Diinta iyo dowladda oo la kalla soocaa waxay shacabka fursad u siinayaan inay madaxdooda doortaan, isla markaana la xisaabtamaan. Diinta iyo dowladda oo la isku walaaqana waxaa ka dhalanaya in mas’uuliinta xafiisyada dowladda fadhiyaa halkii ay ka noqon lahaayeen kuwo bulshada u adeega, ay bulshadu ka noqoto tu iyadu u adeegta madaxda. Waayo, madaxdu waxay wakiil ka noqonayaan Eebbe, oo ay ku hadlayaan magaciisa, isla markaana fulinayaan dooniddiisa.

Run ahaantiina, ma jirto cid la xisaabtami karta madax Alle matalaysa. Taariikhda islaamkuna waxay si cad u muujinaysaa in muslimiintu aysan weligood arag madax ay la xisaabtamaan, laakiin ay wax badan arkeen madax sheegata in Ilaah la xisaabtamayo, dhabtiise naftooda oo keli ahi ay la xisaabtanto. Waa lagu dhiirran karaa wax-u-sheegga iyo dhaleecaynta madaxda magaca dad weynaha ku hadasha, isla markaana cadaab adduunyo wax ku ciqaaba, laakiin cidina kuma dhacdo dhaleecaynta mas’uuliin magac Alle ku hadlaya, isla markaana janno iyo cadaab aakhiro wax ku abaalmarinaya.

Sidaa darteed, haddii la doonayo in shacabku wax u sheegi karo madaxda qaranka, waxaa lamahuraan noqonaya in marka hore madaxda dhulka la keeno, oo loo aqoonsado inay shacabka wakiil ka yihiin. Run ahaantiina, waa laga dheregsan yahay halka nidaamyada diiniga ahi ay ka istaagaan dimiqoraadiyadda. Nidaamyadaani sida dhammaan nidaamyada kale ee keli-taliska ah ma oggola dimiqoraadiyadda iyo kala duwanaanta. Kala duwanaantuna waa arrin lamahuraan u ah dimiqoraadiyadda iyo horumarka.

Teeda kale, hawsha shacabku madaxda qaranka u igmaday ma aha inay u diyaariyaan janno aakhiro ama inay ka badbaadiyaan cadaab aakhiro, balse hawsha loo igmaday waa inay u diyaariyaan janno ifka ka jirta, kana badbaadiyaan cadaabta aduunyada (gaajada, cudurka, jahliga, …iyo wax walba oo caqabad ku ah in la helo nolol u qalanta in aadami ku noolaado). Jannada iyo cadaabta aakhiro wadar ahaan looma shaqaysto, laakiin ruux waliba iskii ayuu ugu shaqaystaa, oo aakhiro keli keli ayaa la isu abaalmariyaa. Halku-dhegga aakhiro ka shaqeeyaana waa kan oranaya: “ Ruux walbow naftaa, nebiyow ummaddaa!!”. Sidaa darteedna, salaadda iyo soonka madaxdu shacabka adduun iyo aakhiro toona waxba uguma toorna, laakiin waxaa wax ugu yaal dugsiyada ay dhisaan iyo suuliyada ay qodaan. Iyada oo kooban, hawsha madaxda dowladdu ma aha inay dhisaan masaajid iyo mawlacyo, balse waa inay dhisaan macaahid iyo musqulo. Maalka iyo waqtiga madaxdu ku bixiyaan xajkana waxaa ummadda uga manfaco roon kuwa ay ku bixiyaan suuqgeynta sabeenaha.

Akhristow habeen dhaweyd aniga oo rog-rogaya kanaallada taleefishinka ayaa waxaa iiga soo baxay nin ka mid ah dadka danaynayay inay ka qayb-galaan tartanka doorashooyinkii Golaha Deegaanka Ee Soomaaliland. Ninkaas wuxuu marar badan ku celceliyey inuu dhegaystayaasha ku yiri: “ Ilaahay darti ii doorta, …. Haddaad I doorataan waxaan idiin ballanqaadayaa in aan masaajid badan dhisayo.”

Ninkaas iyo ragga la mid ka ahi, haddii ay masaajid ku dhisayaan lacag ay shaqaysteen ama aabbayaashood ka dhaxleen, waxay naga mudan yihiin ammaan iyo tixgelin. Laakiin xaq uma laha inay masaajid ku dhisaan canshuurta laga qaado dumarka dariiqyada qorraxda iyo boorka badan yaanyada ku iibiya. Waayo dumarkaasi baahida ay masaajidda u qabaan waxaa ka badan midda ay u qabaan suuq ay ku ganacsadaan, ugana nastaan milicda, habaaska indhaha ka ridey iyo laaluushka.

Fikirkaada Waa Muhiim