Waa Maxay Shoog?

Shoog waa xaalad ku timaada markii uu wareega dhiiga istaago ayadoo sabab ay u tahay goortii qeybaha jirka ay helaan dhiiga oksijiinka leh ee aan ku filneyn.

Tani waxaa sababi karo markii

  • Markii uu qofka si aan la xadidi karin u dhiig baxo
  • Markii uu qofka dhumiyo dhacaanada fuuq bax awgeed ama dhidid badan.
  • Trauma ( Markii ay qofka ku timaado dhaawacyo qatar ah.
  • Xiliga ay qofka la soo daristo arimaha dareenka.
  • Cudurada ku dhaca habdhiska neefsashada kuwaasoo dib u dhiga wareega dhiiga.
  • Gastrointestinal diseases (Cudurada ku dhaca mandhicirada kuwaaso joojiya waxa loo yaqaan electrolyte balance kadibna burburiya unugyada.

Maxaa lagaagga baahan yahay in aad eegto.

  • Isbadalka maskaxda.
  • Murugo iyo nasasho la’aan.
  • Maqaarka oo midibkiisa isbadalo.
  • Neefsasho saa’id ah iyo garaaca wadnaha oo kordha.
  • Qofka oo suuxa xiliga uu shooga qatar yahay.

Waxa loo qabto markii uu qofka shoogsan yahay.

Ka dib markii aad xaliso waxyaabaha qatarta ku ah qofka shoogsan waa in aad raacdaa nidaamkaan soo socda:

  • U jiifi qofka shoogsan dhabar dhabar.
  • Kor u qaad lugaha qofka 8-12cm si uu dhiiga ugu soo laabto wadnaha.
  • Ka hortag in uu qofka jirkiisa lumiyo kulka, ku dad busto ama maro adag.
  • Hasiin qofka shoogsan cunid iyo cabid midna.

 

Fikirkaada Waa Muhiim