Dhaawacyada Xabadda, Tooreyda iyo caabuqyada kale ee qatarta ah.

Qatarta Caabuqa: Dhaawac kastaa oo ay keento xabad ama tooreey waxaa uu qatar ugu jiraa in uu caabuqo (Dangerous Infection). Hadii aad la kulanto dhaawacyada noocaan ah waa in aad qofka siisaa antibiotics gaar ahaan penicillin ama ampicillin. Qofka aanan laga talaalin cudurka Teetanada waa in la duraa cirbada tetanus antitoxin isla markaana waa in laga talaalaa cudurka Teetanada.

Dhaawaca Xabada ee gacmaha ama lugaha gaara

  • Hadii uu jiro dhiig bax saa’id ah jooji dhiiga.
  • Hadii uu dhiig baxa saa’id ahayn u sug xooga in uu dhiiga socdo tani waxay ka caawineysaa in ay naadiifiso dhaawaca.
  • Ku dhaq dhaawaca biyo la karkariyay iyo saabuun kuna duub faashad nadiif ah.
  • Hadii uu yahay dhaawaca mid ay xabad sababtay qeybta kore ka nadiifo hana isku dayin in aan wax ku mudo meesha dhaawacan.
  • Hadii aad aga shakiso in uu jiro jab yaanan la isticmaalin xubintaas illaa ay ka kabato.

Markii uu dhaawaca yahay mid qatar ah: Saro u qaad qeyta dhaawacan adigoo ka kor marinaayo wadnaha kana ilaali qofka dhaawacan dhaqdhaqaaq gabi ahaanba.

p091a


p091b

Hadii qofka loo fariisiyo sida sawirka ka muuqato waxaa ay yareysaa bogsashada waxayna ku keentaa qofka caabuq qatar ah kaas oo ay adagtahay sidii loola tacaali lahaa.

Qofka dhaawacan qoortiisa xadhig u gali kadibna gacanta ugu xir.

 


Dhaawacyada qatarta ah ee gaara xabadka

Dhaawacyadaan ayaa ah kuwa qatar ah sidaa dareed waa in aad raadsataa daaweyn dhab ah.

aid1184178-728px-Stop-Mild-Bleeding-During-First-Aid-Step-3-Version-2

  • Hadii uu dhaawaca gaaray sambabada hawaduna ay ka galeyso duleel kaas markii uu qofka neefsanaayo halmar dabool doleelka si ay hawada u galin. Mari Vaseline ama saliida qudradeysan kuna duub faashad adigoo ku xoojinaayo sidda kaaga muuqato sawirka.
  • U seexi qofka dhaawacan qaabka uu ku dareemaayo raaxo.
  • Hadii ay jiraan calaamado Shoog ah u samee qofka daaweyn dhab ah.
  • Sii antibiotics iyo painkillers (Xanuun baabi’iyo)

Dhaawaca Xabada ee madaxa

  • Ku dabool dhaawaca faashad nadiif ah.
  • Qofka u jiifi qaab in uu fadhiyo loo maleeyo.
  • Sii antibiotics (Penicillin).
  • Kadib u gudbi qofka goob caafimaad.

Dhawacyada ku gaara caloosha

Dhaawac walboo gaara caloosha ama mandhicirada waa qatar waa in daaweyn dheeraad ah loo sameeyaa.

  • Ku dabool dhaawaca faashad nadiif ah.
  • Hadii ay qeyb ka mid ah mindhicirka banaanka taalo ku dabool maro nadiif ah oo lugo qooyay biyo cusbeysan oo la karkariyay.
  • Hadii qofka dhaawacan uu Shoogsanyahay luguhiisa ka sara mari madaxiisa.
  • Haka siin afka wax cunid ama cabid ah.
  • Hadii uu qofka ooman yahay waa in uu ka dhuuqaa biyaha maro la qooyay.
  • Hasiinin enema, xitaa haday caloosha bararto.

NB/  Hasugin shaqaale caafimaad ee sida ugu dhaqsiyaha badan u gee jofka dhaawacan goobta caafimaad ee kuugu dhaw.


 

Fikirkaada Waa Muhiim