Asc Waa barnaamijkii Cunta karinta oo isbuucii hal mar aad kalla socotaan Machadka Afkaarta Joogtada Ee Ganacsiga & Bulshada. Maanta waxaan sameyni doonaa muufo Soomaali oo macaan, Insha Allah. Sidda aan wada ogsoonahay marwalbo waxaa muhiimsan in gacamaha la iska dhaqo, iyadoo la isticmaalaayo saabuunta gacmaha ama waxyaabaha kalle ee loogu talla sagalay in gacmaha lagu nadiifiyo. Waxaan ka wada marqaati nahay in nadaafada ay tahay shey qaaali ah. Marka horre sidda caadiga ahayd waxaad soo diyaarsanaysaa dhammaan allaabtii aad wax ku karsani laheed iyadoo nadiif kuu ah.

Hadda waxaan u diyaar garoweynaa qaabka loo sameeyo muufada, marka horre:

  1. Waxaad kululeysaneysaa 3 koob oo biyo ah waxaad ku dareysaa illaa dhowr qaando oo caano dhanaan ah, qof walbo sidda uu u yaqaaano.
  2. Allaab la isku tumay oo kabsar caleen iyo tuun xawaaji ayaad Ku dareysaa
  • Intaas kadib, sokorta adiga inta aad jeceshahay ayaad ku darsanaysaa
  1. Qiyaaso xawaajiga hadaad adiga caraf jeceshahy haddii kalleba, dhib malahan hadaad iska deyso.
  2. Hadana waxaad ku dareysaa galeydii aan wada naqanay oo aan soorta ka suubsano ama budo ha noqoto ama jadhiidh, waxaadna ku dareysaa labo qaando.
  3. Cusbada ayaadna hal qaando oo khamiir ah raacinaysaa, khamiirkana ha isku badinin qiyaas ku darso.
  • Waxaad isku walaaqeysaa dhammaan allaabtii aan kuu sheegay ayaad si fiican isku dhex galineysa hadana burka ayaaad Ku dareysaa, burkana markaas inta ku filan waa inaad adiga garataa inta kugu filan burka markaad Ku darto waad Ku qaseeysaa illaa intuu ka aadkaado burka si fiican u xashee burka.

Xashaka aad ayuu ugu wacanyahy wuxuu noqon bur qurux badan oo jilcan markaad xashto burka inuu adkaado lama rabo inuu jileec saa’id ah noqdana lama rabo ee waxaa loo baahanyahay dhex-dhexaad.

Hadda illaa cabaar yar daaa illaa mudo 5 daqiiqo ah dabool saar. intaas markuu yaallo, meel saliid leh ku fidi. Kadib hal hal xabo u gooy-gooy hadana wax yar daa markaad gooy-gooyso. Saxamo ku diyaarso kadib bir taawada dabka saar markii ay kululaato birta xabad-xabad ugu dhe-dheji. Intaas kadib haddii aad adiga jeceshahay inaad dabool saarto waad saari kartaa haddii aad ka dhigto dabaal la’aan waad ka dhigi kartaa dabool la’aan waa isku mid.

Fadlan wixii aragti ah inaad ka hadasho waan soo dhaweynaa, Insha Allah. Waxaanu soo bandhigi doonaa barnaamijyo badan oo ku saabsan cunta karinta, Insha Allah

Fikirkaada Waa Muhiim