24kii sano ee ugu danbeysay waxay dhalinyaradda Soomaaliyeed ku naf waayeen Safaradda tahriibka ah, gaar ahaan saxaraha u dhaxeeya dalalka Sudan iyo Libya, iyo badda dhextaala Libya iyo Malta illaa iyo Talyaaniga, dhalinyaradaas oo habab koox iyo shaqsi ah ba safarada halista u wajahay ayaa damaacigoodu ahaa inay gaaraan dalalka Yurub si ay u helaan nolol ay ka door bideen marxaladaha ku haysatay deegaanada gudaha wadanka Soomaaliya. Wallow uu tahriibku yahay marwalba fikir halis badan oo qalad ku ah dhalinyarada inay wajahaan.

Qoysas badan ayaa dareemay xanuunka geerida dhalinyaradaas, qaar kale ayaa wali la murugeysan ubadkooda oo ku dhibaateysan soohdimaha dalal halis badan oo ay jabhado iyo kooxo dhiig miirad ah ku haystaan, inkale oo ka mid ah Qoysaskaas oo aan laheyn hanti & ilo dhaqaale oo ay ku furtaan ubadkooda ayaa la wareersan siddii ay manaxayaasha ku shaqeysta tahriibka ugu diri lahaayeen lacago cadaan ah oo gaaraya $5,000 dollar, hadii aanay lacagtaasi qoyswalba ka bixin ubadkiisa waxaan malo aheyn in ay haliso badan soo wajahayaan dhalinyarada.

Dhibaatooyinkan iyo kuwa kale oo ka sii badan ayuu tahriibka baday shacabka Soomaalida, waxeyna saameynta arimahan u muuqdaan kuwo loo gaar yeelay kali ah shacabka oo aanay wax dareen ah ku dhalin maamulka dowladeena ee  haatan jira, dhammaan gaadiidada ee ka yimaada Muqdisho illaa Gaalgacyo, Gaalgacyo illaa Hargeysa, waxaa la socda dhalinyaro faro badan kuwaasoo badi ah tahriibayaal ku hakanaya habeen qura magaalada Hargeysa ka dibna inta meel lagu uruuriyo loo sii daabulo dalka deriska ah ee Itoobiya, Sudan, ilaa Libya, waxa kaloo jira dhalinyaro badan oo dalka Soomaaliya u dhashay kuwaasoo ka tahriiba Xeebaha Bari ee Dalka sidda Bosaso iyo Berbera waxeyna badi ku dhamaadaan badda Cas ee u dhaxeysa Yemen & Soomaalia.

Runtii waxaa naga dhamaaday ubad badan oo ahaa nalkii wadankeena, dadkii ahaa kuwii la rabay inay iftiimiyaan xaaladda cakiran ee ka jirta wadankeena, ayna noqdaan kuwii lagu daba dayani lahaa *role model* Iyadoo dhibaatooyinkaas ay jiraan, waxaa hadana soo cusboonaaday in dhalinyaradda Soomaaliyeed iyaga dhexdooda is iibsadaan sidda aan maqlay kulay aniga Cabdijabaar ahaan  aan dhegta ka maqlay. Hadaba waa su’aal isweydiin ah, maxaa keenay arimahaan oo dhan.  Caalamka kale markuu fiiriyay dhaqamada Soomaalida waxay ku tilmaamaan in Soomaalidu tahay dad aad isku caawiyo oo isku xeran  (extended family) markii loo fiiriyo xagga nolosha iyo wadaagidda arimaha guud ee dhexyaallo bulshadaas.

Balse sidda la sheegayo waa wax laga naxo in iyaga dhexdooda is iibsato. Runtii aniga waxa is dhihi karaa waxwalbo waxay leeyihiin sawab, sawabtaasina waxaan is dhihi karnaa waxay ka burbursanyihiin dhalinta xagga qoysaska Soomaaliyeed oo markii horeba aan soo barin ubadkooda wanaaga iyo xaquuqda qofka bini’aadmka uu leeyahay uusan fahansaneen. Dhibaatada kale oo jirta ayaa ah qofkaan wuxuu ku soo barbaaray deegaan dadkiisa is nacbanyahay waalidkiina uu ku bar baariyay qabiilkiisa qabiilka cadowga ku ah. Xaqiiqdii waxaa wanaagsan in dhalinta ay fahmaan masuuliyadda kasaaran deeganka ay ka dhasheen iyo guud ahaan dalkooda muhiimada uu u leeyahay. Waqtigaan wadanka Soomaaliya wuxuu u baahanyahay dhalinyaro wax fahantay oo danaha naftooda, mid diimeed iyo midka wadankooda ka saarantahay waa inay ogaadaan.

Xaqiiqdii dhibaatada cid walbo wey gaartay Soomaali haddii aan nahay kii shalay walalkiisa dialy iyo kii la dilayba maanta cid fiyoow ma jiraan dhammaan waa la wada bukaa maanta, illaahayna waxan ka baryayaa in dhibaatadaas naga qaado oo naga dhigo kuwii gartay muhiimada ay u leedahay inay u shaqeeyaan diintooda iyo dalkooda iyo guud ahaan bulshooyinkii ay ka dhasheen. Waxan waxyar ka taabani doonaa haddii Alle idmo sawabta keentay in dhalinyaradda Soomaaliyeed yihiin kuwa ugu badan ee ku geeriyooday tahriibka, illaahay janadda haka waraabiyo, aamiin yaa rabbi……

Maxaa keenay In Dhalinyaradda Soomaaliyeed Ay Noqdaan Kuwa Ugu Badan Ee Ku Dhammaanaya Tahriibka?


Inkastoo jawaabo badan ay yeelanayso su’aasha jawaabtan hadana waxaa muhiim ah inaan ka soo qaadano jawaabta ugu macquulsan ee wada kulminaysa dhamaan Sababaha ay dhalinyaradii Soomaaliyeed ka dhigay kuwo ugu badan ee meydadkooda badaha soo caariyaan, ama dhigay dayaca la iska indho tiray ee u haysta gudaha Soomaaliya ee ku dhalinaya safarada tahriibkan xawliga ah.

Marka hore nooca dhalinyarada ku dhamaanaysa Tahriibka waa kuwo ay da’doodu u dhaxeyso 18 ilaa 26 sano, waana dhalinyaradii waxbartay ee aqoontoodu u dhaxeyso Dugsi Sare ilaa Jaamacad, waa dhalinyaradii loo diyaarin lahaa hogaanka bulsho & kan deegaan ee mustaqbalka dhow, waxayna xaq u lahaayeen in loo sameeyo fursado ay nolol wanaagsan ku abuurtaan & jawi rajo weyn ku beera, lakin sidaa ma aysan helin oo waxaa ay noqdeen kuwo markii ay jaamacadaha ka soo baxeen aan aqoontooda qiimeyn iyo Shaqooyin ku helin, sidoo kale aan helin cadaalad dhiiro gelisa & Maamul u heelan horrumarinta fikiradooda wanaagsan ee ay nolol ku filan kaga heli karaan gudaha degaankooda.

Sidda aan wada ogsoonahay waxaa jira hooyooyin badan oo ubadkooda ku naf waayay tahriibka oo haatan ku sugan caasimada iyo deegaanada wadanka gudihiisa kuwaasoo meydkooda xitaa aysan nasiib ay ku aastaan u helin. Waxaa jiro dhalinyaro badan oo sidaas badaha ugu dhammaaday hadana ah kuwa ka baxay jaamacadaha wadanka, mudo sanado ah raadinayeen fursado shaqo laakiin ay ku guul dareysteen inay fursadahaas shaqo helaan, waxaana jiro sababo ay arintaan keentay inaanay xitaa ka  helin qiimeyn iyo soo dhoweyn wanaagsan dhamaan xafiisyada ay u shaqo doonteen, ayadoo mudnaanta laga siinayay Shaqsiyaad xagga siyaasadda iyo qoys ahaan kaga dhow madaxda maamulka iyo kuwo xafiisyada jooga. Xafiisyada maamulka deeganada ayaa waxaa ay xitaa faro geliyaan fursadaha shaqo ee ay hay’adaha madaxa banaan ee ka howlgala deegaanka u bixinayeen si siman, waxeyna siyaasadda maamulada deegaanka ku qasabta hay’adaha inay qaabilaan oo ay shaqo siiyaan shaqsiyaadka ay ayagu usoo xulaan, kuwaasoo lagu saleeyay hab beeleed ama hab siyaasadeed aan cadeyn.

 Hadii ay dhacdo in ruux dhalinyaro ah aan shaqo haysan uu isaga nagaado deegaankiisa wuxuu la kulmayaa daruufo nololeed oo aad u adag, waliba marka uu yahay ruux sanado badan tacliin soo waday oo taagan xiligii oo manaafaceysan lahaa, tan kale waxaa suuro gal ah ama si dhab ah uga jira wadanka Soomaaliya in ruuxaas dhalinyaradda uu la kulmayo dhibaatooyin xad gudubyo ah oo si fudud loogu geynayo xabsiyada ama jeelalka waa weyn asagoo aan waxba galabsan, mararka qaar waxaa dhacdo in dhalinyarada xabsiyadda lagu aruuriyo iyagoon waxbo galabsanin oo lagu eedaynayo inay UGUS ka tirsanyihiin. Inta badan waxaa la sheegaa dadkaas jeelalka lagu guro inay ugu badan yihiin dadka aan dadkooda siyaasadda waxbo ka ogeen lana fahansanyahay inaysan jiri doonin cid usoo gurmani doonta, mise ay yihiin in qabiilkooda yihiin qabiil aan hubaysaneen.

Marka aan isu geyno arimahaan iyo kuwo kale oo aanan haatan soo koobi karin ayaa waxaan dhalinyarada ku dhammaaneysa tahriibka ugu yeeri karnaa dad baxsad ah oo hadii ay helaan jawi ka wanaagsan kan ay hadda ka cararayaan ay ku nagaan lahaayeen dhulkooda ayagoo ku faraxsan. Waxaan halkaan jeclaani lahaa inaan ka sheego hadal kooban oo aan is leeyahay waa arin muhiim ah oo loo baahanyahay in si qaas loo fiiriyo, kaasoo ku salaysan siddii loo illaalini lahaa danaha guud ee umaddaan iyo dalkaan, bulshada iyo dalka jiritaankiisa waxay ku xerantahay dhisidda dhalinyaro saafi ah, lagu bixiyo caqli iyo dhaqaalaba. Waxaa haboon in maamulada kajiro wadankeena ay noqdaan kuwa u hogaansamo fikradaha bulshadaas ay u haayaan maamulka. Marwalba waxaa la gudboon deegaanadda wadankeena in la illaalshado dhalinyaradda wakhtiga dheer lagu bixiyay dhismaha garadkooda aqooneed si uu rajo  mustaqbal wanaagsan u yeesho wadanka. Waxaana nasiib daro iyo siyaasad xumo qaawan ah in uusan marna arinkaan damqeyn ama aysan ka xumeyn madaxda wadankeena dhibaatadaan ku habsatay dhalintii mustaqbalka.

Waxaan dhalinta ugu digayaa inay noqdaan kuwa samra, samirka waa wadada guusha mana ahan mid sahlan. Waa mid inta badan cadaw iyo colaad lagala kulmo. Waa mid u baahan karti, dulqaad iyo inaad Alle (S.W.T) talo saarato. Si ay guushaada u rumoowdo waxaad u baahantahay inaad ku guulaysato xagga samirka iyo dulqaadka, Insha’Allah dhalinta Soomaaliyeed wey guulaysani doonaan.  Waxaase hubaal ah in wadada halka ay ku dhammaato kalla kulmi doontid wax wanaagsan oo ku ilawsiiya cadawga iyo colaada aad la kullantay intii aad dhax kusoo jirtay. Safarka wadadaan waa mid u baahan dulqaad oo lalla matali karo waraabinta geed aad abuurtay oo aad subax walbo waraabiso, si dhawr sano kadib cadceeda looga harsado.

Fikirkaada Waa Muhiim