Neefsasho
Neefsashada caadiga ah waxay muhiim u tahay in uu qofka noolaado.

Waxyaabaha Keena Neefsasho La’aanta.

  • Dhaawac gaara qeybta neefsashada qaabilsan ee maskaxda.
  • Neerfayaasha ama murugyada neefsashada oo naafooba.
  • Dhibaatooyin gaaray sambabadda.
  • Hafasho.
  • Cudur

Calaamadaha neefsashada aan caadiga ahayn.

  • Xafabadka oo dhaqdhaqaaqa yareeya.
  • Dhawaq aan caadi ahayn ee uu qofka sameeyo markii uu neefsanaayo.
  • Dirqis mararka qaar.
  • Walaac farabadan.
  • Maqaarka oo midibkiisa isbadalo.
  • neefsashada oo saa’id noqota ama hoos u dhacda.
  • Qofka oo aan u istaagi karin si toos ah.

Sida loo hubiyo neefsashada

  • Hubi dhaqdhaqaaqa habdhiska caloosha ama qeybta xabadka.
  • Dhageeyso neefta sanka iyo afka ka soo baxeeyso.
  • tani waa in aysan kugu qaadan in ka badan 10 daqiiqo.

Badbaadinta Qofka Ay Neefta Ku Xirmatay.

breathingKu jilba jabsa dhibanaha dhinaciisa qeybta madaxa xigto si aad qofka ugu furto habdhiska neefsiga. Afka afka u gali kadib sanka u qabo kadibna afuuf si ay hawadaada u furto sambabada qofka cabursan.
Fiiri in xabadka dhibanaha kor u soo kacay markii aad hawadaada siineyso hadii uu kor u soo kici waayo waxaa jiro waxyaabahaan soo socda:

  • Dhuumaha neefta qaada oo xirma.
  • Hawo aan ku filneyn oo la siiyay sambabada dhibanaha.
  • Hawo aan ku filneyn oo ku jirto afka ama sanka gudahooda.

 

Fikirkaada Waa Muhiim