Hogaamiyaasha Soomaaliya waxay la deris yihiin hogaan guracan. Sidda qolooyinka diimaha isticmaalayo maanta iyo kuwa qabyaaladda ay hogaanka u hayso. Haddii aan raggaas ku tilmaamay hoggaan guracan, waa yaabe, side hoggaanka fiicani u egyahay? Sun Tzu (1500 B.C.), buuggiisa ‘The Art of War’ hogaamiyaha fiican wuxuu ku tilmaamay qof caan ku ah: garaad, kalsooni, bini’aadanimo, geesinimo iyo adayg. Du Mu (803 B.C.) oo ka mid ahaa raggii sharaxay buuggaas, wuxuu yiri: “garaadku’ waa awoodda wax lagu qorsheeyo ‘bini’aadanimadu’ waxay la xiriirtaa jacayl iyo naxariis loo hayo shacabka; ‘geesinimadu’ waa in fursadaha laga faa’iidaysto, ‘anshaxu’ waa in kala danbayn iyi nidaam la abuuro”. Jin Lin (618 B.C.) oo isna ka mid ahaa raggii sharaxay buuggaas wuxuu yiri: “garaadka kaligiis ahi dadkuu hoggaamiyaha ka hor keenaa, kalsoonida faraha badani cidlay hoggaamiyaha dhigtaa, kalsoonida faraha badani waxay horseedaa kacdoon joogto ah, ad‐adayga faraha badani waa axmaqnimo iyo naxariis daro”. Plato, ardaygii Socrates (470 B.C.) mar la waydiiyey qofka uu hoggaamiye u xulan lahaa wuxuu yiri: “waxaan xulan lahaa kuwa beenta neceb, runta jecel, aan lexejeclada badnayn, dad la dhaqanka fiican, dhimashada ka biqin, xusuus fiicana leh’. Gardner (1990), buuggiisa ‘leadershp’ wuxuu taxaa 14 sifo oo qofka lihi xaalad kasta, waqti kasta iyo goob kasta hoggaamin karo. Sifooyinkaas waxa ka mid ah: karti iyo dadnimo garaad iyo qiimayn xaaladeed, aqoon xirfadeed, fahan dhamaystiran oo uu u leeyahay dadka uu hoggaaminayo, hammi sare, kalsooni iyo ammaano, dhabar adayg iyo la qabsi xaalad kasta. Kouzes iyo Posner (2002) si ay u ogaadaan muuqaalka hoggaamiyaha fiican ayay waraysi ka qaadeen dad sare u dhaafaya 75,000 oo ku kala nool daafaha adduunka. Dadkaasi waxay isku raaceen in hoggaanka fiicani leeyahay afar sifo: daacadnimo, aqoon, hiraal, iyo kicin. Maxell (2005) sidooyinkaas waxay ku daraan: dabci wannaag iyo dad la dhaqan waaya’aragnimo la taaban karo, kalsooni nafeed, iyo ka hor imaansho xeerarka guracan.

Robert Greenleaf, buuggisa, ‘Servent Leadership’, markuu ka hadlayo dadka mudan in ay wax hoggaamiyaan casrigaan, wuxuu yiraahdaa ‘hoggaamiguhu waa adeege (servent): wuxuu maskaxda iyo maanka ku hayaa sidii dadka uu hoggaamiyo ay dhinac kasta u horumari lahaayeen’. Max DePree (1989) markuu sifaynayo hawlaha hoggaamiyaha adeegaha ah wuxuu yiri ‘hawshiisa ugu horaysa waa bidhaaminta hiraalka, hawsha ugu danbaysaana waa in uu u mahadnaqo qof kasta’. Adeege waa ilaaliye, wuxuu ummadda uu hoggaamiyo ka ilaaliyaa waxa xun oo dhan. Waxaan rajaynayaa in aan waxoogaa ka bidhaamiyey mastarad shacabka Soomaaliyeed ee qaaliga ahi ku cabiri karaan kuwa u soo tafaxaytay dhiigooda iyo dheeftooda. Inta aydan martiqaadkiisa tegin oo raashinkiisa cunin, horta hubiya in wixiisu xaalaal yihiin iyo in kale, inta aydan hadalkiisa dhegaysan, horta hubiya in uu run yaqaan iyo in kale, inta aydan ajandihiisa siyaasadeed waydiin, horta hubiya in uu adduunka ku nool yahay iyo in uu uun aakhiro yaha, inta aydaan la fariisan, horta hubiya in uu mudan yahay in lala fariisto. Nin oday ah oo duullaan raacay, ayaa markuu dagaalkii dhamaaday isagoo dhaawac ah waxa qabtay raggii ay dagaalamayeen. Odayga laba leeb ayaa midna barida (salka lagu fariisto) ka taagan yahay, midna isha. Odaygii ayaa la waydiiyey, kee labada leeb lagaa bixiyaa. Odaygii wuxuu yiri ‘aan hal mar fariistee, waxaad marka hore iga bixisaan kan barida.

Waxaan leeyahay, si aan hal mar u fariisano: aan indhaha furno oo fahano hoggaaminta. Si dadkii nala gudboonaa, ileen hadda dayaxuu u guuraye, aan uga daba tagno, aan barano hoggaaminta si siyaasadda Soomaalidu madax iyo majo u yeelato, ileen hadda wax la garan waayey bay noqotee, aan barano hoggaaminta, si aan dhurwaaga iyo baraarka u kala garano, ileen hadda ‘inagoo bakayle ka didnay baan aar bohoshii galnaye’, aan barano hoggaaminta, si sharikaadkeenu u baraaraan oo magac iyo maamuus u yeeshaan, ileen hadda ‘raq ku noole’ bay noqdeene, aan barano hoggaaminta, si hay’aadka khayriga ah sida masaajida, madaarista, iwm u gutaan hawlih ii loo sameeyey, ileen hadda ‘god abeeso bay noqdeene’ aan barano hoggaaminta si aan nolol u helno, ileen haddii kale nolol heli maynee, aan arano hoggaaminta. Waxaan oran lahaa, aan god dheer ku tuurno halhayskii khaldanaa ee Carta, ‘xaq ma rabnee xal baan rabnaa’. Waayo, xalku wuxuu ku jiraa xaqqa.

Aan baadigoobno hoggaamiye fiican: badbaadshe, bidhaanshe, balaarshe, baraarshe, hagge, isku tole,. Aan raadino qof qaadi kara culayska, qof u naxaya shacabka, qof dareen dadnimo iyo diir ini’aadam leh. Yaynaan mar kale ku dagmin hadalada debecsan, koofiyada, khamiiska iyo hadalka oo lagu fur‐furto amaanta Eebe iyo saliga Rasuulka. Qoraalkan koobani wuxuu qayb ka yahay buug dhowaan soo bixi doona oo ka hadlaya hoggaaminta. Haddaad rabto in aad koobi hore u hesho e‐mail u soo dir qoraha. Saciid Cali Shire waa qoraa, cilmi bare, iyo la taliye. Buugtiisii hore waxa ka mid ah buugga ‘Furaha Ganacsiga. Bilaabista, badbaadinta iyo kobcinta ganacsiga’. Buuggaas oo ah buuggii u horeeyey ee ka hadla ganacsiga, u qoran qaab cilmiyaysan waxa saldhig u ahaa daraasad qaadatay laba sano oo koobtay: xaaladda uu qofka Soomaaliga ahi ku sugan yahay inta uusan bilaabin ganacsiga, noocyada ganacsiga Soomaalidu xushaan iyo asbaabaha ay ku xushaan, qaabka ay fikrada ku helaan, qaabka ay u horumariyaan iyo qaabka ay u qiimeeyaan asbaabaha keena in ganacsiyada Soomaalida qaar kobcaan, qaarna fashilmaan (dhintaan) duruufaha maamul iyo hoggaamin ee soo wajaha sharikaadka Soomaalida, qaabka ay suuqgeynta iyo xisaabaadka maaliyadda u sameeyaan iyo qaabka ay isaga caabiyaan tartanka.

Fikirkaada Waa Muhiim