Jabka waxaa loo kala saaraa labo qeybood oo kala ah jab fudud (Xiran) iyo jab ay xaaladiisu adagtahay loona yaqaano jab furan.

Jab fudud (Xiran)

Majiro dhaawac gaaray maqaarka korkiisa meesha jabtay.

Jab Furan

Waxaa dhaawac gaaray maqaarka meesha jabtay. Waxaaa laga yaabaa in ay lafta meel ka soo jeedo.

 Siddee Lagu Ogaadaa in uu Jiro  Jab.

Qofka markuu dhaawaca gaaro waxaa wehliyo:

  • Xanuun
  • Qofka ma awoodo in uu isticmaalo xubinta jabtay
  • Qalooc aad ka dareento xubinta dhaawaca soo gaaray
  • Barar
  • Danqasho qeybta ay wax gaareen.

Gargaarka Degdegga ee Jabka Xiran

Meesha jaban ka dhig mid aan dhadhaqaaq lahayn si aad oga hortagto in ay laftu dhaawacdo tishuuyadda  jilicsan.

Tani waxay yarayn kartaa xanuunka kana hortigi kartaa qofka in uu shoog qaado.

  • Waxaa qeybta jaban looga ilaalinkaraa in ay dhaqdhaqaaqdo in lagu duubo joornaalo la isku duubay, Busto iyo ulo yar yar oo fidsan sidda alwaax.
  • Alwaax fidsan ka saar qeybta jaban ka dibna ku xir marooyin balaaran ama suun
  • Waa in laga saaro alwaaxda kor iyo hoos qeybta jaban.
  • waxaad ku xirikartaa lugta dhaawacan mida fiyow adigoo kala dhex galinaayo waxyaabo jilicsan sida suufka joodariga.
  • Gacanta jabtay waxaad ku xiri kartaa xabadka qofka jaban .
  • Qofka gacanta ka jaban u samee maro saddex geesood ah.

 

Fikirkaada Waa Muhiim