Dhalinyaradu waa kuwa ugu badan dalka Soomaaliya, ugu dhawaan boqolkiiba 75 waa dad ay da’doodu ka yartahay 35 sano, sidaa awgeed dhibaatooyinka ay dhalinyaradu wajahaan waa kuwa aan la qayaasi karin waxaana ka mid ah, in aysan haysa waxyaabaha daruuriga u ah noolashooda, helidda waxbarashada iyo shaqooyinkuba. Kadib markii ay dhalinta waysay waxyaabihii ay noolashooda ku dhisi lahaayeen ayaa waxaa ku dhacay jaho wareer    iyo niyad jab markaas ayay door bideen in ay ku dhaqaaqaan waxyaabo noolashooda qatar galiyay sidda Tahriib, Burcad Badeed, Mooriyaanimo iyo in ay ku kacaan dhac.

Waxaa ka hadlay dhibaatooyinka haysta dhalinyarada Soomaaliyeed dhamaan qeybaha kala duwan ee warbaahinta caalamka balse ma’aysan diirada saarin waxii looga bixi lahaa dhibaatoooyinkaan qotada dheer, hadaba waxaan halkaan aga hadli doonaa waxyaabaha xalka u ah dhibaatooyinkaan oo aan isleeyahay haddii la sameeyo dhalinteena waa ay ku badbaadi karaan:

  • Waa in loo helo dhalinta Iskuulaad lacag la’aan ah.
  • Waa in loo furo koleejooyinka lagu barto farsamada gacanta.
  • Waa in loo sameeyo shaqo abuur.
  • Dowladda Soomaaliya waa in ay si cadaalad ah dhalinta wax soo baratay shaqooyinka u siiyaan.
  • Waa in la sameeyo wacyigalin badan oo looga soo horjeedo shaqaaleysiga dhalinta aan qaan gaarin sidda ka dihista askarta.
  • Waa in lagu beero dhalinyarada wadaniyadda, iyo muhiimada uu leeyahay dalkeena hooyo.
  • Shaqooyinka muhiimka ah ee la siiyo dadka aan wadanka u dhalan waa  in la siiyaa dhalinyarada Soomaaliyeed ee waxbaratay.

Kaddib markii aan ku sameeyay cilmi baaris dhalinyarada Soomaaliyeed waxaan ogaaday in dhalinta Tahriibka gasho ay u badan yihiin kuwa waxbartay maadaama ay ku fashilmeen rajadii ay ka lahaayeen waxbarashadooda xiligii ay ku jireen wax barashada rajadaas oo ahayd in ay helaan shaqo wanaagsan oo ay wax ugu tari karaan naftooda iyo waalidkooduba.

Ugu dambeeyntii waxa kaliye ee dalkeena dhibaatada qabyaaladda aga bixi karno waa in aan wax barano ee wax barashada ha noqoto dariiqadeena noolaleed.


 

Fikirkaada Waa Muhiim