Dhalinyarada waa halbeega bulsho walbo oo ka jirta caalamka. Aniga Cabduljabaar ahaan waxaan la sheekeystay dhalinyaro badan kuwaasoo iskuugu jira kuwa waxbartay iyo kuwa aanan waxbo baranin. Dhammaan dhalinyaradaas waxay u badnayeen kuwa jecel inay wax ka qabtaan ‘Illaahay ayaa wax qabtee’ dhibaatada haysato bulshada.

Dhalinyarada qaar waxaad moodaa in la yiri adinka iska noolaada.

Cidwalbo waxay ka dhalatay bulsho iyo asal ay hiigsadaan. Balse haddii bulshada noqoto kuwa ku faano qabiilka iyo qayb-qaybsiga waxaa halkaasi ka dhasha in cadowgooda si fudud isoo weerari karo. Waxaan ka wada marqaati nahay, Soomaaliya dhibaato badan ayaa ku habsatay balse waa maxay dhibaatadaas oo dhan maxaana keenay in dhibaato heerkaan gaarsiisan na qabsato?

Su’aashaas jawaabteeda waa wax iska cad oo ay fahmi karaan dhibaatada qabsatay Soomaalida. Dhibaatada qabsatay Soomaaliya waxaa in badan wax ka qoray qorayaal badan oo aniga iga horeeyay, qaarkiisana wali ku hawlan inay wax ka qoraan dhibaatada ka jirta dalkeena.

Anigoo aanan jeclayn inaan kusii fogaado hadalkeyga ayaan jeclaani lahaa inaan hadal kooban ka iraahdo hadalkaan. Si aan ugu guulaysano qodobada aan doonaayo inaan wax ka tilmaamo waxaa muhiim ah inaan marka horre si fiican u fahano qiimaha ay inuu leedahay inaan wax badan ka ogaano mawduuca aan doonaayo inaan wax ka tilmaamo. Marduucaan ma ahan mawduuc hal maalin lagu soo koobi karo ee waa arin u baahan in wax badan laga qoro.

Waxyaabaha mashquuliyay dhalinyarada Soomaaliyeed waxaa ka mid ah sidda Ciyaaraha la daawado, PlayStation, Shukaansi faro badan, Qabiilkii baabi’yay qarankii iyo dadnimadii Soomaaliyeed, iyo Hami faro badan oo aanan lahayn ficil.

Dhalinyarada inta badan waxaa maskaxda ka qabsaday ciyaarada kubadda cagta, kuwaasoo oo ay aad u jecelyihiin daawashadooda. Ma ahan cudur dhalinyarada Soomaalida kali u gooni ah ee waa cudur Afrikaanka oo dhan ay ka wada simanyihiin. Afrika waa qaarada ugu dhibaatada badan oo ay ka jiraan gaajo, dilal, shuuci-nimo, kali taliye iyo wax la mid ah. Iyadoo sidaas jirta ayaa dhalinyarada loogu baahnaa inay wax ka qabtaan xaaladda ka jirta qaarada Afrika hadana waxaa maskaxdooda mashquuliyay Reer-galbeedka, kuwaasoo lagu mashquuliyay daawashada ciyaaradaha kubada cagta, daawashada TV-yada, iwm. Waxaana rabaa inaan aqristoow kuweydiiyo gumeysi maxaad u taqanaa? Gumeysi waad taqanaa, cidwalbo oo Afrikaan ahna wey ogsoontahay waxa uu yahay ‘gumeysi’. Sawabtoo ah qaarada Afrika waxaa waqtiyadii horre kala qeybsaday waa reer Yurub, kuwaasoo u kala qeybsaday nin walbo iyo danahiisa u gaarka ah.

Soomaaliya siddoo kale waxay soo martay taariikhyo kala duwan oo ku aadan gumeysiga. Waa inaan isweydiinaa su’aalo muhiim ah oo ku aadan taariikhda dalkeena iyo dadnimadeena, dadka loo baahanyahay inay wax badan iska weydiiyaan taariikhda dalka waa dhalinyarada. Waa inaan isweydiinaa su’aalaha qaar sidda meeqa gumeyste ayaa soo martay Soomaaliya? imisaa ayaa Muslim ahayd?, goormey ahayd waqtiyadii ay Soomaaliya soo kala xukumayeen? siddee u labisan jireen dadkii xilligaas ku noolaa Soomaaliya?, sideese muuqaalkoodu ahaa? goormaa ayey ahayd markii ugu horreysay ee Soomaaliya lagu dhigay xaflad lagu xusayo Mowliidka Nebiga NNKH.

Maadamaa ummadda Soomaaliyeed ay yihiin umad Islaam ah Diinta waxa ay soo gaartay qarnigiii 3-aad ee Hijriyada waxaana arrinkaasi fududeeyay xiriirka u dhaxeeya Muslimiinta kunool Jaziiradda carrabta iyo ummadda Soomaaliyeed, xusuusnow in ummadda Soomaaliyeed aan Diinta lagu Soo gaarsiin Dagaal iyo Seef midna. Soomaalida caada iyo dhaqan ayeey u leedahay in af iyo adinba laga naco gumeysiga midab uu doonaba ha lahaade. Axmed Guureey waxa uu ahaa halgamaagii ugu horeeyay ee Soomaaliyteed bilaabayna kacdoon ku dhisan gumesi naceyb, waxaana xiriir uu lahaa Axmed Gurey Taliskii cismaaniyiinta.

1884-tii reer Yurub waxay u kulmeen sidii ay Afrika u kala qeybsan lahaayeen waxaana Dalka Soomaaliya uu ka qeyb noqday Dalalka la kala qoqobay, waxaana arrinkaasi ka dhashay kacdoonkii hubeesnaa ee Sayid Max’ed C/lle Xasaan. Halgamayaalka kale ee dagaallamay gumeysiga, baal dahab ahna ka galay taariikhda ummadda soomaaliyeed waxaa ka mid aha Shekh Xasan Barsane, Suldaan Olol Diinle, Sheekh Bashiir , Nasiib Bundo iwm.

1943dii waxaa gobollada koonfureed ka dhashay Golihii Dhallinyarada (SYC) ee ka koobnaa 13 dhallinyaro ah, ka dibna isku beddelay dhaqdhaqaaq waddani ah ee u ololeeya mideynta, xorriyada iyo madaxbannaanida dhulalka Soomaaliyeed.

Gobollada Waqooyi ee uu Ingiriisku gumeysanayey waxaa ka abuurmay xisbiyo u ololeeyo midnimada, xorryada iyo madaxbannaanida dadka iyo dhululka soomaaliyeed ee uu hormuud u ahaa xisbigii SNLka

Sannadkii 1956dii waxaa dhulka koonfurta soomaaliya laga abaabulay doorashooyinkii ugu horreeyey ee xukun-hoosaad, waxaana kuraastii loo tartamay intooda badan ku guuleystay xisbigii dhallinyarada ee SYL, waxaana guddoomiye baarlamaan loo doortay Mudane Aden Cabdulle Osmaan, raiisul Wasaarane waxaa loo doortay Mudane Cabdullahi Ciise Maxamuud, mudda kadib markii ay idlaatay xiligii lagu ballamay waxaa lagu dhawaaqay xorriyadda gobalada walow maalma ay soo kala horeeyeen. Intaas kadib waxaa la dhisay xukuumad rayid ahey oo laga dhaxlay musuq iyo wax qabad la’aan waxaana 1969 awoodii Dalka la wareegay Ciidamadda Xooga oo ka koobnaa 21 Sarkaal oo Boolis iyo Milatari isugu jiray, waxaana ay madaxweyne Dalka ka noqday Max’ed Siyaad Barre.

1991-kii Taliskii Milatariga jabhada hubeysan ayaa ka eryay xilka, laakiin looma aayin jabhadihii oo waxaa laga dhaxlay qad cagaaran iyo ugaarsi qabiil, intaa kadib shirar dib u heshiisiin oo tira badan ayaa la qabtay laakiin dhaxalkooda waxa uu noqday in Soomaalida dhexdeeda ay is heebsoocdo oo waxaa la keenay fikir sheegaya in Soomaalida afar beel iyo bar ay yihiin 4.5.

2006-dii Burbur baahsan oo uu Dalka ku soo jiray kadib waxaa Neecow nabadeed oo lagu diirsaday muddo gaaban ku keenay Maxkamadihii Islaamka, waxaana ay u cuntami weysay nabadda ay Maxkamadaha keeneen Dowladda Itoobiya oo uur xumo ba’an ka qabta Nabad ka islaaxda Soomaaliya, waxaana Dalka ku soo duulay Dec-2006 ciidamo Itoobiyan ah kuwaasoo Magaalada Xamar labada dhan ka soo galay 27 december 2006-dii kana geestay Xasuuq xanuun badan, bur-bur hanti iyo daaro, mana jirto cid ilaa iyo hadda la xisaabtanta urur gobaleed iyo urur caalami intuba.

Waxyaabo badan ayaa jira oo loo baahan yahay inaan wax badan ka barano. Dhammaan dhibaatooyinka loo gaystay ummada Soomaaliyeed waxaa kaloo ka mid ah dhaqaalaha dalka. Maanta la joogo Soomaaliya waxaa aad u qiimo dhacay lacagta Soomaaliyeed. Gumaysiga ka hor, waxaa Soomaaliya ka socon jirtey lacag loo yiqiin Maria Theresa Thaler. Lacagtaas waxaa loogu magac daray boqoraddii Imbaradooriyadda Austria, Maria Theresa, oo iyadu lacagtaas soo saartay sanadkii 1741.

Maaxay tahay sawabta aan taariikhdaani kooban ugu soo gudbinaayo halkaan? Dabcan, waxaan doonayaa in dhalinyarada wax badan ka fahmaan shaqada hortaallo. Waxaan isdhihi karnaa dhalinyarada qaar waxay ku jiraan gumeysi maskixiyeed. Waxay ku mashquulsanyihiin daawasho ciyaar iyo waxaan loo joogin. Dhalinyarooy waxaa la joogaa waqtigii aad dhibaatada ka saari laheedeen dalkiina iyo dadkiina. Sidda aan marwalbo aaminsanahay dhibaatada Soomaaliya Illaahay kasoo sakoow ka bixini karo waa dhalinyaradeeda oo is garabsado. Qofka dhalinyarada ah waa qof maskaxdiisa iyo aragtidiisa ay saafi tahay. Qofka dhalinyarada waa qof cabsidda ay ku yartahay.

Waxaa wanaagsan, in dhalinyarada si toos ugu qeyb qaataan siyaasadda dalka, horumarinta bulshada, iyo inay kasoo baxaan waajibaadka ka saran dalkooda iyo dadkooda. Go’aanna ha gaarin illaa aad hubto inaad si toos u fulini doonto go’aankaas aad qaadatay. Inaad go’aan gaarto waa wax iska fudud balse inaad fuliso waa wax kugu adkaani karto. Laakiin ogaaw, haddii aad tahay qof mashquuliyay daawashada ciyaaraha iwm, waxaad ka mid tahay dadka ka midka ah gumeysiga maskaxda. Iskuday inaad hal su’aal ah isweydiiso, su’aashaas oo ah maxaa faa’ido ah ayaa kaa soo galaayo haddii aad caawa daawato ciyaaro? Makuu ogsoonyahay ciyaartooyga aad taageerayso mise koocda aad taageerto? Jawaabta waa maya, ma jiraan cid kuu ogsoon inaad taageero u hayso. Dhalinyarooy hurdada ka kaca, waxwalbo waad qabani kartaa maanta waxay ku xerantahay inaad si toos ah ugu istaagto waxaad rabto inaad noqoto.

Fikirkaada Waa Muhiim